Diintu miyey xaqirtay xuquuqda dumarka?

Diintu miyey xaqirtay xuquuqda dumarka?

Sida asalka ah qof kasta rag iyo dumarba wuxu leeyahay wixi uu kasbado sida laga fahmayo aayadda 34-aad ee suuradda al-Nisaa, taasoo ka dhigan inuuna jirin qof loo eexday iyo mid laga eexday midna.

Waxa uu qofku kasbadana wuxu noqon karaa wax uu shaqaysto ama la siiyo ama uu dhaxlo ama la daymiyo, taana waa arin rag iyo dumarba laga siman yahay. Laakiin maadaama aan fiqiga si fiican loo fahmin waxaad arkaysaa meelo gabdhaha la siiyey xuquuq ayna lahayn sida meherka maxaa yeelay biilka iyo meherku hal wax bay isku ahaayeen ee ma ahayn laba shay oo kala duwan.

Sidoo kale waxaa jirta xuquuq dumarka lagu gaar yeelay sida xirashada dahabka iyo xariirta iyadoo uuna quraanku kala saarin sida laga fahmayo aayadda 32-aad ee suuradda al-Acraaf, taasoo laga qaadanayo in xadiisyada ragga ka xarrimaya dahabka iyo xariirta ay daciif yihiin.

Laakiin xuquuqda ay dumarku lahaayeen ee ayna helin ayaa ka badan midda la siiyey, taasoo lagu arkayo baab kasta sida dhaxalka, safarka, dalaaqa, lebiska, madaxnimada ama kuwa ciqaaba ah oo ayna mudnayn sida addoonsida galmada ku dhisan, garaacidda iyo kuwa kale.

Arrimaha aan soo sheegnay ee ay dumarku ka cawdaan markii loo noqdo quraanka mid keliya oo sax ahi kuma jirto, hadi aan hal hal u xusnana wuxu xugunkoodu noqonayaa sida soo socota;

1) Garaacidda:

Aayadda 229-aad waxay caddaysay in gabadha la qabo is furan karto hadi ay sino ku dhacdo sida inay celiso wixi ay ninkeeda ka qaadatay muddada ay ninka danbe la macaamishay hadi aan la cafin sida laga fahmayo aayadda 11-aad ee suuradda Mumtaxina, aayadda 34-aad ee suuradda al-Nisaana in la garaaco hadi ayna is furan ama la cafin, aayadda 2aad ee suuradda al-Nuur na waxay caddaysay in qofkii lagu yeesho 100 maalin oo biila lagu dhufto 100 jeedal hadi uuna is furan ama la cafin rag iyo dumarba sidaa darteed ma jirto meel ay ku taal in ninku naagtiisa garaaci karo hadi ay ku caasido.

2) Safarka:

Qofku wixi danihiisa la xiriira isagaa go’aankiisa iska leh sida inuu safro, inuu joogo, inuu wax sadaqaysto iwm, sidaa darteed wixi xadiisa ee ka reebaya dumarka inay safraan wuxu noqonayaa wax ku eg waqtigii nebiga csws, maxay yeelay marka keliya ee qofka laga reebi karo wax dantiisa ah waa marka dhib uga imanayo, sidaa darteed hadi qofku u safrayo meel aamin ah rag iyo dumarba way u bannaan tahay, hadi aan amni jirrinna uma bannaana labadaba.

3) Dalaaqa:

Asal waxay ahayd inay gabadhu xaddiddo inta la qabayo ama inta cunug ee ay dhalayso sida nebi Muusaba loogu qabtay muddo u dhaxaysa 8-10 sano markii gabadha lagu darayey sida laga fahmayo aayadda 27-aad ee suuradda al-Qasas, maxaa yeelay laba qof oo kasta oo wax dhex maraan waxaa waqtiga xaddida qofka wax laga ijaaranayo, sidaa darteed ninku wuu fasixi karaa gabadha inta aan muddadu dhammaan laakiin hadi ay dhammaato kuma darsan karo hadi aan loo jadiidin, sidaa darteer in gabadha lagu xidho meher daa’im ah oo aan lagala tashan maaha arin diintu qabto.

4) Madaxnimada iyo shaqada;

Shuruudda xuquuqda waxaa ka mida wixi la wadaago sida maal, dhul, shaqo, awlaad iwm in la wadaago taladiisa, manficiisa iyo hawshiisa.

Dawladina waa wax ka dhexeeya ummad isugu jirta rag iyo dumar, sidaa darteed wixi tala ah ama shaqo ah ama manfaca raggu kama xarrimi karo dumarka, maxaa yeelay maaha wax ay iyagu gaar u leeyihiin, dumarkuna ragga kama xarrimi karaan, sidaa darteed

xadiisyada laga qaatay inaan dumarku madax noqon karin waxay ka hor imanayaan aayadaha sugaya xuquuqda dadka rag iyo dumarba sida aayadda 34-aad ee ah in qof walba xaq ku leeyahay wixi uu kasbado, dawladina waa in la maamulo dhul, maal iyo dad oo ah 3 arrin oo la kasbado rag iyo dumarba ama laga dhaxlay dadkii hore oo qof kasta xaq ku leeyahay.

