Dhaqaale iyo diin: Marx muxuu ku saxnaa? (Qaybta 1-aad)

 

Bilahaan, meelo badan oo dunida ka mid ah waxaa laga xusayaa 200 guuradii ka soo wareegtay dhalashadii Karl Heinrich Marx (1818-1883). Wargeyska New York Times wuxuu daabacay maqaal uu cinwaan uga dhigay “Dhalasho farxad leh, Karl Marx. Waad saxnayd! / Happy Birthday, Karl Marx. You were Right!” (https://www.nytimes.com/2018/04/30/opinion/karl-marx-at-200-influence.html ). Magaaladii uu ku dhashayna waxaa laga taagay taallo cusub oo dheer, waxaana looga dhawaaqay in magaaladu tan iyo dhammaadka sannadkaan ay qaban doonto 600 oo munaasabadood oo la xiriira dhalashada Karl Marx. Dhanka Bari ee dunidana, madaxweynaha Shiinaha Mudane Xi Jinping oo magaalada Bakiin ka jeediyey khudbo munaasabaddaan ku aaddani wuxuu yiri: Maanta waxaan xusaynaa Marx, si aan u qaddarinno waxgaradka ugu weyn taariikhda aadamiga isla markaana aan u muujinno sida ay noogu weyn tahay rumaynta xaqiiqda cilmi ee Maarkiisiyaddu.”

Maalintii Karl Marx uu geeriyoodey 14kii Maarso 1883, saaxiibkiis Friedrich Engels (1820-1895) khudbo uu baroordiiq ahaan u jeediyey wuxuu ku yiri: “Dunida maanta waxaa ka naaqusay hal madax, waxa ugu qaalisan ee aadamigu hadda haystaana waa isla halkaas madax”, Engels hadalka wuu sii watay oo wuxuu raaciyey: “Wuxuu dhintay isaga oo lagu been-abuurtay, dunidana looga hayo nacayb aan sebenkaan cid kale loo qaadin, laakiin noloshiisu waxay ahayd halgan joogto ah oo si buuxda loogu eegayo taariikhda iyo dhaqanka, in la helo aydaloojiyad sawir dhamaystiran ka bixin karta dunida iyo ilbaxnimo ka wanaagsan kana sarraysa midda hadda jirta…Karl Marx yoolkiisa dhabta ah ee noloshu wuxuu ahaa in uu ka qaybqaato in si un looga takhaluso bulshada hanti-goosiga ah… Magaciisa iyo waxqabadkiisu qarniyo badan bay sii jiri doonaan.”

Engels waa runtiis oo Karl Marx maalintii uu dhintay maanta ayaa dunida looga aqoon badan yahay. Maalintii uu dhintay meelo aan badnayd oo Yurub ka mid ah baa laga yaqiin, aaskiisana waxaa ka soo qaybgalay dad yar oo faro ku tiris ahaa. Waxaana la sheegaa in John Stuart Mill (1806-1873) oo lagu tilmaamo in uu ahaa dhaqaale yahanka xilligaas Yurub iyo dunidaba ugu magaca dheeraa uusan maqal magaca Karl Marx, laakiin maanta toddobada qaaradoodba waa laga yaqaan. Mill iyo Marx-na kan danbe baa la garan og yahay. Waxaana la sheegaa in 50% dadkii dunida ku noolaa qaybtii dambe ee qarnigii 20-aad ay ku hoos noolaayeen dowlado sheegta in ay ku dhaqmaan mabaadi’ ku salaysan afkaartii Karl Marx. Waxaana lagu dooday in marka laga reebo ragga diimaha keenay, aan taariikhda lagu sheegin qof dunida ku yeeshay saamayn la mid ah midda Karl Marx uu ku yeeshay. Marx kuwa jecel iyo kuwa neceb labaduba waxa aysan isku diidi Karin in uu saamayn lixaad leh dunida ku yeeshay, kuna sii lahaan doono.

Jorge Semprun buuggiisa sheekada ah ee “The Long Voyage”, oo ka mid ah buugta ka hadasha dhibkii iyo xasuuggii Naasidu dagaalkii 2-aad ee adduunka ay u geysteen Yahuudda iyo dad kaleba, waxaan ku arkaynaa waraysi gaaban oo dhexmaraya labo qof -oo midkood yahay qoraaga oo qudhiisu ka mid ahaa dadkii dhibku qabsaday- oo la sii marinayo Trier iyaga oo loo sii wado xeradii dadka lagu saxariirin jirey ee Buchenwald. Waraysigu sidaan buu u dhacayaa:

-Waa wax laga xumaado in foolxumadaan oo kale ay Trier ka dhacdo!

‘Waayo? Ma horay baad u taqiin?’

‘Maya, waxaan ka wadaa weligay meeshaan ma arag.’

‘Haddaba cid baad ka taqaan?’

