Baahidu xaaraantay bannaysaa

Ruuxa wax ka akhriya maaddada taariikhda diimuhu, wuxuu ogaanayaa in aalaaba dhibka ay isu geystaan dadka isku diinta ahi uu ka badan yahay kan ay isu geystaan dadyowga kala diinta ahi. Waxaana xusid mudan in arrinkaani uu si gaar ah ugu rumoobayo diimaha Samaawiga ah, siiba Masiixiyadda iyo Islaamka. Tusaale ahaan dadka ay iska dileen dadka diinta Masiixiga haystaa waa ka badan yihiin kuwa ay ka dileen Muslimiinta. Si taa la mid ah tirada Muslimiintu iska dileen waa ka badan tahay inta ay ka dileen Kirishtaanka.
Kolka la baaro sababaha Muslimiintu isu baabi’inayeenna waxaa la ogaanayaa in sababta ugu mudani ay tahayd mid siyaasadeed. Shahristaani oo goor hore xaqiiqadaas nagu baraarujiyey wuxuu yiri: “Khilaafka ugu weyn ee ummadda (=muslimiinta) u dhexeeyaa, waa khilaaf ku saabsan madaxnimada, Islaamkana mas’alo diini ah seef looguma siiban si la mid ah sida weligeed imaamada (= Xukunka) loogu siiban jirey/ وأعظم خلاف بين الأُمة ØŒ خلافُ الإمامة ØŒ إذْ ما سُلَّ سيف في الإسلام على قاعدة دينيّة مثل ما سُلّ على الإمامة في كلّ زمان .”

Docda kale, waxaa xusid mudan in culumada Islaamka badankoodu, siiba kuwa Sunnadu ay qabaan in xukunka iyo dowladnimadu (= khilaafada ama imaamadu) ay ka mid yihiin macaamilka dadka ka dhexeeya sida ganacsiga. Sidaa darteedna, xukunka uma arkaan arrin caqiido la xiriira, balse waxay u arkaan in uu ka mid yahay laamaha fiqiga ee lagu saleeyo duruufaha bulshadu ku nooshahay, isla markaana lagu kala aragti duwanaan karo.
Tusaale ahaan, al-Aamidi wuxuu qalinka ku adkeeyey: “Waxaad ogaataa in ka hadalka Imaamadu (=xukunku) aysan ka mid ahayn asalka diinta iyo ammuuraha abidkood jira/ واعلم أنّ الكلام في الإمامة ليس من أُصول الديانات ، ولا من الأُمور اللابدِّيَّات ”
Si taa la mid ah, Shiikh Cabdiraxmaan al-Iijii wuxuu yiri: “Agtayada waxay ka mid tahay (= imaamadu) masaa’isha furuucda, laakiin waxaan cilmiga hadalka (=Caqiidada) ugu darnay annaga oo ku dayanayna kuwii naga horreeyey / وهي عندنا من الفروع ، وإنّما ذكرناها في علم الكلام تأسيّاً بمن قبلنا”. Fikrad taa la mid ah waxaa qabay culumo uu ka mid ahaa Imaam Abuu Xaamid al-Gasaali, oo yiri: “إعلم أنّ النظر في الإمامة أيضاً ليس من المهمّات ، وليس أيضاً من فنّ المعقولات ، بل من لفقهيّات ، ثمّ إنّها مثار للتعصبّات ، والمُعْرِض عن الخوض فيها ، أسلم من الخائض فيها ، وإن أصاب ، فكيف إذا أخطأ ؟ ، ولكن إذ جرى الرسم بإختتام المعتقدات بها ، أردنا أن نسلك المنهج المعتاد ؛ فإنّ فطام القلوب عن المنهج ، المخالف للمألوف ، شديد النِّفار”.

