ADDOONSIGII MADAWGA EE BARIGA DHEXE: DHIBTA AAN LA SHEEGIN!


“Rasuulkii Alle, Maxamed (CSW) waxa uu yidhi: “Alle ka cabsada, oo u naxariista kuwa gacantiinu hanatey—Addoomada. Waa walaalihiin oo Alle gacmihiina hoos dhigey (Maamulka). Ku quudi waxa aad cunto, ugu labis waxa aad xidhato hana ku soo rogin waajibaad ka tan badan. Haddii aad ba ku soo rogtid waajibaadkaas, caawi.” [Muslim]

Waa Maxay Addoonsi?

Addoonnimadu waa lahaanshiyaha dad uu yeesho nafaha dad kale, kuwaas oo iyagu go’aamiyaan meesha uu addoonku ku noolaan lahaa iyo meeshuu ka shaqayn lahaa ba.

In Aad Addoon Tahay Maxay La Micno Tahay?

In aad ahaato addoon waxa weeye iyada oo shaqsi kale ku hantiyo. Addoonku waa bani-aadanka oo loo qiimeeynayo sida hantida oo kale, taas oo lagu qasbo in uu ku shaqeeyo wax la’aan! Wax la’aanta jidh dilka ayaa kaga daran oo kaga sii badan! Wax ba kama duwana dameerkaa culayska la doono la saarayo ee dhangada lala dhacayo ee hadhaw marka uu tamar darreeyo na cidlada looga tagayo.

TAARIIKHDII UU BILAABMAY ADDOONSIGA DADKU

Taariikhyahannada qaar ayaa ku qiyaasaya in muddadii u dhaxaysay 650 ilaa 1900kii, in 10 ilaa 20 milyan oo dad ah ay carabtu addoonsatey. Kuwo kale ayaa iyaku aamminsan in tiro ka badan 20 milyan oo addoomo Afrikaan ah laga gudbiyay saxaraha si loo geeyo Bariga dhexe. Addoonsigii bariga dhexi waa kii ugu dheeraa ee soo maray taariikhda marka la barbar dhigo kii reer galbeed ee bilaabmay qarnigii 17aad. Aqoonyahanada qaar ka mid ah ayaa isku raacsan in “Addoonsigii Carabtu” uu had ba mar isu badalayay nooc, mid ka duwan kii hore ilaa uu soo gaadhay 1960dii, halkaas oo lagu joojiyay balse ay jiraan weli addoomo si qarsoodi ah lagu haysto ( https://www.youtube.com/watch?v=LQ3j5B5yEVg ).

 Dr. John Alembellah Azumah, buuggiisii “The Legacy of Arab-Islam in Africa” ee uu 2001dii qoray, waxa uu ku qiyaasay in tiro kabadan 80 milyan oo addoomo madaw ahi ku dhinteen intii jidka lagu sii jirey.

ADDOONSIGII BARIGA DHEXE; XASUUQII DADKA AFRIKA

Waa wax iska caan ah in lagu magacaabo addoonsigii Afrikada madaw “Denbigii asalka ahaa ee Ameerika galeen”— Xumaantii argagaxa lahayd ee dhammaan guuldarraystayaashii Maraykan ay isdiidsiin jireen. Xaqiiqdii, addoonsigii Maraykan waxa uu noqonayaa mid naxariis leh marka la barbardhigo kii culayska, arxandarrada, jidh-dilka joogtada, iyo axmaqnimada lahaa ee bariga dhexe.

In ka badan 28 Milyan oo Afrikaan ah, ayaa lagu addoonsadey dalalka carbeed markii lagu guda jirey 14kii qarni ee u horeeyay taariikhda miilaadiga. Inkasta oo wax badan laga qoray addoonsigii badda Atlaantiga; addoomihii loo dhoofin jirey Maraykan iyo Yurub, hadana waxaa laga ilduufey addoonsigii Carabta ee saxaraha, Badda Cas iyo Badweynta Hindiya laga soo dhoofsan jirey.

Ganacsigii addoomaha ee reer yurub u dhoofin jireen Maraykanka ma uusan ka badnayn saddex qarni, laakiin bariga dhexe, addoonsigii dadyawga afrika ee carabi wadday, waxa uu qaatey muddo gaadheysa 14 qarni, iyada oo illaa hadda waddamo bariga dhexe ka mid ah weli ay ka socoto addoonsigii dadka madoobi.

