Calmaaniyiinteenna iyo tubtii islaamiyiinteenna!

Calmaaninimada dad Soomaali ah haddii ay mar aan fogeyn ahayd eed laga cararo iyo aaminaad la la dhuunto, maanta waa ay ina hortaal iyada oo u abaabulan ururro iyo afkaar isla jaanqaadaya oo baaq iyo dacwad wada , mustaqbalkuna waxa uu xambaarsan yahay aragtiyo badan iyo hayb-maskaxeedyo kala duwan oo dhulka Soomaalida isaga muuqan doona iyada oo ay ugu wacan tahay isu-furanka ilbaxnimooyinka dunida ee internetku isku faruuray , waxa si weyn u muuqan doona Soomaali mulxidiin ah , masiixiyiin , diimo iyo afkaaro kale oo aan is fasiri karin !

Marka sidaa la isugu soo muuqdo ama si dadnimo leh ayaa loo wada noolaan ama doqoniimo ayaa la isugu halaagsami, waxaana labadaa jid inoo kala doori doona kolba heerka uu joogo wacyiga dadka afkaaraha kala duwan sida!

Calmaaniyiinta Soomaalida oo dhalinyar u badan waxa ay galayaan isla gefkii ay galeen islaamiyiinta Soomaalidu oo ah in ay si qaldan u akhristeen dhaqanka Soomaaliga ee la isku dhaqo !

Qaaybtii dambe ee qarnigii la soo dhaafay oo ay dhulka soomaalida si habeysan u soo galeen afkaar islaami ah oo leh aragtiyo bulsho-siyaasadeed (socio-political) ayaa islaamiyiintu waxa ay u akhristeen bulshada soomaalidu in ay yihiin dad aa diinta ku dhaqmin oo calmaaniyiin ah , dhanka cibaadadana shirki iyo bidco ka buuxdo oo ay tahay in la dhalan rogo. Waxa ay keeneen dacwad ama baaq islaamnimo ! Diinta islaamka sida saxda ah waa in aanay muslimiinta ka dhexeynin “dacwad – الدعوة ” ee uu ka dhexeeyo “wacdi/waano- الموعظة ”, oo dad aan diinta haysan ayaa loogu baaqaa islaamka se qof haysta waa lagu waaniyaa. Wadaaddada dacwadda isu xil saaray waxa ay si dadban Soomaalida ugu eedeynayeen in aanay muslimiin ahayn -yaanay dareensanaanba e – ugu dambeynna waxa la gaadhay heer jihaad la isugu qaado oo la is dhiig banneysto!

Gefka ay islaamiyiintu galeen waa in aanay dhugan in umaddani tahay muslimiin dhab ah oo boqolaal sano diinta soo haystay, in badanna kaga dhaqmayay, in badan oo kalena aqoon darro uun yar seejisay, halka in badan oo kale oo ay wadaaddada islaamiyiintu keeneen dadkana ku jujuubayeen tahay aragtiyo fiqi ah oo deegaanno gaar ah ka jira oo aan laguba qasbanayn!

Soomaalidu waxa ay gudan jireen oo qirsanaayeen arkaanta shanta ah shacaa’irta islaamka, waxaanay ku dhaqmi jireen mafaahiim badan oo islaami ah sida hababka guurka , magaha iyo xuquuqda , alle-bariga iwm goor ay noloshooduba iska koobnayd , iyada oo ay sidaa tahay haddana mar kasta waa uu jiray gaabis ugu yimaada kas iyo kama’ba!

Waxa seegtay xarakooyinka islaamiga ah in ay dadkooda soomaaliyeed inta diinta ee ay haystaan asalkeeda baadhaan ka dibna u daayaan , intii ka qaldanna ay ku saxaan isla mad-habka iyo dariiqada ay ku abtirsadaan ee Shaaficiyada, ka dibna si nabad iyo niyad sami ah uu u kobco wacyiga diineed ee bulshodu ; waxa ay ku gefeen in ay si qaldan u akhristeen dhaqanka umaddooda oo ay dusha kaga keeneen dhaqamo bulsho iyo madaahib kale oo aan iyaduba wada sax ahayn, waana sababta aan u wareernay dhiiggeennuna u daadtay!

