Aqoonta

Francis_Bacon,_Viscount_St_Alban_from_NPG_(2)Qormadan hoos ku taal waa turjumidda “Of Studies oo uu qoray Faraansis Baykan (Francis Bacon) oo ahaa faylasuuf iyo qoraa noolaa intii u dhaxaysay 1561 – 1626. Waa qormo ku cukan aragtiyo qoto-dheer oo ku saabsan aqoonta, raadcadeeda, iyo faa’iidooyinkeeda.

Intii aan turjumayey waxaan ku dedaalayey in aan u ilaaliyo qormada bu’deeda, bilicdeeda, iyo baaxaddeeda oo iigu kala mudan siday u kala horreeyaan. Taasi ma aha arrin fudud, gaar ahaan marka afafka aad u kala guurinayso u kala geddisan yihiin sida Ingiriisiga iyo Soomaaliga – waa laba af oo siday wax u cabbiraan kala fog tahay. Waxa taas sii adkeeyey iyadoo qormadanina tahay mid lagu faro-yaraystay oo qoraagu ku xardhay af aad u sarreeya iyo murti weyn isagoon erey la tuuraba soo dhigin meesha. Waana sababahaas oo kale kuwa keena in turjumada ay wax ku lumaan; haddii qofku yaqaan helina karo afkii asalka ahaa ee lagu qoray qormadana, waxa loo qaatay inuu kaas ku akhriyo.

Yeelkadeede, waxa hortaada yaal maanta waa isku-daygaas Faransiis Baykan iyo kaygii turjumada (ereyga “Essay” oo ah nooc ka mid ah curisyada suugaanta Reer Galbeedka, qormadanina ka mid tahay, waxa la xusaa in uu asalkiisii hore ka yimid ka Faransiiska ee “Essais” oo ah isku-day). Turjumadani ma aha mid lagaga kaaftoomo turjumado kale oo lagu sammeeyo isla qormadan. Turjumad kasta waxay magan u tahay kartida garasho iyo gudbineed ee qofka sameeyey. Sidaas darteed, waxaan dhawraynaa kuwo ka wanaagsan iyo kuwo lafa-gur wataaba inay soo baxaan. Intaas ka hor, iyadii iga guddoon…

Aqoontu waa raaxo, qurux iyo awood. Adeegsigeeda ugu muhiimsan dhanka raaxadu waa madadaalo iyo nasasho; ka quruxdu waa haasaawaha; ka awooduna waa garsoorka iyo hawl-gudashada. Inkastoo waayo-aragu leeyahay karti fulineed, lagana yaabo inuu arrimaha qaar ka garnaqi karo, haddana halka ugu habboon ee ay ka iman karto talada guud, iyo qorshaynta iyo isku duba-ridka arrimuhu, waa kuwa aqoonta u leh. Wakhti badan oo lagu lumiyo raadcada aqoontu waa caajisnimo; in badan oo lagu xarragoodaana waa istusnimo; markasta in xeerarkeeda lagu sargoostaana waa ceebta aqoonyahanka. Aqoontu waxay dhammaystirtaa dhaladka, iyadna waxa dhammaystira waayo-aragnimada; maadama kartida dhaladka ahi, sida dhirta, ugu baahan tahay in lagu baaqbaaqo aqoon; aqoontaasina waxay ku foofisaa aag aad uga ballaadhan qofka ilaa ay soo xerayso waayo-aragnimadu. Farsamo-yaqaanadu way xaqiraan aqoonta; dadka caadiga ahina way u riyaaqaan; xeeldheerayashuna way adeegsadaan, maadaama aanay iskaa barayn adeegsigeeda; haddana waa taas xeesha lagu helayo fiiro iyadoon wadan aqoon, kana sarraysa aqoontii.

