Dhaqan iyo Dhayalsi

 

Intii burburku ku bilowday Soomaaliya, waxaa dib loo jalleecay sooyaalka. Arrimo badan oo loo sheegi jirey iridka baa lagala soo laabtay sidii loo sheegi jireyna farogelin lagu sameeyey. Haddana, fari kama qodna faannoole. Murtidaasi waxa ay ku baxday mashruuc koofurta Soomaaliya ka socon jirey intii aysan beelo u kala dareerin, oo aan dhammaan jirin.

Tiro kasta oo bilaha iyo maalmaha lagu eegto, waxaa ugu caansan ta reer galbeedka oo loo yaqaan: Gregorian calendar, ama Western calendar, ama Christian Calendar oo hadda maraysa 2016. Haddana waxaa jira kuwo kale oo dadkoodii weli ku dhaqmaan sida Hijrada, ta Shiinaha iyo ta Itoobiya.

Soomaalidu haddii ay lahaan jirtey maalmo iyo bilo ka duwan sabti-Jimce iyo Monday-Sunday ama Jannaayo-Diseembar, kolba hadda laguma dhaqmo, amaba waxaa la isku haystaa kuwii ay ahaayeen.

Qormadaan waxa aan ku tibaaxaynnaa bilaha dabshidka Soomaalida. Waxaa farriintu toos ugu socotaa dadka afka Soomaaliga xigaalada u ah, bal in la isugu dhawaado kuwa ay yihiin bilaha Soomaalidu. Qoraagani marka uu sidaas leeyahay isku tirin mayo dadka aqoontaas loogu duggaalayo. Dadaalka un buu wax uga jiraa dooddana waa furay.

 Waxaa jira magacyo badan oo dhammaantood barax la’, sida, Gu’, Xagaa, Dayr iyo Diraac (Jiilaal) oo afarta xilli kala ah, balse bilihii xilliyadaas baa u baahan in la isla eego.

Qof baa qoray: Aragto (Jannaayo), Xigto, Joogto, Muuqato, Socoto, Dhexo, Dheero, Samo, Dhammo, Buuxo, Tiro iyo Taammo (Diseembar). Qofkani dadaal buu sameeyey, balse dib uma raacin in ay jiraan Soomaali aad u taqaan xiddigiska iyo xilliyada oo aan u baahannahay xogaha iyo sooyaalka ay hayaan in laga qoro lana diiwaansho.

 Qof kale baa isna yiri: Gu’: Seermaweydo, Cawl, Dirir sagaalaad. Dayr: Dayr hololeed, gudban, Dambarsame: Xagaa: Samalaha, bilkarameed, waranweer. Jiilaal: Xays, toddob, diraac.

Qoraa kale baa isna bilaha xilliyada sidan u dhigay. Guga: Seermoweydo, candho qoys, sabbuux/Sanbuux, Xagaa: Xays, Maalmadoone, Tixillo/Dixillo, Dayr: Kaad, Duf, gabadano, Diraac: Lixkor, Dirir, Toddob.

Qoraaga bilahaas taxay ma sheegin bisha koowaad oo dabshidku ka bilowdo, hase yeeshee, qoraa haan, bilaha Dayrta: Kaad, Duf iyo gabadano ma ahine, inta kale iguma cusba, qaarkoodna waa aqaan. Haddana, murug baa ku jirta.

Gabadano waxa aan u aqaan dhaxan Xilliga Diraacda ah soo dhacda. Taasi waxa ay abuuraysaa tuhun in gabadanadu goor gaar ah timaaddo, kolkaasna bishaas la yiraahdo “Gabadano”.  In la eego, si bisil looga doodo raadkana hal dhan loo jeedsho haddii ay suure noqon karto baa loo soo bandhigay.

In kasta oo horraanta guga aan u aqaan, haddana, bisha “Toddob” horraanta guga iyo dhammaadka Diraacda labadaba waa lagu sheegi karaa, balse kee bay u dhowdahay, mise waa isku qaar go’an tahay? Haddana, sida aan ku aqaan, Lixkor iyo Toddob in aan bili u dhexayn baan filayaa.

