Cilmiga Durista iyo u Caddaalad Samaynta; Faa’iidooyinkiisa Qarsoon ee Maanta

Cilmiga Durista iyo u Caddaalad Samaynta; Faa’iidooyinkiisa Qarsoon ee Maanta

Muslimiintu waxay lee yihiin, oo ay waxbadan ka qoreen aqoon lagu kala hufo, oo lagu kala haadiyo werinta Axadiista. Aqoontaas, oo ay u gu magacdareen wakhti hore ‘Cilmiga Ragga(علم الرجال)’, oo si kalena loo yaqaanno ‘Cilmiga Durista iyo u Caddaalad Samaynta(علم الجرح والتعديل)’. Arday kasta, oo u xadhka xidha barashada Diinta Islaamka waa mid ka mid ah manhajkiisa waxbarasho. Waa halbeeg lagu eegi karo qofkasta, oo isu xaydxayda in u noqdo xambaare iyo gudbiye diimeed (Wadaad ama bare)
Waa lagu tafniidi kara dadka doorkaas in ay ciyaaraan isu dhiga. Waa lagu dhererin kara halbeegyada loo dhigay werinta Axadiista, oo waa looga qiyaas qaadan karaa halka uu kaga dhici karo halbeegyadaas(parameters). Inkasta oo la dhaho kala shaandhaynta iyo kala hufidda Xadiiska werintiisu way joogstay. Cillmiganina isticmaalkiisa ugu badan uu ahaa Axadiista iyo baadisoocooda. Cilmigan si aan shaqo tir ugu dhicin, waxa halbeeg ahaan ay Muslimiintu u adeegsan karaan in ay u isticmaalaan wadaad diimeedyadooda maanta jooga, ee dhalliisha iyo kunka goldalolooyin leh. Dadka aqlabiyadda ah ee daba socodka u ah wadaadka waa gar in ay helaan wax halbeeg ah, oo ay ku kala soocaan wadaadka wanagsan iyo wadaad xumaha wixiisa iyo isagaba la isku tuurayo. Waa cilmi qofka barta uu yur ama jac iska odhan karo cida buuxin weyda halbeeggaas.

Cilmigan bar bilowgiisu waxa uu ku astaysanyahay xilligii ay bilaabantay werinta Xadiiska. Wakhtigii saxaabada waxa la sheega in dhammaantood ay ahayeen dad ku sifoobay ‘Run sheegnimmo iyo Caddaalad’, iyagaana isugu filnaa in ay iska hubiyaan werinta Xadiiska iyo iskugu dhufashada tiimbaraha/shaambadda saxnimada Xadiiska loo tiirinayo Nebi Muxammed. Wakhtigii Taabiciyiinta, waxa la sheega in iyaga badankoodu ay ahayeen dad lagu kalsoonaan karo, oo ay ku yaraayren dadka weriya Axadiista Daciifka ah iyo kuwa beenta ah ba. Labadaas qolo (Asxaabta iyo Taabaciyiinta) wixii ka dambeeyey baa aad cilmigan xil la isaga saaray, oo weelayntiisa lagu dedaalay. Waayo, waxa badatay werinta iyo u tiirinta wax aan jirin ama aan raad sugan lahayn, loo tiirinayo Nebi Muxammed.

Dariiqa werinta Xadiiska, waxa uu inagu soo gaadhay qaab werin ah, oo la odhan karo: “qori isu dhiib.” Markaa haddii aanu jiri lahayn cilmigan lagu kala tafniidayo lama kala garteen sugnaanshaha iyo sugnaan la’aanta Xadiiska. Cilmigan ma soo hoos gelayso xantu baa la yidhi. Waayo, xanta, oo kolka la sheegayo lagu soo koobo: “ka sheegistiisa walaalka waxaanu raali ka ahayn isagoon kula joogin”, waxaa lagaga baaqsanaya maaddaama waxqabadkani yahay mid lagu dhowrayo fariinta Ilaahay uu Nebi Muxammed kasoo gudbinayo, oo baahi qabkeeda sugnaansho ka weynyahay ku mashquulka xanta. Kolka arrinkaas la xaalaalaynayo waa xanta e, waxa lagu kabaa ayaadda ku jirta Suurada Xujuraat ee Ilaahay lee yahay: {يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِنْ جَاءَكُمْ فَاسِقٌ بِنَبَأٍ فَتَبَيَّنُوا أَنْ تُصِيبُوا قَوْمًا بِجَهَالَةٍ فَتُصْبِحُوا عَلَى مَا فَعَلْتُمْ نَادِمِينَ}. Ayaaddaas baa caddeynyasa in raalli laga yahay in la hufo, oo la midhiftiro warka la kala dhaxlayo.

