Alle iyo Abii Hureyra: (Qaybtii 1-aad)

Nuxurka qormadaani ma aha in Abii Hureyra (RC) lagu dheerarinayo Alle, sidoo kalena  ma aha in la simayo khaaliqa iyo makhluuqa, ee danta iyo hadafka laga leeyahay waxuu yahay  in aan wax un ka iftiiminno sida qalloocan ee la iskugu walaaqay wax ay ahayd in  la kala saaro, iyo asalka axaadiista faraha badan ee Alle lagu aflagaadeeyo, ee loogu magac daray ku-tiri-ku-teentii israa’iiliyaadka iyo caddaynta in axaadiistaasi ay ku abtirsato Abii Hurayra.

Culimada ku xeel dheer cilmiga diimahu  waxay sheegaan in Yahuudda lagu ibtileeyey inay aammineen Alle u eg aadamiga. Sida quraanku xusayo, Nebi Muuse waxay ka codsadeen inuu u sameeyo ama u sawiro ilaah: “Waxay yiraahdeen Muusow noo yeel ilaahyo, sida iyaguba ilaahyo u leeyihiin/  قالوا ياموسى اجعل لنا إلها كما لهم لهم آلهة   “. Isla arrinkaas laftigiisa waxaa lagu xusay kitaabka Towreedka, oo Sifirka Isxaax سفر الخروج الإصحاح  waxaa ku qoran sidatan: “Markii shacabku ay arkeen in Muuse ku soo daahay ka soo deggidda buurta ayay waxay isugu yimaadeen Haaruun, waxayna ku yiraahdeen istaag oo noo same ilaah aad nagu hor waddo/ ولمارأى الشعب أنّ موسى أبطأ في النزول من الجبل إجتمع الشعب على هارون ،وقالوا له قم اصنع لنا آلهة تسير أمامنا  “.

Imaam Shahrastaani الشهرستاني oo ahaa caalim u dhuundaloola cilimiga diimaha ayaa tibaaxay in Yahuudda lagu aafeeyey Alle jir lehمجسّم  , wuxuuna yiri: لأنّهم وجدوا التوراة مملوءة  بالمتشابهات مثل الصورة والمشافهة والتّكليم جهرا ،والنزول على طور سيناء انتقالا، والاستواء على العرش استقرارا،وجواز الرؤية فوقا وغير ذلك

Haddaba markii islaamku faafay  dunida muslimka waxaa harqiyey afkaar soo galooti ah oo ka timid dhanka Yahuudda, waxaana gacan  ka gaystay faafinta afkaartaas rag isu-muujiyey inay soo islaameen asii aan si dhab ah loo ogayn xaqiiqada caqiidadooda. Dadkaas waxaa ka mid ahaa wadaadkii la oran jiray Kacab Al-Axbaar كعب الأحبار  iyo kuwa kale. Afkaarta ku dhex milantay caqiidada muslimiinta waxaa ka mid ah afkaartii Yahuuddu horay u rumaysnaayeen  ee suuraynta  iyo jir u yeelidda Eebbe التشبيه والتّجسيم .

Culumada u dhuundaloosha cilmiga  firqooyinku waxay sheegaan in Abii Hureyra uu ahaa waddadii uu Kacab u isticmaalay faafinta iyo falkinta afkaartaas. Dhanka kale burburkii dowladdii Soomaliya kadib gayiga Soomaaliya waxaa soo buuxdhaafiyey afkaar soogalooti ah oo ka timid carriga carabta, waxaana hurmuud ka haa afkaartaas midda oranaysa in Alle iyo aadamigu isku egyihiin,. Ayaan darrada dhacday ayaa ahayd in shacabka Soomaliyeed uu u nuglaaday afkaarta noocaas ah, deedna ay u faaftay sidii dabayshii, bullaalinta aragtidan waxaa calanka u siday wadaaddada Soomaalidu u taqaan Wahaabiyadda.

