Dhexdhexaad

Hordhac iyo afeef

Indhawaale waxaa aloosnaa doodo u dhexeeyey wadaaddada iyo bulshada rayidka ah qaybo ka mid ah oo isku afdhaafsanaa afarta qaybood ee ay wadaaddadu sheegaan in ay diintu ka kooban tahay iyo maskaxda dadka in loo baahan yahay. Maskaxda haddii aynu dib u dhiganno waxa ay wadaaddadu ku andacoodaan in ay diintu tahay quraan oo ah suugaanta Rabbi, xaddiis oo ah wax uu nebigu ku hadlay ama uu sameeyey ama dad samaynaya uu ugu dulqaatay, ijmaac oo ah aragti la isku raacsan yahay iyo qiyaas oo ah in waxyaalo ay quraanka iyo xaddiisku illaaween lagu hindisoodo. Qoraalkani quraanka waxa uu ka waafaqsan yahay meelo badan oo ay ka mid tahay oraah uu yiri Betrand Russell oo ahayd ”Haddii ay waxyaalo qoraalkayga ka mid ahi iska hor yimaadaan waa in loo arkaa sidii uu nebigu yiri oo ahayd in labadii aayadood oo iskhilaafa loo maleeyo in ay midda dande tii hore beddeshey ama ay nasakhday”. Sidaas awgeed haddii ay wax qoraalkan ahi isburiyaan hadalkii hore waxaa nasakhaya midka danbe. Xagga xaddiiska waxa uu qoraalkani si indho la’aan ah u taageersan yahay in uu nebigu ugu codkarsanaa carabtii ay isku xilliga ahaayeen, mustaxiilna ma aha in uu qof qoladiisa ugu codkarsanaado. Jabhaddii SNM waxaa ugu codkarsanaa Hadraawi. Dhinaca ijmaaca waxa ay na la tahay in ay yar tahay aragti ay dadku isku wada raacsan yihiin, waxaana liidnimo ah in loo maleeyo in koox yari wax ay isku raaceen loo dhan yahay. Qorraxdu in ay jirto iyo arrimo kale oo cilmi ah baa laga yaabaa in la isku waafaqsan yahay, arrin rowxaaniyad ahna marna dhici mayso in la isku waafaqo. Sidaas awgeed wax xushmad ah ijmaacu agtayada ka ma uu laha. Taas lidkeeda waxa ay na la tahay in uu qiyaasku wanaagsan yahay oo uu mudnaanta kowaad leeyahay. Barlammaanka soomaalidu quraanka, xaddiiska iyo ijmaaca markii laga waayey sida ra’iisulwasaare loo magacaabo ayey dejiyeen sharci qiyaas ah oo lagu hindisoonayo sida dowlad casri ah loo dhiso. Qoraalkan badankiisu waxa uu ku taagan yahay waddada qiyaaska, taas daraaddeedna waxa uu ku dhex sugan yahay garangarta yar ee islaamka.

Quraan

Quraanku waa qoraal macne weyn ugu fadhiya beesha caalamka, qof kastaana uu u baahan yahay in uu dhawr jeer akhriyo. Waxa uu meel sare kaga jiraa taariikhda fanka iyo suugaanta, oo qofkii iska dhaadhiciya in uu quraanka ka maarnaa waa qof uu dareenkiiska ku yar yahay habdhaca hal-abuurku. Qof kasta oo isdiidsiiyaa waxa uu ka santaagayaa muusigga ugu qiiro badan iyo farshaxanka ugu qurux badan. Haddii si kasta oo kale looga deeqtoomi lahaa waxa aan laga maarmayn sida hadal ahaan loogu farayaraystay.

Quraanku mawduucba mar gooni ah ka ma uu hadlo ee si kale oo isdhaafdhaaf ah buu wax u sheegaaa, oo tusaale ahaan ma uu jiro cutub gaar ah oo jannada ku saabsani. Jannada quraanka ku jirta qofkii in uu ogaato rabaa waa in uu quraanka oo dhan akhriyaa. Arrimahaas iyo kuwo kale dartood buu quraanku siyaalo ka la geddisan u anfacayaa dadka oo dhan. Ma uu aha kitaab cibaado keli ah oo waxa uu hadal ahaan duudsiyey oo uu ka guuleystey maansadii carabta. Waxa kale oo uu turunturreeyey falka iyo xiddigiska oo ahaa arrimo waaweyn.

Wadaaddada qaarkood waxa ay sheegaan in uu quraanku daahir muuqda iyo baadin qarsoon leeyahay. Waxa aan aragtidaas ku macnaysannay in laga wado daahirka suugaan ahaan, baadinkana sida uu qofba gooni sawirro u gaar ah uga dareemo. Dadku marka ay Eebbe ka fakaraan isu ma eka sawirrada ay Eebbe ka haystaan, oo isaga oo hal Ilaah ah buu waxa uu leeyahay bilaayiin sawir. Dadka wada tukanaya haddii loo diro in ay Rabbiga loo tukadey sawiraan mid kastaa sawir gaar ah buu keeni lahaa. Anigu markii iigu horraysey oo aan Eebbe maqlay waxaa maskaxdayda ku sawirmay in uu u eg yahay roob weyn oo onkod iyo hillaac badan, welina sawirkaas ayaa maskaxdayda ku jira. Nin soomaali ah oo aan weydiiyey sawirka uu Eebbe ka haystaa waxa uu ii sheegay in uu aabbihiis u la eg yahay. Sida uu ii sheegay aabbihiis waxa uu ahaa oday qallafsan oo carruurta dila. Waxa aynu oranaynaa mar haddii hal Ilaah oo sida daahirka midaysan uu sawirro badan dareenka dadka ku leeyahay la ma diidi karo in uu quraanku daahir iyo baadin leeyahay. Wadaaddadu waxyaalaha ay sheegaan mar kasta been ma aha.