Waxa isna jira xadiis nebiga laga weriyo, oo arrinka durista si weyn u tageeraya, waa xadiiska Caa’isha ee ka warramaya ninka la dhaho Cuyayna Binu Xusni. Waa xadiiska odhanaya: «بِئْسَ أَخُو الْعَشِيرَةِ»; “Waxaa hoogay ‘nin doceed”. Sifada nin doceed waxa loo siiyey isla garasho iyo tilmaan nebigu ninkaas warkiisa si asluub ku dheehantahay dadka u fahansiinayo.

Waxa kale oo jira hadal u soo raro wadaadka Nawawi, oo dhigaal ahaan ugu qoran kitaabka ‘Riyaadu Saalixiin’. Waxa uu lee yahay Nawawi: Cabdillahi Axmed Binu Xanbal baa yidhi: Waxa Aabbahay Axmed Binu Xanbal uu yimi Abu Turaab Annakhshabi, kolkaas baa Aabbe ku yidhi, “Hebel warkiisu waa daciif; hebel warkiisa laguma kalsoonaan karo”. Abu Turaab baa ku yidhi, “Sheekhow xanta iska daa!”. Aabbe ayaa ku yidhi, “hooggaga! Tani ma ahaa xan ee waa talo”. قال عبدالله بن أحمد بن
‎حنبل رحمهما الله: “جاء أبو تراب النخشبي إلى أبي، فجعل أبي يقول: فلان ضعيف، فلان ثقة، فقال أبو تراب:
‎يا شيخ لا تغتب العلماء فالتفت إليه أبي فقال له: ويحك
‎هذا نصيحة ليس غيبة “.

Cilmigan—الجرح والتعديل— kolka luqad ahaan iyo micne ahaan la qeexayo waxa lagu soo uruuriya: In Taskiiyo ama Caddeyn la siiyo qofka xadiiska werinaya taas oo koobsanaysa heerkiisa wax werineed halka u joogo run sheegnimo, Kalsoonaan, Kalsoonaan la’aan, daciif, anna Beenaale. Waxaa lagu miisaamaa qofka wax laga qaadanayo iyadoo halbeegyo loo dejiyey cilmigan lagu dhererinayo qofka werinta qayb ka noqonaya. Dhanka qadaashada warka qof soo weriyo kolka la eegayo waxa ka mid ah waxyaabaha asaasiga u ah ee la eego:
1. In wadaad amma Imaam kuwa lagu kalsoonyahay, ee ka midka ah hormuudka aqoonta Xadiiska u ka markhaati kaco caddaaladiisa iyo sugnaanshihiisa.
2. Shaacsanaanta caddaaladiisa uu la dhex joogo dadka ehelka u ah aqoonta diinta.
3. U bandhigista waxqabadkiisa (uruurinta xadiiska) dadka kale ee kalsoonida xad-dhaafka ah lagu qabo, ee arrinkan u ga horreeyey, haddii shir la imaanshiyihiisu ay la mid noqoto kuwii hore in la siiyo shaambadda kalsoonida werinta.

Werinta qofkaas marka la doonayo in hadhuudhlaha lagu daro, oo hal bacaad lagu lisay laga soo qaado, waxaa halbeeg u ah qaar ka mid ah arrimahan:
1. Hafarka iyo been u tiirinta Nebi Muxammed.
2. Qof caan ku ah been kolka bulshada uu dhex joogo, lagana markhaati kaco.
3. Bidcoole in uu ku sifaysanyahay sida In uu lasoo daahiro wax aan nebiga lagu ogayn ama lagu arag.
4. Xumaan uu samayey, oo markhaati furkeeda la isku raacsanyahay.
5. Weellayn xummo.
6. Mooganaan.
7. Khilaafid uu la yimid marka la barbardhigo dadka haysta tiimbaraha/shambadda kalsoonida werinta.

