Argagixisonimada Fikirka iyo Taariikhda Islaamka

 

Inta badan waxaynu maqalaa wax loogu yeedho maxaakiimtii taftiishka(inquisition) oo dunida Galbeedka ka jiray casriyada ay u yaqaannaan Casriyadii Dhexe ama Madoobaa. Mudadaas oo awoodda kaniisadu argagixisinimo fikir kula kacday aqoonyahan si uun u dhaliilay ama kasoo horjeestay fikirkii taliska kaniisaddu qabay iyadoo lagu eedaynayaynayo gaalnimo. Haddaba, ma is waydiinnay in wax taas u egi dunida Muslimka ka jireen iyo in kale? Haddaynu is waydiino xitaa ma sii rogrognaa?

Intaynaan su’aashaa jawaab u raadin marka hore aan ku yar hakano ereyga “taariikhda islaamka”. Taariikhda islaamku (attaariikh al-islaami) ma aha wax dhawrsoon oo aan xumaato lahayn, waa afcaashii dadkii muslimka ahaa, sidaa aawadeed waxaad ugu tegaysaa wax qurux badan iyo wax foolxun, wax kaa farxiya iyo wax kaa murugaysiiya, wax kaa qosliya iyo wax ku qayayaab geliya intaba.
Haddaba, taariikhda sidaa u noocyada badan argagixisinimada fikirku waa qayb ka mid ah oo aan lays diidsiin karin, culimo iyo aqoonyahan aan tira lahayn baa qaar loo gawracay, qaarna loo deldelay keliya fikirkay xaqa u arkeen awgeed iyadoo lagu eedeeyay gaalnimo amaba zandaqa (qarsasho gaalnimo). Ka ugu rooni wuxu ahaa ka jeedalka iyo xabsiga laysugu daray.



Waqtigii dawladii la baxday Umawiyiinta ee reer Banuu Umaya u talinayeen dunida Islaamka si ay u jideeyaan dambiyada ay galaan amaba aan cidina ula xisaabtamin waxay qaateen fikirka “jabar”-ka kaas oo qaba in qofku aanu afcaashiisa masuul ka ahayn, wax kasta oo dhacaana  qadar Ilaahay yihiin oo aan bini’aadamka boos uga furnayn shaqana aanu ku lahayn. Taasi dabcan waxay bulshadii ku keensatay inaan taliska lala hadlin xumaan iyo samaan waxay sameeyaana aan juuq laga oran. Diididda waxa  khaliifku doono waxa lagala mid dhigay iyadoo la diiday amar Ilaahay iyo go’aankii. Tusaale ahaan waxa la soo wariyaa in Cabdimalik Bin Marwaan uu qasrigiisa ugu yeedhay nin ay is hayeen oo la odhan jiray Camar bin Saciid Alashdaq, kadibna waxa la yiri intuu gawracay ayuu dadkii taageersanaa ninkaas la hadlay oo ku yiri ”Amiirkii mu’miniintu wuxu dilay ugaaskiinii sida Ilaahayba ku gooyay xukunkiisa aan xukun ka danbayn [1].

Fikirka noocaas ah ayaa aqoonyahankii garaadka furaa u adkaysan waayay kadibna aqoonyahan la oran jiray Qaylaan Ad-Dimishiqi oo ka mid ahaa aqoonyahanka kuwoodii ugu dhiiranaa ayaa toos uga horyimi taliskii waqtigaas. Wuxu difaacay oo ku doodayay in insaanku xoryahay oo uu masuul ka yahay ficilkuu samaynayo if iyo aakhirona loo raacayo oo aan lagaga hadhayn Ilaahay baa qadaray. Taliska oo dareemay awoodaas wuxu ku eedayay gaalnimo iyo kufri, kadib markii maxkamad dheer culimadii suldaanku ku saartay qasrigii hogaamiyihii Umawiyiinta waqtigaa Hishaam bin Cabdimalik na waxa lagu xukmiyay in la dilo. Waxa la sheegaa in boqorka laftigiisu uu lug iyo gacan is dhaaf ah ka jaray, kadibna gurigiisii la hordhigay. Maalin ka dib ayaa waxa soo maray baa la yiri nin taliska ka tirsan oo ku yiri hadal jeesjees ah: Qaylaanow taas aad ku sugantahay maanta waa qadaa iyo qadar! Kadibna wuxu ku jawaabay baa la yiri: waa beentaa..qadaa iyo qadar toona maaha. Kadibna khaliifkii oo hadalkaa maqlay ayaa amray in surka laga jaro laguna deldelo irdaha magaalada Dimishiq [2]. Raga waqtigaas la dilay [3] waxa kaloo ka mida ahaa Macbad Al Juhani oo kutubta qaar qorto inuu ahaa ninkii ugu horeeyay ee ka hadla qadarka[4]. Raga iyagu waqtigaas seefta ka dhuumanayay , inkastoy caqiidada taliska kasoo horjeedeen hadana aan sida cad uga hadlin waxa ka mid ahaa taabicigii Xasan al-Basri[5]