Bilaha ku jira xilliyada aan soo xusnay waxa ay u badan yihiin kuwo jira. Hase ahaatee, Dirirku waa xisaab ama astaan cirka laga eego. Qaabka Xiddiguhu u wareegaan bay la xiriiraan. Marka, waxa aan ka yaabayaa in ay hubin u baahan tahay in ay jirto bil “Dirir” la yiraahdo.

Anigu miyi baan ku dhashay kuna barbaaray. Waxa aan hooyaday ama aabbahay ka maqli jirey iyaga oo yiraahda: “Dirirkii baa caawa maray,” balse dirirro kala duwan bay sheegi jireen. Dirir Sagaaro, Dirir Ceelkageeye iyo kuwo kale baan ka maqli jirey, haddana ma caddayn karo in dirir sagaaro yahay bil sagaaradu ku dhasho iyo in kale. Sagaaradu shan bilood bay sida ariga ilmaha uurka ku siddaa. Marka, su’aashu waxa ay tahay: Sagaaradu bil gaar ah oo ay orgooto miyaa jira waana goorma?

Roobka ugu badan ee guga waxaa aalaaba loo yaqaan “Ceelkageeye” waxaana maqli jirey iyada oo la yiraahdo dirirkii Ceelkageeye waa maray, ama waa marayaa. Khasab ma aha kolka dirirka Ceelkageeye maro roob badan in la helayo waase goorta la fisho. Sidaas awgeed, bil “Dirir” la yiraahdo in ay jirto kalsooni fiican kuma qabo.

Tixillo/Dixillo” waa aan maqli jirey iyada oo la yiraahdo: Riyaha Dixillo. Waxa aanan hubin in Dixillo tahay bisha ay rimaan ama bisha ay dhalaan. Dadka dhaqanka xigaalada u ah baan ka sugaynnaa in ay nala eegaan.

Bilaha ay ka mid yihiin Soonqaad, soonfur, safar, Carrafo (dago) waa minguuris ee ma aha bilo ku aroora dhaqanka Soomaalida.  Bil “Dago” la yiraahdo ma jirtay intii aan Soomaalidu diinta Islaamka qaadan? Intii aan diinta Islaamku soo gaarin, Soomaalidu dago ma bixin jirtey, magac kale oo loo yiqiinse ma jiraa?

Waxaa jirta qormo mar kasta maankayga ku wareegta oo la yiraahdo: “Af Hiil Waayey” oo uu qoray Cabdullaahi Janno oo reer Minnesota ah. Marka uu ka hadlayo hiilka afka Soomaaligu u baahan yahay, waxa uu xusuus ahaan taabtay sida Afka Ingiriisku ku noqday afka koowaad ee dunida iyo ciddii heerkaas gaarsiisay. Marna isaga oo rajo muujinaya in aan dhaqanka iyo afka Soomaaliga suulin buu leeyahay: Iftiin yar baan ka arkaa dhankaas iyo Hargeysa. Dhawaan, waxa aan ku arkay www.amazon.com buug magaciisu yahay: “Midaynta Afka Soomaaliga” oo dood Jaamacadda Hargeysa samaysay laga diyaarshay. Runtii, lacagtiisu ha kululaato, balse eegid buu u baahan yahay.

Dulucda qormadani yeysan nala fogaane, bilaha soo socda baa iila maangalsan kolkii aan siyaalo badan u eegay. Haddana, qudheedu waxa ay u baahan yihiin falanqo. Waxaa loo badan yahay in dabshidka Soomaalidu ka bilowda: Karan (1aad) oo 31 beri in ay ku dhammaato dadka qaar ku sheegaan, Habar-ari (2aad) oo 30 beri ah, Diraacgood (3aad) 30, Dayrweyn (4aad) 31, Ximir (5aad) 30, Xays (6aad) 30, Lixkor (7aad) 30, Toddob (8aad) 31, Amminla’ (9aad) 30, Fushade (10aad)31, Gu’soore (11aad) 31 iyo Samuulad (12aad) 30.