Abii-Hureyra

Sida ay sheegaan taariikhyahannada iyo indheergaradka ku xeeldheer falsafadda tagtadu, taariikhda waxaa qora kan guulaysta(التاريخ يكتبه المنتصر) , waxaana loo qoraa sida ay asaga dantiisu ku jirto, taasoo ka dhigan in ciddii laga guulaystay ay ku dulmantahay qaabka wax loo qoray iyo in laga beensheegay sidii wax u dheceen.

Xeerarka la dajiyey xilligii la kala xoogbatay  xaalkuna  ahaa ninkii xoog badan ayaa xabagta goosta waxaa ka mid ahaa xeerka dhahaya: “ Saxaabada oo dhammi waa wada cudduul (=runlow)/ الصحابة كلّهم عدول  “. Nuxurka xeerkan ayaa ah in la simo dilaaga iyo dulmanaha, waana tii Soomalidu horay u tiri kanna gar leh kaasna gar leh.

Sidoo kale xeerarka xaaraanta ah  ee la ansixiyey xilligaas waxaa ka dhashay in la xayiro axaadiis farabadan oo tibaaxaysay xumaanta xoog ku qabsiga  xukunka ka dhexeeya Muslimiinta, bilmatal Imaam Ahmed ina Xanbal waxaa laga wariyey inuu axaadiista qaarkood ku naynaasay Axaadiistii xumayd الأحاديث الرديئة   . Axaadiista loogu magac daray axaadiistii xumayd waa axaadiis ka digaysa xukaamta daalimiinta ah. Tusaale ahaan dhiganaha  lagu magacaabo Kitaab Al-Sunnah, oo uu qoray Imaam Al-khallaal ayaa Sheegaya in Axmad Ina Xanbal uu  axaadiista noocaas ah diidi jiray in la wariyo, uuna amray in lagubo. Bal iswaydii akhristow maxaa keenay in axaadiista noocaas ah la gubo ama la diido warintooda? Jawaabtu waxay noqonkartaa waa dhaqangalinta  xeerarkii la dajiyey xilligii xaalku ahaa:

Ninkii xoog badan ayaa  taariikhda qora “.

Sida aad dib ka ogaan doonto, waxyaabaha  la sharciyeeyey  waxaa ka mid ah in maaagidda Abii Hureyra gaalnimo ama ugu yaraan faasiqnimo lagu muto, asii maagidda Eebbe wayne aysan macne lahayn.Tusaale ahaan ciddii tiri: Alle iyo Rauulku waxay ku wada fariisan doonaan hal kursi qiyaamaha, lama sheegin ciqaab ay mudanayaan, balse taas badalkeed waxaa lagu abaal mariyey in la faafiyo kutubta ay ku qorantahay caqiidadaas qalloocani  Haddii xaalku saas yahay soo ma muuqato in Abii Hureyra ka maamuus fiicnaaday Eebbaha koonkan maamula. Dhiganayaasha taariikhda qaarood waxay qoreen in Imaam Al-Tirmadi  إمام الترمذي lagu gaalaysiiyey markii uu gaanshanka ku dhuftay Eebbe iyo rasuulku  inay isku kursi ku fariisan doonaan qiyaamaha.

Dhanka kale  waxaa la diiday warinta iyo ka sheekaynta axaadiistii iyo aasaartii qusaysay dadkii laga guulastay, taas badalkeedna waxaa la abuuray warbaahin kawaranta been iyo barabogaando ka dhan ah mucaaradka.

Imaam Al-Tabari waxa uu  sheegay farriin uu Boqor Mucaawiye faray waalligiisi Muqiira ina Shucbe wuxuuna yiri sidatan:

“Ha ka gaabin cayda Cali iyo saaxiibadi iyo inaad fogayso, sidoo kalana Alle danbi dhaaf u waydii Cusmaan iyo kooxdiisa, soona dhawee oo dhagayso/

ويذكر الطّبري في تاريخه أن معاوية أمر واليه المغيرة بن شعبة قائلا ” لاتتحتّم عن شتم معاوية وذمّه والترحم على عثمان والاستغفار له والعيب على علي والإقصاء لهم وترك الاستماع منهم ، وإطراء شيعة عثمان رضوان الله عليهم والإدناء لهم والاستماع منهم”.

