Cusboonowga Casriga

Si cad looma sheegi karo xilliga uu bilowday cusboonowgu “modernity/الحداثة”, xataa haddii xilliga lagu sheego casriga la barbardhigo xilliga loo yaqaan mugdiga. Sooyaalyahanaduna way isku khilaafsan yihiin. Sidoo kalena, cusboonowga  waxaa lagu tilmaamaa mid kamid ah erayda muranka badan ee ku jira qaamuuska. Waxa uu la xidhiidhaa: meerto-nololeedka, dhaqanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Cusboonowgu waa mucjiso, aan la hurayn. Aadanaha, waxa uu u horseeday in ay daah-qaadaan wax mucjiso u eekaan kara. Meerto nololeedkii aadanuhu soo maray; casrigii dhagaxa “stone-age” illamaa casriga atoomikada “atomic era’, waxaa la hindisayey aalado innaga caawinaya hardanka nolosha. Adeegsigii caqliga waxaa la dhahaa waxaa ka dhashay, cilmiga sayniska  kaas oo fududeeyey noloshii kakanayd ee ka jirtay koonka. Dhulkii mugdiga ahaa waxaa loo beddelay iftiin. Awrtiina waxaa lagu beddelay aallado xawaare sare ku socda. Godadkii la gelijirayna waxaa lagu beddelay daaro dhaadheer oo ku tolan cirka. Kuwaas  iyo kuwo kaleba waa nimcooyinka cilmiga saynisku daah-qaaday.

Cusboonowgu waxa uu gilgilay dhammaan adduunka, waana carqalad hortaagan dunida. Cusboonowga waxaa lagu sheegaa, in laga maqlay filasoofarkii Descartes, qarnigii 17aad  qarnigaas iyo qarnigii ka horreeyey ayaa Yurub laga dareemay dabaysha cusboonaysiinta. Isaga oo xal u raadinaya mushaakilaadkii badnaa ee haystay reer Galbeedka, ayuu ku baaqay in la cusboonaysiiyo caado dhaqameedkii ay aammisanaayeen.  Cusboonowgu waxa uu isku xidhay dhacdooyinka dhaqan dhaqaale iyo fal-celintooda, ee koonka aynu ku noolnahay. Yurub, waxa uu u hoggaamiyey in bulshadu noqoto calmaaniyiin. Markii reer Yurub, dooneen in ay caqliga cusboonaysiiyaan waxaa qasab noqotay in ay ka guuraan caadooyinkii noloshoodu ku salaysnayd. Waxa ayna israacsiiyeen, mawjadihii islaba rogayey ee wakhtigu horkacayey. Shayga aan muran ku jirinni waa in horumarka maanta ka jira dunida Galbeedka uu yahay maxsuulkii cusboonowga ee ay aqbaleen iyo dhegahii ay u raariciyeen culimadii ku baaqday cusboonowga casriga iyo in su’aal la geliyo hannaankoodii dhaqan, dhaqaale, siyaasadeed iyo weliba diimeed.

Haddaba, ma innagu habboon yahay, cusboonowgu ka Muslim ahaan iyo Soomaali ahaan ba? Se ma la jaanqaadi karnaa dunida casriga ah?

 

