Badda sheeko faneedda!

Caadi ahaanba iyada oo sheeko faneeddu ka saameyn badan tahay dhiganayaasha kale , haddana waxa jira sheekooyinka ( Riwaayaatka ) qaar saameyn gaar ah ku yeesha akhristaha , kuwaas oo la fal-gala joogtadiisa , ama wax ka xasuusiya tagtadiisa , ama uu ka weheshado duruufo haysta isla markaana lagu lafa gurayo sheekada. Sheeko faneeddu waxa ay noqotaa mid male awaal ah oo uu maskaxdiisa ka curiyey qoraagu, ama mid wax waaqic ah taabaneysa oo qaab sheeko ah u soo bandhigeysa.  Aalaaba marka aad sheeko faneed dhameystirto ee aad waayaheeda oo dhan muudsato, waxa aad jeclaaneysaa shakhsiyadaha sheekada qaar ka mid ah, qaarkood waad u cadhooneysaa, qaarkood waad u naxaysaa, qaarkood waad ku qosleysaa, qaarna waadba la yaabeysaa. Tusaale ahaan, sheekada “Aanadii Nageeye” ee uu qorey Ibraahim-Hawd, shakhsiyan waxa  aan aad u jeclaystaa shakhsiyadda Raage, sida uu u soo barbaaray, sida uu marxalado kala duwan oo kuwo nololeed ah iyo kuwa maskaxeedba ah u maray, sida uu u qabatimey akhris jaceylka, sida uu u maskax furnaa, sida uu xalaal miiradka u ahaa iyo sida uu ugu dhagganaa dhaqankiisa una ixtiraamayey afkiisa Soomaaliga. Sidoo kale sheeko faneedda ‘ Ayaandaran ‘ ee uu qorey Dr. Cabdillaahi , waxa aan u naxaa shakhsiyadda Asli , sida ay daacadda u tahay, farxaddeeda iyo jacaylka ehel, jiiraan iyo asxaabba loo hayo, sida uu caddaawe uga muraadsanayo, iyo saaxiibtinimada xun midhaha laga dheefo. Marka aad sheeko faneed dhammeyso waxa aad dareemaysaa in aad waayo-aragnimo korodhsatey adiga oo kursigaaga fadhiya , waxaad aad noqoneysaa sidii qof waxaa laga soo sheekeeyay oo dhan gole iyo goob joog u ahaa, waa marka aan xasuusto ereygii Athiir Cabdillaahi ( gabadh Sucuudiyad ah oo sheekooyinka qorta ) ee ahaa “ Sheeko faneeddu waa fursad uu mar labaad ku xasuusanayo qoraagu sheeko uu jeclaadey, akhristahana uu kaga tagayo xusuus waarta”. Waa runteed oo ilaa hadda maan ilaabin sheeko faneeddii ‘Roge’ ee uu qorey Cabdillaahi C.Cige, waxaan ilaa hadda xusuusney, wanaaggii , fariidnimadii iyo hal adaygii Nuura iyo sida uu xanuunku u joojin waayey, waxa aanan hilmaamin siduu adeerkeed xaad uu garab iyo gaashaanba ugu noqdey, waxa aan xasuustaa haacoo-nimadii Rooble iyo damiir xumadiisii iyo sidii uu uga murugoodey goor aaney murugadu waxba tareyn, Dr. Qaalib Axmed iyo sawirkii uu ku qaadey dhakhtarka weyn hortiisa dhalashadii Keenadiid yare ka dib, waa shakhsiyado nolol kala duwan soo marey, mid kastana waayo-aragnimo laga dheefayo.