‘Haa, waa sidaas. Waa saaxiib xilligii carruurnimada. Laakiin, dhab ahaantii wuxuu maanka ku hayey mid ka mid ubadkii hore ee Trier. Waa wiil Yahuudi ah oo dhashay saacadihii hore ee 5tii May 1818.

Labo boqol oo sano ka hor, 5tii bishii May 1818 ayaa Karl Marx ku dhashay magaalada Trier ee dalka Jarmalka. Waxaa dhalay aabbe sharci-yaqaan ahaa oo asal ahaan Yahuudi ahaa, laakiin mar danbe duruufaha noloshu ay ku khasbeen in uu qaato diinta Masiixiga. Isla sannadka Marx dhashay waxaa la daabacay buugga uu qoray feylasuufkii Jarmalka ahaa ee Arthur Schopenhauer ee “Dunidu sida Doonid iyo Matalid/The World as Will and Representation/العالم كإرادة وتمثل”, oo dood badan abuuray, ilaa iyo maantana lagu tiriyo dhigaallada ugu qiimaha badan ee falsafadda Galbeedku ay qarniyadaan danbe soo saartay.

Marka la maqlo magaca Karl Marx dadka badankooda waxaa maankooda ku soo dhaca nin leh gar weyn iyo tiimo baabbul ah oo cirro badan, laakiin dhab ahaantii Marx waa astaan u taagan aqoon, falsafad iyo ruux towri ah oo dulmiga neceb, samahana jecel. Charles Darwin (1809-1882), Karl Marx iyo Sigmund Freud (1856-1939) – oo mararka qaarkood loogu yeero saddexda Yahuudi- ayaana lagu tiriyaa in ay yihiin saddexda aqoonyahan ee fikirka aadamiga ugu saamaynta badan boqolkii dabshid ee ugu danbeeyey.

Carruurnimadii Karl Marx xog badan lagama hayo, laakiin waxaa la sheegaa in uu ahaa wiil caqli badan, akhriskana jecel. Karl Marx aabbihiis wuxuu ku taami jirey in wiilkiisu timaaddada caqligiisa aadanaha uga faa’iideeyo, halka hooyadiis ay ku taami jirtey in wiilkeedu uu noqdo maalqabeen hanti badan tacbada.

Sida la sheego, Marx dhallinyaronimadiisii wuxuu ahaa barbaar kaftan iyo ciyaar badan. Dadka qofkii cajabiya naynaas buu u bixin jirey, kii uu u caroodana meeris gabay ah buu ku tuuri jirey – ma hubo in uu gabyi jirey, laakiin tan iyo yaraantiis suugaanta wuu jeclaa, gabayo iyo suugaan badan buuna xifdisnaa. Shan gabdhood oo ay walaalo ahaayeenna waxay sheegeen in carruurnimadoodii uu dhibi jirey, laakiin dhibkiisa ay ku illoobi jirin sheekooyinka xalladda iyo quluudda leh ee uu uga sheekayn jirey. Waxaa intaa dheer in uu lacagta u darnaa, oo aysan gacantiisa ku hakan jirin.  Heinrich Marx oo ka cabanaya loofarnimada wiilkiisana waxaa laga hayaa in uu yiri: “Sidii in aan dahab ka samaysannahay baa wiilkayga edebta badni sannad gudihi wuxuu ku ciyaaray 700 oo doollar, arrinkaas oo si cad u khilaafsan heshiis kasta iyo curfi walba, halka kuwa ugu hodonsani ay ka kharashgareeyeen wax aan ka badnayn 500 oo doollar /As though we were made of gold my gentleman-son disposes of almost 700 thalers in a single year, in contravention of every agreement and every usage, whereas the richest spend no more than 500.”

Qof ahaan, dhallinyaro-nimadaydii magaca ‘Karl Marx’ wuxuu iila macne ahaa erayga ‘Sheydaan’, waxayna ila ahayd in uusan ahayn qof caadi ah, balse uu yahay ruux sheydaan dhex degay ama sheydaan muuqaal aadami yeeshay. Sababta aan Karl Marx fikradda noocaas ah uga qaatayna waxay ahayd in wixii iigu horreeyey ee aan ka ogaaday ay ahayd oraahdiisa caanka ah ee tiraahda “Diintu waa daroogada dadka /Religion is the opium of the people.”

Waagaas oo aan ahaa barbaar qiiro diineed ay ka buuxdo, wax walba oo dunida ka jiraana caddaan ama madow, kheyr ama shar, gaal ama Islaam ay midkood ii ahaayeen, ma sawiran karin in qof bani’aadam ahi uu ku hadli karo weer noocaas oo kale ah. Waxaa iga maqnaa in ay jiraan wax u dhexeeya caddaanka iyo madowga, runta iyo beenta, saxa iyo khaladka. Xilligaas waxaan weli I dhacsanayn murtida Jalaaludiin Ruumi ee tiraahda: “Dibedda fikradaha saxa iyo khaladka, waxaa ku taal beer. Halkaas baan kugula kulmayaa  /Out beyond the ideas of right and wrong, there is a field. I will meet you there.”

