Cabqariyadda iyo waalidu maxay wadaagaan?

Mutanabi, Dhoodaan, Albert Einstein, leo tolstoy iyo Newton waa maxay xidhiidhka ka dhaxeeya ee ay wadaagaan?

Cabqarigu waa qof maskax badan, isaga oo aqoonta lagu galaday si lodkiisa ka qoto dheer u dhex muquurtay. Sumadda cabqarinimo waxay sii xoogaysataa markasta oo qofkaasi bulshada caan kaga dhex noqdo, awoodiihiisa xadka caadiga ah dhaafay darteed.

Afafka ingiriisida iyo Isbaanishka weedhaha “genuis/genio” waxay uga soo talaabeen laatiin kii hore oo ay u taagnayd “Ruuxda wax ilaalisa”, iyaga oo aamminsanaa in dadka qaar ay ku lamaantay awood dahsoon oo keenta in uu wax daah furo oo sidaa qayrkii kaga dul maro.

Afka carabida erayga “al-Cabqar/العبقر” waa xero jin, oo carabtii hore waxay aamminsanaayeen in aftahannimadu ay jinka ka timaaddo, sidaas darteed ayay abwaanka la loodin waayo ugu bixin jireen “cabqari/عبقري”. Magacan waxa ku lammaan jin la shaqaysi iyo rooxaan la hadal, waana midda u gudubtay reer galbeedka ka dib markuu Dante Alighieri qoray buuggiisa “Koomiidiyada Alle/Divine Comedy” oo ay ka muuqato in afka iyo dhaqanka carbeed gaar ahaan Abul-calaa al Macarri saamayn badan ku lahaa.

Adeegsiga kalmadda ee cusub waxa laga soo dhiraandhiriyay weedha “ingenuim”, oo ku xidhan awoodda caqliga taas oo aan meeli uga bannaanayn aamminaadii hore ee awoodaha dahsoon, weedhuna waxay isku badashay in lagu asteeyo qof kasta oo awoodo dheeraad ah ku leh laamaha kala duwan ee aqoonta. Samuel Johnson oo ah dadkii ugu horeeyay ee wax ka qora cabqarinimada ayaa ku tilmaamay:” dhuxul dhagax la shiday ama geed madagta laga shito oo u baahan in walxaha ku habboon loo helo. Awoodaha dhamaan dadka lala yaabanyahayna ay ka dhalatay dadaal dheeraada oo ay sameeyeen”.

Sida lagu tiraabo cabqarinamada waxay waarid u sababtaa qofka geeridiisa ka dib, waxaynu u aanayn karnaa in qofka cabqariga lagu asteeyo aanu isagu marna isku haysan in uu mutaysto tilmaantan. Tusaale waxa u noqon kara hadalka farshaxanka caanka ah ee Pablo Picasso oo yidhi: “markan kaligay ahay iskuma aqoonsani in aan farshaxanle heer sare ahay, waayo farshaxanlaha wayni waa sida Rembrandt oo kale”. Maxamuud Darwiish oo isna ka hadlaya Mutanabi ayaa yidhi:” 100 maanso oo aan hal-abuuray waxa u dhigma hal tuduc oo uu Mutanabi hal abuuray”. Halkaa waxaynu ka dheehan karnaa in cabaaqirada aduunka soo maray ku hoos noolaayeen mareegta cabaaqiro ka horaysay. inkasta oo laga yaabo in curintooda iyo cilmigooduba dhaafo kuwa hore iyagoo garawsan in ay dhamaystirayaan kuwa tagay, haddana markasta islama simaan facooda. Abwaan dhoodaan waa kii lahaa :

Gurdan raaca googaatamoow gaabsadaan odhane

Gocorkiyo ardaa-niijiyoow hooy gabaan idhiye

Halkay gumacyadaydu u socdaan waa gun iyo baare

Af gurrani hadduu goob yidhaa wuu guracayaaye!