Sidoo kale waxaa la wariyey in Boqor Mucaawiye uu koox saxaabo iyo taabiciin ah u xilsaaray abuuridda iyo warinta dacaayad ka dhan ah  Cali iyo kooxdiisi, uuna u qoondeeyey miisaaniyad arrintaas lagu maareeyo. Kooxda Mucaawiye uu u xilsaaray falkinta sheekooyinka bugta ah ayaa waxaa caaradka hore kaga jiray rag ay ka mid ahaayeen Abuu Hureyra, Camar ina Caas iyo Muqiira ina Shucbo.

أنّ معاوية وضع قوما من الصّحابة وقوما من التابعين على رواية أخبار قبيحة في عليّ تقتضي الطعن فيه والبرأءة منه ، وجعل لهم على ذلك جعلا يرغب في مثله ، منهم أبوهريرة وعمرو بن العاص والمغيرة بن شعبة

Abuu Hureyra ayaa ka mid ah dadka sida aadka ah uga faa’iidaystay xeerarkii la dajiyey xilligii la ka la adkaaday, wuxuuna jaalle dhow la noqoday Boqor Mucaawiye. Boqor Mucaawiye ayaa dhankiisa Abuu Hureyra karbad cas u fidiyey, waxaana la is dhaafsaday war iyo maal.

Abuu Hureyra dhankiisa waxuu dareemay baahida uu Mucaawiye u qabo Sharciyad siyaasadeed, sidaas darteed mararka maalku yaraado waxa uu farraqi jiray axaadiis ka sheekaynaysa dulmiga iyo dowlad xumada Reer Banii Umayya.

Saciid ina Musayib oo ay u dhaxdey gabar Abii Hureyra dhalay, ayaa ka warramay sida Abuu Hureyra uu uga xoolaysan jiray warinta axaadiista, wuxuuna yiri sidatan: “Abuu Hureyra wuxuu ahaa mid aammusa marka Mucaawiyo wax soo diro, kolka uu diidana daldalma/  كان أبوهريرة إذا أرسل معاوية سكت ، وإذا منع تكلّم ,”. Waxaase xusid mudan in dhaqanka lacagaynta warinta axaadiistu uusan ku koobnayn Abii Hureyra oo kaliya ee uu ahaa dhaqan rag badani ay la wadaageen. Axmed ina Xanbal waxaa laga sheegay inuu diidi jiray inuu diin ka qaato ciddii ku eedaysan inay ka ganacsato warinta axaadiista. Wadaad aafadaan u kuurgalayna waxaa laga hayaa inuu yiri: “intooda badani waxay ahaayeen dad lagu kalsoonyahay, hasayeeshee maalku ragga wuu addoonsadaa/  كثير منهم كانوا ثقات ضابطين ، ولكنّه المال يثني أعناق الرجل “. Waxay ila tahay marka diintu badeecad isu baddasho inay suurtagal tahay in la dajiyo ama la allifo axaadiista suuqu markaas u baahanyahay.

Adillada loo cuskado in Abii Hureyra dheefsan jiray axadiista waxaa ka mid ah aasaartan;

Cabdullaah ina Cabbaas RC ayaa rasuulka SCW ka wariyey inuu yiri “Qofkii yeesha eey aan ahayn midka lagu ugaarto ama xoolaha lagu ilaaliyo ajarkiisa waxaa ka nuqsaama maalin walba wax la eg laba buurood “

Deedna dadkii ag-joogay ayaa Cabdullaahi  ku yiri: Abii Hureyra xadiiskaan wuxuu ku daraa iyo eeyga beerta lagu waaardiyeeyo, Cabdullaahina wuxuu ku jawaabay: wuxuu xadiiska intaas ugu daray wuxuu leeyahay beer. Sida ka muuqata qisadan Cabduullaahi ina Cabbaas dhacdadan wuxuu ku fasiray sababta Abii Hureyra xaddiiska u kordhiyey waxay ahayd inuu ka dhex arkay dantiisa maadaama uu beeraley ahaa.

