1969: Kacaan Mise Afgambi

Kacaan waa bulsho ka gilgilatey falalka ka soo fulaya maammulka ay hoos joogaan, ujeeddadada kacdoonkoodu na tahay in ay isbeddel dhaliyaan. Tusaale waxaa ah kacaankii ka dhacay dalka TUUNIISIYA. Haddaba, 21kii Oktoobar 1969kii ma bulsho kacdoontay baa dawladdii jirtey riddey mise askar ayaa afgambidey? Dabcan jawaabtu waa caddahay oo waa: askar baa afgambidey. Su’aal kale, ma bulshada Soomaaliyeed baa intey kacday oo dariiqyada u soo baxday nidaamkii markaas jirey gilgishey, dabadeed ayaa askartu si ay dawladnimada u badbaadiso taladii ula wareegtey? Iyada na jawaabtu wey caddahay oo waa MAYA.

Kolkaas ereyga KACAAN waxaa loogu talagalay in ummadda lagaga qariyo afgambiga iyo khayaanada dawladeed ee dhacday Oktoober 21keedii, loogu na tuso in askartu ay falka u samaysay iyadoo ka tarjumeysa dareenka bulshada Soomaaliyeed. Waxaa na iska cad in uusan dhicin kacaan ee wuxu uu ahaa afgambi xukun jacayl u sabab ahaa.

 

BADBAADIN WADDAN?

Fikradda afgambiga waxaa lahaa Maxamed Siyaad. Ujeeddadiisu waxay ahayd oo keliya in uu xukunka qabsado. Maadaama uu ahaa taliyihii ciidammada, isaga ayaa isku dubbaritey askaraha la shaqaynayey, fikraddiisana ka dhaadhiciyey. Haddii ay waddaninnimo ka ahayd iyo waddanka oo uu badbaadinayo, muxuu waddanka u badbaadin waayey goor uun ka mid ah 21kii sano ee uu meesha iska hawaarey? In waddanku jar ka sii dhacayo wey u muuqatey, muxuu talada ugu soo celin waayey ummadda Soomaaliyeed ee uu ka farammaroorsaday?

Teeda kale, waddanku ma halis buu ku jirey laga badbaadiyo? Sow dawlad waddanka oo dhan iyo xuduuddadeeda iyo ammaankooda hanatay oo kala dambayni ka jirtey oo amarka dawladda ka soo fulaa uu gaarayey qofka ugu hooseeya sallaanka ma ay ahayn? Ma waxaa jirey burbur hannaan maammul oo qaybo waddanka ka mid ahi ay dawladda gacanteeda ka baxeen? Ma ammaanka ayaa khalkhal galay oo dadku hantidooda iyo naftooda ayey u baqayeen? Haba yaraatee ma jirin wax halis ah oo dawladnimada Soomaaliya ay ku sugnayd xilligii afgambigu dhacay. Ciddii u aragta in waddanku halis ku jirey, bal ha nala wadaagto halistu nooca ay ahayd iyo sida ay u jirtey.

Waxaa jirtey in madaxweynihii waddanka uu diley askari ka tirsan ilaaladiisii. Waa wax dhaca in madaxweyne la dilo. Waddanku wuxuu lahaa nidaam caqabaddaas oo kale laga ga gudbo oo Ra’iisal Baarlammaanka ayaa haynayey jagadii madaxweynennimada ilaa xisbigii uu madaxweynaha dhintay ka tirsanaa ay soo saaraan qof noqda madaxweyne oo dhammaystira muddadii xisbigooda loo doortay in ay talada hayaan. Kolkaas,in madaxweyne la dilo ma waxay muujinaysaa in waddankaas amnigiisu khalkhalay mise waa arrin dhici karta iyadoo waddanku kala dambayn iyo hannaan dawladnimo oo buuxda leeyahay? Waxaan qabaa in ay tahay arrin dhici karta oo aan ku xirnayn waddan kala dambayntii luntay. Teeda kale, inqilaabka waxaa la bilaabay diyaarintiisa sannad iyo siyaado ka hor inta aan madaxweynaha la dilin. Kolkaa qorshuhu hore ayuu u jirey ee arrinta dilka madaxweynaha ayaa looga faa’iideystey in ciidammada la dhaqdhaqaajiyo oo meelihii loogu talaggalay oo inqilaabku ka fuli lahaa la geeyo.