Inkasta oo ay jiraan cabaaqiro aan u teelo dhigan cidna, kuwa la nool iyo qaar hore u jilbaabtayba waxaana ka mida Abu-dayib al mutanabi, isaga oo qeexaya burjiga maansadiisa kuna tuuntuunsanaya in abwaanada la nool daaye aanay jaahiliyiintii hore gaadhayn ayuu meerisyadan cuddoon ku gunaanadayaa in Baabil (Ciraaq dii hore) sixirka weedhihiisa mid la mida aanay maqal. Wuxu yidhi:

لا تجسر الفصحاءُ تنشد هاهنا

بيتا ولكني الهزبُر الباسلُ

ما نال أهل الجاهلية كلّهم

شعري ولا سمعت بسحري بابلُ.

Farshaxanle Herst oo isna gaashaanka u daruuraya dhiggiisa ayaa yidhi: ” Ma aamminsani in ay jirto cabqariyad ee waxan rumaysnay xoriyad iyo dadaal uu ku gaadhi karo qofkastaba Rembrandt”. Rembrandt ka uu ku dherersaday waa isla kuu picasso hormuudka ka dhigtay. Tani waxay tusaale u tahay tartanka dhex mara laba cabqari in aan lagu qiimayn wax qabadkooda ee toos loo abaaro waxay soo kordhiyeen.

 

Cabqariyadu ma hibo loo dhashaa mise wa awood la gaadhi karo?

Xidhiidhka cabqariyada iyo qoysku wa mid aad u adag in la jaan gooyo. Tusaale ahaan abaal marinta nobel waxa ku guulaystay 14 qof oo isku qoys ah, reeraha lagu arkay awoodaha cabqarinimo waxa ka mida qoysaska Darwin (Ingiriis), Bach (Jarmal),Tagore (Hindi) iyo Leo Tolstoy (Ruush). Afartan qoys mid kastaba ugu yaraan 5 qof oo loo aqoonsan-yahay cabaaqiro ayaa ka soo baxay, inkasta oo aan la odhan karin xidhiidh toosa ayaa ka dhaxeeya qoyska iyo cabqariyadda haddana waa mid u baahan in loo fiirsado. innagoo is waydiin karna: qaab barbaarinta waalidku halkee galaysaa haddii qofku ku soo dhashaba?

Daraasad lagu sameeyay 699 qof oo saamayn ku lahaa adduunka waxa lagu ogaaday in 25% ay agoon ama rajay noqdeen 10 jir iyagoo ka yar, 34.5% na iyagoo 15 sano ka yar noqdeen, halka 45%na iyagoo 20 sano ka yar, ugu danbayn 52% ayaa agoon ama rajay noqday iyagoon 25 gaadhin. Inkasta oo aanay daraasaddani noqon karin caddayn go’an in xidhiidh ka dhaxeeyo agoonnimada iyo cabqariyada; waayo waxay ku xidhantay celceliska da’da dhimashada ee wakhtiga ay nooleeyeen dadkani iyo duruufaha ku gadaannaa wakhtigaas. Daraasad 1953 Maraykanka lagu sameeyay, laguna waraystay aqoonyahannadii wakhtigaa noolaa ayaa lagu ogaaday in 26% ay waayeen waalidiintood mid ama labadaba iyagoo ka yar 25 sano, isla saamigan ayaa u dhigma inta noqon karta dilaayo. Daraasaddaana ayaa keenaysa in aynu is waydiinno sababta labadan kooxood kala kaxaysay hadday isku duruuf soo mareen?. Winston Churchill oo ka mida kooxda hore aabbihiina xijaabtay isaga oo 21sano jira ayaa yidhi:” Dhirta kalida ah waxay u korta si dagdaga, sidoo kale caruurta kalida ah waxay helaan xorriyad ay ku raadiyaan isku fillaansho, waa haddii ay ka badbaadaan dhibaatooyinka dhalinyaranimada”.