Haddii aan isku dayno in aan xilliyada u qaybinno, waxa ay noqon karaan sidatan. Waxaa jira bilo la hubo Xilliga ay ku jiraan iyo kuwa ay tahay in maanka kistoo la ruxo dadka aqoontaas xigaalada u ahna loo bandhigo.

Bilaha guga: Gusoore ama Ceelkageeye, Fushade, Samuulad

Bilaha Xagaaga:  Karan, Habar-ari, Ximir

Bilaha dayrta:  Xays, Diraacgood, Dayrweyn

Bilaha Diraacda: Amminla, Lixkor, Toddob.

Maalmaha qudhooda, sida uu qoray Cabdullaahi Janno waa: Sani (Isniin), Goodaar, Goonyaad, ugbaad, Hoyaad, Negaad iyo Suni (Axad). Waxaa kale oo iyana fiiro u baahan sannad, nur iyo dabshid. Labada dambe waa barax la’ yihiin, halka sannad la garanayo in uu Carabi yahay. Haddana, qoraagu waa dadaalay. Maalmahaas qudhoodu bir kuma go’na waxaana jira dad kale oo iyana dadaal sameeyey.

Si kastaba ha ahaatee, “Nur” waxaa xoogaa la isku murgiyaa xilli iyo dabshid ka uu tilmaamayo. Waxa aan dhahnaa nurkii tegey ama hore. Haddaba, ma xilli roobaadkii tegey baa loola jeedaa mise dabshidkii tegey?  Soomaalidu filka marka ay tirsanayso waxa ay adeegsataa “Gu’”. Isla markaasna, Gu’ waa hal xilli oo ka mid ah dabshidka ama nurka guud. Ka-gu’-ka-gu’, ama ka-bil-ka-bil iyana waa la yiraahdaa, oo ka habboon hababka kale, kolba 12 bilood afka laga jarayo, si qofka dabshid ugu buuxsamo.

“Dabshidka” oo qoraayaal badan hadda adeegsadaan waxaa lagu doortay in kolkii nurku dhammaado, ama bisha Samuulad xiranto oog weyn la shidi jirey laguna magacaabi jirey dabshid. Fantasyahaas waxaa lagu sagootin jirey nurkii hore waxaana lagu soo dhaweyn jirey ka cusub. Waxaa lagu ducaysan jirey: Waaqow kii tegey haraatidiisa iyo kan imaanaya hardidiisa gees naga mari.

Aan ku xirno erayadan Cali Cabdigiir.

Dhaqan baan lahayn

Waan dhayalsannoo

Dhulkaa la dhigay

Waa dhaawac culus

Waa dhaxal wareeg.

Dhallintoy u kaca

Dhoobada ka jafa

Suugaanta dhuux

Dhegta maqalka badi

Dhigaalkeeda hay

Dhiirranaan ku dara.

2 thoughts on “Dhaqan iyo Dhayalsi

  • August 4, 2016 at 12:44 am
    Permalink

    Aad baan uga helay kaagana mahad celinayaa maqaalkaagan Dhaqan iyo Dhayalsi. Muhimadda doodda uu xambaarsan yahay ka-sokow, waxaan aad uga helay af Soomaaliga aad ku qortay (marka laga reebo adeegsiga ereyga “Fantasiyaha”)

    Reply
    • October 4, 2016 at 7:42 pm
      Permalink

      Akhriska ku mahadsanid. “Fantasyaha” mid ka wanaagsan in aad ii qortoaad baan ugu rayn lahaa. Waxa aan jeclahay in uruursho dadka akhriska caadaysta ee helaagaygu waa caliganay54@hotmail.com ee fadlan ila soo xiriir.

      Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code