 

WAXQABAD MISE DAWLAD TIRID?

Soomaalidu waxay ahayd dad qabaa’il ah oo kala madax bannaan. Kolkii ay ina qabsadeen gumeystayaashii reer Yurub ayey taladeenna meel isugu keeneen oo gacantooda ina ku soo ururiyeen. Markii aan xorriyadda ka qaadannay ayey taladeennii oo urursan ina ku wareejiyeen. Innagu waxa keliya ee aan sheegan karnaa waa in aynnu midaynay labadeennii qaybood oo hal dawlad isku noqonnay. Halkaa waxaa inoo ka cad in aynnaan dawladnimadeenna ku keenin geed aan wada fariisannay ee ay ahayd mid gumeysigii ina ku wareejiyey.

Dawladnimadii sidaas ahayd xaggee ku dambaysey? Sow jawaabtu ma aha in ay ku burburtay gacanta Maxamed Siyaad? Bal ka feker oraahdaan: Maxamed Siyaad wuxuu Soomaalida taladeeda boobay iyadoo dawlad ah, iyadoo aan dawlad lahayn na waa ka tegey! Markii uu talada la wareegey ba wuxuu baabbi’iyey hannaankii dimuqraaddiyadda oo dawladnimada la iskaga dhaxli lahaa. Wuxuu laalay dastuurkii, wuxuu kala eryey baarlammaankii, wuxuu albaabbada u xiray maxkamaddii sare oo madaxa bannaanayd. Taladii wuxuu ka dhigay mid isaga jeebka ugu jirta. Si kale haddaan u dhigo, dawladdii isaga ayaa noqday. Markii uu waddanka ka baxayna dawladnimo kama harin, maxaa yeelay isaga ayaa ahaa dawladdii.

Waa run oo wax badan baa qabsoomay intii askartu xukunka haysey lama na inkiri karo. Laakiin dawladda waxaa waxqabadkeedu qiimo leeyahay markii dawladnimadii laga dhaxlo oo hannaankii sii socdo ee haddii dawladnimadii ba ay meesha ka saareen, sida ay aniga ila tahay xusid ma mudna waxqabadkoodii. Soomaalidu waxa ay haysato waxaa ugu qiimo badnaa dawladnimada iyadiina wey lumiyeen. Bal wixii ay qabteen miisaan saar, miisaanka kale na dawladnimadii ay lumiyeen saar, maxaa kuu soo baxaya? Haddii nin qof dilo, laakiin inta uusan dilin uu u arradtiro, oo dhergiyo hadhow ma waxaa la oran karayaa waa in la xusaa in uu dhaqaaleeyey mise dilka ayaa isku fuuqsanaya wixii oo dhan? Aniga waxqabadka la sheegayaa wuxuu iila mid yahay qof intaan la dilin casho fiican la siiyey!

Dhan kale haddii aan ka eegno, haddii dooddu tahay: askartii dhaqaalaha ayey kobciyeen, waxbarashada ayey kiciyeen ilaa heer jaamacadeed, warshado ayey sameeyeen, af soomaaliga ayey far u sameeyeen.Bal aan is weydiinnee hadda dhibta ina haysataa ma warshado la’aan baa, ma waxbarasho iyo jaamacado la’aan baa, ma dhaqaale la’aan baa? Jawaabtu waa MAYA. Waxyaabaha qaarkood hadda ayeynnuba ku horraynnaa ee waxa aynnu la’nahay waa DAWLADNIMO. Iyada na askartii baa ina seejisey!

 

EEDDA YAA LEH: JABHADIHII MISE ASKARTII?

Horta askartu waxay inqilaabtay waddan dimuqraaddi ah oo Afrika oo dhan tusaale loo soo qaato. Bal isu eeg Carabaha hadda ku kacay kelitalisyada xukuma oo dimuqraaddiyadda doonaya iyo innagu in aynnu dimuqraaddiyad waddadeed cagta saarnay 1960. Waa 50 sano iyo dheeraad ka hor. Bal malee haddii aan askartu xukunka la wareegin heerka aynnu joogi lahayn? Marka aan horummar meesha la soo gelin ugu yaraan waxaynnu haysan lahayn dawladnimo 55 sano jir ah! Bal ka warran min 1960 ilaa 1969 in uu jirey xorriyadda hadalka iyo tan saxaafaddu ba. Bal ka warran haddii aad doonto in aad wargeysyada ama suuqa dawladda iyo xataa madaxweynaha ka dhaliili kartey oo aan cidina ku xireyn. Bal ka warran haddii aad eex tirsato iyo musuqmaasuq in aad dariiqyada iyo meelaha lagu kulmo si bareer ah uga sheegan kartey dhibta aad tirsaneysid. Bal ka warran haddii 9-kaas sano aanu jirin qof siyaasad loo xiray – marka laga yimaado askartii in ay woqooyiga goosato isku dayday oo iyaga na maxkamadi sii deysey. Bal ka warran waqtigii askarta na haddaad GUULWADE SIYAAD safka iskuulka ka qaadi weydo in lagu xirayey!