Fahamka fiqiga Islaamka waxaa la baadhayey, 1,400 sano ee ugu danbeeyey. Laakiin fahamkani si buuxda uma sharraxayo xilligan casriga ah; bulsho ahaan, siyaasad ahaan iyo dhaqaalaha isbedbeddalaya ee adduunka. Dunidan casriga ah, maanta waxaa ka jira: hannaan maaliyadeed, dowlad-qarameedyo, dhaqaale saliidu saldhig u tahay, layberaaliyadda cusub ee hantigoosadka, dhaqamo kala gegedisan, magaaloobid iyo guur-guur bulsho. Si aynu u fahanno qodobadan, xidhiidhka ay la leeyihiin diinta iyo bulshada Islaamka, waa in aynu ku dabaqnaa bulsho fahamkii Ibnu Khalduun ee buugga Muqaddimah qarnigii 14aad. Seyyid Xuseen Nasri  bare sare oo Jaamacadda George Washington ee dalka Maraynkanka ka dhiga daraasaadka Islaamka. Waa mid kamid ah filosoofarrada Islaamka ee ugu caansan adduunka. Waxaa kale oo loo tixgeliyaa inuu yahay caalim isbarbardhiga diimaha. Seyyid waxa uu ku dooday, in aqoonta casriga ahi shakigelinayso iimaanka Muslimiinta. Dooddiisa waxa aan u arkay mid macquul ah, taas oo si cad Muslimiinta ugu sheegaysa in fahamka Muslimiinta ee xilligan ay ka haystaan aqoonta maaddiga ah iyo xawaaraha uu saynisku ku socdo ay isku lid yihiin. Tusaale ahaan, waddaadada ayaa beri fatwoon jiray in ilmaha uurka hooyada ku jira, in la ogaado ay tahay cilmi-qayb —  Illaah keliya ogyahay. Markii la hindisay mashiinka lagu ogaado ilmaha uurka ku jira, jinsiga uu yahay ayaa Muslimiintu ka naxeen oo dib isugu noqdeen, kadibna soosaareen fahamkaas mid ku lid ah, oo sheegaya in la ogaan karo.

 

Xilligan innaguma filna, in la barto Islaamka diin ahaan oo keliya. Laakiin sida uu ku doodo “Sociologist” Anthony Giddens  in ummad kastaa ka koobantahay wakaalado “agency” bulsho. Ummadda Islaamka waxaa wakaalad u ah Muslimka. In la derso Muslimiinta, iyaga oo ku jira xayndaabka diinta. Sidoo kale si taxaddar ku jiro, loo baadho xaaladda dhaqan-dhaqaale; ammintan iyo sooyaalkaba. Iyo hannaanka siyaasadeed saamaynta uu ku leeyahay wakaaladaha bulsho ee Islaamka. Muhiimaddu waa in dhinacyo badan laga istaago, barashada Islaamka iyo bulshada Muslimiinta  iyada oo tixgelin weyn la siinayo sooyaalka siyaasadeed iyo dhaqaale ee Muslimiinta, lagana tegayn waaqiciga hadda lagu nool yahay. Qoraaga Ingiriis-Maraykanka ah Bernardo Lewis, buuggiisa, Maxaa Khaldamay; Saamaynta reer Galbeedka iyo Jawaabta reer Bariga-Dhexe   (What Went Wrong? Western Impact and Middle Eastern Response)  oo soo baxay 2002dii; waxyar uun kadib dhacdadii 11/9.  Ayaa ku dooday: in si ilbaxnimadii Islaamku ay u soo noqoto waa in Muslimiintu soo dhaweeyaan cusboonowga, sidoo kalena iska kala hufaan dhaqamada aan casrigan la jaanqaadi karin, iskana saaraan cuqdadda iyo cabsida ay ka qabaan ilbaxnimada Galbeedka. Ilbaxnimooyinku waa kuwo isbuuxiya, midna mid kama maaranto. Markii Muslimiinta lagala wareegay hoggaamintii adduunka; aqoon ahaan iyo milateri ahaan ba. Waxaa dhacday in ay soo baxaan dad, bulshada u bahallo geliya Ilbaxnimada reer Galbeedku horkacayaan ee maanta dunida ka jirta. Dabadeetona, waxaa soo baxay jiil ka qaloonaya wax kasta oo reer Galbeed lug ku leeyahay.

Inkasta oo cusboonowgu ka dhashay dunida Galbeedka iyo diinta Kiristanka, misana, diinta Islaamku ma diidayso cusboonowga. Waxaa la soo weriyaaba, in  Nebi Maxamed uu billaamay adeegsiga aallado casri ah oo aan berigaas jirin. Ibnu Katiir ayaa soo weriya in Nebigu, uu laba jaallayaashiisii ka mid ah, uu u diray Siiriya si ay u soo bartaan sida loo sameeyo dabaabaadka.  Sidoo kale Nebiga, ayaa aad u dhiirrigelin jiray sare-u-qaadidda waxsoosaarka iyo kobcinta ganacsiga: macdanaha qaaliga ah iyo dharka.

