Dhakafaarka Awra Amba: Barbaartu Laxooxda Ha Dubeen!

Soomaali baa laga hayaa: “Cimrigaaga oo dheeraadaa geel dhalayana waa ku tusaa!” Sidaa waxaa ka dhigan Cabdisaciid oo Amxaaro guryahooda ku booqday, canjeelo iyo basbaasna saxan kula wadaagey.
Muddo dheer erayga “Amxaar” agtayda wuxuu ka lahaa hal macne oo ah ‘waraabe muuqaal aadami leh, oo hilibka dadka iyo kan duunyadaba isku si ceeriinka ugu feenta’. Sawirkaasina ma aha mid aniga ii gaar ah, balse waa sidii lagu ababin jirey dhallinyaradii Soomaaliyeed ee igu da’da ahayd ama iga weynayd -(Inta aan xusuusto markii iigu horraysey ee aan qalabka warbaahinta ka maqlo erayada Itoobiya, Xabashi iyo Amxaaro waxay ahayd markii uu bilowday dagaalkii 1977-78 ee Soomaaliya iyo Itoobiya u dhexeeyey, dadka badankooduna waa ka dheregsan yihiin dagaalkii afka ahaa ee qalabka warbaahinta ee labada dal la isku dhaafsan jirey). Shakina iigama jiro in ubadka Amxaarada iyo guud ahaan Itoobiyaanka Soomaaliga laga siin jirey sawir kaa u dhigma amaba ka sii foolxun -(Akhristow marna ha illoobin in Soomaali badan erayada Amxaar, Xabashi iyo Itoobiyaan ay macne qura u leeyihiin).

Hoos guji si aad u akhrido maqaalka oo dhamaystiran

Dhakafaarka Awra Amba barbaartu laxooxda ha dubeen!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code