Caafimaadka Maskaxda iyo Caqliga Madaxda!

Mid ka mid ah madaxda umadda Soomaaliyeed ayaa maanta jeediyay khudbad lagu xusay taarikhihii iyo dhibaatooyinkii xannuunka lahaa ee ka dhex dhacay bulshada Soomaaliyeed. Masuulkaas madaxda ah wuxuu khudbad u jeedinayay dumar Soomaaliyeed oo u dabaal dagayay maalinta caalamiga ah ee haweenka Adduunka.

Sida badanaa ay qabaan aqoonyahanada ku takhasusay cilmi nafsiga ” psychology” iyo dhaqaatiirta dhimirka ” psychiatrists”, bulshooyinka ka soo jeeda Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya waxay la ildaranyihiin cuduro nafsi ah oo laga dhaxlay dhaawacyo ” Truama” dhimirka ka soo gaaray dagaalladii iyo gabood falladii is daba jooga ahaa ee muddooyinkan danbe lagu mashquulsanaa.

Inkastoo aan la samaynin baaritaanno iyo cilmi baarisyo buuxa, haddana hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan caafimaadka ( WHO) waxay dhowr sano ka hor sheegtay in saddexdii qof ee Soomaali ah qof ka mid ah uu qabo xanuunnada maskaxda ku dhaca marka la eego baaxada dhibaatooyinkii dalka ka dhacay.

Haddii loo kuurgalo doodaha ay soo gudbiyeen dhaqaatiirta dhimirka iyo qaylo dhaanta ka timid hay’adda WHO waxaa lagu baraarugayaa muhiimadda ay leedahay in madaxda umadda Soomaaliyeed aad uga fiirsadaan khudabadaha siyaasadaysan ee shacabka u jeedinayaan waayo waxaa dhici karta in khudbad ku saabsan xusuusta taarikhihii foosha xumaa in shacabka qaar ka dhaxlaan gocasho iyo dhaawacyo cusub oo dhanka dhimirka ah ( Retraumatization).

Tusaale ahaan, muuqaalkii maanta laga soo duubay khubaddii uu jeediyay madaxweyne ka mid ah madaxda ummada Soomaaliyeed waxaa ka dhex muuqday dumar badan oo ka calool xumaaday xusuusta dhibaatooyinkii ka dhacay gobollada waqooyi Galbeed ee Soomaaliya dhamaadka qarnigii dhamaaday!

Qaar badan oo dumarkaas ka mid ah waxay la ilmeeyeen erayo calool xumo ah oo madaxweynaha uga jawaabayay hadallo siyaasadaysan oo ka soo yeeray mid ka mid ah madaxda faraha badan ee umadda Soomaaliyeed.

Aqoonyahannada cilmiga bulshada ” Sociologists” waxay qabaan in caqliga qofka madaxda ah badanaa uusan ka madax bannaanayn garashada guud ee bulshada markaas u garbo duubantahay . Nasiib darro Garashada guud ee Soomaalida ” collective consciousness” waxay muddo soddon sano ka badan u garbo duubnayd dareenno dhaawacan oo cudurro qarsoon ku riday siyaasadda guud ee dalka.

Haddii aad doonaysid in aad wax ka ogaatid noocyada ay yihiin cuduradaas qarsoon ee ku dhacay siyaasadda Soomaaliya waxaad dib u aqrisaa maqaalkii ciinwaakiisa ahaa: Cudurada aan laga caafimaadin ee siyaasadda Soomaaliya kaas oo dhowr sano ka hor lagu daabacay websiteka: wardheernews.com.

Haddaba haddii aan ogaannay in caqliga madaxda badanaa u lug xiranyahay garashada guud ee bulshada waxaa la is weydiin karaa sidee lagu heli karaa madax nasiibsatay garasho iyo dareen ka madax bannaan dhaawacyada laga dhaxlay dhibaatooyinkii dhacay? Jawaabta su’aashan badanaa cilmiga bulshada iyo cilmi nafsiga kama jawaabi karaan.

Nasiib wanaag, suufiyada ilaahay ku xiran ee mudada dheer qolalka mugdiga ah ku marqaamayay ayaga oo khalaaweynaya waxay su’aashan uga jawaabaan sidan: marka muddo bulshada iyo madaxdeeda ku raagaan xanuunnada dhimirka waxaa nasri lama filaan ah laga soo xawilaa caalamka mucjisooyinka.

Tusaale ahaan suufiyada muddooyinkan u kuurgalayay siyaasadda Soomaaliya waxay qabaan in sanad ka hor ummada Soomaaliyeed heleen nasri lama filaan ah waayo waxaa markii ugu horreysan la doortay madaxwene u muuqda nin ka badbaaday dhaawacyadii dhimirka ee laga dhaxlay dhibaatooyinkii dhacayay muddooyinka dheer!

Dhanka kale, aqoonyahannada cilmiga bulshada waxay dood ku celiyeen suufiyada qabta in nasri laga soo xawilay caalamka mucjisooyinka ka dib markii sanad ka hor la doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waayo waxay sheegeen in madaxweyanaha uu nasiib u helay in uu dalka ka dhoofo asaga oo aan maqli xabad qush tiri.

Sidaa daraadeedna, caafimaadka ka muudqda caqliga madaxweynaha dhowaan la doortay waxaa loo tiirin karaa xasiloonidii uu ku barbaaray dhalinyaranimadiisa iyo nabadii uu qurbaha kala kulmay. Suufiyadu doodaas rogaal celiska ah kuma aysan qancin waayo waxay qabaan in mucjiso iyo nasri cusub taha in dhowaan loo doorto nin dalka ka dhoofay ka hor inta aysan dhibaatadu dhicin!

Marka laga soo tago doodaha caatada ah ee u dhaxeeya aqoonyahannada cilmiga casriga ah iyo suufiyada aaminsan mucjisooyinka, waxaa muuqanaya muhiimadda ay leedahay in ummada Soomaaliyeed hesho madax caqligooda uusan u garbo duubnayn garashada guud ee bulshada si looga caafimaado dhaawacyadii garashada qofka Soomaaliga ah ka soo gaartay dhibaatooyinkii dhacayay soddonkii sano ee la soo dhaafay.

NB: Erayga” Ummada Soomaaliyeed” waxaan ku qurxinnay qoraalka waayo waa eray maalmahan ay ka shidan tahay

W/Q: Cabdullaahi M. Cawsey

Leave a Reply

Your email address will not be published.

*

code