Calmaaniyiinta soo kacaya waxa ay ka soo galayaan isla albaabkii. Calmaaniyaddu mafaahiimta ay ka duuleyso waa in aan siyaasadda la diimeyn diintana la siyaasadeyn oo xayndaab kala dhawra loo dhigo, waxa ay ka curatay deegaan iyo taariikh ay kaniisaddu ahayd awoodda siyaasadeed ee boqorku cuskado dadkana u cuuryaamisa , markii laga gudbey ee calmaaniyad la qaatay laga ma guurin diintii bulshodu ay haysatay kuna dhaqmaysay ee kaliya hogaankii ayuun baa loo simay bulshada oo ay wadaaddadii kaniisaddu ku jiraan halka uu markii hore wadaaddada u afduubnaa. Dastuurkii umaddu qoratay iyo xeerarka waxa lagu daray qodobbo badan oo asalkoodu yahay diinta masiixiga iyo xeerarka qofeed oo loo daayay isla fiqiga diinta. Doorka calmaaniyaddu intaa ayuu ahaa waa se run in nolosha reer galbeedku ka fogaatay maanta diinta arrimo la xidhiidha sayniska iyo falsafadda casriga ah qaabka ay nolosha u fasirayaan darteed .
Calmaaniyaddu waxa ay lid ku tahay nidaam xukun oo taladu u dhexeyso qof/koox iyo Ilaah ee aanay u dhexeyn qof/koox iyo dadka (theocratic system).
Su’aasha haddaba aanay calmaaniyiinta Soomaalidu is weydiin ama isugu qalad-jawaabeen waa  “siyaasadda Soomaalidu ma Laahuuti/theocratic baa?”.
Dadaalka iyo maskaxda ay galinayaan baaqa calmaaniga ah waxa ay tusinaysaa in ay u haystaan siyaasadda soomaalida mid Laahuuti ah oo ay taliyaan wadaaddo aan dadweyneha innaba talogalinin.

Bulshada Soomaalidu waligeed , inta la xusuusto ma noqon dad leh dhaqan calmaani ah sida ‘calmaaniyad’ looga macneeyo galbeedka haddana ma noqon mid laahuuti ah isla sida xukunkan looga yaqaan galbeedka ; waa dhexdhaca ay fahmi waayeen labada dhinacba ; waa islaamiyiinta oo isu xilsaaray in ay la dagaalamaan calmaaniyad diinta neceb oo galbeed ka soo faafaysa iyo calmaaniyiinta oo iyana hadda isu xil saaray in ay reer galbeedka kaga daydaan la dagaalanka siyaasadda laahuutiga ah! labaduba soomaalida ilduuf iyo bilaash ayaa ay ugu soo dhoofinayaan dhaqamo iyo madaahib aanay baahi u qabin oo dhibtoodu ka badanayso dheeftooda.

Xeerkii soomaalidu waxa uu ahaa dad-samee ay unkaan dad u shiray haddana diinta iyo ku dhaqankeedu waxa uu dhuuxa kaga jiray bulshada kolba intii garasho ah ilaa haddana sidii ayaa ay u leeyihiin xeerar ama dastuurro ay sameystaan iyo hogaan ay doorteen ; si ay ku doortaanba, sidii ayaanay diinta u jecel yihiin uguna dhaqmaan marka laga tago waswaaska ay keeneen kooxaha dhaqamada kale soo dhoofiyay oo calmaaniyiintu ugu dharab qoyan yihiin.

Sida hadda uu u dhisan yahay nidaamka siyaasiga ah ee Soomaalidu nuxur ahaan kama foga sidii soo jireenka u ahayd, ka mana foga sida nuxurka diinta islaamku qabo isla jeerkaana kama foga sida nuxurka calmaaniyaddu qabo ! waxa uun balo ah in qaab-fahanno ay dhaqamo qolooyin kale ku sidkan yihiin la iska soo rarto oo taambuug huudhaydh ah inta la la soo dhoofo dadka lagu dhex furo ka dibna la yidhaahdo waa tan noloshii e tacaalow (=kaalaya)!,

Soomaalidu waxa ay u baahan tahay in lagu waaniyo waxa ay haystaan ee dhaqan iyo diin ah, in la fahmo shaqada dawladdu u yeelan tahay , in la weyneeyo dastuurka iyo xeerarka oo ah ballantii bulsho ( العهد/العقد الاجتماعي) , in la dhawro qiimaha xorriyadda iyo xuquuqda dadnimo , in la is kaalmeeyo oo la isu tudho iwm ! waxan oo dhanna waa ay ina dhex yaallaan dhaqan ahaan iyo diin ahaanba se in la hawl galiyo ayaa u baahan juhdi iyo dadaal dheeraad ah.

Dr. Mohamed Abdullahi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code