Aqoonta iyo khuraafaadka

Labada eray ee khuraafaad iyo aqoon waxay ka mid yihiin is diiddooyinka ugu waawayn ee caalamka laga aqoonsanyahay. Labadooda mid haddii la waayo waa biyo kama dhibcaan in midka kale la helayo. La dagaalanka khuraafaadkuna waa dhabar jabinta caqligii hore ee aan aqoonta heer sare ka gaadhin.

Macnaha erayga khuraafaad waa ka fogaanshaha xaqiiqda, waa rumaynta fikrad aan waaqica la jaan qaadi karin si looga hor tago tabaalaha adduunka iyo mushkiladaha mar kasta la soo darsa aadamaha, waa keenidda xal aan caqli ku fadhiyin. Nolosha dadka bilawga ah waxay ku taagantahay in caalamka dahsoon ka saamayn badan yahay caalamka muuqda, mar kasta waxay dhibaha nolosha u aaneeyaan quruumo hoose oo awooda in ay saamayn togan iyo mid taban ba ku yeeshaan nolosha, guusha iyo caafimaadkaba.

Markii aadamihii hore uu indhaha saaray adduunka, waxa la soo darsay ashqaraar iyo amakaaga, waxay la noqotay in uu qaddariyo dhammaan walxaha dabiiciga ah ee oogada guud kiisa saaran, kama uu baaqsan in uu xiddigaha samada ka widhwidhaya la dhaco araggooda, waxa uu is dareensiiyay dhibta iyo dheefta uu ku qabo in ay ka soo maaxanayso ruuxda la midka ah ee ku jirta, taas oo keentay qofaynta dabeecadda.

Aamminidda in walxaha adag si uun u leeyihiin naf iyo garaad waa mid ku abuuran aadamaha lagana dheehan karo xidhiidhka caruurta yaryar iyo agabka ay ku ciyaaraan ka dhaxeeya, marka ay ooyaan waxay ku cadho burburaan caruusaddooda ama ay la sheekaystaan iyaga oo is dareensiinaya in ay fahmayaan.

Aadamahii bilawga ahaa waxa lagu qiyaasaa in uu kala saari kari la’aa walaxda nool iyo midda aan noolayn. Sidaa daraaddeed marka uu arko wabi rogmanaya waxa uu is dareensiinayay in xidhiidh jacayl ka dhaxeeyo, uguna deeqayo biyo uu naftiisa ku badbaadiyo. Marka wabigu ka leexdo ama uu biyo yareeyo wuxu isku qancinayay in uu ka cadhaysan yahay una baahi qabo xanaanayn dheeraada iyo raali galin.

Dhaqanka dadyawgaasi waxa uu keenay in duquus diineed (=religious rituals) loo sameeyo walxahaas la qofeeyay iyada oo looga qiyaas qaadanayo aadamaha. Tusaale, aadamahu wax buu cunaa waa in arwaaxdaasina wax cuntaa, waana sababta keentay qurbaanka iyo cuntada loo dhigo arwaaxdaas, si loo sii xoojiyana waxa loo sameeyay qaab gaara oo loo cuntaysiiyo iyo geeraaro la akhriyo si loo raali galiyo.

Fikirka khuraafadka ku dhisan waxa uu ku suntan yahay in aannu tix galin sababaha cilmiga ah ee dhacdo kasta asteeya, baadi goobkiisuna waxa uu bariinsadaa awoodo dahsoon. Fikirka noocan ah waxa uu ku baahaa bulshooyinka ay ku gadaaman yihiin duruufo dhaqaale xumo iyo mid amni daraba, si ay u helaan xal kama danbays ah waa in ay cuskadaan awoodo ka sareeya mar haddii aanay aqoon dhaba u lahayn xaaladda la soo daristay. Khuraafadu waa is moodsiinta in aqoon aad u leeday adduunka kugu gadaaman.

Horumarka bulshadu waxa uu saami gal rogan la yahay adeegsiga khuraafaadka. Horumarka aadamaha iyo aqoontuba waxay udub dhexaad u yihiin irdhinta khuraafaadka iyo kutiri kuteenka aan ku fadhiyin cadaymo maan gal ah. Sababaha wali sii adkaynaya joogitaanka khuraafaadka waxa ka mida:

1- dad badan oo wali aan ka bixin qaab fikirkii duugoobay, kuna fikiriya in dhibaatooyinka haysta sida; xanuunka, gaajada iyo murugadaba aanay ka xayuubin karin awoodo dahsoon mooyee cid kale ba.

2- Si loo buuxiyo baahida naftu u qabto helidda sababta dhacdooyinka awgeed ayaa dadka qaar ugu kadsoomaan khuraafaadka.

