Akbar: diin iyo dowlad

 

Iyaga iyo ku Allahoode, waxay sheegeen in maalin maalmaha ka mid ah, imbiradoorkii weynaa ee Jalaaludiin Akbar oo meel beer ah salaad maqrib ku tukanaya ay gabari hor martay. Sida wadaaddada qaarkood ay sheegaanna “dameeraha, dumarka iyo eyga modoobi salaadda waa jebiyaan /يقطع الصلاة الحمار والمرأة والكلب الأسود”.

Boqor Akbar inta salaaddii ka baxay, buu inantii wuxuu ku eegay indho danbaaburo ka duulayso. inantii oo naxdayna waxay tiri:

“Boqorow I cafi, wiil aan caashaqay baa maankaygu ku maqnaa, oo meel aan marayaba ma aannan ogayn.” Boqorkii oo caro basti la ah, kana fekeraya ciqaabta ay tahay in gabadha la marsiiyo, ayaa gabadhii hadalkii sii wadatay oo waxay tiri: “Laakiin boqorow waxaan ku weydiiyey: haddii aad tukanaysay oo Ilaah aad jeceshahay aad hor taagnayd, sidee baad ii aragtay, oo ku ogaatay in aan ku hor maray?”

Akbar markii uu weydiintaas maqlay, baa waa ku baryey, oo wuxuu garaystay in isagu uu yahay eedaysanaha dhabta ah, ee jacaylka aan jirin afka ka sheeganaya. Wuxuu isku canaantay: haddii gabadhu wiil ay caashaqday darti ay wax la arki weyday, sidee baa aniga qalbigaygu uga mashquulay ku marqaamidda la koodidda Eebbe?!

Boqor Akbar ama Akbarkii Weynaa (1542-1605) waxaa lagu tiriyaa in uu ahaa boqorradii dowladdii Magoolka ee Hindiya kii ugu awoodda badnaa. Wuxuu ka talinayey dhul ballaaran oo ku fadhiyey inta u dhaxaysa Afganistaan iyo Bangaladeesh. Wuxuu talada qabtay isaga oo 13 sano jir ah, wuxuuna caan ku ahaa in uu aad isugu taxalujiyey in diimaha kala duwan la mideeyo ama ugu yaraan ay nabad ku wada noolaadaan.

Dad badan baa Mahatma Gaandi waxay ugu yeeraan in uu yahay ‘Aabbaha Hindiya’, laakiin Hindi aan yarayn baa waxay aamminsan yihiin in Akbar uu yahay ruuxa istaahila in loo aqoonsado in uu yahay aabbaha dhabta ah ee dowladnimada Hindiya aasaaska u jeexay. Akbar waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa boqor calmaani ah oo diinta iyo dowladdu ay u kala soocan yihiin. Wuxuu rumaysnaa in isaga dowladnimada xil ka saaran yahay, laakiin diintu ay tahay wax Eebbe leeyahay dadkuna ay u siman yihiin. Bilowgii hore ee xukunkiisa wuxuu isku dayey in diimaha oo dhan uu ku mideeyo hal diin oo uu ugu yeeray ‘diinta Alle/ din-e-ilahi’. Waxay la ahayd in haddii diimaha mid kasta laga soo qaato waxyaabaha ay ku wanaagsan tahay, in la heli karo hal diin oo kulansata wanaagga diimaha oo dhan, isla markaana ka fiyow dhaliilaha diimaha kala duwani ay leeyihiin.

Hayeeshee, goor dambe wuxuu yaqiinsaday in arrinkaasi uusan suurogal ahayn, oo dadka qolo kasta ay la fiican tahay wixii ay waalidkood ka soo gaareen. Kolkaasna wuxuu bilaabay in uu ka shaqeeyo sidii diimuhu ay nabad iyo is ixtiraam ugu wada noolaan lahaayeen. Akbar warqad uu dabshidkii 1582 u diray boqorkii Isbayn ee Filibkii 2-aad, wuxuu ku yiri: dadku “waxay qaataan diinta lagu dhalay, loona dhigay, sidaa darteedna waxay ka fogaadaan suuragalnimada in runta la ogaado, in runta la raadiyaana waa himilada ugu sarraysa ee garaadka bani’aadamku uu higsado.”