عن عبد الله بن عبّاس رضي الله عنه قال ” قال رسول الله صلى الله عليه من اقتنى كلب إلاّكلب صيد أوماشية انتقص من أجره في كلّ يوم قيراطان ” قالوا كان أبو هريرة يروي هذا الحديث هكذا فيزيد كلب الزرع فقال ابن عمرو لأنّ لأبي هريرة كان زارعا

Qoraaga Cabdirisaaq Ciid oo faallo ka bixinaya dhacdadan ayaa yiri “  Cabdullahi ina cabbaas waxa uu fahmay qaacidada ؤilmiga bulshada lagu barto ee dhahaysa “ basharka waxaa u taliya dantiisa jiritaan ama dhaqaaleed, maadaama Abii Hureyra dantiisa dhaqaale ku jirtay kordhinta xaddiisa kama uusan leexleexan “.

فهم عبد الله بن عبّاس أهمّ قاعدة من قواعد علم الاجتماع القائلة ” بأنّ وجود البشر المادّي والاجتماعي هو الذي يحدّد وعيهم الثقافي والسّياسي .فمادام لأبي هريرة مزرعة ،فإن مصلحته المعاشية تتطلّب توجيه وعيه بمايخدم تلك المصلحة،فيزيد “كلب رزع” على الحديث

Axaadiistu xilligii Abii Hureyra buuq badan ayey kicisay, waxayna keentay in saxaabo farabadan ay ku tuhmaan inuu beenlow yahay. Saxaabada beenta ku tuhmayna waxaa ka mid ah Cumar ina Khaddaab, Caa’isha iyo kuwa kale.

Dhiganayaasha taariikhdu waxay sootabinayaan in Cumar uu Abii Hurayra ugu hanjabay inuu u masaafurin doono dhulkii Yaman ee uu ka yimid haddii uusan joojin axaadiista faraha badan, farriin taas la mid ahna wuxuu ku yiri Kacab, sababtoo ah Kacab iyo Abii Hureyra waxay ahaayeen macallin iyo ardaygi

لتتركنّ الحديث عن رسول الله صلى الله عليه وسلّم أو لألحقنّك بأرض دوس، وقال لكعب لتتركنّ الأحاديث أولألحقنّك بأرض القردة

Abii Hureyra waxaa kaloo lagu tuhmay inuu warin jiray axaadiis uusan ka maqlin Rasuulka (scw) ee uu ka maqlay saxaabo  kale asagoo iska dhigijiray in isaga qudhiisu uu suubbanaha ka maqlay. Bilmatal Abii Hureyra waxa uu fatwoon jiray haddii waagu kuu baryo adoo janaabo qaba in aadan maalintaas soomi karin, markii la waydiiyeyna waxa uu yiri: “ Rabbiga kacbada abuuray ayaan ku dhaartaye anigu ma oran ee waxaa yiri Rasuulka SCW”. Marwaan ina Xakam oo markaas guddoomiye ka ahaa magaalada Madiino ayey fatwadaasi ka dagi wayday, wuxuuna farriin waydiin ah u diray Caa’isha Alle haka raali noqdee. Caa’isho way soo beenisay warkii Abii Hureyra, deedna fatwadii noocaas ahayd wuu joojiyey. Kutubta qaarkood waxay sheegayaan markii la waydiiyey dhab ahaan cidda uu xadiiskaan ka maqlay wuxuu sheegay inuu ka maqlay  nin ay rasuulka ilma adeer ahaayeen oo la oranjiray Fadli ina Cabbaas oo markaas mootanaa, dadka qaarkoodna xaalka waxay ku macneeyeen in uu la mid yahay meesha ay Soomaalidu uga maahmaahdo: “Beenlow nin dhintay iyo nin dheer buu markhaati gashadaa”.