Taasoo jirta, ayaa haddana Ururrada Islaamka siyaasiga ah ee maanta jiraa waxay dadaal badan ku bixiyeen sidii ay xukunka ugu muujin lahaayeen sidii in uu yahay qayb caqiidada ka mid ah, oo Muslimiintu haddii aysan samayn dowlad diini ah ay denbaabayaan, aakhirana cadaab ku mudanayaan. Tusaale ahaan, Shiikh Xasan al-Bannaa (AUN) dhanbaalkiisa yar ee “Farriinta shirka shanaad/رسالة المؤتمر الخامس “‘ oo ka mid ah qoraallada akhrintooda dhallinyarada aadka loogu ababiyo, qaar badanna ay dusha ka qaybeen, wuxuu ku leeyahay: “Buugtayada fiqiga xukunka waxaa lagu daraa caqiidada iyo asalka, lagumana tiriyo fiqiga iyo laamaha … sidaa awgeed in muslimiinta wanaagdoonka ahi ay ka gaabiyaan raadinta xukunku waa denbi Islaamka laga galay oo aan lagu dhaafin wax aan ka ahayn in arrinkaas loo istaago .. / والحكم معدود في كتبنا الفقهية من العقائد والأصول ØŒ لا من الفقهيات والفروع … فإن قعود المصلحين الإسلاميين عن المطالبة بالحكم جريمة إسلامية لا يكفرها إلا النهوض … “.

Sida hadalka Shiikha ku cadna xukunka iyo dowladnimada wuxuu u arkaa in ay ka mid yihiin caqiidada iyo asalka diinta, oo waxay la xukun yihiin tiirarka iimaanka iyo kuwa Islaamka. Taa oo macneheedu yahay in siyaasaddu salaadda la xukun tahay, haddiiba aysan ka waajibsanayn, qof walba oo muslim ahna laga doonayo inuu noqdo siyaasi ka shaqeeya sidii lagu heli lahaa dowlad Islaam ah. Waa dood qofka xusuusinaysa gabaygii Hadraawi ee “Rag siyaasi wada noqoy!”

Rag siyaasi wada noqoy
wada furay silsiladaha
hadba taanu suurayn
Yidhi anigu aan saxo

Haddaba, maadaama helidda dowladda diiniga ahi ay tahay arrin waajib ah, Islaamka siyaasiga ah waxaa la gudboon in ay geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaan sidii dowladdaasi ay ku curan lahayd. Sida la og yahayna, xaaladdaas oo kale siyaasiyiintu waxay adeegsadaan xeer cilmiga siyaasadda caan ka ah, oo oranaya: “dantu dariiqa lagu gaarayo ayay xalaalaysaa/ The end justifies the means” ee loogu abtiriyo Mudane Niccolo Machiavelli, ka dib markii uu ku sharraxay buuggiisa yar ee cinwaankiisu yahay “Amiirka/ The prince”, oo loo arko in uu yahay injiilka siyaasiyiintu ka faashadaan.
Dhab ahaantii, Machiavelli oraahda ayuu leeyahay laakiin fikradda ma leh. Waayo fikradda iyo ku dhaqankeedu aad bay uga filweyn yihiin Machiavelli, oo tan iyo waqti fog ayaa dunida laga yaqiin.. Tusaale ahaan , kolka ruuxu akhriyo taariikhda siyaasadda muslimiinta, wuxuu si dhib yar ku ogaanayaa in muslimiintu fikraddaan ku dhaqmayeen tan iyo maalintii Mucaawiye bin Abii Sufyaan (RC) uu talada muslimiinta gacanta ku dhigay. Mar walba oo danaha siyaasadda iyo mabaadida diintu iska horyimaadaanna, siyaasiyiintu waxay hormariyaan danaha siyaasadda. Taariikh-yankii bulshobaarka ahaa ee Ibnu Khalduun wuxuu ku dooday in kelitalisnimadu ay tahay dabci nafta aadamiga ku aasan, oo qof kasta oo ay u suurogasho inuu dadka ka itaal roonaado uu kelitaliye u xuubsiibto. Ibnu Khalduun hortiina Cali bin Abii Daalib (RC) ayaa laga hayaa in uu yiri: “ Hantaa waa haystaa/من ملك استأثر أو استبد ”.