Hadda ba, Saddexdii addoon ee badda Atlaanta maraya, laba ka mid ah rag bay ahaayeen, halka addoomahii Carabtu iibsan jireen ay ka ahayd ka soo horjeedka kan reer Yurub. Saddexdiiba laba ayaa ahaa dumar. Badbaadada nafaha addoomaha waxaa ka badnayd dhimashadooda, oo qaar jidh dil u dhinta iyo kuwo caafimaad darro u dhinta ba waa ay lahaayeen, laakiin se, waa lagu kala duwanaa badbaadada; Kuwa Badda Atlanta la mariyo 10% ayaa naftoodu halis geli jirtey, taas macnaheeda ayaa ahaa in ay 90% badbaadi karayeen; Halka kuwa badda cas la mariyo ee waddamada Carabta la geeyo ay halis 90% ah waajahi jireen.

Ujeeddada dhammaan addoomada loo daabuli jirey qaarada Ameerika iyo Yurub waxaa ay ahayd in ay beeraha ka shaqeeyaan oo keliya, balse ugu badnaanta addoomaha lagu addoonsadey Carab waxaa looga dan lahaa in loo isticmaalo galmo ahaan, oo la helo dumar dheeraad ah oo lagu dabbaro baahida galmo ee ninka carbeed, mar kale na ku filnaan karta u addeegida ciidanka militariga.

Badi addoomadii tegay Maraykanka waxaa loo ogolaa in ay guursadaan oo reero samaystaan, laakiin kuwa bariga dhexe la geeyay nasiib uma ay yeelan taas, oo waa la dhufaani jirey ragga, carruurta dumarka addoomaha ahi dhalaanna waa la dili jirey isla wakhtiga foosha ba. Ragga dhufaanan wax ay shaqaale u noqon jireen boqorrada carbeed oo  ku aamini jirey in ay u sii ilaaliyaan addoomahooda.

SABAB MA AYAA BARRIGA DHEXE, DADKA MADAW IYO ISKA-DHALKU UGU BADAN WAAYEEN SIDA AMEERIKA?

Sababta koowaad ayaa ah dhimashada oo ku badnayd xilligii la soo gurayay. Arrintan ayaa ka hor joogsatey in ay ku tarmaan bariga dhexe. Ta labaad na waa in ay ahayd mamnuuc in laba addoon; gabadh iyo nin, wada kulmaan. Waxaa kale oo laga hor joogsadey in ay isguursadaan. Waa layska horjoogsadey, balse hantiilayaashii lahaa mulkiyadda addoomahan ayaa isticmaali jirey dumarka addoomaha ah oo midkii ba laba dumar ah ayaa uu lahaa, ugu yaraan. Sidaas oo ay ahayd, haddana lama arki jirin carruurta addoomuhu u dhalaan carabta, sababta oo ah xilliga foosha ayaa lagu dili jirey.

In laga mamnuuco ninka addoonka ah u tagista dumarka oo keliya kuma ay dayn ee waa ay dhufaani jireen ragga madaw inta badan. Dhufaanidu waxa ay a mid ugu badnaanta addoomahan galaafata noloshooda, gaar ahaan madawga. Arragtida ah “in madawga ay leeyihiin hammuun galmo oo aan la xukumi karin” ee uu aaminsanaa ninka carbeed ayaa keentay in la dhufaano ragga madawga ah. Nin kasta oo madaw, la dhufaanay na, waxa uu ka soo hadhay oo uu ka badbaaday ugu yaraan 200 rag madaw ah, kuwaas oo u dhintay qalliinkan. Bilawgii qarnigii 10aad, Khaliifkii Baqdaad keligii waxa uu haystay 7000 rag madaw ah oo dhufaanan.

ISLAAMKU SIDEE U ARKAA ADDOONSIGA?

Kumanaan sanno ka hor Islaamka, ayaa uu soo jireen ahaa addoonsigu. Markii Islaamku yimi, shareecadu waxa ay caddaysay xaqiiqada addoonimada—Dhibta iyo cawaaqibxumada, dhiirigelinta dabargoynta ka ganacsiga addoomaha iyo xoreynta dadka addoomaha ah; maskax ahaan iyo jidh ahaanba.

