Cudurka iska daawee!

Cudurka iska daawee!

Liibaan: Bilan aabbe John diintiisu maxay tahay?

Bilan: Abbe waa Kirishtan Katoolig ah.

Liibaan: Maandhey soo ma ogid in gabadha Muslimka ahi aysan nin Kirishtan ah guursan karin?

Bilan: Abbe walaalkay Maxamed soo Diana oo Kirishtan ah ma qabo?

Liibaan: Maxamed waa wiil oo waa loo banneeyey.

Bilan: Abbe anigu ma garanayo waxa ay tahay diintaan wiilka u oggolaanaysa in uu guursado gabar Kirishtan ama Yahuud ah, laakiin aan taa walaashiis u oggolayn!

Liibaan: Maandheey waxaad ogaataa in aanan sina ku oggolaanayn in nin aan muslim ahayni uu reerkaan wax la wadaago.

Bilan: Abbe arrinkaani waa mustaqbalkayga, ee ma aha adiga mustaqbalkaaga. Haddaad doonayso in aan guursado qowsaar aad qaraabo tihiin, oo inta uu guriga igu cidleeyo reero derbigood sidii dibi caws helay qaad la fariista, anigu taa yeeli maayo! Aabbe waxaan jeclahay in aad doorashadayda ixtiraamto oo ii duceyso, laakiin haddii taasi kugu adagtahay waxaan waallidaas ka qaban karo ma jirto, waxaanse kugula talinayaa in aad cudurka iska daaweyso!

Xaliimo: maandheey sheydaanka iska naar, oo inta caqli isu yeeshid maqal hadalka aabbahaa!.

Doodaha iyo is maandhaafka noocaan oo kale ahi waa kuwo si joogto ah uga aloosan qoysas badan oo Muslimiin ah iyo weliba tiro aad uga badan oo diimo kale haysta, waana arrin muddo dheer soo jirey, laakiin ay hadda sii xoojisay xero-edagaynta (=globalization) iyo isu socodka  sida xawliga badan dunida uga socda, ee Bari iyo Buguxba la isku milmay, dhaqan iyo dhiig nadiif ahina ay dunida gabaabsi ku sii noqonayaan.

Waxaan jeclaystay in aan wax ka ogaado waxa muslimiintii hore ay ka yiraahdeen jacaylka dhexmara dadka kala diinta ah, waxaana iskula sheekaystay in qoraalka ugu dhow ee ay u badan tahay in uu qodobkaas wax ka yiri uu yahay buugga “Kuuushii Qooleyda/طوق الحمامة” ee uu qoray faqiihii Cali bin Xasmi al-Andalusi (994-1064).

Ibn Xasmi buuggaan wuxuu qoray isaga oo 28 jir ah, sababta uu u qorayna wuxuu ku sheegay in uu ahaa codsi uga yimid nin ay jaal ahaayeen oo ka codsaday inuu u qoro buug uu si wanaagsan ugu faahfaahiyo arrimaha jacaylka.

Buugaan oo afaf badan loo rogay, waa mid xallad iyo xiiso leh oo shiikhu ku guulaystay in uu si wanaagsan ugu kala dhigdhigo mawduucyo aad u badan oo jacaylka la xiriira, isaga oo adeegsanaya noocyada kala duwan ee suugaanta iyo weliba nusuusta diinta oo quraan iyo xadiisba leh. Ayaandarro, shiikhu kama hadlin jacaylka dhexmara lammaane kala diin ah, waana adagtahay in la fahmo sababta taasi ku dhacday? Waayo shiikhu wuxuu Andalus ama Isbeyn ku noolaa seben deegaankaas ay ku wada noolaayeen dadyow ku kala abtirsada saddexda diimood ee samaawiga ah (Yahuud, Masiixi iyo Muslimiin). Waana hubanti in lammaanayaal badan oo kala diin ahi ay jacayl wadaageen. Waxayse u badan tahay in uu labo sababood midkood isaga daayey. Labada sababood tan hore waa in mawduucu uusan bulshada culays ku hayn, tan labaadna waa in shiikha qudhiisu uusan mawduuca ku jacsanayn, sidaa darteedna uu indhaha uga qarsaday.