Dhacdada kale ee isla waqtigaa dhacday waxay ahayd qalashadii Jacad bin Dirham. Jacad bin Dirham wuxu ahaa aqoonyahan ku noolaa isla waqtigaas Dimishiq. Waxa la sheegaa inay halkaa ku doodeen niman aqoonyahanno ah oo diinta Kiristanka haysta, kadibna kalmada Ciise iyo Ilaahnimadiisa sida kiristanku u aaminsanyahay ayaa laga dooday. Markaas ayaa la sheegaa inuu Jacad bin Dirham markii ugu horeysay ku dooday qadiyada ”Khalq al-Qura’aan”. Kadibna Dimishiq waa laga raacdeeyay ilaa uu u cararay Kuufa, halkaas oo ay iska heleen Jaham bin  Safwaan[5] Kadibna sida la soo wariyo waxa halkaa aroor ciid Adxa ah ku qashay waaligii Umawiyiinta ee Kuufa Khaalid bin Cabdulaahi Alqasri[6]. Argagaxisinimada fikirku bartaa kuma dhammaan ee way sii socotay, iyadoo u ekaatay kala aargoosi iyo ninba markiis. Markii Dawladii Cabaasiyiintu qabsatay xukunka Islaamka waliba waqtii Ma’muun waxa dawladu qaadatay caqiidadii ragii hore loo laayay iyo waliba mad’habka Muctasilada oo waqtigaa cusbaa. Halkaas waxa furmay waxa taariikhda Islaamka loo yaqaano ”mixnada” dadka lagu qasbayay inay qaataan fikirka abuuritaanka Quraanka. Dadka dhibka ugu badani dhacdadaa kasoo gaadhay waxa ka mid ahaa Imaamkii Ahlul Xadiiska Axmed bin Xambal oo jidh dil iyo jeedal badan la kulmay, laakiin diiday inuu fikirkiisa ka noqdo. Mixnadu in badan ma socon Al-Mutawikil oo ay Ma’muun laba xili u dhexeeyeen ayaa soo afjaray. Taa guul u noqotay Ahlul Xadiiska, fursadna u siisay inay markooda ka takhalusaan Muctasila, Jahmiya, falaasifo iyo wixii soo raacay.

Argagixisinimadaa fikir ee aynu soo sheegnay waxay dhacday keliya intii u dhexsay qarnigii 2aad ilaa qarnigii 4aad ee hijriga.

Haddaba, taariikhdu kuma xuma in taariikh ahaan loo daraaseeyo loogana dabqaato waxa soo socda, waxaase la yaableh in dadka qaar wali u jeelanyihiin waqtigii noocaas ahaa oo ay u yaqaaniin waqti wanagsanaa oo ay tahay in sidiisii loogu laabto, loona soo nooleeyo. Kooxdani dadka jariimooyinkaa galay waxay u yaqaaniin ”asalaf asaalix–kuwii tegay ee wanwanaagsanaa”. Waa fikirka maanta soo saaray Daaacish iyo kooxaha la midka ah ee maagaalooyinkii Suuriya irid kasta ka soo laalaadiyay qof la salbiyay ama surka laga jaray iyagoo leh waxanu ku taaganahay manhajkii kuwii tegay ee wanwanaagsanaa ” calaa minhaaj asalaf asaalix” [7].

 

Guntii iyo gebegebadii, haddii maanta la rabo in caalamka Islaamku xadaarad waarta sameeyo shardiga ugu wayn ee  ku xidhnaan karaa waa xorriyada fikirka iyo damiirka oo laga dhigo xaq aasaasi ah oo qof kastaa leeyahay. Nasiib daro se taa uma jeedno, cagsigeed waxaynu aragnaa maanta mindiya la afaysanayo oo ciddii lagu qali lahaa la raadinayo.

——–
[1] Ibn Asiir, Al-Kaamil fil Taariikh, v.3,b. 190, Daaru Saadir, Beyruut, 1979.

