Dhaqankeedu Waa u Nacab Soomaali

Dhaqankeedu Waa u Nacab Soomaali

“Astaamaha lagu garto tayo-beelka nololeed waxaa ka mid ah: Iska guurso, iska dhal-dhal iskana dhimo. Xaaladdan qorshe la’aanta ah marka ummadi ka bixi weydo waxa ay qarka u saaran tahay in ay u xuubsiibato Duurjoog—sidaas daraaddeedna waxa ay isu dhiibtaa waayaha oo hadba sidii iyo dhankii uu doono u walwaala.” Weerahaas waxaa laga soo amaahday qormo la yiraahdo ‘Ubad badan uma baahnin,’ oo uu leeyahay Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed-Deeq) laguna baahiyey www.weedhsan.com, www.dhaqanbile.com 2013, dooddiisuna socotay dhowr dabshid.

“Qaybsanaantoodu weli waa daran tahay, murankoodu ma dhammaado, isximintooda weli ma sarbeebaan, halka kala-aarsigoodu uu door u wada yahay. Kaskooda iyo kartidooda dabiiciga ah—taas oo koonka yaab ku ah, waxa ay u muuqdaan kuwo dhulkooda iyo iyagaba burbur ku ah. Haddana, wax aan isbeddeleyn koonkan kama jiraan, xataa cadawtinimo muddo la soo hifanayey.” ___ Churchill and the Mad Mullah: Betrayal and Redemption, 1889-1921 by Roy Irons, p. Xi

The Somali is treacherous. The Somali is a killer. The Somali is as rough as his country, and just unforgiving, and they killed their young (Soomaaligu aamminaad ma leh (isku-hallayn ma leh). Soomaaligu waa dilaa. Soomaaligu sida dhulkiisu qaxar u yahay buu u yahay dhallintoodiina diley, wax cafinna ma leh)”. __ Humanitarian Under fire, 2008 by Kenneth R. Rutherford, p.80. Hase yeeshee, erayada waxaa iska leh Smith Hemptone oo ahaa Danjirihii Maraykanka u fadhiyey Nayroobi, Kenya, 1992, markii Koofurta Soomaaliya farogelinta lagu samaynayey.

“Geesinimada aan tilmaamaynno oo Soomaalida laga sugayaa ma aha ta qoraayaasha reer galbeedku ku seexiyaan Soomaalida iyana faanka ka dhigato. Ma aha midda ay Soomaalidu ku gubaan guryahooda. Ma aha midda ay ku agoomeeyaan carruurta ay abtiga u yihiin iyo xigaalada kaleba. Ma aha midda ay ku cayreeyaan walaalahood iyo dumaashiyaashood garoobkana uga dhigaan. Suugaan yahannimada Soomaalida lagu sheego badankeed waa isdila, beelo isu kala qaada dabadeedna isu faana, haweenka quursada iyo waxii la bah ahba.” ___Quursiga & Addoonsiga Soomaalida, Cali M. Cabdigiir (Caliganay), 2016 Amazon, 9

Nacabka koowaad ee Soomaalidu waa dhaqankeeda. Haddaba, bulsho dhiirrata, horukac higsata, foojigan, himilo leh, aqoonta sida ay tahay u qiimaysa baa ka guuri karta dhaqankeeda nacabka ku ah horumarkeeda. Kolkii Soomaalidu u kala firxatay dunida kale –oo beelo isu gumaadday una kala dareertay, dad badan baa saadaaliyey in afka Soomaaligu suuli doono—taas oo keentay in dad badan isla doontaan dhige iyo dhigane, si afka loo badbaadsho saadaashaasna loo beeniyo—in kasta oo maanta la helayo malaayiin dhallinyaro ah aan afkooda hooyo Soomaali ahayn.

Gaalkacyo maalin laguma dhisin, amaba qofba meel. Waxa aan qabnaa bal in hortii dhowr qodob lagu tuugsado. Waa in dib loo eegaa cabburinta Warbaahinta, ku-dhaqanka Beelaysiga Kooxo ku danaystaan ee aan bulshada guud dani ugu jirin, aqoon la’aanta, gardaduubnaanta garsoorka iyo Kooxaysiga diinta. Inta goori goor tahay, haddii aan talooyinkaas lagu tuugsan, Soomaali waxa ay sooyaalka ka goosanaysaa miraha ka soo baxa arrimahaas aan soo tibaaxnay.

