Akhris-ku-noole

Akhrisku sida howlaha kale ee maalin laha ah, waxa uu u baahanyahay wakhti, qorshe iyo  ta malahayga ugu muhiimsan oo ah ga’aanqaadasho. Go’aanqaadashadu waxa ay gundhig, aasaas iyo lagama-maarmaanba u tahay guul kasta oo uu qafka bani’aadamku gaadho inta uu noolyahay, dhinaca ay doontaba ha ahaatee. Haddii aad aragto, ama aad maqasho, qof oo aad u qirto in uu guul ka gaadhay ganacsi, siyaasad, waxbarasho ama hawl kale oo la xidhiidha qaybaha kale ee bulshada, ogow in ay go’aanqaadashadu kaalin muhiim ah ku lahayd guulahaas. Inta badan ma dhacdo in  qofku guul ka gaadho hawl, ta ay doontaba ha ahaatee, haddii aanu galin dadaal iyo wakhti dheeraad ah oo aanu waliba mar qudha samayn ee uu ku celceliyo in badan. Akhriskuna waa la mid, oo waxa uu u baahanyahay dadaal iyo ku celcelin dheeraad ah. Akhriste, haddii aad rabto in aad noqoto akhris-ku-noole ayna noloshu u dhammaystirmin akhris la’aan, ogow marka kowaad halka aad adiga iyo akhrisku kala taagantihiin. Ma isku fiicantihiin akhriska, mise waxa aad u baahantahay in la idin heshiisiiyo oo aad la saaxiibto akhriska. Haddii aad tahay kan danbe, ee u baahan in uu akhriska la saaxiibo, ila soco, waxa laga yaabaa in uu qoraalkani noqdo mid wax ka tara, isla markaana dawo u noqda isfahamla’aanta idin dhextaalaa adiga iyo akhriska e.    

 

Qof ahaan waxa aan qabaa, in uu qof kastaa u baahanyahay in uu wax akhriyo, kaalinna ka siiyo nolol maalmeedkiisa wakhti uu naftiisa ku quudiyo akhris. Markaa, akhriste  haddii aad igu raacsantahay arinkaa, waa in uu wax akhrisku ka mid noqdaa hawl maalmeedkaaga kuwa ugu muhiimsan ee legamatagaanka ah.

 

Hore ayaa wax badan looga qoray faa’iidooyinka wax akhriksa iyo saamaynta togan ee uu qofka ku yeesho, sidaa darteed ma rabo in aan ku celiyo, ujeeddada qoraalkana ma aha in aan ka hadlo faa’iidooyinka wax akhriska. Taa bedalkeeda,  waxa aan jeclahay in aan ka hadlo marxaladaha kala duwan ee laga yaabo in  qofku maro si uu u noqdo akhriste fiican. Waxa aan u qaybin doonaa ilaa shan marxaladood oo qofku maro  inta uuna gaadhin akhris-ku-noole aan sinaba uga maarmin akhriska. Haa waa run, qof kastaa ma maro marxaladahan oo way dhici kartaa in uu qof kale ama dad kaleba ay maraan marxalado kale oo ka duwan kuwa aan sheegi doono dhibna kuma jiro arrintaa oo waan soo dhawaynayaa haddii ay jiraan fikrado kale oo iga duwan. Ilbaxnimada iyo aqoonta ayaana inna faraysa in la isku ixtiraamo kala duwanaashaha fekarka.

 

Isdiidsiin

Marxaladda koowaad ee  qofku maraa waa marxalad aan u bixiyay isdiidsiin. Qofku marka uu ku jiro marxaladdan isaguna ma jecla wax akhriska, cidda kale ee  wax akhridana ma jecla. Haddii ay dhacdo in la isla soo hadal qaado dood ama wada hadal la xidhiidha akhriska, waxa uu bilaabaa qofka marxaladdan isdiidsiinta ku jiraa in uu keeno dood kale oo lid ku ah wax akhriska. Tusaale ahaan waxa uu qofkaasi yiraahdaa isaga oo qiil u samaynaya dhaliishiisa ah in aanu isagu wax akhriyin, anigu wax baan dhagaystaa iyo anigu wax baan daawadaa. Waxa uu rabaa in uu kaalinta akhriska ee uu gabay uu ka dhigo in ay dhagaysiga iyo daawashadu u buuxinayaan. Hadda ogow oo dhegaysiguna waa xirfad kale oo muhiim ah oo iyadna si gaar ah looga rabo in uu qofku la yimaado. Sidaa dartee dhegaysiga, daawashada, sheekada iyo dooda toona  ma buuxin karaan kaalinta akhriska ee la soco, akhriste.

 

Garowshiyo

Marxaladda labaad waa marxalad aan u bixiyay garowshiyo. Marxaladdan waxa uu qofku garowsadaa in akhrisku yahay mihiim isla markaana waxa uu u adkaystaa dhegaysiga doodaha ku saabsan wax akhriska isaga oo aan isagu doodda waxba ku lahayn, ilayn waxba muu akhriyine, haddana ma dhibto sida ay u dhibto qofka ku jira marxaladda isdiidsiinta. Waxa kale oo mar-mar qofka ku soo dhacda in uu is yiraahdo wax akhri. Nasiib darro se ma fuliyo rabbitaankiisa ah in uu wax akhriyo sababta oo ah waxa uuna gaadhin go’aan dhab ah oo ku waajahan in uu wax akhriyo. Akhriste, xasuusnow, in ay go’aanqaadashadu muhiim u tahay wax akhriska iyo guud ahaanba guulaha kale ee uu qofku gaadho sidii aan kor ku soo sheegnay.

