Al-Nahda: Cimaamadihii waa xoornay!

Guddoomiyaha urur diineedka dalka Tuunis ee Al-Nahda Shiikh Raashid al-Ganuushi oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta ururku, wuxuu sheegay in wixii hadda ka danbeeya uu ururku kala saari doono arrimaha siyaasadda iyo kuwa dacwada (=diinta). Wixii hadda ka danbeeya al-Nahda wuxuu noqonayaa xisbi siyaasadeed oo hawlihiisu ku kooban yihiin dhanka siyaasadda oo qura, kana madaxbannaan umuuraha diinta, hawlaha dacwadana wuxuu u daynaya ururrada bulshada. Saraakiisha ururku waxay sheegeen in go’aanka qodobkaan ku saabsan iyo go’aanno kale oo saamayn weyn ku yeelan doona mustaqbalka ururka laga soo saari doono shirweynaha ururka oo lagu wado inuu dhaco dabayaaqada bishaan (20-22 May 2016).
Tusaale ahaan, arrimaha laga dhawaajiyey in wax laga beddeli doono waxaa ugu horreeya magcaanta iyo eray-bixinnada uu ururku adeegsado, oo tusaale ahaan waxaa lagu warramayaa in golaha dhexe ee al-Nahda loo bixin doono “Golaha Waddaniga ah/ al-Majlis alwaddani”, meesha hadda looga yeero “Golaha Shuurada”. Sababta keenaysa in magaca la beddelana waxaa lagu macneeyey in erayga “shuura” uu xanbaarsan yahay macne diini ah, oo bulshada qaarkeed tuhun ku abuuraya.
Dadweynaha reer Tuunis waxay si weyn uga faalloonayaan saamaynta go’aankaani uu ku yeelan karo ururka, iyada oo la saadaalinayo in go’aanku uu horseedi doono in ururku laamo u kala jabo. Qaar ka mid ah taageerayaasha ururka ayaa waxay sheegayaan in sababta ay ururka ku taageeraan ay tahay u heellanaanta uu u heellanaa inuu curiyo dowlad Islaam ah, balse haddii uu hadda ka tanaasulo mabda’aas ay ku khasban yihiin in ay dib u eegid ku sameeyaan taageeradii ay u hayeen ururka. Waayo? Isaga iyo xisbiyada cilmaaniga ah ee ay tartamaan waxay noqonayaan kuwo isku mid ah, oo wada cilmaani ah, taa awgeedna ma jirayso wax aan ku kala faddilno.
Dhab ahaantii, Al-Nahda ma aha ururrada Islaamka siyaasiga midkii ugu horreeyey ee qaata go’aanka kala saaridda dacwada iyo siyaasadda, oo hortood ururro ayaa qaatay go’aan noocaan ah- dabcan mana noqonayo kii ugu danbeeyey ee sidaa yeela. Tusaale ahaan, ururrada islaamka siyaasiga ah ee ku caanbaxay kala duwidda dacwada iyo siyaasadda waxaa ka mid ah xisbiga “al-Caddaalah Wa Atanmiya” ee ka jira dalka Tuunis ay dariska yihiin ee Marooko.
Xaqiiqadii Al-Nahda go’aanka ay doonayaan in ay qaataan ma ah mid ay istikhyaar u leeyihiin, balse waa mid ay ku khasban yihiin, waayo? Isku helimaayaan in ay Tuunis xukumaan iyo in ay yiraahdaan shareeco ayaan hirgelinaynaa. Hadday sidaa yeelaanna waxaa xaq loogu yeelanayaa in lagu yiraahdo oraah la mid ah middii lagu yiri wadaadkii gorgarka shimbirka ku sheegay ee ahayd: Wadaadow gorgor shimbir ku sheeg iyo bari iyo sarar daliiqu meel ma wada galaan.