Warbaahinta

Ka rog oo haddana saar hoosna aan u sii degno. Dhaqanka Soomaalidu culays uma yeelo in dhallinta lagu maalgeliyo aqoonbaaris. In badan oo ka mid ah waxa ay ku dadaalaan in ay dalka ka dalaabaan—taas oo keenta tiro aan laga maarmin in badaha iyo lama-degaannadu cunaan. Dhallinta gudaha ku negaata oo dhanka waxbarashada sare u jeensata waxa ay takhasuskooda u badiyaan baarista cudurrada iyo daaweyntooda, xisaabaadka, qareennimada iyo laamaha kale ee aqoonta. Haddana, soddonkii dabshid oo u dambeeyey waxaa soo baxay in dhallintu aad u xiiseeyaan warbaahinta—oo weliba ay faraha geliyaan meelo in badan qudhoodii ku weyday.

Dunida kale, dadka aqoonta leh waxa ay ka soo wareegaan barenimo jaamacadeed, qareennimo, dhakhtarnimo. Waxa ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaan in ay ku biiraan warbaahinta. Waayo? Waa hawl dhib badan maankana aan nasasho u oggolayn. Mar kasta waxa aad hamuun u qabtaa in aad wax soo ogaato, waraysi, akhris, qoritaan, baahin, Xuuraan aad ku xirnaato dad haya xil sare ama jegooyin xasaasi ah. Haddaba, iyada oo dhallinta Soomaalida ay aqoontooda warbaahineed kooban tahay, oo aan soo sheegnay, haddana, kuwa ku dhiirrada baahinta xogaha halista ah waa la dilaa, ama xarig baa lagu abaajiyaa. Dawladi waa koox dad ah iyo qorshe ay ku shaqayso. Marka, dad iskiisaba, xumaan iyo samaan, run iyo been, mar kasta wax buu qariyaa waxaana soo faagta oo bulshada la socodsiisa warbaahinta.

Guud ahaan, dunida, sheegidda beenta waxaa ugu badiya siyaasiyiinta. Haddana, baqdin uu warbaahinta ka qabo, siyaasigu marar badan waxa uu qiil ka dhigtaa “Hadda ma soo dhifan karo (I do not recall)”. Maadaama uu og yahay in suxufigu dabo gelayo hadalkiisa, dhufays uu hadhow xoogaa beenta ku warwareejiyo buu sii xaartaa. Haddaba, ummad aan u halgamin, difaacin Warbaahin iyo Garsoor madax bannaan hore uma socon karto.

Beelaysiga/haybsooc

Hoogga iyo ba’a Haybsooca ama beelaysiga waxaa si hufan u qeexay guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya. Mudane Cabdi Xaashi (www.youtube.com), waxa uu biyodhaca iyo ciribxumada qabyaaladda u sheegay sidatan:

  • Xumaanta beelaysiga aan anigu tusaale isu qaato. Aabbahay beel Dir la yiraahdo buu ka soo jeedaa. Balse, intaas iiga hari mayaan ee waxa ay soconayaan Dir>Isaaq>Habar Awal>Sacad-Muuse tan iyo wax jifo loogu yeero.
  • Hooyaday waxa ay ka soo jeeddaa beel la yiraahdo Daarood, balse intaas iiga hari mayaan ee waxa ay wadayaan Daarood>Kablalax>Absame>Jidwaaq ilaa meel hoose.
  • Xaaskaygu waxa ay ka soo jeeddaa beel la yiraahdo Hawiye, balse intaas uga hari mayaan ee waxa ay wadayaan Hawiye>Mundullood>Abgaal>Wacbuudan ila waxa loogu yeero jifo.

 

Aqoonta

“Cadawgow kaalay

Kaalay kaalay

aan farsamadaada barannee.

Mirahaasi waxa ay ka mid yihiin geeraar jabbaaniis ah. Qarni iyo bar ka hor baa jabbaaniisku ku heesi jireen. Farsamada Yurub bay u jeedeen maantana isweyddiin maynno halka ay marayso. Maanta, horumarka dal lee yahay, halbeeggiisa koowaad waa: Boqolkiiba immisa baa bulshada wax qorta waxna akhrida—dal Finland baana caaradka hore la dhigaa ka dadkiisu wax qoraan waxna akhriyaan.