Khatarta ugu wayn ee khuraafaadku waxay soo baxdaa marka ay ku dhex milanto diinta. Dhibteeda waxa la dareemaa marka ay isku baddesho shaqo ay ka macaashaan dad gaar ahi. Inkasta oo diinteenna suubban caqliga meeqaamkiisa ay kor u qaadday, haddana wali waxa jira dad aannu u cuntamin oo ku dhaggan khuraafaad.

iyo rooxaanta

rooxantu waa mid soo jireen ah, oo diimo kala gaddisan iyo carrooyin kala firidhsanba lagaga dhaqmi jiray. Mar hadddii aan la garanayn sababta dhabta ah ee nabarka ama iinta ka danbaysa waxa loo aaneeyaa uun jin iyo shaydaan.

Daraasado lagu sameeyay isku dayada irdhinta rooxaanta waxa lagu ogaaday in labo kun oo sano nebi Ciise ka hor ay dhulka labada wabi(= Ciraaq) ka bilaabmatay. Faraacinadii iyo Hindidii hore ba waxa ay u aqoonsanaayeen in cudur kastaaba ka danbeeyo rooxaan iyo awoodo hoose sida jinka oo kale. Aamminaada “shaamaaniyada” ayaa rumaysnaa in rooxaanta sharka le iyo shaydaanku ay dafaan nafaha dadka caafimaadka qaba,uguna baddelaan mid kale oo bukta. Tufta qofka u qaabilsana wuxu ka masuul ahaa in uu soo helo naftii caafimaadka qabtay. Adeegsiga biyaha ayaa markasta ahaa mid lagula diriro rooxaantaas.

Diimaha samaawiga ah si cid looguma hayo buunbuuninta awoodaha dahsoon iyo in ay awood u leeyihiin wax yeelaynta aadamaha, haddana khuraafaad badan oo diinta masiixaga dhex jibaaxay markii ay ku dhex milantay dhaqankii Roomanka ayaa qiimo u yeelay awoodaha dahsoon.

Muslimiintu waxay isku waafaqsanyiin jiritaanka jinka sida quraanka ku cad, inkasta oo khilaaf xooggan ka taagan yahay suurta galka in jin gali karo dadka. Caan bixitaanka aamminaada in jinku dadka galo kama dhigayso in ay tahay wax jira, culimo badan oo islaamka ah ayaa qaba in ay khuraafo tahay, waxaana ka mida tusaale ahaan: Imaamu Raazi, Shawkaani, Maxamed Cabdo,Al-qaadi Cabdul Jabaar, Abuyacla al-Jabaa’i, Jamaalu diin Afgaani, Maxamed shaltuut, Samakhshari,Abu xaamid al-qasaali, Ibnu Caashuur, Maxamed al-qasaali,iyo Qardaawi oo hadda nool.

Culimada ku dooda in jinku gali karo aadamaha, waxay daliishadaan aayadda:

{ الَّذِينَ يَأْكُلُونَ الرِّبَا لَا يَقُومُونَ إِلَّا كَمَا يَقُومُ الَّذِي يَتَخَبَّطُهُ الشَّيْطَانُ مِنَ الْمَسِّ ذَلِكَ بِأَنَّهُمْ قَالُوا إِنَّمَا الْبَيْعُ مِثْلُ الرِّبَا وَأَحَلَّ اللَّهُ الْبَيْعَ وَحَرَّمَ الرِّبَا فَمَنْ جَاءَهُ مَوْعِظَةٌ مِنْ رَبِّهِ فَانْتَهَى فَلَهُ مَا سَلَفَ وَأَمْرُهُ إِلَى اللَّهِ وَمَنْ عَادَ فَأُولَئِكَ أَصْحَابُ النَّارِ هُمْ فِيهَا خَالِدُون }َ [ 275: البقرة].

Afka Carabida waxa ku banaan in wax la taaban karo loo ekaysiiyo wax maangal ah, se aanay dareemayaashu gaadhi karin. aayadani waxay ka hadlaysaa fahamka iyo humaag qaadashada maskaxda dadkii noolaa oo aaminsan in qofka jinku galo dhacdhaco, iyada oo laysku xidhayo qofka ribada ku shaqaysta iyo sawirka ugu xun ee Carabi taqaanay si loo soo dhaweeyo macnaha. Waxay la mid tahay aayadda ka waramaysa naarta ee alle swt yidhi:

(طلعها كأنّه رءوس الشياطين)

Shaydaanka hummaaga laga haysto waa mid ku astaysan fuulxumo, haddan wali lama arag qof yidhi madax shaydaan baan arkay. Waxay tani tilmaamaysa in jin galiddana aanay aayaddani u noqon karin daliil.

Labada aayadood ee ka warramaya dhibtii nabi Ayuub, ayaa muujinaya in “mas=مس”aanay ahayn jin galid:

{وَإِنَّ لَهُ عِندَنَا لَزُلْفَى وَحُسْنَ مَآبٍ وَاذْكُرْ عَبْدَنَا أَيُّوبَ إِذْ نَادَى رَبَّهُ أَنِّي مَسَّنِيَ الشَّيْطَانُ بِنُصْبٍ وَعَذَابٍ} (41) سورة ص. {وَأَيُّوبَ إِذْ نَادَى رَبَّهُ أَنِّي مَسَّنِيَ الضُّرُّ وَأَنتَ أَرْحَمُ الرَّاحِمِينَ} (83) سورة الأنبياء.