Halkaa waxaynu ka dheehan karnaa in awoodda cabqarinimo ku xidhantay shakhsiyadda qofka kaligiina uu horumarin karo, duruufaha adag ee qofku ku noolaado waxay dhalaaliyaan cabqarinimadiisa waana ta keenta in badanaa abwaannada iyo sheeko faneedka dadka qoray ay u bataan dad soo maray waayo adag iyo kali noolaansho. Si kale waxaynu odhan karnaa hal abuurkoodu wuxu ka dhashay labada waji ee dhibaatada iyo xalkeeda. Adduunka ku gadaaman uma roona inkasta oo gudahooda macdani ku aasantay, taasi waxay keentaa in ay taageero bulsho ama quudhsi midba kay la kulmaan ay ku dhisaan hal-abuurkooda.

Kalinimadu waa astaan ay ku caan yihiin dadka cabaaqirada ahi. Inkasta oo uu Thomas Edison dareensanaa suuq-gaynta agabka uu daah furay ahmiyadda ay leeday haddana markasta wuxu ku tiraabi jiray:”fikir waxa ugu wanaagsan ka aad meel gabaahiira la fadhiisato”, Abu calaa al Macari oo lagu garan ogaa suhdi iyo ka fogaanshaha dhaldhalaaka aduunka ayaa isugu magac daray: “laba jeel ku jire”, isaga oo ka wada jeelka indho la’aanta iyo midka guriga ee uu isagu doortay, waana markay u suurta gashay in uu hal abuuro gabayadiisa caanka ah ee noocooda oo kale ay ku yaryiin afka carabida, waa Luzuumiyaatkee. Inkasta oo qof kasta oo xidhxidhan ama kaligii noole ah aanu ahayn cabqari hadana wa astaan ku badan dadka cabaaqirada ah.

 

Muxuu yahay xidhiidhka waalida iyo cabqariyadda ka dhaxeeyaa?

Kutiri-kuteenka bulshooyinka ee cabqariyadda waxa ka mida in ay yidhaahdaan waa nooc waalida ka mida, inkasta oo ay dhinac marka laga eego ay sax noqon karto sheegashadaasi; waayo hal-abuurku waa ka bixidda xaaladda caadiga ah. Daraasado badan oo la sameeyay waxa lagu ogaaday in xidhiidh ka dhexeeyo haba yaraadee, dadka tusaalaha loo soo qaatana waxa ka mida farshaxankii reer Hoolan ee Van Gogh, inkasta oo sawir gacmeedyo ilaa hadda lagu dhaygago uu ku faro yaraystay, haddana 1888 ayay ahayd markuu dhagta iska jaray xanuun xaga maskaxda ah dartii, isla sanadkii 1890kii ayuu isku dhex toogtay dhakhtarka cudurrada dhimirka lagu daweeyo. Dadka oddorosa fanka farshaxanimadu waxay sheegaan in Van Gogha dhabta ahi ka dhex muuqdo sawir gacmeedyadiisa ee aanu ahayn ka is dilay. Hal-abuurada kale ee lagu xoojiyo aragtidan waxa ka mida abwaankii reer Suudaan ee Idiriis Jammaac oo lagu tilmaamo gabayadiisa in ay noqon karaan kuwa ugu qaab sawiridda qurxoon gabayada carabida ee cusub. Dareenkiisa xad dhaafka ah ayaa gaadhsiiyay in uu waasho, loona qaado London si loo soo daweeyo, isaga oo jiifa sariirta bukaanka ayuu aad ugu dhaygagay kalkaaliso caafimaad oo meesha ka shaqaynaysay, maalin labaaddii ayay timid iyada oo muraayad xidhan, Idiriis Jammaac markuu arkay gabadhii oo muraayad ku taagan ayuu tudacyada caanka noqday ku maansooday :

السيف في غمده لا تخشي بواتره

وسيف عينيك في الحالتين بتار.