Islaamku waxa uu u la dhaqmey addoomaha hab ka fudaydisay cadaadiskii iyo culayskii dusha ka saarnaa. Culimo farabadan ayaa dejisay xeerar faahfaahinaya sida loo la macaamilayo qofka addoonka ah, taas oo ku dhiirri-gelinaysa dib u soo kabashadiisa, oo ugu danbayntiina keeni karta helida xoriyaddiisa laba mid ba, si jujuub ah ama mutadawacnimo ah.

Qur’aanka iyo Axaadiista waa labada u aasaaska ah diinta Islaamka ee arrin kasta u ah marjac loo la noqdo, hadda ba aynu sida Qur’aanka iyo Axaadiistu inna farayaan.

Ugu horeyntii, Diinta Islaamku waxa ay timi dadka oo addoomo haysta, markaa waxa ay dhibtii addoonsiga xallinteedii ka bilawday in ay wacdiso qofka haysta addoomaha [Mulkiilaha]. Diintu wax ay ula dhaqantey addoonsigii qaab siiyay addoomihii xuquuq isla markaana kor u soo qaadey dadnimadoodii. Addoonku waxa uu la mid yahay sida qofka xorta ah oo kale u leeyahay maamuuska iyo qadarinta… halka markii hore ay ka ahayd in aanay isku mid ahayn, oo dilka qof addoon ah aan loo qisaasi karin qof xor ah!

Ilaahay (SWT) quraanka sida uu ku sheegay iyo sida ay axaadiistu innooga soo warinayaan Rasuulka CSW, ayaa ah in loo la dhaqmo addoomaha si naxariis leh.

Alle SWT waxa uu Qur’aanka innoogu sheegay:
“Alle Caabuda, cidna ha la shariik yeelina. Noqo mid u wanaagsan waalidiintiisa, qaraabada, agoonta, masaakiinta, deriska inta dhaw iyo kuwa fog ba, socotada baahan iyo kuwa gacmahiinu hanteen. Ilaahay ma jecla dadka is kibriya ee faanka badan.”

Macnaha “kuwa Gacantiinnu Hanatey” waa addoomaha.

“Rasuulkii Alle na (CSW) waxa uu yidhi: “Alle ka cabsada, oo u naxariista kuwa gacantiinu hanatey—Addoomaha. Waa walaalihiin oo alle gacmihiina hoos dhigey (Maamulka). Ku quudi waxa aad cunto, ugu labis waxa aad xidhato hana ku soo rogin waajibaad ka tan badan. Haddii aad ba ku soo rogtid waajibaad, caawi.” [Muslim]

Nebi Maxamed SCW waxa uu yidhi: “Ciddii disha addoonkiisa, isaga na waanu dili doonnaa.” (Waxa laga soo wariyay Axmed iyo Abu Daa’uud”).

Islaamku noloshii addoomaha ayuu leekaysiiyay noloshii qofka xorta ahaa, dhiigiisii na waxa loo ilaaliyay sida dhiigga qofka xorta ah oo kale.

Islaamku waxa kale oo uu siiyay addoomaha xuquuqdii ay ku guursan lahaayeen, ku furi lahaayeen, wax ku baran lahaayeen iyo tii ay ku noqon lahaayeen markhaati ba.

Nebigu (CSW) waxa kale uu yidhi: “Ninkii xoreeya nin muslim ah [Addoon], Alle SWT ayaa xubin ka mid ah xubnihiisa ka xoraynaya naarta” (Al-Bukhari iyo Muslim).

JOOJINTII ADDOONSIGA—“Brussels Conference and Act, 1890”

Taariikhdu markii ay ahayd Julaay 2, 1890kii ayaa shirkii lagu qabtey Brussels lagu joojiyay ganacsigii addoomaha ee loo dhoofin jirey qaarada Ameerika, inkasta oo uu toos u dhaqan galay bishii Ogosto 31, 1891kii, halka addoonsigii Bariga Dhexe uu sii socday. Qarnigii 20aad ayaa dawladda Ingiriisku ku amartey Sucuudiga, Yemen iyo Imaraadka in ay joojiyaan addoonsiga dadka. Ka dib, Sucuudiga iyo Yemen waxa ay joojiyeen addoonsigii 1962kii, Imaaraad na 1964kii, Cumaan na 1970kii.