Waxaan xusuustaa in sannad dugsiyeedkii 1987-88, habeen aniga iyo wiil aan saaxiibbo ahayn oo bas aan u raaci lahayn kambaskii jaamacaddii ummadda ee Gahayr ku sugayna bannaanka Cinema Equatore, ay noo yimaadeen wiilal ka soo baxay shaneemada, waxayna u qaateen in sidooda oo kale aan shaneemada ka soo baxnay, mid ka mid ahaa baana faduul ahaan wuxuu noogu yiri: War wadaaddadiina gararka waaweyni – labadayaduba gar baan lahayn, saaxiibkay oo dhowr gu’ iga weynaa baana iga sii gar weynaa- idinkuna ma shaneemadaad ka soo baxdeen? Markaana saaxiibkay baa durba wuxuu ugu jawaabay: Marx iyo Engles yaa ka gar weyn? Jawaabtaas oo nuxurkeedu ahaa garku waa timo, cid kastaana waa la bixi kartaa marka lagu daro sheydaammada kuwa ugu waaweyn ee Karl Marx iyo wadeygiis Friedrich Engles.

Hase ahaatee, markii aan ka mid noqday xerta barata cilmiga dhaqaalaha, waxaan fursad u helay in aan xog dheeri ah ka ogaado afkaartii iyo halgankii dheeraa ee Karl Marx. Sawirkii sheydaankana waxaa ii beddelay mid kale oo ah inuu ahaa ruux leh kasmo dheer iyo qalbi wanaagsan oo runta iyo daacadnimadu ay ku dheer yihiin.

Marx maqaal uu dhallinyaro-nimadiisii qoray oo cinwaankiisu yahay “Ka fekeridda barbaarka ee doorashada xirfadda /Reflections of a young man on the choice of a proefession”, wuxuu ku yiri: “Haddii qofku naftiisa oo keliya uu u shaqaynayo, wuxuu noqon karaa caalim caan ah, ama feylasuuf weyn, ama gabyaa afmaal ah, laakiin marna suurogal uma aha in uu noqdo insaan dhammaystiran oo dhab ahaan u weyn.” Taariikh nololeedkiisana waxaa ka muuqda in uu fikraddaas ku qanacsanaa, kuna shaqayn jirey. Waayo? Mar walba maslaxadda aadamiga ayaa kala weynayd dantiisa shakhsiga ah. Isaga oo awoodey in uu ku noolaado nolosha ugu wanaagsan ee xilligaas Yurub laga heli karay, ayuu wuxuu ka doortay in uu ku noolaado cadaadis, faqri iyo in si joogto ah hadba waddan looga musaafuriyo. Saddex ka mid ah lix ilmood oo u  dhalayna waxay u dhinteen cudurro ka dhashay gaajo iyo la’aanta daryeel caafimaad oo fudud. Sidaana wuxuu u yeelay in afkaartiisu hirgasho, oo loo helo duni ka wanaagsan middii markaas u muuqatay. Duni ilmaha dhashaa uusan caano iyo caafimaad waayin, lix jirna waxbarasho seegin, labaatan jirna shaqo la’aan noqon, lixdan jirna cayr iyo cudur la saxariirin.

Marx wuxuu ahaa feylasuuf, caalim bulsho, dhaqaaleyahan, saxafi  iyo weli –garan maayo welinimo ka weyn in qofku uunka Alle la jeclaado samaha, xumaantana la necbaado, oo weliba uu taa u huro wax walba oo uu heli karo. Marx ma ahayn malaa’ig iyo nebi macsuum ah toona, balse sidoo kale aad buu uga fogaa sawirka fooshaxun ee dadka qaarkood ay ka haystaan. Marka siyaasiyiinta Moosko iyo Bakiin ay ka hadlayaan Marx waxay u sawiraan sidii in uu yahay malaa’ig aan weligiis gef gelin, halka siyaasiyiinta Aqalka Caddi ay u muujiyaan in uu yahay sheydaanka mudan in la dhagxiyo ee diimuhu sheegaan. Laakiin dhab ahaantii, Marx malaa’ig iyo sheydaan midna ma ahayn, ee wuxuu ahaa waxgarad ka fekera dhibaatooyinka dunida ka taagan iyo sida xal loogu heli karo. Qof ahaanna, laguma eedayn karo gabood-falladii fooshaxumaa ee lagu galay magaca hirgelinta nidaamyada hantiwadaagga iyo shuuciyadda. Shaki kuma jiro in Marx dhanka fekerka uu leeyahay fikrado badan oo khaldan iyo kuwo kale oo khayaali ama Utopia ah, laakiin waa kuma ruuxa aan khaldamin? Waa ruuxa aan waxba qaban oo qura! Waxaa la wariyaa in Marx mar uu arkay rag ay saaxiibbo ahaayeen oo ku doodaya fikrad uusan ku qancin, uu ku yiri hadal macnihiisu ahaa: “Haddii waxaani Maarkisiyad yihiin, waxaa hubanti ah in anigu aanan ka tirsanay /If these are Marxists, what is certain is that I am not a Marxist”.

