Asalka kooxaha muslinka

Shalay wax aad i la akhrideen kooxaha muslinka mad’habta u gu weyn ee Sunniga in yar oo ka mid ah asalkeeda iyo aragtideeda. Maalmaha soo socda, haddii Alle idmo, wax aan inoo soo soo qori doonaa idil ahaan mad’habaha iyo kooxaha muslinka intoodii hore, iyada oo aanan awoodin kuwa cusub ee ciidda ka batay in aan waqti iyo aqoon u helo. Kuwaa hore sidee bay ku yimaaddeen maxay se rumaysnaayeen? Aqoontan faafinteeda ujeedka aan ka lee yahay waa dan ummadeed oo ah in qofka soomaaliyeed ka xoroobo manhajka diyaarsan, jihaysan, ujeeddaysan, xulan ee diinta iyo taariikhda loo ga dhigo iyada oo inta badan ee la doono la ga qarinayo. Ujeedkaygu waa in aan qofka la gu gumaysan aqoonta diintiisa iyo taariikhdeeda, oo aanay jirin koox wadaaddo sheegata oo dadka qalbiga iyo maskaxda ka addoonsataa. Dadka oo dhami waa in ay ogaan karaan oo baran karaan wax allaale iyo waxa ay iyagu doonaan, iyaga oo aanay cid kale maskaxdooda maamulayn. Qof wal oo soomaaliyeed oo garashadiisu xor tahay, oo cilmi u leh arrimahan oo kale, wax aan ka codsanayaa in uu intii itaalkiisa ah soo soomaaliyeeyo oo faafiyo si daaha madoobi u ga faydmo maskaxda dadkeenna ee la dullaystay. Haddii aynnu sidaa yeelno mustaqbalka dhow waxaa kici doona fac garasho habboon oo aan fikirka ka biqin oo baadhista ku dhiirran. Ogow oo dunida weligeed waxaa jira dad dabci iyo dhaqan u leh in ay dadka addoonsadaan, xeeladaha addoonsigana waxaa ka mid ah in tacliinta marba sida la doono loo baro, la ga yamxeeriyo, oo gacanta loo gu hayo, si aanay weligood ka baraya u ga xoroobin. Addoonsigaa halgan caynkan ah baa la ga ga bixi karaa. U gu horreyn aynnu xusuusanno, muslinkii midaysnaa ee Nebi Maxamed (scw) ka tagay waxa qaybiyay in ay ahaayeen laba masalo. 1) Munaafaqiin/murtadiin Dad aad iyo aad u badan, oo ahaa intii badnayd qabiilooyinka carbeed, ee Rasuulku ka adkaaday, se aan qalbiga ka muslimin ee is dhiibay, dabadeed la gu la dhaqmay muslinnimo. Taasi wax ay hirgashay kolkii Rasuulku ka adkaaday Yuhuuddii reer Kheybar sannadkii 7 H, ee haddana qabsaday caasimaddii carbeed iyo xaruntii ilaahyada iyo saldanada Qureesheed ee Maka sannadkii 8 H, ee uu haddna ka guuleystay labadii qabiilo ee Hawaasin iyo Saqiif is la sannadkaas goobtii Xuneyn, ee haddana in yar ka dib labadaa qabiil kamadamabays ku jabiyay Daa’if, ee haddana sannadkii xigay reero carbeed iyo galaangalkii dawladda Room ku ka la eryay degmada Tabuuk, carab oo dhami iyada oo dabarkeeda iyo hoggaankeeda sidata ayay is dhiibtay oo muslinnimo afka ah sheegatay. Waa ay baqeen. Sababta uu Quraanku munaafiqiinta aad u ga hadlaa waa taa. Xaaladda oo sidaas ah ayuu Rasuulku geeriyooday, dabadeed Abuu Bakar baa helay madaxnimada talada muslinka iyada oo ay reer Madiina (Ansaar) iyo Aal Beydkuba damacaa lahaayeen. Waxaa se dhab ah Abuu Bakar madaxnimadiisa waa la wada oggolaaday u gu dambayn. Taasi waa Madiina gudaheeda. Waxaa se dhacday arrin la fili karayay laakiin si aan la rumaysan karin u dhacday. Waxaa diintan ka noqday oo murtadoobay (haddiiba ay awal muslimeen) dhammaan qabiilooyinkii carbeed ee Madiina iyo Maka ka baxsanaa. Abuu Bakar wax ay ku yidhaahdeen, annagu Maxamed baannu la heshiinnay oo sakada siin jirnaye, nin walba miyaannu siinaynnaa? Abuu Bakar dagaal buu u lallabay si uu diinta iyo awoodda dawladda u gu soo celiyo. Cumar oo farabadnaanta dadka diinta ka noqday la yaabbani wax uu ku taliyay in aan la la dagaallamin oo