Nin la oran jirey Shaqiiq bin Salama oo la yaabay habdhaqanka madaxdii Muslimiinta ee ay isku xilliga noolaayeen ayaa waxaa laga hayaa in uu yiri: ” Ilaah baan ku dhaartaye kuwaani Alle ka cabsiga muslimiinta iyo dulqaadkii Jaahiliintii Carabta midkoodna ma leh/ والله ما عند هؤلاء تقوى أهل الإسلام ولا أحلام أهل الجاهلية.” Xasan al-Basri oo arkay nin ku doodaya in inta uu noolyahay uusan madaxda dowladda xoolo ka qaadanayn, si uu ajarkooda aakhiro ula wadaagana, waxaa laga wariyaa in uu ninkaas ku yiri: “War hooge! Istaag oo xaqaaga qaado, duulkaani waa musallafiin aan aakhiro ajar u oolline/ قم.. ويحك! خذ عطاءك، فإن القوم مفاليس من الحسنات يوم القيامة”. Shiikh Maxamed Cabdoh oo la fajacay habdhaqanka siyaasiyiintuna waa kii horay u lacnaday wax kasta oo siyaasad la xiriira, markii uu yiri oraahdiisa caanka ah ee tiraahda: “لعن الله ساس ويسوس وسائس ومسوس وكل ما يتعلق بالسياسة”
Iyada oo ay sidaa tahay, haddana culumada Islaamku iyaga oo arrinka ka eegaya dhanka anshaxa iyo diinta ayay waxay canbaareeyaan oraahda Machiavelli ee sheegaysa in dantu bannayso qaabka lagu gaarayo. Dooddaan anshaxa ka duulaysa ee sheegaysa in aysan bannaanayn in la adeegsado wax kasta oo danta lagu gaarayo, waxay laf dhuungashay ku noqotay ururrada Islaamka siyaasiga ah ee ku taamaya hirgelinta dowlad diin ku dhisan. Maxaa yeelay, waxay ka hor istaagaysaa in ay fuliyaan arrimo badan oo ay u arkaan in ay ku gaari karaan yoolkooda ah hanashada talada waddanka.

Yeelkadeede, fuqahada Islaamku tan iyo taariikh fog waxay dejiyeen xeer ama qaadico dahabi ah oo tiraahda: “Baahida darani waxay bannaysaa waxa la xarrimay/الضرورة تبيح المحظورات”. Qaacidadaan waxaa laga qaatay nusuusta diiniga ah ee ay ugu horrayso aayadda quraanka ah ee oranaysa: “Maxaad la cuni waydeen waxa magaca Eebbe lagu xusay, isagoo idiin caddeeyey waxa laydinka xarrimay in aad dhibbantihiin mooyee/ وَمَا لَكُمْ أَلَّا تَأْكُلُوا مِمَّا ذُكِرَ اسْمُ اللَّهِ عَلَيْهِ وَقَدْ فَصَّلَ لَكُم مَّا حَرَّمَ عَلَيْكُمْ إِلَّا مَا اضْطُرِرْتُمْ إِلَيْهِ “.

Dejinta xeerkaan waxaa looga dan lahaa in lagu badbaadiyo nafta ruuxa Muslimka ah kolka ay soo wajahdo duruuf naftiisa khatar gelin karta. Tusaale ahaan, qofka ka baqaya in uu gaajo ama harraad u dhinto, waxaa u bannaan in uu cuno ama cabbo wax kasta oo uu naftiisa ku badbaadin karo (=hilib doofaar, bakhti, khamri, ..iwm). Sidoo kale waxaa u bannaan in uu kula diriro dadka haysta haddii ay u diidaan in ay si nabad ah ku siiyaan. Si taa la mid ah, haddii qofka loo dhibaateeyo caqiidadiisa darteed, waxaa u bannaan in uu ku hadlo wax liddi ku ah caqiidada si uu u badbaadiyo naftiisa. Sida ka muuqata tusaalooyinkaanna danta qura ee xeerkaan loo jideeyey waa in nafta ruuxa lagu badbaadiyo.