( Seefta galkeeda ku jirta loogama baqo in ay wax jarto, indhahaaguna labada jeer ba waa qaar wax jara (=qalbiga).

Isku xidhka cudurrada dhimirka iyo hal-abuurku waa mid waa hore bilaamaay, faylasuufkii Giriigga ahaa ee Aristotle ayaa tilmaamay in badanka dadka awoodaha dheeraadka ah leh noqdaan dad aan qaab nololeedka caadiga ah u noolayn. Marsilio Ficino ayaa ku sababeeyay arrinkaas in uu yahay: “cashuurta hal-abuurku bixiyo si uu u dhaafo dayrka inta laysla yaqaan”. Daraasad la sameeyay sagaashanaadkii qarnigii tagay waxa lagu soo bandhigay 290 qof oo saamayn ku lahaa adduunka in ay qabeen cudurrada dhimirka, waxana ka mid ahaa Albert Einstein.

Inkasta oo sheekoyinka cabaaqirada lagaga sheekeeyo aanay noqon karin mid cadayn buuxda u noqon karta in duntu iskugu xidhantay cudurada dhimirka iyo cabqariyadda waayo waxa la helayaa koox kale oo loo qirsanyay cabqariyad haddana fay ah. Cilmi baadhayaal kale ayaa ku adkaysanaya in dadaalku yahay seeska cabqariyada, ee xaaladda caafimaad aanay ahayn mid loo cuskan karo cadaynta qof cabqarinimadii. Inkasta oo daraasaadka lagu sameeyo nafta ay sheegeen in 57% dadkii saamaynta ku lahaa adduunka sadexdii qarni ee la soo dhaafay ay qabeen cudurrada dhimirka, taas oo ilaa hadda aan loo helin sabab lagu qanci karo, dhammaan culimadaasi waxay ku qanacsanyiin in xidhiidh jiro haba yaraadee. R. Oxey oo ka mida culimada daraasadahan sameeyay ayaa ku adkaysanaya in wax ka jiraan rumaynta dadwaynaha ee ah in xanuunada dhimirka iyo cabqariyada xidhiid ka dhaxeeyo, se cadaymaha la hayaa ay madhalaysyihiin. Darwanism ka dadka aamminsan ayaa iyagu cadayn ka dhiga in ay tahay doorashada dabiiciga ah mid ka dhalatay; sababta oo ah hal-abuurku waa xaalad ka saraysa fikirka caadiga ah kana dhashay horumarka hidda-sidayaasha aadamaha.

La soco qaybta labaad……….

Xasan Mutamarid.

Mutamaridhargeisa1@gmail.com

2 thoughts on “Cabqariyadda iyo waalidu maxay wadaagaan?

  • August 27, 2016 at 2:01 pm
    Permalink

    Aad iyo Aadbaan ugu riyaaqay qoraalkaan iyo mawduuca uu kahadlayo, qaabka fudud ee uu ugudbinayo fariinta iyo asluubka macaan ee afka loo dhigay, waa wax aanan inbadan aragooda ama akhrintooda caadaysanin. Aadbaan ugu mahadcelinayaa qoraaga. Ummadda soomaaliyeedna waxaa looga baahanyahay inay dhiiri-geliso wax qoridda iyo gudbinta afkaarta haboon ee Alle ugu deeqay aqoonyahankeena iyo dhalinteena, si mustaweheena aqooneed kor ugu koco, dad badanna ay ay afkaartooda iyo maskaxdooda kashaqaysiiyaan.

    Reply
  • October 5, 2016 at 6:05 pm
    Permalink

    Xirir weyn baa ka dhexeeya labadas waayo markad damcdo inad u fekerto si xadka ka baxsan waxad markasta yarysanysa dunidan taaso keeni karta qiimihi naftada ilowdo Marka qofka rajada iska leh wuxu isku qancin inu aragtiyaha kuso maxanaya iska indha tiro si uu nolol caadiya u noolaado waaana waxa jira

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code