Karl Marx wuxuu wax ku bartay jaamacadaha Boon iyo Baarliin, laakiin waxbarashadiisu aad bay uga baaxad ballaarnayd midda rasmiga ah ee dugsiyada lagu barto. Tan iyo yaraantiisii wuxuu ahaa qof akhris badan, laamo aqooneed oo kala duwanna daneeya. Ma ahayn akhriste wax kasta iska qaata, balse wuxuu lahaa garaad uu afkaarta ku kala hufo, oo ku kala garto saxa iyo khaladka, waxa shaqayn kara iyo waxa aan shaqayn karin. Halhaysyada laga hayana waxaa ka mid ah in uu yiri: “Sababayntu had iyo goor waa jirtey, laakiin aalaaba ma lahayn qaab suurogal ah  /Reason has always existed, but not always in a reasonable form.” Wuxuu si xeeldheer u darsay afkaartii aqoonyahanno ay ka mid yihiin; Hegel, Feuerbach iyo Adam Smith, oo isugu jirta falsafad, taariikh, akhlaaq, diin iyo dhaqaale.

Marx markii uu gaaray gugiisii afar iyo labaatanaad, wuxuu qaatay shahaadada PhD, wuxuuna u safray magaalada Boon si uu jaamacaddeeda macallin uga noqdo, laakiin fursaddaas ma uu helin, sababtuna waxay ahayd afkaartiis dhanka bidixda ahayd oo laga didsanaa awgeed. Taa beddalkeedana wuxuu shaqo ka helay wargeys lagu magacaabi jirey ‘Rhenish’ oo ka soo bixi jirey magaalada ‘Cologne’ oo uu tafaftire ka noqday. Shaqadii saxafinimaduna waxay fursad u siisay in uu indhaha bulshada ku soo jeediyo duruufaha qalafsan ee bulshada qaybteeda muruq-maalka ahi ay ku nool yihiin. Marar badan hey’adaha faafreebku waxay joojiyeen maqaalladiisa, laakiin muddadii gaabnayd ee uu saxaafadda ku jiray waxay soo saartay saxafiyiin kale oo kaga dayday mawduucyada uu daneeyo iyo qaab-qoraalkaba.

Isla waayahaan, Moses Hess oo ahaa mulkilihii wargeyskaas iska lahaa warqad uu u diray nin ay saaxiib ahaayeen wuxuu ku yiri:

“Dr Marx –kani waa magaca macbuudkayga- waa wiil da’ yar. Waana kan ka takhalusi doona diimihii iyo siyaasadihii casriyadii dhexe. Wuxuu kulansaday aqoon falsafadeed oo aad u qodan iyo garaad badan; bal waxaad sawirtaa Rousseau, Voltaire, Holbach, Lessing, Heine iyo Hegel, oo hal qof ku kulmay- waxaan ku leeyahay hal qof isku noqday ee kuma lihi isku darsamay- qofka sidaas ahi waa Karl Marx.”

Karl Marx iyo afadiisa Jenny Von Westphalen

Karl Marx (midigta), saaxiibkiis Fredreck Angles iyo saddexda gabdhood ee Karl Marx

Marx kuma raagin shaqadii saxaafadda, oo saraakiishii dowladdii Prussia oo maqaalladiisa u adkaysan waayey baa waxay kala doorransiiyeen in wargeyska la xiro iyo in uu isagu shaqada iska casilo, wuxuuna doortay in uu shaqada ka tago. Sida la sheegana wargeysku wax badan kama danbayn oo waqti yar ka dib amarka madaxda dowladda ayaa irdaha loogu laabay.

Haddii Hegel riyoon jirey, Marx wuxuu doonayey wax-qabad isbeddel keena. Waxaana laga hayaa in uu oran jirey: “Feylasuufyadu waxay ku kaaftoomaan in ay siyaalo kala duwan uga faalloodaan waxa dunida ka jira, halka hawsha dhab ahaanta loogu baahan yahay ay tahay in dunida la beddelo /The philosophers have only interpreted the world in various ways, but the real task is to alter it.” Soomaaliduna waa tan tiraahda: “Meel hoo u baahan, hadal wax kama taro.

