Abeesada diinta iyo siyaasadda

Cabdikariim Soroosh buuggiisa “Dhaqanka iyo Calmaaniyadda / التراث والعلمانية”, wuxuu ku xusay qiso markii hore suufigii Jalaaludiin Ruumi uu ku xusay diiwaankiisa gabayada ee Masnawi. Sheekada waxaa lagu magacaabaa “Xaabo-gurte iyo abeeso’, waana sidatan;

Nin sabool ahaa oo noloshiisa ku maarayn jirey xaabo uu duurka ka soo guro, ayaa maalin isaga oo xaabo guranaya wuxuu arkay abeeso la suuxday baraf badan oo ku dhacay darti, wuxuuna u qaatay in abeesadu ay dhimatay, wuxuuna istusay in uu xoolo ka samayn karo haddii uu magaalada geeyo. Ninkii abeesadii buu qaatay, wuxuuna geeyey magaaladii, dadkii magaaladuna daawasho ayay ugu dhaqaaqeen, xoogaa ka dibse abeesadii markii qorraxdu ku dhacday ee barafkii ka dhacay way miyirsatay, waxayna bilowday in ay qaniinto dadkii ku xoonsanaa, xaynna waa ka dishay.
Sheekadaan abeesadu waa sarbeeb lagu muujinayo dabciga nafta aadamiga. Waxaa la rumaysan yahay in dadka oo dhammi ay leeyihiin dhan wanaagsan iyo dhan xun, shar iyo khayrna laga fisho. Soomaaliduna waa tan tiraahda: ‘Dad iyo duurba wax aadan ka filayn baa kaaga soo baxa’ ama “Dad iyo duur ma leysku deeyee dareen ka lahaaw!”

Abeesada iyo masku waa kuwa noolayaasha ugu sheeko badan, ummadihii hore badankooduna abeesada mar qura bay waxay u arki jireen in ay tahay Ilahaa kheyr badan iyo sheydaan shar miiran ah. Weli ma isweydiisay halka ay ka soo jeeddo sheekada sheegaysa in abeesadu tahay noolihii ibliis gacanta ku siiyay in Eebbe Aadan iyo Xaawo jannada ka soo saaro ka dib markii ay cuneen geedkii Eebbe ka xarrimay? Maxaa loo sheegi waayey noole kale sida dawaco, deero, ey, mukulaal, maroodi, galayr, tuke, qoolleey,… maxaa abuurka Alle oo dhan abeesada loogala soo dhex baxay, oo ay ku noqotay midda Xaawo ku qalqaalisay in ay cunto, saygeedana siiso geedkii Eebbe u diiday?
Dadyowgii hore badankoodu – Soomaridii, Masaaridii, Hindidii, Shiinahii, Giriiggii, Roomankii, Carabtii, Afrikada madow iyo kuwo kaleba-waxay rumaysanaayeen in abeesadu tahay Ilaah ama gacanyaraha Alle, sheydaan ama gacanyaraha sheydaanka. Abeesada iyo masku had iyo goor dhulka ayay dhabbacan yihiin iyaga oo dhegta u dhigaya hadalka Eebbe iyo wararka jannadii laga soo saaray. Guud ahaan, abeesadu waa astaan u taagan shar iyo kheyr, aqoon iyo jahli, abaar iyo barwaaqo, cudur iyo caafimaad, dhalasho iyo dhimasho.