Soomaalida, inta wax qorta waxna akhrida waa meeshooda e’, sida badan, bulsho-weynta badankeed, aqoon-yeelashada si ilduuf ah bayba u taqaan. Waxa ay u taqaan in Iskuul loo aado bes. Iskuul in loo aadana waxa ay uga jeeddaa in hadhow shaqo lagu helo. In shaqo lagu helo waxa ay uga jeeddaa in qofka aqoonta yeesha uu xaafiis bilic san fariisto. In uu xaafiis qurxan fariistana waxa ay uga jeeddaa in uu dad iyo hanti maammulo. In uu intaas isku helona waxa ay ugu muuqataa in uu madax noqdo. In uu madax noqdana waxa ay uga jeeddaa in uu ku faano arrimaha soo socda.

Sida uu doono in uu u hadlo, oo uusan isu miisaamin hadalladiisa xil ahaaneed iyo kursiga uu bulshada ugu fadhiyo.

Qaraabokill in uu ku dhaqmo oo hareeraha ay ka dhoobtaan waxa beel loogu yeero—taas oo haddana uu ilaa jifo hoose u soo kala dhaweysto.

Hadba meel in dhoof loo galo oo baryo loo baxo.

Soo bari galley

Laankuruusar gado

Guuxeeda mood

Gob inaad ku tahay. __Codkii Saado Cali Warsame iyo mirihii

     Iyo waa ta ugu darane, in hantida bulshada xisaab la’aan lagu qaato. Cidda keli ah oo dhaqankaas wax ka beddeli kartaa waa bulshada oo awooddeeda aragta, oo xusuusnaata afar qodob.

  1. Maammulka dhisan in ay iyadu samaysatay.
  2. Siyaasiga hantida shacabka boobay in uusan beelna u danaynayn.
  3. In Garsoorkeedu madax bannaan yahay iyo
  4. In saxaafaddeedu xor tahay.

Sida aan wada og nahay, aqoontu waxa ay dhalisaa tuhun joogto ah—halka tuhunkuna sii dhaliyo baaris. Mar kasta, wax aadan aqoon baa jira in aad qudhaada kala dooddana waa dareen dadka ku jira. Doodahaasina waa kuwii Aristotle ee: Waa maxay, maxaa wacay, goorma, xaggee iyo sidee (what, why, when, where, what and how—in kasta oo waa laga af dheeraadaye Soomaalidu aysan Aristotle ka baran]. Dad baa jira aan hilibka cunin. Dooddoodu waxa ay ku qotontaa: “Waa kaa-xoog-rooni qaawan in noole kale la cuno”. In badan oo kuwa hilibka cuna ka mid ah hammigoodana aan xayirin waxaa iyana leeyihiin waa run, balse “Qudhayadaba waxaa na sugaya nafleyda kuwa ugu tabarta daran sida aboor iyo dixiri. Aqoontu, hammigaas joogtada ah bay leedahay—taas oo ah soofaynta ama afanyta maanka. Meelaha sida fiican u xasilloon, sida gobollada Soomaaliyeed ee waqooyi, dhallintu waxa ay hadda ku tartamaan fanka iyo qoritaanka buugaagta, meel kasta oo xasillooni buuxda laga helona dayasho baa bilaabanaysa.

                Garsoor

Soomaalidu afka bay sheegtaa in uu jiro garsoor madax bannaan. Madax kasta oo Soomaaliyeed waxa ay cagaha ka jiiddaa in la sameeyo Garsoor Madaxbannaan. Xubnaha la magacaabo waa in ay u hoggaasamaan xeerka dalka bes. Inta garsooruhu og yahay cid aan xeerka dalka ahayn in ay casili karto, garsoor kalsooni ku shaqeeya Soomaalidu yeysan sugin mana imaanayo haddii aan bulshadu khasbin. Ma moogi sida arrimuhu hadda yihiin, balse waa qodob aan la dhayalsan karin.

Kooxaysiga Diinta

Kolka la tixraaco www.quora.com ama www.reddit.com, sooyaalka la uruurshay 2015, ku-dhawaad 200,000,000 baa magac diimeed u dhimatay. Tusaale, addoonsigii badda Atlaantikada oo diin loo cuskaday 14 malyan, Ciraaq 500,000, Lubnaan 250,000, dagaalkii diimaha ee Faransa 4 malyan, Isballaarintii Galbeed ee Maraykanka (Manifest Destiny) 20 malyan waxaana ugu daran oo magacooda loo adeegsaday diimaha Nebi Ciise iyo Nebi Maxamed.

Diimuhu waxa ay noqdeen Salado loo adeegsado qofkii damca in uu bulshada runta u sheego. Kama duwana burcad ku midaysan in bulshooyinka mugdi lagu hayo. Soomaalida badankeed diinta kuma dhaqanto aadna uma taqaan bulshada in mugdi lagu hayana wadaaddada Soomaaliyeed waa ku ballansan yihiin.