Sidaa darteed, Marx wuxuu u guuray dalka Faransiiska oo markaas ahaa xarunta fekerka ee ugu weyn Yurub. Halkaana wuxuu kula kulmay fikradihii hantiwadaagga iyo shuuciyadda, wuxuuna bilaabay in uu si qotodheer u akhriyo dhigaallada dhaqaalaha ka hadla oo ay ugu horreeyaan buugta ‘Adam Smith’. Waxayna isbarteen Friedrich Engles oo noqday rafiiq ay noloshiisa intii ka hartay oo dhan saaxiib ahaayeen, soona wada saareen dhigaallo uu ka mid yahay “Maanafestada Shuuciyadda /The Communist Manifesto/البيان الشيوعي”, oo weeraha ku qoran ee dunida wada gaaray uu ka midka yahay baaqa yiraahda: “Shaqaalaha dunidow midooba! /Workers of the world, unite!/يا عمال العالم اتحدوا!”.

Marx sannadkii ugu horreeyey ee uu Faransiiska joogey isaga iyo Engels waxay akhriyeen buugga “Ruuxda Masiixiyada” (=The Essence of Christianity/جوهر المسيحية) ee uu qoray Ludwig Feuerbach (1804-1872), aad bayna ula dhaceen. Engels oo ka hadlay saamaynta buuggaani uu ku lahaa isaga iyo dhallinyaradii ay feker wadaagga ahaayeen, wuxuu yiri: “Waxaa loo baahnaa in qofku tijaabiyo saamayntii xoraynta ahayd ee buuggaani uu lahaa, si uu arrinka fikrad uga qaato… Dhammaantayo mar qura baan waxaan noqonnay taageerayaasha Feuerbach/ One must have experienced the liberating effect of this book to get an idea of it. .. We all became at once Feuerbachians.” Buuggaan waxaa lagu tilmaamay in uu yahay dhaleecayntii ugu cuslayd ee loo jeediyo diimaha, siiba diinta Masiixiga. Feuerbach wuxuu qabaa in diintu tahay khayaalka ugu weyn ee aadanuhu ay abidkood hindiseen.

Marx intii uu dhaleecaynayey nidaamka hanti-goosiga, wuxuu sharraxaad ka bixiyey fikradaha “Loollanka dabaqadaha/class struggle/ الصراع الطبقي”, “Doodda maaddada/ dialectical materialism/المادية الجدلية” iyo “Qiimaha dheeriga ah /surplus value/فائض القيمة”. Dabadeed, Marx iyo saaxiibadiis waxay ku baaqeen in dabaqadda muruqmaalka ah ee mushaarka ku shaqeeya ee loo yaqaan ‘borolataariyadu” ay kacdoon sameeyeen. Waayo? Kacdoonkaasi wuxuu lamahuraan u yahay gaaridda bulsho hantiwadaag ah. Kacdoonka iyo helidda bulsho hantiwadaag ahna waxay ku tilmaameen in ay yihiin arrin taariikhdu waajib ka dhigayso, oo ay khasab tahay in maalin la gaaraa.

Si kastaba ha ahaatee, dabshidkii 1849kii Marx waxaa amar lagu siiyey in uu Brussels labaatan saac gudahood uga baxo, musaafuris ahaanna wuxuu ku tagay London oo noloshiisa intii ka hartay uu ku noolaa. Muddadii uu halkaas ku noolaa wuxuu ahaa jiirka matxafka Biritan, oo aalaaba maalintiisa halkaas buu ku qaadan jirey, wuxuuna akhrin jirey qoraal kasta oo gacantiisa ku soo dhac fan iyo cilmi kuu doono ha ahaadee. Waqtigaas uu ku mashquulsanaa baaridda sababaha keena saboolnimada, qoyskiisu baahi iyo saboolnimo ba’an bay la liiteen. Waxay deggenaayeen guri kiradiisu aad u jabnayd oo ku yiil xaafad ka mid ah xaafadaha London ugu saboolsan.

Waayahaan, warqad Marx u diray saaxiibkiis Engles waxaa ku qornaa erayadaan: “Xaaskaygu waa xanuunsan tahay. Inantayda Jenny iyaduna waa xanuunsan tahay. Ma haysto lacag aan dhakhtar ku geeyo ama daawo ugu iibiyo … kirada guriga aan dhaxanta ka dugsanno waa na lagu leeyahay. 8-10 casho kimis iyo bataate keli ah baa guriga laga isticmaalayaa. Sidoo kale ma bixin deynta dukaanka caanaha, kan khudaarta, tan foornada rootiga, tan ganacsadaha shaaha iyo tan hiliblaha.” Marx wuxuu intaa ku daray in mar uu damcay in uu iibiyo walxo xaaskiisa Jenny ay isku qurxin jirtey ay boolisku qabteen iyaga oo u qaatay in walxaha uu doonayo in uu iibiyo ay yihiin walxo uu soo xaday, askartuna ay hayeen ilaa iyo intii Jenny ka caddaynaysay in iyadu ay leedahay walxahaas.