Qolyaha abla’ableeya cilmigan waxay u dhigeen deroojooyin la wafaajiyo qofka isu xaydxayda werinta Xadiis, kuwaas, oo kale leh mid qadaashada xadiiska u gaar ah iyo mid tuurista amma ku celinta qofka la yimi u gaar ah. Derejooyinka laga doonayo qofka warkiisa la qadaanayo aynu ku horreeyno iyo seeska ay u dhigeen:
1. Derejada kowaad waxa la siiya qofka si xeeldheer, oo aan xad lahayn loogu kalsoonyahay run sheegnimadiisa iyo caddaaladiisa. Waxa lagu sifeeya kelmaddo u dhow kuwan: ‘Hebel bay runtu ku gororta amma hebel waa kay ku dhammaato runtu; hebel waa ka loogu kalsooni badanyahay dadka.
2. Derejada labaad: Qofka derejada kowaad la siiyey xoogga buu ka yara hooseeya, oo waxa lagu sifeeyn kara ‘Hebel waa lagu kalsoonyahay’, ‘Hebel kalsoonidiisu way sugantahay’ amma ‘Hebel xujadiisu waa mid sugan’.
3. Derejada saddexaad: qofkan waxa jira wax ku tusaya in kalsooni jiri karto, oo waxay ku sifeeyaan: Kalsoonaan, sugmay, xujo amma sugnaan.
4. Derejada Afraad: Qofkan caddaalad sugan iyo xifdi xummo ayuu ku sifoobay. Waxaan la dhaha: ‘Hebel waa runlow’ iyo ‘hebel warkiisu dhib ma leh in la qaato’. Xadiiska qofka noocaas ahi weriyo waxa lagu daraa werinta la dhaho waa ‘Xasan’.
5. Derejada Shanaad: qofkan waxa sifo u ah caddaalad sugan iyo caddeymo sheegaya xifdi xummo. Waxay dhahaan: ‘Hebel waa oday’ amma ‘hebel baa sidaas laga weriyey’.
6. Derejada Lixaad: waxa jira halbeeg sheegaya caddaalad keliya. Waxa la dhaha: Hebel warkiisu waa mid wanagsan amma hebel warkiisa waa la qori kara. Labada derejo ee i gu dambeeya (Shanaad iyo Lixaad) warkooda xujo ma galo haddii werinta ay ku keliyoobaan. Markhaatiyo iyo kaabis kale ayey u baahanyihiin si warkoodu meel mar u noqdo.

Derejooyinka waxqabadka qofka ka dhigaya kuwa la tuuro, oo aan qadaasho lahayn:
1. Derejada Kowaad: Waxa jira sifo ku tusaysa in warkiisu ka hooseeyo heer lagu qaadan karo amma lagu aqbali karo Xadiis werintiisa. Waxa lagu sifeeyaa: ‘Hebel warkiisu heerkii aqbaladda ayuu ka hoos maray’; ‘hebel warkiisa far baa ku godan’; ‘hebel warkiisu waa daciif’.
2. Derejada labaad: Waxa jira sifo sheegaysa in aan la xujaysan karin warkiisa. Waxa lagu sifeeya: ‘Hebel warkiisa lama qoro’; ‘hebel warkiisa xujo ahaan looma soo qaadan karo/lama xujaysan karo’; ‘hebel warkiisu waa daciif’. Labadan derejo (kowaad iyo labaad) cidda ku sifowda warkoodu xujo ma gelo. Waxa loo qori kara in loo isticmaalo markhaatiyaal ama kaabis, weliba derejada kowaad.
3. Derejada saddexaad: waxa jirta sifo diidaysa in la qoro warkiisa amma werintiisa. Waxa lagu sifeeya: ‘hebel warkiisa lama qoro’; ‘hebel warkiisu waa lagu celinaya amma waa ku celis’; ‘hebel warkiisu aad buu daciif u yahay’.
4. Derejada Afraad: Waxa jirta caddeymo sheegaya in u ku sifoobay beenaale. Tusaale ahaan waxa la dhaha: ‘Hebel waxa lagu tuhmaya been’ amma ‘hebel warkiisu waa tuuris’.
5. Derejada Shanaad: been iyo wax la hal maala, oo aan dhaamin ayuu ku sifoobay. Tusaale ahaan: ‘Hebel waa beenaale’; ‘hebel waa Dajaal’; ‘hebel been buu sheega’; ‘hebel beentu laba dhigdhigga’.

6. Derejada lixaad: Waxaa jira sifo sheegaysa in uu beenaale weliba ku xeeldheer beenta yahay. Tusaale: ‘Hebel waa ka dadka u gu beenta badan’; ‘hebel waa ka beentu ku dhammaato amma ay isugu biyo shubato’; ‘hebel waa tiir ka mid ah tiirarka beenta’.
Afarta derejo ee u gu dambeeya (saddexaad ilaa lixaad) lama xujaysto, markhaati fur looma qaato, waxna laguma kaabo.

Kolka markasta oo qofka Muslimka ahi barto, ee weliba isticmaalo waxa uu suuragalaysa in uu miisaanka saaro warka loo sheeggayo iyo cidda soo gaadhsiinaysa. Taasina waxay fududaynaysa kala soocidda, warka beenta ah, ka maslaxadi dabada ka riixayso. Tusaale: Wadaadka ku tiraabay waxaan soo arkay tirada intaas le’eg, oo hablo Soomaaliyeed ah, kuna nool waddan qurbaha ka mid ah, oo la nool xanuun hebel; arrinkaas sheegistiisana u badheedhay isagoo aan wax cad, oo la taaban karo aan ku lammaanayn; warkiina been noqday kolkii la dabagalay ilaa haddana aan juuq iyo garawshiyo laga hayn ciddii warkaas sheegtay. Xaaladan oo kale iyo wixii la halmaala waxay ahayd in lagu miisamo tiirarka “Cilmigan” lee yahay, oo ay dabar u noqdaan cid kasta oo bulshada xog aan run ahayn u soo gudbiya.

W/Q: Dhegjar Yuusuf Dhegjar
Attachments area