Dhanka kale, Barafisoor  Adrien Leites oo ka tirsan jaamacadda Sorbonne ee dalka Faransiiska ayaa dhawaan wuxuu qoray buug uu u bixiyey “Jacaylka kirishtanka iyo jacaylka muslimka/ Amour chrétien et amour musulman ” oo uu ku soo bandhigay wixii ay ummuuraha jacaylka ka yiraahdeen labada wadaad ee St. Augustine (354-430) iyo Abuu Xaamid Al-Gasaali (1058-1111 ), oo kala metalaya labada diimood ee Kirishtanka iyo Islaamka.  Wuxuuna ku doodayaa in labada wadaad ay isku meel mawduuca u dheelmeen oo afkaartoodu isu dhowdahay. Wuxuuna ku baaqayaa in la badiyo baaritaannada jaadkaan oo kale ah, maxaa yeelay waxay ka qayb-qaadanayaan is fahanka iyo wadanoolaanshaha bulshada adduunka, waana tii la yiri: “Aan wada hadalno waa aan heshiinno!”

Yeelkadeede, runta la ma dhaafaanka ahi waxay tahay in guurka guulaystaa uusan ahayn kan diinta la wadaago, balse uu yahay kan qalbiga la wadaago. Shaki kuma jiro in diinta iyo dhaqanka oo la wadaagaa ay aad u caawin karaan in guurku guuleysto, laakiin ma aha shardi ku filan ama xataa u dhow in ay ku fillaadaan.

Oday carbeed ayaa waxaa lagu yiri: Hebelow inantaadu wiil bay jeceshahay, markaas buu ku jawaabay: “Waxaa mahad leh Eebbaha aadami ka dhigay!”. Qofku wuxuu wax jeclaadaa isaga oo aadami ah, oo ka fog in daqiiqaddaas uu xisaabta ku darsado arrimaha la xiriira dhaqanka, diinta iyo dhammaan arrimaha kale ee nolosha.  Fekerka iyo xisaabtanku gadaal bay ka yimaadaan, markaana waa macaan amba waa qaraar kolba waa siduu kuu soo maree! ( Saalax Qaasim Naaji, Moogiye waa maxay jacayl?).
Waxaa jira xadiis caan ah oo nebigu (scw) ku xusay tilmaamaha lagu xusho haweenayda dumar lagala baxda ah, uuna ku soo gunaanaday weedha “War laguu haryaye midda diinta leh ogow /فاظفر بذات الدين تربت يداك“. Su’aasha isweydiinta mudannina waxay tahay waa tee midda diinta lihi? Ma midda salaadda badan baa? Ma midda soonka badan baa? Ma xijaabkaa? Ma? Ma? Waxay ila tahay in intaasiba ay yihiin qaybo diinta ka mid ah iyo astaamo diineed, laakiin aysan diinta qeexid u noqon karin. Aan xusuusanno labada xadiis ee caanka ah ee ka kala hadla labada haween ee mid lagu sheegay in ay salaad iyo soon badan samayn jirtey laakiin ay naar ku mudatay deriskeeda oo ay dhibi jirtey darteed, iyo haweenaydii kale ee jannada ku mudatay ey ay maalin waraabisay.

Weydiin meesha ku jirtaana waxay tahay: raggu haweenka ma u kala jecel yihiin sida ay u kala soon iyo salaad badan yihiin? Jawaabta akhristaha ayaan u daynayaa, qof ahaanse waxay ila tahay in wiilka gabadha ku jecel salaad iyo soon badni oo keli ahi uu yahay bakhayl jeebkiisa iyo qalbigiisa u turaya. Khalad ha fahmin, oo ha u qaadan in aan dhayalsanayo saamaynta salaadda iyo soonka, xaashaa lillaahiye arrinku marna sidaa ma aha, waayo waxaan ogahay in salaadda iyo soonka -diimaha oo dhammi- ay ka tarjumaan baahi ruuxda aadamigu ay dareemayso, haddii daacadnimo loola yimaadana ay qofka – rag iyo dumarba- anshax iyo wanaag u kordhiyaan. Laakiin salaadda, soonka, garka iyo xijaabku ma aha halka macdanta iyo wanaagga qofku ay dhab ahaan uga muuqdaan. Badanaa mid gar weyn oo aan wejiga dhulka ka qaadin oo haddana sheydaanku ka cuudubileysto, dhanka kalena badanaa mid aan masjid iyo soon toona aqoon oo haddana malaa’igtu ka xishooto.

Qisada quraanku ka hadlay ee ku saabsan guurkii markii hore nebigu (scw) Seynab bintu Jaxshi ugu guuriyey Seyd bin Xaarit (RC), markii labaadna qudhiisu uu Seynab ku guursadey, waxay ka mid tahay dhacdooyinka taariikhda Islaamka loogu muran iyo hadal haynta badan yahay. Waa dhacdo abuurtay dood si weyn akhlaaqda u la xiriirta. Sidee bay ku dhici kartaa in nebi uu guursado gabar u dhaxdey wiil jecel, weliba wiilku uu yahay mid isaga aabbe looga dhigo?