Xaddiis

Waxyaalaha keeni kara in xaddiiska laga shakiyo waxaa ka mid ah in uusan qorin qoraagii weynaa ee Cismaan Cafaan. Dabcan haddii uu in xaddiisku diintiisa ka mid yahay u arko waa uu qori iahaa. Nebigu waa uu ogaa in quraanka la qori doono oo waxa uu ku tilmaami jirey ”Kitaab”. Markii uu bebigu xijaabtey mar ku dhow baa la keenay hindisaha ah in quraanka la qoro, waxaana ugu danbayntii qoray qoraagii Cismaan Cafaan oo u bixiyey magac af tigree ama af amxaari ah oo ahaa ”Musxaf”. Qoraa Cismaan iyo asaxaabtii ma ay rabin in ay qoraan wax xaddiis ah. Markii ay asaxaabtii geeriyoodeen kuwii ku xigey ma ay qorin xaddiis. Muddo aad u dheer ka dib baa waxaa soo baxay niman aan lagu kalsoonaan karin oo sheegay in ay qorayaan xaddiiska. Nasiib darro raggaas qaarkood waxaa la moodey in ay carruur maaweelinayeen. Labo ka mid ah buu mid kastaa waxa uu qoray kitaab afar mujallad ama afar qaybood ah oo ay qayb kastaa quraanka ka weyneyd, waxa ayna isaga daydeen in waxa siddeeddaas mujallad ku qorani ay wada saxiix yihiin! Dad badan baa faanka beenta ah oo labadaas nin lagu hodey oo ilaa maanta dad baa u haysta in ay siddeeddaas mujallad sida quraanka saxiix u yihiin. Nimanka qoray iyo kuwa ay ka weriyeen ma macsuumiin baa? La isku ma hayo in ay nimankaasi ahaayeem qoreyaal aan ka dhicin Cismaan Cafaaan, laakiin Cusmaan kitaab ilaa had lagu kalsoonaan karo ayuu soo bandhigay, iyaguse kutirikuteen bay waraaqo badan ka buuxiyeen. Waxaa la sheegaa in uusan nebigu oggoleyn in laga qoro wax aan quraan ahayn. Haddii ay run tahay in uu diidey in xaddiiska la qoro macneheedu waa in aysan bannaanayn in la qoro.

Qiyaas

Buugaagta ama qoraallada maanta jiraa dadka ka ma ay tiro yara oo waa bilaayiin. Buugaagta sidaaas u badani ku ma ay filla dadka oo waxaa loo sii baahan yahay in sanad kasta la qoro buugaag badan oo badan. Arrintaasi waxa ay ina tusaysaa in uusan jirin kitaab ay wax kastaa ku dhan yihiin. Qiyaaska iyo hindisuhu waxa ay u baahan yihiin in aan meel cidlo ah lagu xabbisin ee maskaxda loo fasaxo awooddeeda si ay u soo baxaan dad Ashabaab ka caqli badani. Soomaalidu diinta aad iyo aad bay u haystaan oo diin intaas ka badan lagu ma sii rari karo. Waxa aan qiyaasayaa ama aan ku hindisoonayaa in waxa soomaali lagu yahay aysan diin ahayn ee ay tahay midab, degaan iyo af. Diinta dadyow badan baa haysta. Waxa kale oo aan qiyaasayaa in aad garateen in qof kasta oo soomaali ah uu dalku u baahan yahay, isaguna uu waddanka u baahan yahay. Qiyaasku been ma aha ee waa waxa ugu macne weyn.

Gunaanad

Maskaxda dadku waa ay ka mug weyn tahay in ay wadaaddo keli ahi xaddiis ku akhriyaan. Wadaaddadu waxa ay raadinayaan in ay keligood bulshada wax u sheegaan, oo markii ay arkaan qof kale oo dadka maskaxdooda dhisaya waxa ay dadka u tusaan in uu diinta weerar ku yahay. Waxa ay caadaysteen in dadka bulshada dhisaya ay ku tilmaamaan dad ay shisheeye gaalo ahi ku shaqaysanayaan. Iyagaba waxaa lagu sheegi karaa dad Maxamed Cabdiwahaab iyo ibnu Baas aragtiyohoodii xanbaarsan. In dad soomaaliyeed kartidooda iyo fagradohooda lagu afjigo in ay shisheeye ka soo guuriyeen ma habboona. Dalka Sucuudi oo ay wadaaddada badankoodu ka soo fufaan ka ma ay dhacaan qalalaase diineed, waxaana haysta boqortooyo anshax daran. Tarbiyadda iyo tacliinta waxa ay wadaaddadu rabaan in ay keligood faraha la galaan, waxa ayna natiijadu noqotaa dhalllinyaro isqarxiyaa in ay waddanka ku bataan.

Shaafici Xasan Maxamed

dhalaandhuux@hotmail.com

 

 

One thought on “Dhexdhexaad

  • July 24, 2016 at 5:35 pm
    Permalink

    inkastoo sida aad sheegtay xadiisku uusan ahayn mudlaq sida kitaabta balse lama ankiri karo in ay jireen sifooyin oraahyo iyo dhaqamo nebiga laga arakay oo lasoo guuriyay waxaanse kugu raacsanahay in aysan jirin xadiis aan dood geli karin xataa kuwa nalka dhaadhicyay in ay saxiixyihiin waxaan qabaa in quraanka lagu miisaamo oo lagu baraxtiro wixii ka waafaqana la qaato balse in xadiis jirey lama ankiri karo oo umad kastaaba waa jireen astaamo ay anbiyadoodii kala hareen oo ay isku weriyeen

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code