Dadaaladaas la sameeyay ee sababay in uu dhammaado addoonsigaasi—kii addoomaha inta la soo iibsado doonyaha lagu soo rari jirey— hadana baahidii Carabi u qabtey addoomaha ka ma ay suulin maskaxdooda, oo qaab kale ayaa ay u ga wareegeen. Shalay haddii ay soo raran jireen oo kharash kaga bixi jirey, hadda waa loo yimaadaa isaga oo qof kastaa iskii isu dabbarayo kharashkiisa socdaalka kaga baxaya. Waxaa isbeddelay oo keliya qaabka addoonku u imanayo bariga dhexe balse waxkasta oo lagu la kici jirey waa lagu sameeyaa. Alambaqa! Qofkii ay qabsadaan kama soo laabto.

Dumarka ayaa ah dhibbanaha koobaad ee u ah bartilmaameedka, taas oo aanay jirin awood ay iskaga difaacdo, mid ay ku hadasho iyo mid ay kaga baxsato ba.

ARAGTIDA AL-FAWZAN EE ADDOONSIGA

Muddooyinkan danbe, sida qaar ka mid ah culimada ugu weyn Sucuudigu faafinayaan, waxaa la dardar gelinayaa sidii dib loo gu furi lahaa, loo na xalaashan lahaa addoonsigii.

Intii lagu guda jirey sannadkii 2003, Sheekh Saleh Al-Fawzan, oo ka mid ah golaha sarre ee culimada, Imamka Masjidka Amiir Mitcab ee Riyadh, ahna macallin jaamacadeed, ayaa khudbad ku sheegay “[A]ddoonsigu waa qayb ka mid ah Islaamka. Addoonsigu waa qayb ka mid ah Jihaadka, jihaadkuna wuu jirayaa inta Islaam jiro.”

Buugaagtiisa uu diinta ka qoray waxa loo dhigaa shan milyan oo arday Sucuudiyaan ah, waddanka gudihiisa iyo dibadiisa ba kala joogta. Markaa haddii aan layska hurgufin ama layska shaandhayn aragtiyihiisa xagjirka ah ee uu aaminsanyahay waxaa dhici karta in 10ka sano ee soo socda ay imaadaan shan milyan arday iyo wax kabadan oo Al Fawzan oo kale ah kuwaas oo addoonsiga bannaysanaya una hammuun qaba dumar ay addoonsadaan.

Bal isweydii su’aalahan, oo ka fikir in yar sababta qof Islaam ah ku qasbi karta dhibaateynta dad kale.

  1. Sidee ayaa qof Islaam ahi ugu fikiri karaa addoonsi uu dad ku dulmiyo ku na dhibaateeyo?
  2. Sidee ayuu ugu fikir karaa in uu gabadh aanu qabin uu galmo [khasab ah] ugu sameeyo?!
  3. Sidee ayuu ugu dhaqmi karaa “Xeerka Duurjoogta” ee ka awoodda badani ka taagta daran sida uu doono uu ka yeelayo?

“Dabeecad ahaan, waxaan ahay Addoonsi-diid. Haddii addoonsigu aanu ahayn mid khalad ah, waxba khalad ma aha. Ma xasuusan karo marka aanan sidaas u fikirayn una dareemayn.Abraham Lincoln

 

“ISLAAMKU WAA NAXARIIS, QOFKA QAATANA MID NAXARIIS BADAN AYAA UU NOQDAA, OO DIINTA IYO ADDOONSIGU MEEL MA WADA GELI KARAAN. “— Cabdisamed Shire

Email: abdisamedbashe@gmail.com

www.Facebook.com/csamedbashe

 

TIXRAAC

http://www.khilafah.com/the-islamic-view-on-slaves-and-slavery/

https://en.wikipedia.org/wiki/History_of_slavery_in_the_Muslim_world#Slavery_in_the_late_20th_and_21st_century_Muslim_world

https://www.youtube.com/watch?v=LQ3j5B5yEVg

http://abolition.e2bn.org/slavery_40.html

http://originalpeople.org/the-arab-muslim-slave-trade-of-africans-the-untold-story/

http://www.worldhistory.biz/sundries/32167-brussels-conference-and-act-1890.html

http://atlantablackstar.com/2014/06/02/10-facts-about-the-arab-enslavement-of-black-people-not-taught-in-schools/4/

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code