Tuunis ma leh kheyraad dabiici ah oo badan, taas oo jirta haddana duruufaha dhaqaale ee ay ku noolyihiin dadka Tuunis waa ka wanaagsan yihiin midda ay ku nool yihiin waddamada gobolka ee batroolka soo saara sida Liibiya iyo Jasaa’ir. Arrinkaasina dadweynaha reer Tuunis wuxuu ku bixiyey in ay u dulqaataan kelitalisnimadii iyo xorriyad la’aantii uu ku hayey xisbigii waddanka muddada dheer ka talinayey. Marar badanna waxaa lagu doodaa in barwaaqada dhaqaale ay u daran tahay sixidda duruufaha siyaasadeed. Shucuubtuna waxay isbeddel doonaan marka ay xumaato duruufaha dhaqaale ee ay ku nool yihiin, laakiin si taa ka duwan, kolka ay wanaagsan tahay duruufaha dhaqaale ee shacabku ku noolyahay waxaa yaraada halganka shacabku ugu jiro wax ka qabashada duruufaha siyaasadeed.
Qodobkaas ah xiriirka ka dhexeeya isbeddelka siyaasadeed ee bulshadu doonayso iyo duruufaha dhaqaale ee ay ku nooshahay, waa mid caqabad ku ah Al-Nahda iyo guud ahaan ururrada Islaamka siyaasiga ah. In ka badan 60% dakhliga Tuunis wuxuu ka soo xaroodaa dalxiiska. Dadka Tuunis dalxiiska u yimaadaana 95% waa reer Yurub soo raadsada in ay maalintii ku tamashleeyaan xeebaha diirran ee dalkaas iyaga oo qaawan, habeenkiina ku dhafra cabidda khamrada. Haddaba su’aashu waxay tahay: Islaamiyiintu haddii ay talada dalka qabtaan sidee bay ka yeelayaan arrinkaas. Ma ku dhiirran karaan in ay joojiyaan dalxiiska oo la’aantiis bulshadu saboolnimo taabanayso? Haddii ay go’aankaas qaataanse soo dadweynuhu ku kici maayo?!
Run ahaantiina, dhibaatadaani ma ah mid ku gaar ah Tuunis, balse waa mid ka jirta dalal badan sida Marooko, Masar, Lubnaan iyo kuwo kale oo badan oo dalxiisku saami weyn ka yahay dhaqaalaha dalka.
Isweydiinta jawaabta u baahani waxay tahay: goorma ayaa ururrada diiniga ah ee Soomaalidu ay ku dhiirran doonaan in ay taageerayaashoodu u sheegaan in halkudhegga muddada lagu soo caano-maalay ee yiraahda “Islaamkaa xal ah”, uu yahay halkudheg ku habboon soo jiidashada qalbiga taageerayaasha, balse uusan ahayn mid shaqayn kara marxaladda ka danbaysa marka kuraasta xukunka lagu fariisto.
Sannadkii hore ee 2015, Cabdifataax Mooro oo ka mid ah raggii aasaasay ururka Al-Nahda, isla markaana ah ku xigeenka guddoomiyaha ururka, oo lagu waraystay taleefishinka Aljazeera ayaa wuxuu ku baaqay in ururku ku khasban yahay in ay kala saaraan dacwada iyo siyaasadda. Arrinkaas oo si weyn loogu dhaliilay, laguna eedeeyey in madaxda ururku aysan daacad ka ahayn hirgelinta shareecada, ayna doonayaan in ay ka tanaasulaan mabaadi’dii urukaas lagu dhisay. Cabdifataax Mooro oo eedaymahaas ka jawaabayaa wuxuu yiri: “Ma jiraa mid ka mid ah Daacish oo wax ka akhriyey cilmiga ka hadla sida dowlad loo dhiso?!” Wuxuu intaa ku daray in dacwadu ka badan tahay “Khudbadaha Ibnu Nabaata”. Waxayse ahayd in Shiikhu si cad runta daaha uga qaado, oo uu qiro in dowladnimadu ka duwan tahay wacdiga iyo kutubta masaajidda lagu akhriyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code