Hase ahaatee, waxaa ayaandarro ah, in xeerkii fuqahadu u dejiyeen in naf lagu badbaadiyo maanta loo adeegsado dano badan, oo kuwo siyaasadeed ugu horreeyaan. Ururrada Islaamka siyaasigu waxay adeegsadaan siyaasadda danaysiga ku salaysan ee beenta iyo nifaaqu hoggaamiyaan, marka la weydiiyo sababta ay sidaa u yeelayaanna waxay ku andacoodaan in danta dacwadu (=مصلحة الدعوة) ay ku jirto. Iyaga oo qiil ka dhiganaya in danta ururka ee diin u adeeggu ay ka weyn tahay falalka diinta khilaafsan ee ay sida ku meelgaarka ah u samaynayaan. Oraahdaas oo macneheeda dhabta ahi uu yahay in ururku ka muhiimsan yahay diinta iyo dalka. Taa awgeedna, xubnaha ururka laga doonayo in ay danta ururka ka hormariyaan tan dalka iyo diinta labadaba.
Salafiyiintu muddo dheer ayay arrinkaas Ikhwaanka ku eedayn jireen, iyaga oo ku tuhmi jirey in ay jannadii aakhiro kuraas adduunyo ku doorsadeen. Laakiin maanta xaalku wuxuu marayaa “laga bartaa, laga badiyaa” iyo “deriskaa mar ku diin, marna ku dayo, marna ka darnow!”.

Talooyinkii kale ee Machiavelli uu boqorka siiyey waxaa ka mid ah in uu ku baraarujiyey ahmiyadda ay leedahay ku danaysiga diintu. Diintu waa aalad culus ruuxii hantaana qalbiga dadka ayuu hantaa. Waxaase shardi ah in aan lagaa dareemin in aad diinta ku danaysanayso.
Wadaadku marka uu siyaasadda galo wuxuu yeeshaa labo carrab. Mid uu kula hadlo xerta masaajidka joogta iyo mid uu kula hadlo qalabka warbaahinta. Bilmatal, marka uu masaajidda dadka ka wacdinayo wuxuu dafiraa fikradda sinnaanta dadka, wuxuuna ku celceliyaa in haweenka iyo ragga aan Muslimka ahayni aysan qaban Karin xilalka sare ee qaranka, laakiin si taa ka duwan marka uu warbaahinta la hadlayo wuxuu ku gaabsadaa inuu si guud u sheego in dadku siman yihiin.
Si kastaba ha ahaatee, afgenbigii dhicisoobey ee 15kii bishaan la la maagganaa Turkiga, waxaa la rumaysan yahay in uu ka dhashay xinif iyo xarig-maleeg u dhexeeya labo nin iyo labo urur oo ay kala metelaan. Rajab Dayib Erdogan iyo Fatxullaahi Gulen waa labo nin oo sida la sheego muddo dheer saaxiibo ahaa, isla markaana hadda kala hoggaamiya labo urur oo diin ku abtirsada (Akhristow waxaa habboon in mar walba maanka lagu hayo in wadaaddada Turkidu ay heerar kala duwan ka horreeyaan guud ahaan Islaamiyiinta kale ee dunida Islaamka).
Mudane Erdogan waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay nin mabda’ ahaan rumaysan in la sameeyo dowlad Islaami ah, kuna hammiya in ay soo noqon lahayd khilaafadii Cusmaanidu, laakiin dhanka kale ku qanacsan in fikraddaasi ay maanta cadow badan leedahay, sidaa awgeedna aan loo baahnayn in fagaarayaasha lagaga tookho in la doonayo in la hirgeliyo dowlad Islaam ah [ka dib markii uu casharro ka bartay dabinnadii uu la kulmay Najmudiin Arbakaan oo macallin u ahaa].
Tusaale ahaan, waxaa la wariyaa in Mudane Erdogan mar dabshidkii 2011kii uu booqday dalka Masar uu madaxweynihii hore ee Masar Mudane Maxamed Mursi uu kula taliyey in uu joojiyo baaqyada ku addan in ay doonayaan in Masar noqoto dowlad diini ah. Arrinkaasna ay isku afgaran waayeen, dabadeedna Erdogan uu Mursi ku yiri: “Wixii aad ka dheeftaan aniga waxba ha iga siinnina!”. Isla booqashadaas waraysi uu siiyey taleefishin Masri ah, Erdogan wuxuu ku yiri: “Waxaan abdaynayaa in nidaamka cusub ee Masar ka taliyaa uu calmaani noqodo”. Wuxuuna sii raaciyey in uu sheegay in qofhaantiisa uu Muslim yahay, laakiin dowladda uu hoggaamiyo ay tahay dowlad calmaani ah, calmaaniyaduna aysan diinta cadow u ahayn. Afhayeenku ururka Ikhwaanu Muslimiinka Masar oo hadalka Erdogan ka jawaabayaana wuxuu ku dooday in Masar aysan danaynayn ammaahashada tajaaribta ummadaha kale.