Marka sheeko faneedda lagu ladho aqoon, waayo aragnimo iyo dareen, waa marka ay anfaca ugu weyn leedahay. Sanadkii ina dhaafay bishiisii u dambeysay ee December, waxa aan akhriyey sheeko faneed ay qortey Athiir Cabdilaahi oo la idhaa ‘ December ayey dhammaadaan dhammaan riyooyinku‘, waxa ay kaga faallooneysa wiil la yidhaa Hadaam, oo asalkiisu Sucuudi yahay, waxa qof kastoo sheekadaa akhriyaa uu layaabayaa isbaddelka baaxadda leh ee ku imanaya Hadaam marka uu jeclaado Layla, oo ah gabadh in badan ka gadoodda dulmiga loo gaysto haweenka, iyo labnimada aan xishoodka lahayn ee lagula kaco dumarka, waa uu u garaabayaa akhristuhu Hadaam marka uu habeen madaw ka gudo waddankii uu ku dhashey xigto iyo ehelne u joogeen, ka dib marka uu arko is lahaanshaha aan marnaba la oggoleyn in la wada noolaado iyadoo aragti, diin, dhaqan, qabiil, iyo fikirba lagu kala duwanyahay. Waxa uu akhristuhu ku diirsanayaa marka uu Hadaam nolol cusub oo aqoon iyo xoriyad ku dhisan ka bilaabo waddanka cusub ee uu yimid , balse boholyowgii iyo xiisihii waddanka, jacaylkii Layla, iyo go’aankii uu waddankiisa kaga soo baxayba ay in badan ku soo noqnoqonayaan maankiisa. Waa sheeko khushuuc leh oo marka aad dhammeyso dareeno badan kugu dhex lagdamayaan, haayoo waa sheeko faneed iyo caadadeed.

Waxa aan xasuustaa hadal uu yidhi boqorkii sheeko faneedka, Fyodor Dostoyevsky “ Insaanku waxa uu dareemaa jiritaankiisa marka uu akhriyayo shakhsiyado ka duwan nolol ahaan, duruuf ahaan iyo garaad ahaanba”. Waxa aan aamminsanahay in sheeko faneedda uu qofku akhriyaa ay badeli karto dhammaan noloshiisa, waxa uu ka dhex helayaa dad noloshiisa fahmaya, dad u hadlaya iyo kuwa ka dhex hadlayaba, bal u fiirso buugga ‘The Forty Rules of Love‘, ee ay qortey qoraaga Turikiga ah ee Elif Safak, waxa ay kaga hadleysaa caalimkii suufiga ahaa ee weynaa ee Jalaalu-diin Al Ruumi, iyo saaxiibkiisa fikir ee Shamsudiin Al Tabriisi, se waxa ku jirta sheekada bilawgeeda gabadh la yidha Iila , oo ah guri joog aan shaqo heyn, waxa u suuro galeysa in ay akhrido sheeko faneed loo xil saarayo gorfeynteeda, taas oo gebi ahaanba kacdoon u sababeysa nolosheedii, waxa ay Iila oo ah shakhsiyadda koobaad ee sheekadu kalmad kalmad ugu dul istaageysaa sheekada loo xilsaarey iney gorfeyso, kalmad kastaana waxa ay taabaneysaa maankeeda oo ay cabaar u aamuseyso inta aaney u gudbin kalmada kale, waa macaanka ay leedahay sheekada aad wada jaanqaadaan e’!.

Ugu dambeyn sheeko faneeddu qiimo aan xad iyo xaduud lahayn ayay leedahay, waxa ay saartaa nacasnimada qofeed, waxa ay furtaa khayaalka qofka, waxa ay qofka u wanaajisaa dabeecadda, waxa ayna u sahashaa dhex galka bulsheed, qofka barta sheeko faneeddu waa uu ku mabaa oo dhadhan gaar ah ayey u sameysaa, waa gartii oo waakii Albert Camus lahaa: “ marka uu iga dhammaanayo buug aan waqti wanaagsan la qaatey, waa aan ka werweraa oo waxa aan kasii fikiraa kaan ku xijin lahaa!”, waa bad aan xeeli lahayn iyo nolol balaadhan sheeko faneeddu!.

Ridwaan Maxamuud Sheekh ( Maygaag ).

Ridwaan-dhago@gmail.com.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code