Golaha Akbar waxaa isku si uga soo qayb geli jirey wadaaddo diimo kala duwan haysta, sida; Muslimiin, Kirishtan, Hinduus, Jeyn, Saraadashti iyo qaar kale. Wuxuuna ka codsan jirey in ay ka faalloodaan diimaha kala duwan iyada oo ay mamnuuc tahay in midi si gaar ah u sheegato in ay tahay diinta xaqa ah. Hadafku ma ahayn in diimaha la kala doorto, balse wuxuu ahaa in ay kala faa’iideysaan.

Akbar markuu talada qabtay wuxuu joojiyey lacag jisyo ahaan looga qaadi jirey Hindida aan muslimiinta ahayn marka ay damcaan in ay dhisaan ama ay ku cibaadaystaan macaabiddooda iyo kaniisadahooda. Sheekooyinka laga wariyana waxaa ka mid ah, in wiil uu dhalay oo la oran jirey Saalim -oo jeer danbe noqday Imbiradoor Jahangir- uu maalin weydiiyey sababta uu wasiirrada iyo wadaaddada Hinduusta ugu oggolaado in ay lacag badan ku bixiyaan dhisidda macaabidda? Akbarna wuxuu ugu jawaabay: “Maandhe, waan jeclahay diintayda… laakiin wasiirka Hinduusiga ahina diintiisa wuu jecel yahay. Haddii uu doonayo in uu xoolihiisa u huro diintiisa, yaa xaqa ii siiyey in aan u diido… Miyuusan xaq u lahayn in uu jeclaado waxyaabaha isaga u gaarka ah -oo diintiisu ay ka midka tahay?”

 

Dabshidkii 1947, markii Bakistaan ka go’day dalweynihii Hindiya, Maxamed Cali Janaax (1876-1948) oo ahaa hoggaamiyaha Bakistaan, wuxuu jeediyey khudbado uu bulshada ku wacyigelinayo, uguna sheegayo baahida loo qabo in diimaha iyo madaahibta kala geddisani ay nabad iyo dulqaad ku wada noolaadaan. Janaax Bakistaanida wuxuu xusuusisay kaalinkii Akbar uu ka qaatay isku haynta bulshadii Hindiya ee kala afka, diinta iyo dhaqanka ahayd. Janaax oo ka warhayey in Muslimiinta Hindiya aysan la wada dhacsanayd Akbar, ayna jiraan waxyaabo badan oo ay ku dhaliilaan, si uu dhegaystayaashiisa u wada qanciyo wuxuu isku xiray Akbar iyo nebi Maxamed (scw). Wuxuuna ku dooday in Akbar caddaaladda iyo wada noolaanshaha diimaha uu ka bartay nebi Maxamed. Waayo nebigu markii uu tagay magaalada Madiino oo ay ku wada dhaqnaayeen dad kala diin ahi – Muslimiin, Mushrikiin, Yahuud iyo qaar kale- wuxuu ku baaqay in nabad iyo xasilooni lagu wada noolaado. Laakiin sida muuqata waanada Janaax kuma duxin Bakistaanida, oo waa kuwaas ilaa iyo hadda la ildaran nacaybka u dhexeeya diimaha, madaahibta iyo firqooyinka.

Sida la sheego, Akbar hilibka lo’da ma cuni jirin. Mar la weydiiyey sababta isaga oo Muslim ah ku bixinaysa in uu ka caagganaado hilibka lo’dana wuxuu ku jawaabay: “Xaaskaygu lo’da mindi uma quurto, sidoo kale ciidankayga badankooda oo uu ku jiro abaanduulahoodu hilibka lo’da ma cunaan.”

Midda kale, Akbar wuxuu guursaday haween tiradoodu 25 ka badan tahay, badankooduna ka soo kala jeeda Hindida haysta diimaha kale ee aan Islaamka ahayn. Sida la qiyaasayana guurkaas xooggiisu ma ahayn mid jacayl keenay ee wuxuu ahaa mid siyaasadeed, oo Akbar ku doonayey in uu ku xoojiyo boqortooyadiisa. Xaasaska boqorka waxaa ka mid ahayd haweenay la oran jirey Maria Zamani Begum oo ah hooyada dhashay Boqor Saalim-ka aan kor ku soo xusnay. Maariya waxay ahayd Kirishtan, aqalka madaxtooyada dhexdiisana waxay ka dhistay kaniisad iyada iyo dadka ku diinta ahi ay ku cibaadaystaan. Maariya carruurteeda waxaa isku mar la bari jirey Quraanka iyo Baybalka [=aabbe iyo hooyo].