aan la la dagaallami karin, hayeeshe Abuu Bakar wuu badheedhay, wax aana bilawday dagaallo halaag badan oo loo bixiyay Dagaalladii Diinkanoqodka – “Xuruub ar-Riddah”. Waxaa abbaanduule la ga dhigay Khaalid bin Waliid oo caado u lahaa in uu birta aslo. Ninkaas baa reerihii fallaagoobay seef la dhex galay. Dagaallo garashada ka baxsan baa dhacay oo xitaa qabiilooyin yidhi muslin baannu nahay kurka ayuu ka guray. Saddex qabiilo oo waaweyn ayuu Khaalid abbaaray. Waa reer banii Xaniifa oo uu ugaas u yahay Musayllamihii Beenaale, kaas oo isaga la dilay dadkiisiina waxii le’day mooyee intii kale muslinnimo isu dhiibtay. Reerka kale waa reer banuu Tamiim oo iyagana ugaaskoodu ahaa badraan la yidhaahdo Maalik bin Nuweyr. Qolada kale waa reer Taqlab oo ay ugaasad u ahayd gabadh iyaduna nebinnimo sheegatay. Saddexdii qolaba waa la hoojiyay. Haddaba ugaas Maalik bin Nuweyr dilkiisa waxaa ku jirta qiso xiise iyo xanuunba leh. Horta ninkani Khaalid wax uu u sheegay isaga iyo tolkiisba in ay muslimeen. Waa la wada joogay oo la wada sheekaystay waqti. Haddana Khaalid ninkii madaxa ayuu ka gooyay, qabiilkii birta ayuu ka caseeyay, si aan la arag oo la maqal. Kutubta taariikhda Sunniga Shaaficiyada oo ibn Kasiir ku jiro, waxaa ku sugan Khaalid ninkaa madaxiisii in uu karsday oo ku casheeyay. Waayo? Maalik wax uu qabay naag uu Khaalid seben jaahiligii aad u jeclaa, taas buuna u gu hayay nacayb gaamuray. Khaalid naagtii sidii buu ku yeeshay. Khaalid ku aarsiga awoodda diinta dhaqan buu u lahaa oo, maalmihii Rasuulku dagaallada u diri jiray reer uu weeray oo ku wada dhawaaqaya in ay muslimeen wuu gumaaday, waayo seben jaahiligii ayay isaga adeerkii dileen. Maalintaa Rasuulku wax uu yidhi “Allow beri baan ka ahay waxa uu Khaalid falay”. Tabtii oo kale ayuu Abuu Bakar yidhi maalintan dambe “Allow beri baan ka ahay waxa uu Khaalid falay”. Cumar oo ahaa xigeenka Abuu Bakar, falalka Khaalidna la socday, Abuu Bakar wax uu ku odhan jiray, ninkan dadka ka soo qabo. Laakiin Abuu Bakar wuu ka aamusi jiray. Cumar waxaa ku gadhoodhay ciilka Khaalid. Kolkii uu dagaallada ka soo noqday Masjidka Rasuulka Madiina ayuu ku qaabbilay, oo inta uu raamo xinjir ah oo iyaga oo qallalay dharkiisa ka lusha inta uu mid ka gooyay ku yidho, waad bahalowday. Cumar kolkii uu talada muslinka qabtay, waxii u gu horreeyay ee uu sameeyay wax ay ahayd in uu Khaalid bahdilo dabadeed xil dawladeed oo dhan ka casilo. Haddaba geeridii Rasuulka ka dib in ay qabiilooyinkii carbeed badankoodu diinta ka noqdeen oo la gumaaday oo intoodii hadhay muslintay, wax ay ina hor keenaysaa wayddiinta ah: oo dadkaa sow ka ma ay buuxin dad ahaa saxaabadii Rasuulku? Haddii ay riddoobeen, ama kolkii hore munaafiqiin ahaayeen, ama la dilay, ama kol labaad qasab la gu soo muslimiyay, sidee loo odhan karaa saxaabadii Rasuulka oo dhami waa ay wada suubbanaayeen oo runlowyaal bay wada ahaayeen oo waxa ay yidhaahdeen oo dhan waa la qaadanayaa? Wayddiintaa jawaabteeda u gu horreyn waxaa la ga sugayaa inteenna haysata mad’habta Sunniga. Taariikhdan oo dhan u ma dan lihin ee wax aynnu gogoldhig u ga dhiganaynnaa kooxaha iyo mad’habaha muslinku sida ay ku yimaaddeen iyo siyaalaha ka la duwan ee ay u adeegsadeen taariikhdaa hore iyo raggeedii. Taariikhdaa iyo sannadihii xigay ayaa saamayn asaasi ah ku leh soo bixidda mad’habaha iyo sida diinta loo fasiray.

Ibraahin Hawd Yuusuf.

: Ibraahinhawd@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code