Dhawaanna Axmed Mansuur oo ah wariye ka hawlgala taleefishinka Aljazeera wuxuu qoray in dabshidkii 2013kii, saddex toddobaad ka hor afgenbigii Mursi xukunka looga tuuray, uu Erdogan Masar u direy sarkaalkii madaxda ka ahaa hey’adda sirdoonka ee dalkiisa si uu Mursi ugu baraarujiyo afgenbi uu maleegayo Mudane Cabdifataax Siisii, laakiin Mursi uusan waxba ka soo qaadin xogta la la wadaagey, ergaygiina uu ugu warceliyey: waxba ciidanka ha ka baqina, Siisiina wax halayn maayo oo jeebka ayuu iigu jiraa. Kolkii sarkaalku damcay in uu dareensiiyo in xaaladdu khatar tahay, oo ay hayaan xog la isku halayn karo, Mursi wuxuu ugu jawaabay: isdejiya, Masar annagaa idiinka xog ogaalsan… ka welwela xaaladda Turkiga, Mudane Erdoganna iga gaarsii in aan ku kalsoonnahay in ciidanku aysan wax dhib ah geysanayn!!!

Docda kale, Fatxullaah Gulan oo la rumaysan yahay in qayb ahaan ay saamaysay afkaartii suufigii Saciid Nuursi (1877-1960), waxaa lagu tilmaamay inuu ahaa wadaad had iyo goor ka digi jirey in ay isku dhacaan wadaaddada iyo dowladaha calmaaniga ahi, isaga oo ku doodi jirey in dowladaha calmaaniga ahi ay col la yihiin wadaaddada, haddii ay isku dhacaanna ay dhib badan u geysanayaan wadaaddada iyo diinta ay metalaan. Xertiisa iyo guud ahaan islaamiyiintana wuxuu kula talin jirey in ay iska ilaaliyaan in iyaga iyo dowladdu ay isku dhacaan. Wuxuuna ku waaniyaa in ay xoogga saaraan dhanka waxbarashada, siiba maadooyinka sayniska.
Sidoo kale, waxaa la sheegaa in ururka Gulan uu taageerayaashiisa ku dhiirrigeliyo in ay ka tanaasulaan arrimo badan oo diini ah ama astaamo diineed loo arko. Tusaale ahaan waxaa la sheegaa in ay haweenka ururka kula taliyaan in aysan xijaab xiran. Waxaa kaloo lagu tuhmaa in ay xubnaha ururka u fatwoodaan in ay khamrada cabbi karaan si ay isu qariyaan. Iyaga oo taa ugu sawiraya sidii in ay ku xiran tahay maslaxada diintu.
Mustafa Akyol oo ah saxafi Turki ahi wuxuu sheegay in uu mar taageerayaasha ururka midkood weydiiyey su’aal ahayd: “Sidee ururku qiil ugu heli karaa inuu dad beri ah oo aan waxba galabsan uu markhaatiyo been ah ku eedeeyo?”, qofkaasina ugu warceliyey: ” Maadaama yoolkooda ugu danbeeyaa uu weyn yahay, waxay u haystaan in dhammaan wadiiqooyinku u bannaan yihiin/ Since their end goal is so great, they think all means are justified” ( Akhristow ha illoobin oraahdii ahayd danta dacwada. Ma wax danta dacwada loo dhigo ayaa jira!!!
Waxaa intaa dheer, in ururkaani uu ururrada kale ee Islaamka siyaasiga ah badankooda uu uga duwan yahay in taageerayaashiisu ay si weyn u rumaysan yihiin fikradda “Mahdiga la sugayo/المهدي المنتظر” ee badbaadin doona dunida Muslimka ah iyo guud ahaan adduunweynaha. Waxayna la tahay in hoggaamiyaha ururkoodu uu yahay mahdigaas muqaddaska ah ee Eebbe doortay, taa awgeedna waxay huwiyaan tilmaamo ka sarreeya kuwa aadamiga, oo u dhigma kuwa ilaahyada. Taageerayaasha wadaadka qaarkoodna waxay ku andacoodaan in wadaadku uu riyo ku arko nebi Muxamed (NNKH) oo ammaro siiya.
Xukuumadda Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarinta ama AKP ee uu hoggaamiyo Mudane Erdogan iyo ururka Gulan marxaladdii hore waxay rumaysnaayeen in uu jiro cadow mid ah oo ay wadaagaan. Dabadeed, iyaga oo ka duulaya siyaasadda tiraahda “cadowgeyga cadowgiisu waa saaxiibkay”, ayay waxay si weyn isaga kaashadeen la dagaallanka cadowgaas. Cadowgaas ay wadaageen wuxuu ahaa bulshada Turkiga qaybteeda calmaaniga ah ee aan doonayn in diinta iyo dowladda la isku walaaqo. Gaar ahaan labada nin waxay iska kaashadeen sidii saraakiisha ciidamada ee calmaaniga ah ciidamada looga fogayn lahaa, looguna beddeli lahaa saraakiil ka tirsan taageerayaashooda. Hawshaas badankeedana waxay fuliyeen sanooyinkii u dhexeeyey 2002-2012. Xilligaas oo Erdogan uu ku hawllanaa sidii uu uga takhalusi lahaa saraakiisha calmaanida ah ee ciidanka xukumay tan iyo waagii Ataatoork.
Hayeeshee, wixii xilligaa ka danbeeyey labada nin iyo labadooda urur waxay ku qanceen in cadowgii ay wadaageen uu wiiqmay, durbadiibana iyaga ayaa isu muuqday, maadaama cadowgii ay wadaageen uu meesha ka baxay, xaaladdoodana waxaa ku rumoobaysa murtida tiraahda: “Labadii laqdabo ku heshiisaa, lillaahiday ku diriraan!”. Mid walibana wuxuu ka fekeray sidii uu kan kale ugu qadayn lahaa ka hor inta uusan ku cashayn. Afgenbiga dhicisoobayna wuxuu qayb ka yahay jillaafooyinka midba kan kale la damacsan yahay. Gulan wuxuu isku dayey inuu dowladda afgenbiyo, Erdoganna wuxuu ku mashquulsan yahay sidii uu dimoqoraadiyadda ku inqilaabi lahaa.