Dastuurkii ugu horreeyey ee adduunka waxaa la sheegaa in uu hindisay Nebi Maxamed, dastuurkaas waxaa loo yaqaan Dastuurka Madiina wuxuuna ahaa heshiis rasmi ah oo u dhexeeyey qabiilladii Madiina, kuwaas oo ay ku jiraan Yuhuudda iyo dadka aammisan diimaha aan samaawiga ahayn. Dastuurka waxaa lagu soo af-jaray colaaddii ka dhex jirtay. Isaga oo qolo kasta u dammaanad qaadaya xuquuqdeeda, sidoo kalena lagu qeexay xuquuqda iyo masuuliyadda Muslimiinta, Yuhuudda iyo dadka kale. Mar kale, waxaa la sheegaa dowladdii Islaamka ee xilligaas, in ay ahayd dowladdii ugu horreesay ee dhowrta xuquuqda dumarka, xoriyadda hadalka iyo madaxbannaanida nimaadka garsoorka. Qoomiyadda Carabta oo jaahiliin ah ayuu u yimid Nebigu, wuxuuna ugu baaqay in ay ka tagaan wixii ay aammisanaayeen ee khuraafaadka iyo jahliga ahaa, kana soo baxaan mugdiga una soo baxaan iftiinka. Ummaddii jaahiliinta ahayd, muddo dabadeed waxa ay adduunka ka noqdeen hoggaamiyeyaal la hiigsado, adduunka badankiisna gacantooda ayuu soo galay. Fadligaasi waa aqbalaaddii ay aqbaleen, cusboonowgii uu ku baaqay Nebi Maxamed.

Maanta waxa aynu markhaati ka nahay, isbeddellada dhakhsiyaha badan ee ku yimid bulshada, siyaasadda iyo dhaqaalaha,  kuwaas oo ay sababeen ikhtiraacaadka tiknoolajiyadeed, magaaloobidda, waxbarashada gelitaankeedu fududaaday iyo sidoo kale warbaahinta. Isbeddelladan dhacayaa, lamid ma ah kuwii dhici jiray qarni ka hor xilligii Kacaankii Wershadaha. Isbeddeladaas dhacayaa, ma aha kuwo laga baxsan karo, mana aha sida dadka qaar ku macneeyeen ee ah sanduuq bir ah dhexdiis. Laakiin isbeddeladan waxaa lagu tilmaami karaa kacdoon ku dhacay sooyaalka aadanaha. Sababtoo ah, isbeddeladaani waxay abuureen qof ka beddelan qofafkii noolaa xilligii hantigoosadka ka horreeyey. Sida loo badan yahay, qofka maanta nool waa qof shaqo jecel, waxbadan soosaara, waxbadan quuta, aqoonleh  waxna qora, waxna akhriya, magaalona ku nool. Waxaan odhan karaa, waxaasi in ay yihiin marxalad cusub oo ah  cusboonowga iyo waxa uu la yimid ee ah nidaam dhaqaale oo furfuran  kaas oo ku salaysan waxbadan in la soosaaro, waxbadanna la quuto. Waxa uuna inoo hoggaamiyey in nidaamka dhaqaale ee adduunka laga madaxbanneeyo aadanaha; aadanetirid, “dehumanization” inkasta oo lagu doodi karo in cusboonowgu keenay khasaare weyn, sida: sinnaan laaan, korodhka agabka milateriga iyo kuwa wax gumaada. Laakiin, dabaysha cusboonowga ma aha wax la xakamayn karo. Nidaamka siyaasadeed ee dunida ka jiraa, waxaa uu keenay in bulshadu noqoto waaqiciyiin, caqligu hago islamarkaana casri iyo calmaaniyiin ah sooyaalka aadanaha abid. Sida uu ku doodo Peter Bergers (1999), in ay dunidu tahay, meel ay ku yartahay diintu ayna ku badan tahay caqli dhaqaaluhu hago.