 

Loollan

Marxaladda saddexaad waa marxalad aan u bixiyay loollan. Sida ka muuqata magaca,   marxaladdan qofku waxa uu loollan adag kula jiraa naftiisa. Sideedabana, qofku marka uu naftiisa ku soo kordhinayo wax ayna hore u aqoon ama u semayn jirin ma dhib yara. Marka ay wax ku soo kordhaan naftaada waa laba mid uun; in ay wax hore oo nolol maalmeedkaaga ahaa ay meesha ka saarto iyo in ay culays iyo cidhiidhi soo kordhiso. Inta uu qofku marxaladdan ku jiro waxa u suuragasha in uu wax akhriyo inkasta oo uu caqabado badan la kulmo. Waxa uu qofku jeclaystaa in uu ka sheekeeyo waxa uu akhriyay isla markaana kala doodo cidda uu jecelyahay. Inta badan qofku marka uu ku jiro marxaladdan loollanka, waxa uu jecelyahay in uu la sheekaysto qof ku jira labada marxaladood ee uu soo dhaafay (Isdiidsiin iyo Garawshiyo).

 

Xiise

Marxaladda afraad waa marxalad aan u bixiyay xiisaha. Qofku marka uu ka soo gudbo caqabadaha uu la kulmo marka uu ku jiro marxaladdan loollanka oo runtii aan odhan karo waa marxaladda ugu adag ayuu yimaadaa marxaladda xiisaha. Qofku waxa uu jecelyahay akhriska waxana uu ku guulaystay in uu go’aansado isla markaana fuliyo in uu akhrisku noqdo qayb noloshiisa ka mid ah. Qofku marka uu heerkan  soo gaadho waxa la odhan karaa waa akhriste fiican. Akhristahani waxa uu jecelyahay in uu la sheekaysto, isla markaana kala doodo buugaagta uu akhriyo iyo afkaarta ay xanbaarsanyihii qof ku jira marxaladdan uu ku jiro ee ah xiisaha. Waxba lama wadaago inta badan qof ku jira marxaladihii uu soo dhaafay ee ahaa isdiidsiinta, garowshiyaha iyo loollanka.

 

Akhris-ku-noole

Marxaladda shanaad uguna danbaysa waa marxalad aan u bixiyay akhris-ku-noole. Marxaladdan marka uu qofku soo gaadho uma baahna in uu ka fekero wax akhris umana baahna in uu in badan ka sheekeeyo waxa uu akhriyay sidii uu ahaa marxaladii seddexaad ee xiisaha. Qofku marka uu soo gaadho heerkan aad buu u jeclaadaa in uu wax akhriyo isla markaana waxa uu akhrisku u noqdaa hawl ka mid ah howlihiisa joogtada ah ee uu maalin walba qabto isaga oo aan ogayn. Waxa aan tusaale uga dhigi karaa in uu akhrisku qofkan ula mid noqdo cuntada. May, cunto aa! waar cuntada maalin maalin baa laga boodaa ee aan tusaale uga dhigo dhar-xidhashada. Haa dhar-xidhashada, dee  anigu horta mid aan ahay maan arag qof maalin illaaway ama ka booday dhar xidhashada oo isaga oo qaawan baxay  adigu se mooyi.Waxa kale oo akhrisku  uu u yahay balwad qofka marxaladdan ku jira ee akhris-ku-noolaha ah waana ta malaha keentay in aanu qofkani guul wayn iyo horumar u arag isla markaana aad uga sheekayn  buugga uu dhameeyo iyo wixii kale ee uu akhriyaba. Ka sheekayn la’aanta waxa uu akhriyo iyo waliba u arag la’aanta aanu qofku guul wayn u arag waxa uu akhriyaa waa mid ku kooban isla markaana aan lala wadaagin marxaladdan akhris-ku-noolanimada.

 

Gunaanad  

Haddaba akhriste, ma jeceshahay in aad noqoto akhris-ku-noole? Ma jeceshahay in wax akhrsiku noqdo qayb noloshaad ka mid ah? Haddii jawaabahaaga labadan wayddiimood haa yihiin, ogow in ay hawli kuu taal. Xasuusnow, in marxaladaha aan kor ku xusnay ay u kala horreeyaan sida aan u kala horraysiinay isla markaana ay marxalad kastaa qaadan karto wakhti ilaa sannado ah. Tusaale ahaan, waxa suuragal ah in aad marxaladda koowaad ee isdiidsiinta ku jirto sannado iyada oo dabcan dadkuna ku kala duwanaan karaan muddada. Marka aad gaadho marxaladdan ugu danbaysa ee akhris-ku-noolanimada waxa aad isku arkaysaa calaamado badan. Tusaale ahaan, waxa laga yaabaa in aad isku aragto, aqoontaada oo korodha, ixtiraam badan, dhegaysi fiican, naxariis badan iyo waliba deeqsinimo. Haa waa run, akhrisku wax badan buu ka taraa dhammaan arrimahaa aan sheegay oo dhan, waxa laga yaabaa in aanad igu raacin laakiin, nasiib wanaag waxa igu raacsan dad badan oo soo gaadhay marxaladdan akhris-ku-noolanimada.

 

Ugu danbayn qofku marka uu heerakan soo gaadho waxa uu jeclaadaa goobaha wax lagu akhristo, halka ay akhris-ku-noolayaal badana ay guryohooga iyo goobaha ay dagganyihiin ay ka samaystaan meelo gaar ah oo ay ku kaydsadaan buugaagta isla markaana wax ku akhristaan. Haddii aad isku aragto marxalad ka mid ah marxaaladaha aan kor ku soo sheegnay, tusaala ahaan marxaladda isdiidsiinta amagarowshiyaha, ogow in aad waddo sax ah aad haysid: dhawaanna aad noqon doonto akhris-ku-noole aan marna ka maarmin akhriska.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code