Sheekadaan, abeesada huruddaa waxay u taagan tahay xaaladda qofku sida wanaagsan u fekarayo, una dhaqmayo ee uu runta, xaqa iyo caddaaladda ilaalinayo, abeesadda soo jeeddaana waxay ka tarjumaysaa marka qofka damiirkiisu seexdo ee damaciisu kabaha u geliyo, una taxaabo dhanka beenta, laba wejiileynta, dhagarta, dulmiga, naf-jeclaysiga iyo xaqdarrada. Dadku waxay ku dadaalaan in ay qariyaan dabcigooda xun, laakiin macdantooda dhabta ahi waxay bannaanka timaaddaa marka qorraxdu ku dhacdo ee ay arkaan maal, magac iyo mansab.
Dadka ugu badan ee dabciga abeesada qaataana waa siyaasiyiinta iyo wadaaddada. Siyaasiyiintu markooda hore waa dad caadi ah oo wanaagsan, laakiin marka ay xil qabtaan fallaaraha qoraxda siyaasadda ayaa waxay diiriyaan abeesadii naftooda dhex jiiftay markaas bay waxay la soo baxaan gedo hor leh oo ku dhisan been, danaysi, kelitalisnimo iyo af iyo uur kala jira!! Si taa la mid ah wadaaddada badankoodu asal ahaan waa dad qumman, laakiin kolka bulshadu ku aamminto cibaado, diin iyo wanaag ayaa milicda qorraxdu waxay toosisaa abeesadii waa hore uurkooda ku barafowday, waxayna la soo baxaan falaad cusub oo ay hagaan jahli, kibir, isla weyni, isla qummanaan iyo nafjeclaysi!!!
Noolaha oo dhan beenta waxaa ka yaqaan dadka, dadkana waxaa ugu xariifsan siyaasiyiinta iyo wadaaddada. Siyaasigu wax badan buu ballanqaadaa, laakiin wax la sheego ma qabto. Wadaadkuna Alle wax badan buu ka yaqaan, laakiin gacalo yar buu u hayaa.

Taariikhda aadanaha waxaa daf ka ah tusaalayaal si fudud u muujinaya dabciga abeesada ee dadka badankiisa ku duugan. Tusaale ahaan buugta taariikhda Islaamku waxay xuseen in Cabdul-Malik bin Murwaan oo ahaa khaliifkii 5-aad ee dowladdii Ummawida lagu naynaasi jirey “qooleyda masjidka /حمامة المسجد”. Sababta naynaastu ugu baxdayna waxay ahayd isaga oo aan masjidka Rasuulka laga waayi jirin, kana mid ahaa afar wadaad oo la sheegay in dadka magaalada Madiino ay diinta wax ka weydiin jireen. Hase ahaatee, maalin danbe ayaa isaga oo quraan akhrisanaya waxaa lagu wargeliyey in saacaddaas laga bilaabo xilkii boqornimadu uu isaga ku soo wareegay, markaana sida la sheegay Cabdulmalik kitaabkii quraanka ahaa ee uu akhrinayey wuu isku laabay, isaga oo kitaabkii la hadlayana wuxuu yiri: “Aniga iyo adiga maanta ayaa isugu kaayo danbaysa /هذا فراق بينى وبينك” ama wuxuu yiri: “Haddaa iigu kaa danbaysa /هذا آخر العهد بك”.
Cabdulmalik wuxuu noqday kelitaliye dilaa ah, mid ka mid ah khudbadihii uu dadka u jeediyeyna wuxuu ku yiri: “Intaa ka dib, anigu ma ahi khaliifkii tabarta darnaa –wuxuu ka wadaa Cusmaan bin Cafaan- mana ahi khaliifkii labo wajiilaha ahaa – wuxuu tilmaamayaa Mucaawiye bin Abii Sufyaan- sidoo kalena ma ahi Khaliifkii doqonka ahaa – wuxuu ula jeedaa Yasiid bin Mucaawiye. Khulafadii iga horreeyey xoolahaan way cuni jireen dadkana waxbay ka siin jireen, aniguse cudurrada ummadda ku daaweyn maayo waxaan seef ka ahayn jeer aad isku toostaan… Ilaah waxaan ugu dhaartay in qofkii I fara in aan Alle ka baqo aan luqunta u dheereeyo / أما بعد فلست بالخليفة المستضعف –يعنى عثمان- ولا الخليفة المداهن- يعنى معاوية- ولا الخليفة المأفون- يعنى يزيد- ألا وإن من كان قبلى من الخلفاء كانوا يأكلون ويطعمون من هذه الأموال، إنى لا أداوى أدواء هذه الأمة إلا بالسيف حتى تستقيم لى قناتكم، … والله لا يأمرنى أحد بتقوى الله إلا ضربت عنقه»”.