Waa dhacdo keentay in Muslimiin badan ay darteed diinta Islaamka uga shakiyaan ama ugaba baxaan, iyaga oo ku dooda in dhacdadaasi ay muujinayso akhlaaq xumo aan sina lagu qaadan karin. Waxay kaloo ku doodaan in dhacdadaasi ay sabab u ahayd in Muslimiinta laga xarrimo in ay waarid u noqdaan ilmo aysan jir ahaan u dhalin (=biological parent), arrinkaas oo caqabad ku ah daryeelkii loo fidin lahaa carruur badan oo xannaano waalid u baahan.

Dhab ahaantiise, qisadaas ama dhacdadaas waxaa muslimiinta iyo aadanaha oo dhammi ay ka baranayaan cashar lama dhaafaan ah, oo ah in qalbiga qaanuun isaga ka baxsani uusan qaban. Seynab qalbigeedu ma aqbalin Seyd, sidaa darteedna xaq bay u yeelatay in aysan joogin meel aan qalbigeedu ku qanacsanayn. Nebiguna mar uu tilmaamayey dareenka qalbiga ah waa isagii yiri: “Allow sidaan baan u qaybiyey wixii aan awoodey ee ha ii qaban wax aanan awoodin, ee aad adigu awooddo!”

Sinnaanta iyo kafaa’ada dhabta ah ee loo baahan yahay in guurka loo shardiyaa ma aha midda dhalashada iyo dhaqan wadaagga, balse waa midda qalbi wadaagga. Weydiinta jawaabta u baahanina waxay tahay: qalbigu ma isweydiiyaa diinta qofka uu jeclaanayo ka hor inta uusan jeclaan??? Muuse, Ciise iyo Maxamed (CS) col iyo walaal kee bay ahaayeen? Soo la ma oran:  Alle iyo jacayl midkoodna diin go’an ma haysto? Muuse, Ciise iyo Maxamed (CS) col iyo walaal kee bay ahaayeen?

Iyaga iyo ku Allahoode waxay wariyeen waraysi dhexmaray wadaad iyo wiil gabar calmaday oo sidatan u dhacay;

Wiilkii: Shiikhow waxaan caashaqay gabar diin kale haysata ee ka warran?

Wadaadkii: oo diintee bay haysataa?

Wiilkii: Shiikhow waa Hindiyad.

Wadaadkii: guurkaasi ma bannaana.

Wiilkii: shiikhow anigu diinta qoladaas ma calman ee gabadha ayaan caashaqay.

Wadaadkii: wiilow arrinkaas samada lagama aqbalin.

Wiilkii: shiikhow samadaan rabaa kuma oran.

Wadaadkii: war erayadaada ka fiirso, oo gaalnimada iska jir.

Wiilkii: shiikhow waa gartaa oo caashaq baan ku hayn!

Jalaaludiin Ruumina wuxuu horay noogu sheegay in baabka caashaqu uusan ku jirin baababkii Abuu Xaniifa iyo Shaafici (AUN) ay ku takhasuseen. Dabcan qofkana waxaa wax laga weydiiyaa wixii uu takhasus u leeyahay.

Waxaa jira xadiis oranaya: “Ruuxii caashaqa oo dhawrsada, oo dhinta, jannada ayuu galaa/من عشق فعف فمات دخل الجنة”. Xadiiskaas iyo kuwa la macnaha ah wadaaddo badani waa diidaan, oo waxay ku sheegaan inuu daciif yahay. Wadaaddada xadiiskaas diidaa sidoo kale waxay diidaan in badan oo ka mid aha axaadiista ka hadasha naxariista, cafiska, wadanoolaanshaha, laakiin si taa ka duwan waxay taageeraan axaadiista seefta ee dhiigga, burburka iyo nacaybka  dhiirrigeliya.

Diintu waa shey ku weyn qalbiga qofka oo la’aanteed uu dayac dareemayo. Dhanka kalena ruux waliba wuxuu doonayaa in uu nolosha la wadaago qof qalbigiisu ku qancay, sidaa darteedna waxaa habboon in aan qofka lagu khasbin in uu kala doorto dhaqanka iyo diinta uu haysto iyo dareenka qalbigiisa. Quraanka kariimkuna marka uu ka hadlayo xiriirka lammaanaha wuxuu ku tilmaamay in uu ku dhisan yahay jacayl iyo naxariis, oo Eebbe aayadda 21-aad ee Suuradda Ar-Ruum wuxuu ku leeyahay: “Dhexdiinna wuxuu dhigay (=Eebbe)  jacayl iyo naxariis/وجعل بينكم مودة ورحمة”. Waana in aan ogaanno in diintu ay dadka u adeegto ee dadku aysan diinta u adeegin, waayo Alle aadanaha uma baahna ee aadanaha ayaa Alle u baahan. Sidaa awgeed, diintu waa in ay weji bani’aadam yeelataa, oo lagu saleeyaa caddaalad, sinnaan, raxmad iyo jacayl.