Ha u akhrin si aad u caabido ama u muujiso qalad, hana u akhrin si aad u rumayso ama isku siisid, hana u akhrin si aad ugu sheekayso ama haasawdo, laakiin u akhri si aad u miisaanto una qiimayso. Buugta qaar waa in la dhadhamiyo, qaarna waa in la liqo, in yar oo koobanna waa in la calaliyo oo la dheefshiido; taas oo ka dhigan in buugta qaar qaybo uun laga akhriyo; kuwana si aan fiiro badan lahayn loo akhriyo halka in yar oo kooban gebigoodaba si foogan oo maddaalenimo ah loo akhrinayo. Buugta qaar waxa kaaga filan wakiil iyo wixii laga soo weriyo, laakiin kuwaasi waa buugta aan mugga lahayn ama tayadoodu hoosayso; ka digtoonow, buugta la shiiley waa sida biyaha la sifeeyey, dhalaal badanaa. Akhrisku wuxuu qofka ka dhigaa mid buuxa, haasaawuhuna qof diyaar ah, qoraalkuna qof quman. Sidaa darteed, haddii qofku aanu wax qorin waxa uu bedelkeeda u baahan yahay xusuus hodman; haddii sheekadiisu yartahayna wuxuu u baahan yahay af hodman haddiise akhriskiisu yar yahay wuxuu u baahan yahay xarfad badan oo uu ku muujiyo inuu yaqaan wixii aanu aqoon.

Sooyaalka waxa lagala hadhaa xeel; gabayaagana af hodan ah, xisaabtana tab; falsafadana qoto; anshaxana god; loojiga iyo dooddana kartida difaaca. Aqoontu waxay u gudubtaa saamaysaana dhaqanka qofka. Xaasha’e mana jirto derbi ama caqabad ku gudban bilista maanka oo aan lagu suulin karin aqoonta ku haboon, sida cudurada ku dhaca jidhkuba u leeyihiin jimicsi ku haboon. Luufluufku (bowling) wuxuu u roon yahay dhagaxaanta kaadimareenka iyo dhexda, toogtuna waxay u roon tahay sambabka iyo shafka, socodka qumaatiga ahina caloosha, fardo-fuulkuna madaxa, iyo qaar kale. Haddaba haddii uu qofku kari la’yahay feejignaan, ha barto xisaabta; maadaaba marba haddii in yar dareenkiisu ka jeesto tusaalaha ay ku kelifayso inuu dib usoo bilaabo. Haddii qofku uusan ku fiicnayn kala sooridda iyo helista faraqa u dhexeeya arrimaha, ha barto aragtiyaha aqoonyahanadda iyagaa wax dhogor-gura’e. Haddiise uu ku liito in arrimaha uu axadho, oo uu mid usoo qaado si uu mid kale u caddeeyo ama u muujiyo, ha barto kiisaska garyaqaannada. Sidaas darteed, iin kasta oo maskaxeed waxa loo helayaa jeeltirkeeda.

F.G. Ciyaarta loo afka Ingiriska lagu yidhaa “bowling” waa ciyaar kubad lala beegsanayo walxo u samaysan sida dhallooyinka sharaabka oo kale. Kuwa ku tartamayaa waxay kala dhaabayaan ama isku tirsanayaan inta walxahaas ay ka legdaan. Ciyaaro dhawr ah oo carruurnimadaydii aan ciyaari jirnay ayaa u dhaw sidaas. Ta ugu dhaw waa tan aan ku turjumay ee luufluuf aan u naqaanay, meelaha qaarna looga yaqaan luuf. Luufluufka waxa ka mid ah noocyada loo ciyaaro mid la taxo bitijooro (baytariyada raadiyaha oo kale) dabadeedna inta halkaas lala soo joogsado dhagaxaan salkoodu sallaxan yahay lagu soo suluulixiyo sidaasna lagu kala dhaabo xoolkii bitijoorada ee qofku haystay. Ciyaarta kale ee u dhaw waa buul ama boojo. Wixii aad ku turjuntaba, qormadani waxay abaal badan uga hayaa dadkii isku hawlay inay ila raadiyaan ereyga ugu dhaw af Soomaali “bowling” oo bogga aan ku leehay Faysbuugga ii soo gashay aragtiyo badan (aan qirtee, waa halkaan kasoo bartay ereyga boojo).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code