Ku Allahoode, waxay sheegeen in waayadii dagaalladii Macatabku ay ka dhex socdeen Muslimiinta iyo Masiixida, ay dowladdii Biisantidu damacday in ay qabsato magaalo-xeebeedda Iskendariya oo ay u arkaysay in ay tahay magaalo istiraatiiji ah. Laakiin waxaa ka hortimid caqabad ahayd in magaaladu leedahay mannaarad dheer oo laga arki karo doomaha iyo maraakiibta badweynta fog maraya, taasina ay magaalada fursad u siinayso in ay hesho kasho ay cadowga ugu tabaabushaysato.
Biisantidii waxay dejiyeen qorshe lagu duminayo mannaaradda magaalada, waxayna direen nin loo xilsaaray in uu ka shaqeeyo fulinta qorshahaas. Ninkii wuxuu tagay magaalada Iskanderiya, wuxuuna sheegtay in uu yahay Muslim lagu magacaabo ‘Xaaji Saluum’. Wuxuu isu muujiyey inuu yahay maalqabeen cibaado iyo taqwo badan. Had iyo goor waxaan laga weyn jirin safka hore ee salaadda, jeebkiisa iyo gacantiisuna waxay u furnaayeen sadaqada iyo wax bixinta. Muddo gaaban gudaheedna waxay isbarteen dadkii magaalada oo dhan, waxaana la isla dhexmaray sheekooyin ku saabsan cibaadadiisa, sadaqadiisa iyo karaamaadkiisa.

Xaaji Saluum wuxuu isu muujiyey in uu yahay weli karaamo leh oo ishaaro wax lagu tusiyo. Dhawr kiish oo mid kasta xoogaa dahab ahi uu ku jiro ayuu wuxuu ku kala duugay mannaaradda hareeraheeda. Marka Suldaanku xoolo u baahdana wuxuu yiraahdaa: halkaas ha la faago oo ha laga soo saaro kiishka dahabka ah ee ku jira, isaga oo iska dhigaya in kiishku yahay mid ishaaro lagu tusay. Maalintii danbe ayaa Suldaanku hanti badan u baahday, markaasna Saluum wuxuu sheegay in mannaaradda hoosteeda uu ka buuxo dahab aan laga faqrinayn, wuxuuna ku taliyey in mannaaradda la dumiyo, dahabkana wixii la qaadi karo lagala soo baxo, markaa ka dibna mannaaradda dib loo dhiso.
Suldaankii sheekadii run buu u qaatay, wuxuuna amar ku bixiyey in mannaaradda la jebiyo, dahabkana loo keeno. Saluum markii uu hubsaday in mannaaraddii la jabiyey ayuu baxsaday, dadkii magaaladuna waxay ku tooseen ciidan qabsaday, waxaana la ogaaday in Saluum uu ceelalyo u ahaa duullaanka Biisantida. Markaana gabyaa Muslim ahaa ayaa wuxuu tiriyey afarrey uu ku yiri:
صلى المصلي لأمر كان يطلبه
لما انقضى الأمر لا صلى ولا صاما
سلوم مازاد في الإسلام خردلة
ولا ترهبن في أمر ولا قام
Macnaha gabayguna waa;
Mid baa dan u lahaa darteed u tukaday
Markii uu dantiisa gaarayna salaad iyo soon danbe laguma arag.

Cabdulmalik iyo Saluum meel kasta iyo saban walba ayay joogaan, waxaana looga badbaadi karaa in la helo qaab lagula xisaabtamo (=check and balance) cid kasta oo dan guud lagu aamminayo. Maxaa yeelay in ruuxa wanaag lagu bartay hubanti kama dhigayso in uu si hufan uga soo dhalaalayo xilka loo dhiibay.

Cabdisiciid Cabdi Ismaaciil

sismail42@gmail.com