Jaajuus boolisku dabadhigeen, oo guriga Marx booqday, warbaxin uu ka diyaariyey isaguna wuxuu ku yiri sidatan:

“Marka qofku galo qolka Marx, indhuhu waa madoobaanayaan sababtuna waa qaaca ka baxaya dhuxusha iyo tubaakada, xoogaana wuu wareerayaa sidii in uu god galay … wax walba halkaan waa wasakhaysan yihiin, meel kasta waxaa ka buuxa habaas, runtii fariisashadu xataa waa hawl khatar badan. halkaan waxaa yaal kursi saddex lugood oo keliya ku taagan, halkeerna waxaa ku ciyaaraya carruurtii oo raashinna karsanaya, waxaana ag yaal kursi u muuqda in uu weli is haysto…

Marx qof ahaantiisu: wuxuu u noolyahay si dhab ahaan ugu eg nolosha Gajarka (=gypsies or Romani people), qubeyska, isqurxinta iyo iska beddelka dharka hoose waa hawlo uu marar dhif ah sameeyo, aalaabana waa sarkhaansan yahay. Marar badanna waddooyinkuu iska wareegaa, laakiin haddii ay u taal shaqo ay tahay in uu qabto, maalin iyo habeen buu isku bixis u shaqeeyaa isaga oo aan daalin.” Jenny iyadu inkasta oo ay ka dhalatay qoys ladan, gabarnimadeediina ay ku soo kortay barwaaqo iyo ladnaan, haddana hankeedii ma jabin, gacaladii ay u haysay saygeeda iyo carruurteeduna isma dhimin: “iyada oo ku sugan guri sidaan xaaladdiisu u liidato bay deggenaan dareemaysaa.”

Dabshidyadii uu London ku sugnaa dakhliga qoyska Marx soo gala wuxuu ahaa xoogaa uu ka helo maqaallada uu qoro, lacag qiyaastii 5 geni ahayd oo saaxiibkiis Engles uu bil walba siin jirey iyo waalidka xaaskiisa Jenny oo marmar kolka xaaladdu xumaato wax u tuuri jirey. Waxaa la sheegay in dakhligaasi uu ahaa mid aan aad u liidan oo qoys ku noolaan karay haddii qof maamulka lacagta ku wanaagsina uu hayn lahaa. Gabyaa Jarmal ahaa oo mucaaradnimo darteed waddankiisa uga qaxayna waxaa laga sheegay in uu yiri: “Haddii wax u dhigma dakhliga Marx uu I soo geli lahaa, ma cuneen waxaan dhaylo ahayn.”

Marx wuxuu rumaysnaa in baahideenna dhanka maskaxda iyo ruuxdu ay ka badan yihiin baahideenna dhanka jirka. Sidaa darteedna, dhaqaalaha soo gala badankiisu wuxuu ku bixi jirey kobcinta maanka iyo nafta. Lacagtiisa badankeedu waxay ku bixi jirtey iibsiga wargeysyada siyaasadda ka hadla, biyaanada, muusigga iyo duruusta dhaantada (=dhaansiga) ah ee carruurtiisa la baro. Jenny dhankeeda waxay ahayd afada nin towri ah, taas oo jirta haddana kolka ay warqadaha dirayso “waxay adeegsan jirtey xaashiyo qurxoon oo qaali ah, waxayna isugu yeeri jirtey naynaasta ‘Baroona Von Westphalen’”. Habdhaqankaas isku kalsoonida ah Jenny waxaa ka dhaxlay inanteeda yaraanka ahayd ee Eleanor oo ah qofkii ugu horraysay ee wax ka qortay taariikh-nololeedkii aabbaheed, isla markaana lagu daro xubnihii aasaasay Xisbiga Shaqaalaha ee dalka Ingiriiska, taageerayaasha afkaarta hantiwadaagga iyo xisbigaanna ay ugu yeeri jireen magaca “Hooyadayo /Our Mother”.

Karl Marx oo ka duulayaa khibraddiisa qof ahaaneed ee noloshuna, isaga oo mawduucaan faallo ka bixinaya ayuu wuxuu yiri: “Qofka doonaya in uu u banbaxo ummuuraha bulshada iyo dhibaatooyinkooda, waxaa la gudboon in uusan abidki guursan. Xaq uma laha in uu xaaskiisa iyo dadka qaaliga ku ah uu u bandhigo halista dharbaaxooyina xanuunka badan ee ay hubantida tahay in uu la kulmayo.”