 

Haddii ay Kooxaha Itixaad, Ahlu sunna Wajamaaca, Alshabaab, Fooxleyaasha iyo qaybtii kale oo koox gaar ah isu aragtaba, ay lee yihiin qabashada hoggaanka dalka in aan u halganno gar baan u leennahay, waa runtood. Hase yeeshee, qaabka ay hadda ku socdaan oo ah: In qofka lagu qiimeeyo Surweel gaaban iyo gar, ama in erayo Carabi ah lagu digriyo bulshadana diin loogu sheego, ama inta gabar 13 jir ah la kufsado dabadeedna qudha laga jaro si aysan u warramin, ama weerar lagu qaado qoraagii yiraahda: “Diinta qofkii ka baxa in la dilo aayad quraan ah oo bannaynaysa ma jirto,” majaraha dalka kuma hanan karaan. Shacabku hal aragti uma afduubnaan karo. Ciddii doonaysa in ay kalsoonida bulshada hanato ha ka samaysato.

Gunaanad

Koonka, madax kasta hanti bulshadu leedahay baa ku maqan, balse waa la sheegaa inta ay qaateen—halka qaarna garsoorka lala beegsado oo xabsi u galaan. Kuwa Soomaaliyeed, xataa dalka gudihiisa kuma cunaan hantida ay xisaab la’aanta ku qaataan. Qasriyo bay ka iibsadaan dalal dadkoodii xasiliyey—halkaasna ku quutaan hantidii ay dhaceen. Haddana, sida dadku u qabaan ma aha. Nolol ay ku qanacsan yihiin kuma noola. Hanti uu soo dhacay in uu haysto reerkiisana ku biilayo buu og yahay. In kasta oo Dawladdii Cabdirashiid Cali Sharmaarke ee Juun 1967-Oktoobar 1969 aysan shinkeedii dhammaysan ayna tahay in muddadaas lagu qiimeeyo, haddana, Madaxweyne Soomaaliyeed oo xukun ka degey dalkiisana ku nool waxaa u dambeeyey Aadan Cabdulle Cusmaan—Dawlad sharaf lehna taas baa u dambeysay.

Soomaalidu waa in ay si geesinimo leh uga xuubsiibato xabsiga ay ugu jirto dhaqanka nacabka ku ah horumarkeeda. si aan kala har lahayn waa in ay geesaha uga istaagto warbaahinta iyo garsoorka. Shacabku, waa in uu oggolaado hortii waddo cagaag badan, si aan loogu kala habaabin la-dagaallanka haybsooca iyo Kooxaysiga diinta.

Qoraaga ku qosla erayada soo socda awgood.

Xusuus: Soomaaligu waa danayste mana aamminsana qabiil. Goor ay noqotaba, baaritaan qoddo dheer kuna salaysan xisaab, waraysi iyo tusaalayn baan ku caddayn doonnaa in Soomaaligu uusan qabiil aamminsanayn ee ciilka caddaalad-darradu qabiilka ku riixo.

Tixraacyada la adeegsaday

_____ Ubad badan uma baahnin: Axmed Ismaaciil Maxamud (Axmed-Deeq) laguna baahiyey www.weedhsan.com, www.dhaqanbile.com 2013, dooddiisuna socotay dhowr dabshid.

______Churchill and the Mad Mullah: Betrayal and Redemption, 1889-1921 by Roy Irons.

______Humanitarian Under fire, 2008 by Kenneth R. Rutherford.

_____www.reddit.com, www.quora.com

____ www.youtube.com

____www.dhaqanbile, www.weedhsan.com

______Quursiga iyo Addoonsiga Soomaalida, Cali M. Cabdigiir (Caliganay), 2016, amazon.

____The Consul at Sunset, Gerald Hanley, 1951

____Baadisooc, Cali M. Cabdigiir (Caliganay), amazon, 2017

____Xadka Riddada Maxaa ka Run ah? Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil, 2014, amazon

____ Cirka Soomaaliya: Reer Ba’ow Yaa ku Leh? Cabdullaahi Axmed Cabdulle (Azhari), www.hiiraan.com, www.caasimad.net, www.raxanreeb.co 2103

______Dalka Yaa Iska Leh? Aaden Yabarow, 2013, www.raxanreeb.com., www.somalitalk.com

Cali M. Cabdigiir (Caliganay), caliganay54@hotmail.com, abdigir54@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code