Haddaba, iyadoo dimuqraaddiyaddaasi jirto ayey askartu qabsadeen. Waxay diideen in ay doorasho qabtaan. Maxammed Siyaad wuxuu go’aansaday in uu kursiga ku fadhiyo inta uu noolyahay, hadhow na carruurtiisa uga tago sida Carabta. In nin kursi ummadda ka dhexeeya iska fariisto sidii hanti uu isagu leeyahay sow khalad ma aha? HAAH. Ciddii diiddaa sow gar uma laha diidmadaas? HAAH. Kolkaas jabhadihii ku kacay gar bey u lahaayeen in ay diidaan in khasab nin isaga fadhiyo kursiga una haysto talada dalka, qofkii ka aragti duwanna dilo ama xiro.

Maxamed Siyaad laba dembi buu galay: 1) In uu talada boobay iyo, 2) in uu soo celin waayey taladii isagoo haystey muddo uu kaga fekero (21 sano), weliba na uu arkayey in waddanku halis iyo kala daadasho ku sii socdo. Kolkaas aragtidayda in laga horyimaadaa gardarro ma ahayn, maxaa yeelay qori buu ku haystey qori uun baana laga fujin karey.

Waxaa lagu doodaa in jabhaduhu ay cadow soojireen ah u galeen oo hub ka soo qaateen, oo waddankoodii ku soo duuleen. Waa arrin caadi ah in haddii jabhadi waddan ka dillaacdo ay ka soo duullaan tagto waddan waddankeeda deris la ah. Kolkaas, arrintaas doorasho kuma imaan ee dan baa keentay. Haddii Sucuudigu deris ina la yahay isaga ayey saldhig ka dhigan lahaayeen. Midda kale, askartu intey waddanka jajuub ku qabsadaan, haddana dadka ka soo horjeeda uma fadwoon karaan waddanka ay saldhigga ka dhiganayaan ee arrinta waxaa xukumaya caqliga iyo danta sida hadba ay kuwa halgamayaa u arkaan.

 

JABHADIHII MAXAY DAWLAD U DHISI WAAYEEN?

Sidaan rumaysnahay jabhaduhu in ay ku kacaan keligi-taliskii kuma gardarrayn. Waxaa eeddu qabaneysaa markii ay dawladdii dhacday ka dib. Waxaa lagu eedayn karaa in aysan dawladnimo yagleelin. Horta sidaan hore u sheegnay dawladnimada innagu ma yagleelan waagi hore ba. Markii Askarta xukunkeedii dumey xaaladdeennu waxay ku noqotay sidii aynnu ahayn gumeysiga ka hor oo ahayd qabaa’il aan talo u urursanayn.

Laba jabhadood ayaa firfircoonaa markuu taliskii meesha ka baxay. Waa USC iyo SNM, marka laga reebo SPM oo iyada isla bilawgiiba loo sheegay in ay habeen gudayeen ee ay la mid yihiin Siyaadkii xukunka laga tuuray. Haddaba, maxay dawlad u dhisi waayeen labadaas jabhadood?

