Anaa kuu fekeri: Dameeraha Alle iyo dameeraha sheydaanka!

Waxaa la wariyey in kolkii tareennada laga hirgeliyey dalka Masar uu wadaad caan ahaa bilaabay in uu dadka uga digo raacidda tareennada, isaga oo ku doodaya in tareenku yahay farsamo gaal, raaciddiisuna ay ka soo horjeedo doonista Alle. Sida la sheegay wadaadku wuxuu daliishaday aayadda 8–aad ee suuradda An-Naxl ee oranaysa: “Fardaha iyo baqlaha iyo dameeraha wuxuu –Eebbe idiinku abuuray- in aad kortaan iyo qurux, wuxuuna (=Eebbe) abuuri wax aydaan ogayn /والخيل والبغال والحمير لتركبوها وزينة ويخلق ما لا تعلمون”. Wadaadkaasi si uu qalbiga dadka qiiro diini ahi ugu beero aawadeed, wuxuu ku oran jirey: “War ma inta dameeraha Alle ka tagtaan baad dameeraha sheydaanka raacaysaan?! /أتتركون حمير الله وتركبون حمير الشيطان”.

Dhacdadaan iyo kumanyaal kale oo la mid ah waxaa la xasuustaa mar kasta oo la arko wadaad si xun wax u wacdinaya, waana tii horay loo yiri: “si xun wax u sheeg sixir ka daran.”

Xalay oo taariikhdu ahayd 30kii Maarso 2018, Shiikh Maxamed Cabdi Umal hadal uu ka jeediyey masaajid ku yaal magaalada Kampala ee dalka Uganda wuxuu ku gaalaysiiyey dadka rumaysan afkaarta calmaaniga, wuxuuna si weyn uga digay in dadku booqdaan mareegta Maandoon oo uu ku tilmaamay meel dad badan –gaar ahaan dhallinyaradu- ay ku fidmoobeen. Wadaadku wuxuu carrabka ku adkeeyey in dadku quluubtooda khifiifka ah ay ilaashadaan, kana taxadaraan mareegtaan iyo kuwa la midka ah.

Dhab ahaantii, hadalka wadaadka nuxurkiisu waa in dadka faraha badan ee hor fadhiyaa aysan garaad ahaan weli qaan gaarin, oo aysan lahayn caqli ay saxa iyo khaladka ku kala gartaan. Isaga iyo saaxiibadiisa ku eyniga ahina ay u xilsaaran yihiin in ay dadka oo dhan u fekeraan, wax akhriskana mas’uul uga noqdaan. Waxaana xusid mudan in isla masaajidkaan sannad ka hor uu Shiikh Maxamuud Shibli ka gaalaysiiyey mareegta Maandoon iyo dadka wax ku qora. Weydiimaha jawaabta u baahanna waxaa ka mid ah sababta muranka Maandoon masaajidkaan loola raadsado?

 

Taariikhda aadanaha oo idil wadaaddada diimuhu waxay isku dayaan in ay dadka maamulaan iyaga oo diinta gabbaad ka dhiganaya. Taasina waxay keentay in dad badani ay diimaha u arkaan in ay yihiin aalad loo hindisay si bulshada gacanta loogu dhigo oo dhankii la doono loogu jiheeyo. Waxaana la wada xasuustaa oraahda Karl Marx ee loo soo gaabiyo: “Diintu waa daroogada dadweynaha.” Karl Marx oraahdaan wuxuu yiri ka dib markuu u kuurgalay sida wadaaddada diinta Masiixigu ay diinta ugu danaystaan, dadkana uga dhaadhicyaan in ay si indho la’ warkooda u maqlaan, aqoonta iyo cilmigana u la diriraan.

Dr. Cali Shariicati (1933 – 1977) isaguna waa kii nooga digay waxa uu ugu yeeray ‘dameeraysiga diineed= الاستحمار الديني’, oo ah in magac diimeed aan ku oggolaano in aan garaadkayaga dhayalsanno ama aan aadanaha kale liidno. Dr. Cali si uu noogu caddeeyo fikradda dameeraysiga diineed, wuxuu xusay tusaale caan ah oo uu ku yiri: “Marka guri dab qabsado, haddii qof kuugu yeero salaad iyo Alle bari, waxaa kula gudboon in aad ogaato in taasi tahay baaq tuug (=khaa’in). Ka warran haddii waxa uu kuugu yeeray uu ahaan lahaa hawl kale oo taa ka yar? In ahmiyad la siiyo waxaan dabka damintiisa ka ahayn, iyo in hawl kale looga mashquulo, waa dameeraysi cad oo keliya, ha ahaato hawshaasi mid muqaddas ah ama aan muqaddas ahayn e /عندما يشب حريق في بيت، ويدعوك أحدهم للصلاة والتضرع إلى الله، ينبغي عليك أن تعلم أنها دعوة خائن. فكيف لو كانت دعوته إلى عمل آخر أقل شأنا؟ فالاهتمام بغير إطفاء الحريق، والانصراف عنه إلى عمل آخر، ما هو إلا استحمار، وإن كان عملا مقدسا أو غير مقدس” (Eeg buugga Cali Shariicati ee النباهة والاستحمار).

Waxaana lagu dooday in uusan jirin farqi u dhexeeya gumeysiga iyo dameeraysiga oo aan ka ahayn in kan hore dibedda ka yimaado, kan dambana gudaha. Runta kharaar ee jirtaana waxay tahay in ummadaha horumaray ay dersaan, isla markaana ilaaliyaan dareenka dameeraha, halka kuwa dib-u-dhacu haystaa ay ka dilaan caqliga iyo dareenka aadamiga Alle karaameeyey.

 

Wadaaddadu har iyo habeen waxay nagu wacdiyaan xadiiska nebiga loo tiiriyo ee yiraahda: “Xikmaddu waa baadida muuminka, meel walba oo uu ka helana isagaa dadka ugu mudan   /الحكمة ضالة المؤمن، أينما وجدها فهو أحق الناس بها’. Taas oo jirta, haddana wadaaddada badankoodu waxay jecel yihiin in bulshadu aysan yeelan indho aan iyaga ahayn, aragtidooda oo qur ahina ay noqoto tan bulshada hagta, cid kasta oo la timaadda fikrad tooda khilaafsanna waxay ku xukumaan in ay yihiin faasiqiin, gaalo ah oo cadow soo dirsaday.

Aafada weyn ee wadaaddada qaarkood haysataa waa in ay la tahay in dadka oo dhammi ay yihiin caamo dam ah oo aan garasho lagu ogayn, isla weyniduna ay ku bixiso in ay u qaataan in keligood awoodaan fahanka nusuusta diinta, ayna yihiin kuwa u kala dabqaada Alle iyo abuurkiisa.

Wadaaddadu waa in ay fahmaan in bulshadu ka badan tahay wax hal fikrad iyo hal firqo ku filan tahay, waana in la ogaado in Alle uusan abuurin walax ka qaalisan, oo ka sharaf badan caqliga (=ما خلق الله شيئا أشرف من العقل). Caqliga ayaa ah kan dadka duunyada ka sooca. Ciddii ku tiraahda caqligaaga ha isticmaalinna waxay dhab ahaantii ku leedahay dadnimada ka tag oo duunyada ku biir. Sidii horay loo yirina: ma jiro wax caqliga ka sarreeya oo aan caqliga ahayn.

Culumoooooooy.. Diinta daroogo ha ka dhigina!

Halkaan ka eeg qayb yar oo ka mid ah hadalkii wadaadka:

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

*

code