5) Guurka adoonsiga ku dhisan (mulku yamiin);

Aayadda 24 ee suuradda al-Nisaa waxay ku saabsanayd inayna ninkaka u bannaanayn dumar ragga kale qabo, sidaa darteed aayaddu waxay kala saaraysey dumarka ninku qabo iyo kuwa ragga kale qabo, culimada qaarna waxay u maleeyeen in laga wado dumar xor ah iyo kuwa aan xor ahayn, maxaa yeelay aayadda 19 ee suuradda al-Nisaa ayaa lagu caddeeyey inaan dumarka xoog lagu dhaxlin (guursan), sidaa darteed diintu waxay shardisay in guurku ku yimaaddo heshiis laba dhinaca sidaa darteed guur kasta oo hal dhinaca ma ansaxayo.

6) Dhaxalka,

Wixi dadku is dhaafsadaan sida in wax la kala iibsado ama in qof loo shaqeeyo ama wixi dayn ah ama ciqaaba waxaa shardiya inay yihiin wax isu dhigma.

Laakiin wixi la wadaago sida maal, dhaxal, shaqo waa la kala badsan karaa maxaa yeelay hadi ay maal tahay qof walba waa inta uu ku darsaday, hadi ay shaqo tahayna qof walba inta uu qabtay, hadi ay dhaxal tahayna qof waliba inta uu u jiro qofka la dhaxlayo ama uu u taray.

Sidaa darteed hadi dad kala fog ay wax dhaxlayaan qofka dhow ayaa wax badsada, hadi laba qof oo siman sida laba waalid ama wiil iyo gabar wax dhaxlayaanna marna way sinmaan marna way kala badsadaan.

Tusaale; hadi hooyada iyo aabahu si siman waladka u koriyaan isku dhaxal bay noqdaan, hadi aabbuhu koriyo waladka keligiis sida labada waalid is furay wuxu aabbuhu qaadan 2meel, hooyaduna hal meel.

Taasoo ka dhigan caruurtu inta ay yar yar tahay ee ayna gaarin waqti ay waalidka wax u tari karaan inay isku xuquuq yihiin. Marka ay waynaadaanna waxaa wax badsanaya ciddii wax badan u tarta waalidka.

Sidaa darteed marka la leeyahay raggu sulusayn ha qaateen waxaa laga wadaa sida qaalibka ah waxaa wax badsada ragga maadaama raggu ka wax qabad badan yahay dumarka ee lagama wado in raggu mar walba wax badsadaan.

7) Xijaabka;

Marka1aad erayga xijaab isaga oo lebis ku saabsan kuma soo aroorin quraanka, in culimadu marka ay ka hadlayaan lebbiska gabdhaha ay cinwaan uga dhigeen erayga xijaabna waxay keentay inay fidiyaan fahan aan quraanku qabin oo ah in gabdhaha nuurka laga qariyo ragguna sidii uu doono u lebbisto.

Hadi aan dib u fiirinno aayadaha ku soo arooray asturaadda, aayadda 31ee suuradda al-Nuur waxay xaddidey in dumarku dharka ka xirtaan inta u dhaxaysa garbaha iyo canqawyada (cidhbaha korkooda).

Aayadda 59 ee suuradda al-Axsaabna waxay amartay dumarka inay dharka u dhoweeyaan korka macnaha inaan la xidhan dhar balafbalaf ah oo qofka cawradiisu ay faydmayso hadi dabayli timaado ama aan dhaxanta celinayn.

Aayadda 6aad ee suuradda al-Maa’idana waxay caddaysay inta laga waysaysano rag iyo dumarba sida wejiga, madaxa, gacmaha ilaa suxullada iyo lugaha ilaa canqawyada oo ah inta aan la amrin in dumarku qariyaan, taasoo laga qaadanayo arrimaha soo socda;

  1. A) In raggu asturayaan inta dumarku asturayo in la mida.
  2. B) In dumarku bannaynayaan in le’eg inta raggu banneeyo.
  3. C) In aayadda 31 ee suuradda al-Nuur iyo aayadda 6aad ee suuradda al-Maa’ida yihiin laba aayad oo is kamilaya oo midi ku tusayso inta la asturayo midna inta la bannaynayo, taasoo ka dhigan inaan la kala saarin ragga iyo dumarka marka laga hadlayo xagga dhar xirashada.
  4. D) In xadiiska ka hadlaya in dumarku qariyaan korka oo dhan marka laga reebo wejiga iyo calaacalaha (gacanta inta wax lagu qabto) inuu yahay xadiis daciif ah oo ka hor imanaya quraanka.

Gunaanad;

In ragga laga xarrimo wax u bannaan ama dumarka laga xarrimo wax quraanku u banneeyey waxay daliil u tahay in farqi u dhexeeyo fiqiga inoo qoran iyo quraanka, taasoo ay ka dhalanayso su’aalaha soo socda sida ma fiqigaan raacnaa mise quraanka?, maxaa se keenay inay is khilaafaan?, sidee uga xoroobi karnaa fiqi khilaafsan quraanka iyo kuwa kale, waana mas’uuliyad qof kasta saaran loona baahan yahay inuu ka qaato wixi uu awoodo.