Mufasirkii reer Andulus ee Abu Xayaan waxa uu ku fasiray:”dhibta soo gaadhay nabi Ayuub waa xanuun, lehna sababo dabiica ah oo ka muuqday jidhkiisa”. Samakhshari oo tafsiirkiisa Kashaaf ku sharaxaya ayaa yidhi:” Aayaddu waxay ka waramaysaa dhibta iyo soomal haadka kala soo darsay nabi Ayuub xanuunka jidhka, boholyowga uu u qabo reerkiisa laga irdhiyay iyo in caydhnimo soo food saartay. Shaydaanka waxa uu ugu aaneeyayna waa edebsi uu Ilaahay xumaan ka dhawrayo. Awood aan ka ahayn waswaasintana shaydaanku kuma le aadamaha”. Ibnu Caashuur isla aayadan wuxu ku adkaysanaya in aanu shaydaanka iyo jinkuba awood u lahayn in ay galaan aadamaha oo maareeyaan maskaxdiisa wixii aan ka ahayn waswaasin.

Imaamka wayn ee Fakhru-diin Arraazi ayaa tafsiirkiisa ku tilmaamay:” shaydaanku haba yaraatee uma le wax awood ah in uu ku rido aadamaha xanuun iyo dhib kaleba, waxana u daliila:-

1- Haddii ay suurtagal tahay in nolosha, geerida, caafimaadka iyo xanuunkuba shaydaan ka yimaadaan, waxa laga yaabaa in mid innaga mida uu shaydaan keenay adduunka!.Dhammaan galladaha aynu tirsanaynana in uu ka masuul yahay ama qayb ka mida leeyahay. Sidaa daraaddeed awood uma lihin in aynu nidhaahno Alle kaliya ayaa nolosha, geerida, caafimaadka iyo xanuunkaba keena!.

2-Haddii shaydaanku awoodaas leeyahay muxuu u layn waayay anbiyada iyo dadka wanaagga lagu majeerto.

3- Waxa daliil inoogu filan aayadda uu shaydaanku ku garnaqsanayo aakhiro, ee ah in awoodda kaliya ee uu leeyay tahay ku baaqidda xumaanta.

: {وَمَا كَانَ لِيَ عَلَيْكُم مِّن سُلْطَانٍ إِلاَّ Ø£ÙŽÙ† دَعَوْتُكُمْ فَاسْتَجَبْتُمْ لِي} (إبراهيم: 22)”.

Rumaynta in jinka iyo rooxaantu ay maamuli karaan aadamaha waa mid khatar ku ah caqiidada qofka muslimka ah. haddii uu awoodaas leeyahay waxay ka dhigan tahay in uu Ilaahay SWT la wadaago maaraynta adduunka. Middaasi waxay meesha ka saaraysaa xisaabinta iyo doorashada xorta ah ee uu Rabbi ku galaday addoomihiisa. Waxa ka dhalanaya in aynu aqbalno aaminaadaas darteed haddii tuug wax xaday inuu yidhaahdo jin baa i adeegsaday ama qof sino ku dhacay ku cataabo rooxaan ba igu lammaanayd. Haddii jinku yahay uumiye qaybi ah/dahsoon, waxa waajiba in qofku rumeeyo ee maaha in dhacdooyin muuqda loo aaneeyo. Sidoo kale garanwaaga xanuun kama dhigna in ay ka danbeeyaan awoodo dahsoon, waxa kaliya ee la hubaa waa in aqoon darro jirto.

Imaam ibnu Xasam oo kitaabkiisa “farriimaha(3/228)” kaga hadlaya sheegashada in jinku ka dhex hadlo dadka ayaa yidhi:” in jinku ka dhex hadlo dadku markay dhacaan waa beenaha kuwa tuf sheegtadu alooseen, cida kaliya ee ay ka suurtawdo in ay rumaystaana waa maatida.

Ilaahay baynu ka magan galnay been hawaasnimada iyo rumaynta khuraafaadka”.

Xasan mutamarid

Mutamaridhargeisa1@gmail.com

 

One thought on “Aqoonta iyo khuraafaadka

  • October 5, 2016 at 5:53 pm
    Permalink

    Marka hore nabadi ha Ku gaarto bwe Marka xiga waxad qoraalkan Ku tiigtiigsaty jin dad Kama dhex hadlo rooxaanta xanuun ma keento wll anigu xaga diinta aqoon bdn uma lihi lkn waxa waaqiciga ah xaq baan u leeyahy inaan wax kaa weydiiyo hadii aan jon hadlin oo dad derderin kumanaanka qof oo malinkasta la daala dhcaya mxy yihiin mise waxagu wa jeesjees oo xanuun Eebbe kerny lkn sababta jin laha ba Umada la difysan baa Ku jeesjeesaysaa kolyto anigu dad bdn oo u xanuunsan ban arky masaladi cilmiya in aragti shaqsi looga jawabana ma fcna

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code