Karl Marx markii uu muddo 18 dabshid ka badan uu ahaa jiirka matxafka London, ayuu wuxuu soo saaray qaybta 1-aad ee buugga “Raasu-maal /Das Kapital /رأس المال” oo ka mid noqday Anaajiisha dhaqaalaha. Gebi ahaan, waa buug ka kooban 2500 oo bog, laguna xusay magcaanta 1500 oo qof oo buuggu soo xigtay. Sida lagu tilmaamay waa buug baalashiisa qaarkood ay yihiin suugaan miid ah oo wax loo dhigaa aysan jirin, baalal kalena ay ka buuxaan caqli iyo xikmad, baalal kalena afkaar dhaqaale oo angegan, kuwo kalena ay yihiin cantarabaqash durba akhrintooda lagu daalayo. Karl Marx qudhiisa oo ka hor inta aan buuggaan la daabicin saaxiibkiis Friedrich Engels buuggaan uga xog warramay wuxuu yiri: “Haddii aan xaqiiqo  dhab ah kaaga sheego buuggayga, wax kasta oo ay ahaadaan ceebihiisu, wanaagga uu leeyahay waa in uu yahay hawl faneed fariid ah, waxaan isku dayey in aan ku daydo gabayaasha iyo kuwa sheekooyinka qora ka badan inta aan ku dayday falaasifada iyo kuwa dhaqaalaha ka faallooda, waayo waxaan dareemayaa in kuwa hore ay muujin ogyihiin waxyaabaha dadka dhaqaajiya iyo danahooda dhaqaale.” Engels oo mar danbe Karl Marx arrinkaas uga maragkacayna wuxuu yiri: “Karl Marx ma uu damacsanayn in uu qoro buug si caadi ah dhaqaale iyo falsafad uga hadla, damaciisu intaas waa dhaafsanaa, wuxuuna ahaa in uu la tartamo suugaan yahannnada waaweyn.”

Marx markii uu damcay in uu daabaco buuggaan, wuxuu waayey cid diyaar u ah in sida uu yahay ay ku daabacdo, isaguna wuxuu ku adkaystay mawqifkiisa, markana saaxiibkiis Engles baa wuxuu ku yiri:  fadlan “halkaan mar isku day in aad dareen ganacsade yeelato /Show a little commercial sense this time.” Waa buug dadka badankoodu ay ku faanaan in ay akhriyeen, laakiin dadka dhab ahaan u wada akhriyey ay faro ku tiris noqonayaan. Arrinkaasina waa dabeecad lagu yaqaan buugta kalaasigga loogu yeero badankooda.

Ugu danbayntii, 14kii Maarso 1883 ayaa Marx ku xijaabtay magaalada London, waxaana lagu aasay qubuuraha ‘Highgate Cemetery’. Marx inkasta oo uu qof ahaan iyo qoys ahaan uu duruuf qalafsan ku noolaa, haddana wuxuu ahaa nin ku faraxsan wax-qabadkiisa iyo xilka uu gudanayey.

Meelaha sida sahlan looga dheehan karo shakhsiyadda Karl Marx waxaa ka mid ah xiriirkii uu la lahaa qoyskiisa. Marx waxaa laga hayaa in uu yiri: “Waxaa liibaanay qofka aan qoys lahayn!”. Waa oraah uu yiri mar uu ka damqaday culays ku habsaday qoyskiisa, aysanna u muuqan sansaan uu ku furdaamin karo. Ma aha eray nacayb ka keenay, balse gacalo itaal wayday baa ka keentay. Waa oraah na xusuusinaysaa meeriskii Abuu Calaa al-Macarri ee ahaa “Tani waa eeddii aabbahay iga galay, aniguse cidna eed kama gelin/هذا جناة أبي علي وما جنيت على أحد ”.

Marx wuxuu ahaa nin mashquul badan oo hammigiisu dunida oo dhan gaarayo, taas oo jirta haddana wuxuu ahaa say iyo aabbe wanaagsan. Ma ahayn nin haysta dhaqaale qoyskiisa ku filan, laakiin wuxuu lahaa qalbi iyo gacalo ku filan. Xogta arrinkaan ku saabsanna waxaa laga helayaa dhanbaalladii uu u qori jirey xaaskiisa iyo ubadkiisa, siiba saddexdii gabdhood ee koray. Tusaale ahaan, warqad uu qoray mar ilmo ka dhinteen, wuxuu ku yiri:

“Bacon wuxuu sheegay in shakhsiyaadka muhiimka ahi ay xiriirro badan la leeyihiin dabeecadda iyo adduunka, ayna jiraan walxo badan oo xiiso leh oo ay ku mashquulaan, taasina ay u sahasho in ay si fudud ku illoobaan wixii dhib ah ee ku yimaada. Anigu kama mid ahi dadkaas muhiimka ah. Dhimashada ilmahaygu si qoto dheer bay u dillaacisay wadnahayga iyo maankaygaba, dhibkana waxaan u dareemayaa sidii in uu yahay mid maantadaan dhacay.”

Si taa la mid ah, warqad ka mid ah warqadihii uu u diray xaaskiisa ‘Jenny Von Westphalen’ -oo ahayd qof ay waqti dheer saaxiibbo iyo xilaba ahaayeen, gacan weynna ku siisay waxqabadkiisii  iyo halgankiisii- wuxuu ku yiri sidatan;

Gacaliso;

Mar labaad baan kuu soo qorayaa, maxaa yeelay waxaan ahay keligay, waxaana I dhibaysa in mar kasta aan maanka kaala sheekaysto, adiga oo aan waxba ka ogaan ama I maqal amaba aan awoodin in aad ii jawaabto. Hortayda baad ka muuqataa, aniga oo gacmaha kugu sida, tin iyo ciribna kaa dhunkanaya … Marwo waa ku jeclahay! ..