Muslimiinta Hindiya waa dhibsan jireen in boqorkoodu guursaday haween tiradoodu ka badan tahay inta shareecadu Muslimiinta u bannaysay, iyo weliba kaaga daranta in haweenkaasi aysan Muslimiin ahayn. Hase ahaatee, ma jirin cid ku dhiirran kartay in ay ka hadasho guryaha boqorka, oo xaal wuxuu ahaa “Lama canaantaa caanihii daadshay!”

 

Sida sawirka hoose ka muuqata, Akbar dhegaha ayaa u daloolay, oo dhego-dhego ayuu xiran jirey. Sheeko-xariiraha wadaaddada muslimiinta qaarkood ay sheegaanna waxaa ka mid ah mid sheegaysa in nebi Ibraahim (cs) uu yahay kan dumarka baray in ay dhegaha dalooshadaan. Sheekadaan oo dhawr si oo kala duwan loo wariyo, qaababka loo wariyo waxaa ka mid ah; in markii afadii Ibraahim ee Saara ay ubad dhali weyday, uu Ibraahim guursaday Haajira oo ahayd gabar addoon ah oo Saara ay lahayd. Haajira durba uur bay qaadday, waxayna dhashay Ismaaciil. Kolkaasna Saara oo masayrtay waxay ku dhaaratay in ay Haajira jarjarayso.

Waa danbe oo Saara caradii masayrku ay xoogaa ka yaraatay, ayaa Ibraahim wuxuu Saara ku yiri: Ma doonaysa in dhaartaadii aad dhaar-furyo ka samayso? Waxay tiri: Haa. Markaasuu wuxuu ku yiri: Haajira labada dhegood ka dalooli.

Haajira markii dhegaha laga dalooliyey, si ay u asturto foolxumada dhegaheeda waxay ku qarisay in ay hilqado dahab ah dhegaha ku xirato, arrinkaas oo bilicdeedii iyo jinkeedii soo saaray. Saara iyo guud ahaan dumarkii ay isku degmada ahaayeen oo idilna Haajira waxay uga daydeen durashada dhegaha iyo xirashada dhego-dhegaha. Tan iyo waagaasna, gabdhaha Xaawo meel ay dunida ka joogaanba waxaa lagu falay isku qurxinta xirashada dhegaha.

Dhab ahaantii, waxaa la rumaysan yahay in caadada xirashada dheguhu ay tahay caado fil weyn, oo meelo badan oo dunida ah laga yaqiin, waxaana la qiyaasayaa in Faraacinadii Masar ay ahaayeen kuwii ugu horreeyey ee falkaan sameeyey. Bulshooyin badanna gabdhaha iyo wiilasha isku si bay dhegaha iyo sanka ugu daloolin jireen. Laakiin waxaa kala duwanaa ujeeddada dhegaha loogu durayo, oo aalaba wiilasha waxaa dhegaha loogu duri jirey sababo la xiriira caafimaad iyo diin, ama in lagu muujiyo dabaqadda wiilku uu ka tirsan yahay. Tusaale ahaan, Hindida iyo ummado kaleba waxay rumaysnaayeen in duridda dheguhu ay diin ahaan iyo caafimaad ahaanba u wanaagsan tahay. Docda kale, ummadaha qaarkood waxay la ahayd in duridda dhegaha iyo sanka raggu ay tahay liidid meesha ugu hoosaysa. Tusaale ahaan, ummado ay ka mid ahaayeen Giriigga iyo Roomanku waxay dhaqan u lahaayeen in ragga addoonta ah ay dhegaha ama sanka u duraan. Deegaannada qaarkoodna weeraha la isku caayo waxaa ka mid ah in qofka –gaar ahaan labka- lagu yiraahdo ‘Addoonyahow sanka ama dhegaha duran’. Sidaan og nahayna, tan iyo lixdamaadkii qarnigii tagay dhego durashada raggu waxay noqotay moodo meelo badan ku faaftay.

 

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil

Sismail42@gmail.com