Ciqaabta Eebbe & dunuubta dadka !

waa ciqaab Eebbe oo danbigeenu keenay sida aan ku doodno. Haddaba haddii aan ka guurno deegaanka, oo aan deegaameysanno meel ka mid ah kaymo-leyda dhul badhaha Afrika, innaga oo aan waxba ka baddalin hab dhaqankeenna oo dunuubtu ka mid tahay ma laga yaabaa in ay abaartu innaga dabo timaaddo kol haddii ay danbiga dabo socoto?! Mise nooca ciqaabta ayaa la inoo baddali kol haddii deegaankani yahay mid dabeecaddiisu roob tahay?! Haddii ay ciqaabtu is badasho sow dabeecadda deegaanku ma keenin?! Ciqaab wadareedka ka dhasha danbiyada ee diinta ku cad ma yihiin isla sida aan moodayno?!
Diimaha oo islaamku ka mid yahay waxa ku cad ciqaab wadareedyo lagu riday duul dhan oo danbi galay, waxaana loo ciqaabay, laguna ciqaabay siyaabo kala duwan iyo waxyaabo kala geddisan se badankoodu waa dhacdooyin aan naqaanno sida daadad, duufaanno, dhul gariir IWM !. Marka laga yimaado masiibooyinka ka dhashay cadho Eebbe ee ku cad diinta, magacyadana leh hadda oo aan nool nahay ma garan karnaa masiibadii cadho Eebbe ah iyo waxa uu ka cadhooday dhab ahaan si ay inoogu suuro gasho in aan ka fogaanno?! Tusaale ahaan reer Luud waxa lagu halaagay khaniisnimo (danbi qeexan) e innaga maxay abaartu inoo haysaa?! suaashan ilaahay ka jawaabi maayo hadda waxa se ka jawaabi doona wadaaddada oo midba wax sheegi doono; beenta, cadaalad darro, sino, xukun alle diid, gaalnimo iyo arrimo kale oo aan dhamaanayn. Danbiyada qaar oo qaarkeen u asteyn karaan ciqaabta abaarta ayaa ah kuwo aynaan isku waafaqsanaynba in ay danbi yihiin oo wadaad ayaa muusigga nimco rabbi u haysta mid kalena danbi ciqaabtan oo kale keeni kara! mid kale waxa uu u haystaa in xukunka meesha ka jira oo aan kii alle ahayn dartii la inoo ciqaabayo, halka mid kale qabo in xukunkani yahay mid ku qotoma diinta Eebbe oo ansax ah.
Midda kale abaartu waxa ay ku dhacdaa dad xun iyo kuwo san (marka xumaanta iyo samaanta lagu eego fahankeena guud) haddaba abaarta ma waxa lagu ciqaabayaa inta xun mise waxa lagu imtixaanayaa inta san ileyn diinta labadaba waan ku haynaa e ?!

ku soo dhacay xaramka iyo dadkii is jiidhay ee ku le’day ma danbi ayaa laga jarayay mise imtixaan ayaa laga qaadayay, miseba xeer iska dabiici ah oo aan aqoon cidda meesha joogta; gaal , muslim, fardo ama dameero, bisado ama cidloba ayaa sabab u ahaa ?! Dhul gariirkii ku dhuftay Japan iyo midkii Pakistan maxay kala ahaayeen?! Sunaamidii 2004 dhacday waxa ay waxyeeleysay laga bilaabo Indonesia ilaa Somaliya oo waxaa ku halaagsamay dad badan oo kala diimo iyo af iyo dhaqanba ahaa markaa ma waxa jiray danbi keenay oo laga mideysnaa ?!
Runtii jawaabaha arrintan dadku diin ahaan uga bixiyaan ma aha kuwo is haysta mana dhamaadaan ; haddii la weydiiyo maxaa ay abaartu inoo haysaa innaga?! waxa lagu jawaabi danbigeenii ayaa batay! oo maxaa dadyowga inaga danbiga badan loogu ciqaabi waayay sida gaaladan barwaaqeysan ileen danbi gaalnimo ka weyni ma jiro e?! jawaabtu waxa ay noqon gaalada waa lagu dagayaa oo waa loo seeto dheereynayaa ! oo gaalo aan loo seeto dheereyn ayaa jirta oo innaga innaga liita e iyana ma sideenaa la ciqaabayaa?!
Dalalka Afrika sida ay u badan yihiin waa kuwa ugu faasidsan dunida dhanka xukunka, haddana diin iyo dhaqan midna ma mideeyo oo aan ka ahayn aqoondarrada, oo saxaraha Afrika roobku ma helo cid kasta ha daganaato e halka dhulbadheha Afrika dhexdeeda uu inta badan helo ciddii doontaa ha daganaato e, sidoo kale dhulkeena roobku sidan ayuun buu teelteel ugu ahaa waligiiba oo magaaladan Khartoum roobku bil qudha ayaa uu helaa sannadkii halka Juba oo koofurta ah uu inta badan helo kuma na xidhna diinta dadka meelahan kala daga iyo falalkooda!