Sidoo kale Abii Hureyra waxaa lagu eedeeyey inuu soo raray sheeko xariirtii israa’iiliyaadka, uuna ka soo guuriyey macallinkiisi Kacbul-Axbaar  كعب الأحبار . Kacab ayaa ka markhaati kacay aqoonta Abii Hureyra ee diita Yahuudda ilaa uu yiri “ Ma arag qof aan baran diinta Yahuudda oo ka badiya Abii Hureyra/ مارأيت أحدا لم يقرأ التوراة أعلم بما فيها من أبي هريرة  “. Axaadiista laga wariyo Abii-Hureyra ayaa u badan sheekooyin iyo warar ku saabsan ummadihii hore. Qoraaga Reer Marooko ee Mustafa Buuhindi ayaa yiri kutubta sagaalka ah qisooyinka ay wariyeen boqolkii 25% waxaa wariyey Abii-Hureyra

ويغلب على روايته طابع القصص وأخبار الأمم السّالفة ،إذ أنّ مايقارب ربع الأحاديث المتعلقة بأخبار الأمم السالفة في كتب التسعة راويها هو أبي هريرة

Asal ahaan axaadiista Alle u ekaysiisa basharka iyo axaadiista ka warranta  qaab-abuurkii koonka ee Abii-Hureyra ku abtirsata waxay ka soojeedaan Kacab. Hasayeeshee Abii-Hureyra wuxuu u tiiriyaa Suubanaheenna nabad galyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee.

Taabicigii waynaa ee Bishri ina Saciid ayaa aad uga murugooday qaabka la isugu walaaqay sunnada Nabiga iyo sheeko-xariirtii Kacab uu ka soo minguuriyey kutubta Yahuudda, wuxuuna yiri asaga oo  waaninaya taabiciintii kale: “Alle ka baqa  oo ka dhowrsada warinta axaadiista rasuulka SCW, Allaan ku dhaartaye waxaan arkay annagoo Abii-Hureyra la fadhina deedna uu ka sheekeeyo axaadiista rasuulka iyo wax uu ka wariyo Kacab, markuu tago kadibna aan maqlo ayadoo Rasuulka loo tiirinayo warkii Kacab , kii Kacabna loo tiirinayo Rasuulka

“ قال بشر بن سعيد وهو من كبار التابعين: أتّقوا الله وتحفّظوا من الحديث ،فوالله لقد رأيتنا نجالس أبي هريرة فيحدّث عن رسول الله ،ويحدّثا عن كعب ، ثم يقوم ،فأسمع بعض من كان معنا يجعل حديث رسول الله عن كعب ،ويجعل حديث كعب عن رسول الله صلى الله عليه وسلم

Sida ku cad qisadaan, waxaa jira isku dhexyaac iyo in aan la ka la saarin axaadiistii rasuulka iyo sheeko-xariirtii Yahuudda. Sida aad dib ka ogaan doonto, waxaa jira axaadiis farabadan oo Bukhaari iyo Muslim ku jirta loona tiiriyo rasuulka hasayeeshee asal ahaan ka soo jeedda kutubta Yahuudda. Bal aan tusaale u soo qaadanno hal xaddiis oo Imaam Muslim ku wariyey saxiixiisa. Waa xaddiiska la magac baxay xaddiiskii ciidda حديث التربة  , xaddiiskani wuxuu si faahfaahsan uga warramaya qaabkii Alle u abuuray dunida, wuxuuse u dhigay si ka gaddisan sida quraanku u sheegay. Abii Hureyra xadiiskaan wuxuu u tiiriyey suubanaha, laakin dhab ahaan waxa uu ka maqlay macallinkiisi Kacab.

Mufasirkii waynaa ee Ibnu Kasiir ayaa yiri: “Xadiiskani wuxuu ka mid yahay walxaha lala yaabo ee Imaamu Muslim sheegay, Ibnu Madiini, Bukhaari iyo qaar kale oo ka mid ah xaafidiinta, waxayna sheegeen inuu yahay warkii Kacab/ هذا الحديث من غرائب صحيح مسلم ، وقد تكلّم عليه ابن المدني والبخاري وغير واحد من الحفّاظ وجعلوه من كلام كعب الأحبار “.

La soco qaybta labaad.

Burhaan Ahmed Mohammed

Feerofitig@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code