Guntii iyo gebagabadii, ma jiro wax ay ku kala duwan yihiin oraahda Machiavelli iyo qaabka cusub ee wadaaddada Islaamka siyaasigu ay u adeegsadaan xeerka fiqiga ah ee yiraahdaa: baahida darani waxay bannaysaa xaaraanta. Taana wax la la yaabo ma aha, maxaa yeelay mar walba oo la isku walaaqo diinta iyo siyaasadda, waxaa ka dhasha in siyaasaddu awrkeed ku kacsato diinta. Allow sahal ummuuraha adaa noo aqoonee!!!

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil
sismail42@gmail.com

3 thoughts on “Baahidu xaaraantay bannaysaa

  • July 31, 2016 at 11:05 pm
    Permalink

    gogol dhig qurux badan ayaad samaysay. waxaase su’aashu tahay, soo ma ogid in Nabi Muxammed laftigiisu diinta hirgaliyey?. wuxuuna ahaa abbaan duule ciidan, qaadi maxkamadeed, mufti, bare iyo Nabi rabbi u waxyoodo. Marka in la hirgaliyo mabaadiida dhaqaale iyo tan siyaasadeed, iyo qarannimada ummad muslim ah oo tayo iyo tabar leh intuba waxa ay wacayaan in dhidibbada loo taago nidaam dawladeed, wax kasta adigu ku magacaw.

    Reply
  • August 1, 2016 at 3:11 am
    Permalink

    Sooyaalka in runta laga sheego cid walba ma kari karto. Fadlan akhri qoramada xogta qoraagu taabtay hubi sida wax uga jiraan.

    Hambalyo Cabdisaciid

    Reply
  • August 1, 2016 at 9:11 am
    Permalink

    هل تبرر وسيلة الرديله على غاية النبيله

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code