Buugga Mathnawi ee Jalaaludiin Ruumi waxaa lagu xusay sheeko sidaan hoose loo soo tebiyey:

Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa nin afar nin oo socoto ahaa oo u kala dhashay Iiraan, Turki, Carab iyo Giriig wuxuu wadaajiyey wax yar oo lacag ah. Afartii nin waxay u baahdeen in ay fawaakih (=fruits) iibsadaan, markaana Iiraanigii ayaa ninkii dukaanka gadayey wuxuu ku yiri: waxaad naga iibisaa ‘angür’, laakiin markiiba waxaa soo booday Turkigii oo dukaanlihii ku yiri: Mayee waxaad naga iibisaa ‘üzüm’, isagana waxaa ka daba hadlay Carabkii oo yiri: war mayee waxaad naga iibisaa ‘Canab’, laakiin durbadiiba waxaa qayliyey Giriirggii oo yiri: war waxaas oo dhan uma baahnin ee waxaad naga iibisaa ‘istafil’. Afartii ninna waxay bilaabeen ilaaqtan iyo in mid walbaa ku adkaysto in la iibsado miraha isagu uu dalbay.

Dabadeed ninkii dukaanka iibinayey waa wareeray, oo wax uu sameeyo ayuu garan waayey, laakiin nasiib wanaag meesha waxaa ka dhawaa nin afafkaas oo dhan yaqiin, oo ninkii dukaanka lahaa u sheegay in uu canab ka iibiyo. Nimankiina kolkii ay arkeen canabka la keenay mar qura ayay farxad la wada dhaceen iyada oo mid waliba uu u qaatay in la keenay wixii isagu uu dalbay. Laakiin xaqiiqadu waxay ahayd in afartooduba ay shey keliya afaf kala duwan ku dalbeen.

Farriinta sheekadu xanbaarsan tahay waxa weeye, in diimuhu ku kala duwan yihiin magaca iyo qaabka cibaadada loo guto, laakiin nuxurka ay wadaagaan oo dadka oo dhammi ay Alle afafkooda iyo garashadooda ku baryaan. Sidaa awgeedna, loo baahan yahay in ay nabad iyo is qaddarin ku wada noolaadaan, iyada oo aan qolana isku dayin in ay liiddo diimaha dadka kale.

Waxaa xusid mudan, in arrinka ugu weyn ee waariya jacaylku uu yahay isa seegga ku dhaca lamaanaha jacaylka, oo jacaylka lammaanihiisu is calfadaani waa dhintaa, kan lammaanihiisu is waayaanna waa waaraa. Bilmatal, waxaa la rumaysan yahay in sheekooyinka caanka ah ee Qeys iyo Leyla, Roomiyo iyo Juleeyt, Jamiil iyo Buteyna, Cantar iyo Cablo, Cilmi iyo Hodan aynaan middoodna maqalneen haddii ay isguursan lahaayeen. Sirta jacaylka waarisaa waa xanuunka isa seegga lammaanaha iyo dareen-wadaagga bulshadu u muujiso. Gabyaagii Roomanka ahaa ee Terence waxaa laga hayaa in uu yiri: “Mar kasta oo rajadaydu yaraato, xiisaha jacaylkaygu waa kordhaa!”

Ugu danbayntii, waxay soo tebiyeen in wiil barbaar ahi uu maalin Cumar bin Khadaab (RC) ku yiri: Amiirkii muuminiintow waxaan jeclaaday gabar. Cumarna uu ugu warceliyey: Taas ma aad hanatid, ama wuxuu ku yiri: Taas ma aad hanatide wax aad hanato ma ku dartay? Cumar wiilka wuxuu ku leeyahay: in la calmado gabar la arkay waa arrin caadi ah oo ku xiran qalbiga, kana baxsan awoodda iyo maamulka qofka ee gabadha ma u sheegatay dareenkaaga?

Waxaana jirta maahmaah qurux badan oo ay adeegsadaan reer Xijaas –( Xijaas waa dhul ka tirsan dalka Sacuudiga oo ay ku yaallaan magaalooyinka barakaysan ee Maka iyo Madiino)- oo tiraahda: “Ma jiro geed aan dabayli ruxin/ما في شجرة ما هزها ريح, oo ay ula jeedaan ma jiro qof aan mar wax jeclaan.

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil

sismail42@gmail.com

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code