Ciqaabaha dunida ee diinta aan kala dhex baxno runtii ma aha kuwo waaqica lagu fahmi karo oo la sababeyn karo ee waa arrin aaminaadda uun ku xidhan, haddii aan soo qaadanno mid ka mid ah dhacdooyinka ugu caansan faragalinta Eebbe waa dagaalkii Badar oo la sheegay in kumanyaal malaa’ig ah oo fardooley ah ka qayb galeen oo muslimiinta lagu xoojiyey haddana marka aad taariikhda dagaalka aad u fiirsato arki maysid wax caadada ka baxsan oo meesha ka dhacay ; 70kii nin ee qureysh laga dilay waxa ku filnaa saxaabadii nabiga NNKH oo dagaal mitid ah galay, haddiiba aan ka soo qaadno in aanay qof qudha iyagu seef ku dilin ma kumanaan malag oo cirka ka soo duulay ayaa 70 qof oo qudha ka dilay colkii la yidhi la soo dagaalama! Halkaa tamar yari miyaanay ka muuqanayn?! Waxa la mid ah waa in halgankii uu nabigu NNKH u galay hirgalinta diinta uu ahaa mid aan waxba kaga duwanayn halgan bashar galo oo loo hagar baxo dhib aad u weynna waa uu u soo maray, haddana diinta waxa ku cad in mar walba eebbe garab taagnaa! maalinkii Uxud oo muslimiintu yara jabeen waxa u sabab ahayd dhabarjabintii lagu sameeyay ka dib markii ay banneeyeen difaaceedii waana arrin uu ciidan kastaa ku jabi lahaa ama nabi ha wato ama ibliis ha u dagaalamo e ! waa nolol iska dabiici ah oo gaal iyo muslimba mari karaan hadii ay asbaabteedii la isla yaqaan la yimaaddaan! sidaa awgeed arrimaha horteena ka dhacaya in lagu fasiro sidii uu eebbe u macneeyay kuwa diinta ku qoran waxa ay ina galinaysaa dhibaato weyn oo aan cidna furdaamin karin; yaa sheegi kara danbiga aan hadda ku jirno ee aan u ciqaaban nahay?! Sannadkii hore waa tii abaartu innaga jabtay ee ma danbi aynu ka toobad keennay oo aynu farta ku fiiqi karno ayaa jiray ?! waa kee danbiga deegaan gaar ah ku badan ee ciqaabtu goonida ugu dhacday (gobolada bari miyay ka dambi badan yihiin kuwa galbeed) ?! weydiimahan cid si run ah uga jawaabi kartaa ma jirto, Eebbena soo hadli maayo oo waxyi ma jiro sow hadaba ma aha in aan adeegsanno waxii aan fahmi karno iyo aqoonta caqliga ee dunida taala si aan u maareynno mushkiladaha nolosheena innaga oo aan maqanta (qaybka) ku murmin ?!

waxa ay in badan ku socotaa xeerar qayb ka ah jiritaankeeda, waana xeerar aan eexda aqoon cidna aan gaar u tilmaansan, waana laga siman yahay diin iyo dhaqan iyo wax kasta oo la aaminsan yahay. Sidaa awgeed waxtar ma leh in dhib ina haysta lala doonto meel aan xalkeeda laga la soo laaban karin (qaybka) kol hadii aanay jirin cid cirka toos ugu xidhan taasina ma aha in diinta la iska dhaafo waayo diintu waxa ay leedahay waxyaabo badan oo la fahmi karo laguna dhaqmi karo sida caddaaladda , cibaadooyinka , akhlaaqda suubban IWM, se in dagaalkii Badar la soo dagaal galiyey malaa’ig waa arrin sidii ay ku dhacday cidina hadda fahmi karin imikana aan lagu xisaabtami karin in malaaiig hubeysani ciidankeena ku soo biirto ! waxaana la mid ah in falal aan sameynay Eebbe cadho galiyeen ka dibna uu abaaro iyo shilal kale innagu ciqaabay!

 

Dr. Maxamed Cabdillaahi

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code