Runtii waxaan kuu hayaa gacalo ka badan tii Marookaankii Fenasi uu qorigiisa u hayey –(wuxuu tilmaamayaa masraxiyadda Othello ee Shakespear). Qofka xun ee musuqa badan tilmaamaha oo dhammi xumaan iyo musuq bay u yihiin, kuwa sumcaddayda xumeeya iyo cadowgeyga carrabka dawacada lihi waxay mar igu tuhmeen in aan u qalmo in aan caashaq ka jilo masraxiyad nooca labaad ah? Laakiin runtu waa sida aan sheegay. Damiir laawayaashu haddii ay aqoon lahaayeen wax yar oo kaftan ah  warqadda dhan waxay uga sawiri lahaayeen “Xiriirrada wax-soosaarka iyo wax-isdhaafsiga”, dhanka kalena waxay ku sawiri lahaayeen aniga oo jilbaha ku haysta, hoostana waxay kaga qori lahaayeen: sawirkaan eeg, oo haddana midkaan kale eeg, laakiin waa damiir laawayaal doqommo ah, weligoodna doqommo bay ahaanayaan.

Kala maqnaanta muddada gaaban ku koobani waa wanaagsan tahay, oo waxay kala saartaa walxaha isu ekaada marka la wada joogo. Munaaradaha dhaadheeri marka aan ka fogaanno way yaraadaan, halka walxaha yaryar iyo kuwa maalin-laha ahi ay weynaadaan marka aan u dhawaanno. Sidaa waxaa ka dhigan dareenka. Dareenka weyn ee marka la isu dhaw yahay yaraadaa, wuxuu weynaadaa, oo xajmigiisa dabiiciga yeeshaa isla daqiiqadda sixirka kala fogaantu uu yimaaddo, jacaylkayga baa sidaas oo kale ah, waxaa ku filan in aad xoogaa iga dheeraato oo qura, markaana aan ogaado in waqtigu ugu adeegayo si la mid ah sida ilayska qorraxda iyo biyuhu uga adeegaan koritaanka dhirta.

Gacalada aan kuu qabaa waxay dhab ahaan u muuqataa isla marka aad iga dheeraato, waxay si weyn uga muuqataa dhammaan awoodda fekerkayga iyo wadnahayga, mar labaadna waxaan dareemaa in aan nin ahay, waayo waxaan dareemaa caadifad weyn. Wadnahayga macaanow waad qoslaysaa, waxaadna isweydiinaysaa: halka aan hal mar ka helay waxaan oo codkarnimo ah? Laakiin haddii aan awoodi lahaa in aan wadnahaaga cad ee macaan aan wadnahayga ku qabto waan aammusi lahaa oo hal eray kuma tiraabeen, hayeeshee markii aan kari waayey in aan ku dhunkado ayaa waxaa igu waajibey in aan hadlo. Runtii waxaa jira haween badan oo qaarkood qurux badan yihiin, laakiin halkee baan ka helayaa weji astaan walba iyo qurux kasta oo ka muuqataa ay I xusuusinayso kuwa ugu wanaagsan maalmihii noloshayda? Xataa xanuunnadayda iyo khasaarahayga tirada beelay waxaan ka akhriyaa dhafoorkaaga macaan, dhib kastana waxaan illoobaa kolka aan dhunkado.

Nabadeey macaanto! Adiga iyo ilmahaba kumanyaal jeer baan mac idin siinayaa!

Gacaliyahaaga Karl, Manchester, Juun 21, 1865.

Sida la yiraahdo ‘halyey kastaa wuxuu leeyahay sinbiriiraxasho’ (=Every hero has an Achilles heel /لكل جواد كبوة), aadami kastaana waa gafaa. Dhaliilaha aadka u yar ee Karl Marx lagu sheego waxaa ka mid ah in uu dabshidkii 1851 uu jacayl la jilay gabar muddo dheer guriga uga shaqayn jirtey oo la oran jirey Helen Demuth, jacaylkaasna waxaa ka abuurmay wiil. Karl Marx waa ka baqay in uu sheegto wiilkaas, isaga oo diiddanaa in dhaawac ku yimaado reerkiisa. Sidaa darteed, wiilkaas waxaa sheegtay saaxiibkiis Engels.

La soco qaybaha qoraalka ka harsan oo aan ku falaanqayn doonno afkaartii Karl Marx ee dhinacyada dhaqaalaha iyo diinta, annaga oo isku dayi doonna in aan wax ka bidhaaminno waxa ka nool afkaartiisii dhaqalaaha iyo aragtidii uu ka haystay diimaha.

 

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil

Sismail42@gmail.com