[2] Ibn Casaakir, Taariikhu Madiinatu Dimishiq, v. 29, b.220, Daar Al-Fikir, Dimishiq, 1988.

[3] Dahabi, Siyar Aclaam an-Nubalaa, vol. 4, b.187, Musasat ar-Risaala, 2001.

[4] Ibn Kasiir, Al-bidaaya wal Nihaaya, vol.9, b. 38, Maktabat Al-Macaarif, Beyruut, 1990.

[5] Abu Zehra, Taariikh Al-Madaahib Al-Islaamiya, b.7, Daar al-Fikiri, Beyruut, 1953.

[6] Ibn Xajar Al-Casqalaani, Fatx Al-Baari Sharx Saxiix al-Bukhaari,Kitaab al-Tawxiid, b. 358 Daar ar-Rayaan li Turaas, 1986. Waxa xusid mudan sababta ka danbaysay fikrada makhluuqnimada Quraanka. Jacad bin Dirham wuxu la dooday sida la sheego niman wadaadadii kaniisiidii Masiixiga ee Bari ka tirsan oo ugu magac dheer yahay Yuuxana ad-Dimishiqi( John of Damascus). Waxay kula doodeen baa la yiri aayada Quraanka ku jirta ee sheegaysa in Nebi Ciise yahay kalmadii Ilaahay ee ku tuuray Maryama, sidaa aawadeed maadaama kalmadu ay tahay sifo sifooyinka Ilaahay ka mid ah, Ciise wuxu leehay uluuhiyat iyo qudsiyad Ilaahnimo. Jacad bin Dirham si uu fikirkaa uga hortago ayuu ku dooday aragtida amaba doktiriinka abuuritaanka Quraanka. Fiiri “The Arab Character of The Christian Disputation with Islam: The Case of John of Damascus,” ku dhexjira Religionsgesprache Im Mittelalter, Band 4, Wolfenbutteler Mittelalter-Studien, Lewis, Bernard and Friedrich Niewohner (Wiesbaden: Otto Harrassowitz, 1992)

[6] ”..markii hadalkiisu faafay Khaalid bin Cabdilaahi Alqasiryi ayaa doonay kadibna gacantuu ku soo dhigay, kadibna maalin ciiddu Adxa ah ayuu dadka u khudbadeeyay oo yiri: Dadow adxaysta! anigu waxaan ku adxaysanayaa Jacad bin Dirham waayo wuxu sheegtay inaan Ilaahay Muuse la hadlin hadal, Ibraahina khaliil ka dhigan,..kadibna wuu soo degay markaasu ku gawracay jirida minbarka” Ibn Qayim al-Jawziyya, Mukhtasar Al-Sawaaciq Al-Mursala Calal Jahmiya wal Mucadila, b. 175-77, Daarul Xadiis, 2001. Halka cadaawadu gaadhay Ibn Qayim oo dabcan ka tirsan daladda Ahlu Xadiisku wuxu amaanay oo mahadiyay adxiyadii Jacad bin Dirham lagu qashay, iyadoo ay xaaraan tahay in bini’aadam lagu adxaysto oo qurbaan laga dhigto. Bal fiiri hada baydadkan maansada Nuuniyada la dhaho ee Ibn Qayim ku jira.
ولأجل ذا ضحى بجعد خالد الـ …. قسري يوم ذبائح القربان
إذا قال إبراهيم ليس خليله ….. كلا ولا موسى الكليم الداني
شكر الضحية كل صاحب سنة … لله درك من أخي قربان

Ibn Qayim culimadiisii waawayn ee dalada Ahlu Xadiiska ayaa dabcan uga horeysay arinkan.
” Jacad bin Dirham isaga Khaalid bin Cabdulaahi Alqisiriyi baa qabtay kadibna maalin wayn axadeed buu gawracay dadka muslimiinta ahaa ee ciida adxiyada kala soo qayb galay hortooda, arintaana kuma ceebayn mid wax ceebeeyaa, mid wax duraana kuma durin, bal e falkaa uu sameeyay wanaag inuu yahay baa lagu xambaaray, ra’yigiisina sawaab inuu yahay bay sheegeen”. Darimi, ar-Radd calal Jahmiya, b.204.

[7] Dhalinyaro ururka Daacish u daacad ah madal ay ku wada sheekaystaan internetka iyagoo arintan isku wacdiyaya hal kan ka fiiri, faalada ku taariikhaysan 07-07-2014, 07:59 AM. http://www.mahdi-alumma.com/archive/index.php/t-17458.html

 

Cabdiqani Xasan 

dervishsuudi9@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

*

code