 

USC :

Ma ahayn dad habaysan oo kala dambayn leh, qof kasta oo qabiilka ka tirsan ayaa ku biiri karey marka iyo meesha uu doono. Nin ayaa waxaa ku taagnaa laba waran. Mid barida kaga taagan iyo mid isha kaga taagan. Waxaa la weydiiyey kan uu rabo in marka hore laga bixiyo. Wuxuu ku jawaabey ‘ kan barida iga bixiya bal aan fariistee’. Jabhadda USC carada ay dawladda u qabeen waxaa uga darnayd mid ay reer gaar ah u qabaan. Arrintaas ayaa majarihii ka lumisay. Caradoodu kuma salaysnayn xaq ka maqan ama dhib gaar ah oo ay dawladdii askartu u geysatey. Caradoodu waxay ku saabsanayd habdhaqanka bulshada Soomaaliyeed. Marka aan u sii fiirsaday wax badan waxaa ii soo baxay: in ay sida loo la kaftamo ka caraysnaayeen. Maxaa yeelay, markii burburku dhacay qof walba oo iyaga ka mid ahi (inta badan) wuxuu raadsadey saaxiibkiis, deriskiisii, shaqa-wadaaggiis iyo intii ay kaftami jireen si uu u dilo. Kolkaas, fursaddii ay u heleen in ay Soomaalida soo kabashadeeda hoggaamiyaan waxay uga faa’iidaysteen in ay ku cara baabba’aan. Ogoobeey haddii haba yaraatee hab-fekerkooda dawladnimo ku jirto, Bardacad iyo Siyaad Barrihii uu 20 sano ku dhowaad u xirnaa isku dhinac uma carareen. Xuseen Kulmiyihii madaxweyne-ku-xigeenka Siyaad Barre u ahaa 21 kii sano na gurigiisa Xamar nabad kuma joogeen!

 

SNM:

Iyagu sida loo la kaftamo kama ay caraysnayn. Waxaad na mooddaa in cadaawaddooda badankeedu dawladda ku jihaysnayd, walow ay qabyaaladi na meesha ku jirtey, haddana weyraxa ka dhacay Xamar wax u dhowi kama dhicin dhulkii ay qabsatay SNM. Dhib badan oo gaartey iyo qax badan ayaa jirey oo dhimbisha caradooda salka ka afuufayey. Su’aashu waxaa weeye: dedaal intee le’eg bey geliyeen soo kabashada Soomaalida? Waxaan oran karaa WAXBA! Arrinta ah in ay Ingiriiska goonni madaxbannaanidooda uga qaateen ayaa mushkilad ku ah oo hadba talada ay markaa u fadhiyaan la faraggelisa. Haddii ay tirsadaan wax yar oo 5 daqiiqo oo wada hadal ah lagu dhammayn karo, markiiba waxay u boodayaan goonni ahaansho (gaajo guri og). Markii lixdankii la midoobey wax yar ka dib, waxay sheegteen in laga bursaday oo aysan helin wixii ay xaqa u lahaayeen. Markii waddanku burburay oo Xamar waalatay, iyagu waxay haysteen caasimaddii labaad. Soomaalida wey marti qaadi kareen, dabkii dawladnimada wey shidi kareen , waxay doonaanna wey noqon kareen. Maxaa ka hor istaagey taas oo meeshii ay waddankoo dhan masuul isaga dhigi lahaayeen ay u door bideen in ay xuf yar goostaan? Ma ogi, laakiin waxaa muuqata in ay wax weyn doonaan xagga awood qaybsiga, laakiin xagga masuuliyadda markii ay noqoto in aysan ku dhiirran in ay u babac dhigaan!

 

GABAGGABO:

1) Kacaan ma dhicin ee afgambi baa dhacay
2) Afgambigu wuxuu ahaa dembi ummadda Soomaaliyeed laga galay. Waxaana loo sameeyey hamuun uu Siyaad u qabey xukunka. In aan loo hoggaansamin na xaq baa loo lahaa maalintii koowaad ba.
3) Ma jirin halis waddanku ku jirey oo askartu ka badbaadisey. Xaqiiqdii iyaga ayaa halis geliyey waddanka aakhirkii na dawlad tiray.
4) Askartu Soomaalida waxay waasiiyeen wixii ugu muhiimsanaa oo aysan sahal ku keeni karin oo ahayd QARANNIMADII.
5) Jabhaduhu ( USC & SNM) eed kuma leh in ay ka hor yimaadaan keli taliskii. Waxay eed ku leeyihiin in ay markii hoggaamintooda loogu baahi weynaa mid ba cillad soo jireen ahi ku noqtay qodax hankooda banjarisa, ayna noqon waayeen niman berri salaama ula dabaalan kara dawladnimada hafatay ee Soomaalida.

 

Qoraalkaani waa fikradaha aan qabo. Wey khaldanaan karaan, doodna waa laga qabi karaa, waa na soo dhoweynayaa.

Mahadsanid akhrido/akhriye.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code