Waxaa lagu doodaa in diinta Islaamka ay ku yartahay calmaanowgu, laakiin xaqiiqada biyo kama dhibcaanka ahi waxa ay tahay: in maanta dunida muslimku aysan diintu hagin ee maslaxad dhaqaale ay hagto. Teeda kale, waxaan odhan karaaba, ma jirto cid diin isku xukuntay dunida Islaamka si badhax la’ sooyaalka Muslimiinta marka gadaal loogu noqdo, waxa aad arkaysaa isxukun diimeed,[haddii ba la isku xukay in uu diin] dusha shareeco Islaami ah ka ah, laakiin hoosta ka ah, maslaxad qof iyo qofaf. Doodda ah in la sooceliyo Khilaafadii Islaamka, ee koox diimeedyadu u ololeeyaan  waa rajo aan rumoobayn; marka sooyaalka iyo siiyaalkaba si qotodheer loogu fiirsado. Dadka sidaas ku doodana, waxa aan u aqaan dad doonaya xukun kelitalisnimo ah; oo aan lahayn wax dadka kala haga oo u dhexeeya.  Waxa aan aamisanahay in uusan nidaamkaasi wakhtigan aanu shaqaynayn; wacyigana la jaanqaadin karin. Hoggaamiyihii islaamiyiinta Suudaan, Xasan al-Turaabi ayaa si cad u diiday waxa loogu yeedho Dowladda Islaamka (Islamic State) kuna dooday in erayga ‘dowladda Islaam ah’ uu yahay eray aan ku habboonayn waxa loogu yeedhay, “misnomer”  eray la la khaldamay.

Nidaamka ugu wanaagsan ee xilligan ku habbooni waa dimuqraadiyadda, diinta Islaamka iyo dimuqraadiyadduna waa is oggol yihiin ba. Qeexitaanka dimuqraadiyadu waa in xukunka shacabka loo celiyo, awoodda ugu danbaysa ee go’aan ka gaadhi karta xukunka dalkana uu yahay shacabka. Inkastoo lagu doodo, in dimuqraadiyaddu la hayn xaqiiq loogu soo hagaago  dhinacyo badanna u jiid-jiidmi karto.

 

U ololeeyihii Cusboonaysiinta ee Rifaaca al-Tahtawi (1801-73) ayaa ku dooday in dimuqraadiyadda iyo diintu isla socon karaan, ayna isdiidayn.  Waxa kale oo uu ku xusan doodda in xeerarka dimuqraadiyadda laga soo dheegtay diinta Islaamka. Dimuqraadiyaduna ay tahay nidaamka bulsheed iyo siyaasadeed ee Islaamku jideeyey. Dhanka kale Seyid Qutb, ayaa aaminsanaa in sharciga Islaamku ay raacayaan shareecada Islaamka. Loona baahnayn in Muslimiintu ay wax ka bartaan dimuqraadiyadda reer Galbeedka. Aragtidiisa waxa uu ku kabay, kuna xujeeyey dimuqraadiyadda in Galbeedka ay taliyaan qoorweyntu “elites”  ma aha kuwa codeeya; dadyowga fakhriga ahina ay yihiin  sallaan lagu gaadho kursiga oo keliya balse aysan soo hawaysan karin xukunka iyo kuraasta sar sare, marka dimuqraadiyadda la joogo. laakiin haddii uu diiday nidaamkaas muxuu doonaya? Nidaamka uu jecelyahay se, ma yahay mid loo siman yahay?

Mernissi (1994) ayaa ku doodday sababta Muslimiintu u diiddan yihiin dimuqraadiyadda ay tahay in ay u arkaan ajnabi; aan Diinta Islaamka raad ku lahayn. Laakiin aqoonyahan badan ayaa aamminsan in nidaamka Islaamku saxda u arkaa uu yahay dimuqraadiyadda.

La soco qaybaha danbe.

Cabdiqani Axmed Cali

alkaniahmed02@gmail.com