Mudane Ibraahim iyo Ubaxa Quraanka

Sheeko asal ahaan ka soo jeedda Hindiya, wadaaddada Buudiguna ay ka xalladeeyaan, ummadaha badankooduna ay siyaabo kala geddisan u tebiyaan ayaa waxay leedahay:

Waa waayaha ka mid ah, ayaa boqor socdaal indho-indhayn ah wuxuu ku kala bixiyey deegaanno ka tirsan dhulkii ay ku kala noolaayeen shacabkii uu boqorka u ahaa. Boqorka iyo waftiga la socday waxay fuushanaayeen maroodiyaal waaweyn oo awoodda iyo heybadda boqorku ay ka muuqato. Intii ay socdaalka ku jireenna waxay tageen deegaan aan maroodi laga aqoon, dadkii deegaankuna waxay daawasho ugu dhaqaaqeen maroodiyaasha oo yaab iyo amakaag ku reebay.

Dadka maroodiga booqashada ugu yimid waxaa ka mid ahaa saddex nin oo indho la’aa. Saddexdii nin ee indhaha la’aa mid maroodiga wuxuu ka taabtay faanta, midna addimada midna saynta. Kolkii ay guryahooda ku laabteenna dadkii guryaha joogey baa ka codsaday in ay u tilmamaan sida maroodigu u eg yahay. Ninkii faanta ka taabtay wuxuu yiri: Maroodigu wuxuu u eg yahay tuubbo weyn, kii lugta taabtayna wuxuu yir: mayee wuxuu u eg yahay geed weyn jiriddiis, kii saynta taabtayna wuxuu yiri: mayee wuxuu u eg xaaqin/minfiiq.

Dabadeed, markay ogaadeen in ay kala aragti duwan yihiin waxay bilaabeen in mid walbaa uu ra’yigiisa ku adkaysto, ayna dagaallamaan iyada oo mid kastaa uu labada kale ku eedaynayo in ay yihiin beenaalayaal, wax aan jirin dadka u sheegaya.

 Saddexda nin maroodiga waxay ka bixiyeen saddex aragtiyood oo kala duwan, iyada oo mid walbaa uu ka duulayo waxa maskaxdiisa ku jira iyo khibradda uu horay duruufaha nolosha uga kasbaday. Mid kastana wuxuu iska indhotiray dareenka iyo khibradaha kuwa kale. Saddexda nin kee baa saxan? Kee baa khaldan? Kee baa been sheegay?

Runtii, mid wada saxan iyo mid wada khaldan midkoodna ma jiro, ee walax qura ayaa midba dhan keliya ka eegay, taasina waxay keentay in uu qaato aragti kala dhimman. Dhammaantood waxay ka ilduufeen in xaqiiqadu wajiyo badan yeelan karto, marka lagu kala aragti duwanaadana aysan macneheedu ahayn in cid khaldan tahay, balse ay suurogal tahay in qolo kastaa ku saxan tahay dhanka ay wax ka eegtay, jaahilna ka tahay dhinacyada aysan ogayn.

 Dadka diimaha u dhuundaloolaana waxay rumaysan yihiin in diimuhu muuqaalka kore ku kala duwan yihiin, balse nuxurka iyo ulajeeddooyinka guud ay wadaagaan. Waxayna yiraahdaan: diimuhu waa hal xaqiiqo oo wajiyo badan leh. Tusaale ahaan, Hindidu waxay leeyihiin ilaahyo tiradoodu ka badan tahay 300 oo Ilaah, haddana waxay yiraahdaan saddexdaas boqol ee Ilaah mid waliba wuxuu u taagan yahay sifo ka mid ah sifooyinka Alle, oo wuxuu qabtaa hal shaqo oo ka mid ah shaqooyinka badan ee Ilaaha weyn u yaal . Waxaana ognahay in muslimiintu ay rumaysan yihiin hal Ilaah oo 99 magac ama sifo leh.

Marka mar walba Ilaah waa mid, laakiin waxa kala duwan sawirka aadamigu ka bixiyaan. Culumada Islaamkuna run bay sheegeen markii ay yiraahdeen: “Waddooyinka Alle tagaa waxay tiro le’eg yihiin neefta abuurkiisa /الطرق إلى الله بعدد أنفاس الخلائق”.

 Lixdamaadkii qarnigii tagay, Paris  waxay ahayd magaalo weyn oo bilic iyo shidnaan isku darsatay, waxayna la ciirciiraysay isbeddel bulsho iyo kala guur dhaqan. Taana waxaa ugu wacnaa iyada oo lagu jirey marxalad kala guur oo laga bogsanayo dhaawacyadii dagaalladii 1-aad iyo 2-aad,  noloshii horena ay nolol cusub waddada u bannaynayso. Waa xilli qayb lixaad leh oo ka mid ah dabaqaddii muruq-maalku ay ku biirtay dabaqadda dhexe, dhalaalka magaaladuna dad badan oo kala dhaqan iyo duruufo ah uu soo jiitay.

Sheekadaan “Mudane Ibraahim iyo Ubaxa Quraanka” (=Monsier Ibrahim et les Fleurs du Coran /Mr. Ibrahim and the Flowers of the Koran/مسيو إبراهيم وزهور القرآن) oo xilligaas Paris lagu allifay waxaa qoray qoraaga Faransiiska ah ee Eric-Emmanuel Schmitt, waxaana loo rogay in ka badan 40 af, filinna waa laga dhigay.

Waxaana xusid mudan, in mudane Eric-Emmanuel Schmitt uu leeyahay dhigaallo iyo sheekooyin badan oo mawduucoodu aad isugu dhow yahay, sheekooyinka uu qoray ee isku mawduuca ka hadalna waxaa ka mid ah afar sheeko oo mid waliba ay ka hadlayso diin ka mid ah diimaha, waxayna kala yihiin: ‘Milarepa’ (1997) oo ku saabsan Buudiyada, “Oskar iyo marwada casaan-ubaxleey /Oscar and the Lady in Pink -2002” oo ka hadlaysa Masiixiyadda, “Cunuggii Nuux /Noah’s Child- 2004” oo ka hadlaysa Yahuudiyadda, iyo “Mudane Ibraahim iyo Ubaxa Quraanka (2001)” oo ku saabsan islaamka.

Maqaalka oo dhan lingixaan ka akhri:

Mudane Ibraahim Iyo Ubaxa Quraank F