Diimaha iyo dhiigga caadada: shalay iyo maanta!

 

Diimaha iyo dhiigga caadada: shalay iyo maanta!

Marka taariikhda diimaha dib loo raaco, waxaa la ogaanayaa in dunidii hore haweenka iyo ilaahnimada muddo dheer si toos ah loo xiriirin jirey, haweenkuna ahaayeen kuwa looga danbeeyo arrimaha diinta iyo muqaddaska ku saabsan. Taana waxaa ugu wacnaa, tilmaamaha caadifadda iyo raxmadda ee haweenku ay ragga ka badsadaan oo lagu tiriyo in ay ka mid yihiin tilmaamaha Ilaahyada, iyo dumarka oo ahaa kuwa la dhaqma inta badan arrimaha nolosha kuwooda ruuxaaniyada la xiriira sida; guurka, dhalmada, nolosha/nuujinta, jirrada iyo geerida. Maahmaah Soomaaliyeedna waa tii ahayd: “cilmi dumar ninkii diidaa caruur la’aan buu dhexlaa, cilmi culumo ninkii diidaana cadaab buu dhexlaa!”.

Si kastaba ha ahaatee, labadii kun ee sano ee u danbeeyey ayaa muruqu si weyn uga guuleystey maanka, dumarkana hoggaanka diimaha si buuxda looga faramaroojiyey. Maantana waxaa si weyn la isugu waafaqsan yahay, in haddii ay jirto hal qaddiyad oo wax ka qabadkeedu uu waxtar gaar ah haweenka u leeyahay ay qaddiyaddaasi tahay in wax laga beddelo sawirka wadaaddada diimuhu ay haweenka ka bixiyaan. Haweenku halkii ay ka ahaayeen ilaahyo muqaddas ah ayay waxay noqdeen sheydaan baadiyeyn badan oo naari u sugnaatay.

Waagii haweenku ay mas’uulka ka ahaayeen ummuuraha diinta, dhiigga caadadu wuxuu astaan u ahaa kheyr , barako iyo daahirnimo (=Pure), waayo jiritaanka caadadu wuxuu muujiyaa in haweenaydu tahay bacrin u diyaar ah in ay kheyr (=ubad) keento[1]. Hayeeshee kolkii raggu ay la wareegeen maamulka arrimaha diinta, dhiigga caadadu wuxuu astaan u noqday wasakh iyo karaamo la’aan, waxaana la jideeyey in haweenka xilliga caadada laga dheereeyo xarumaha cibaadada iyo walxaha barakaysan sida buugta diiniga ah. Tusaale ahaan, gabdhaha muslimka ah xilliga ay caadada qabaan ama ay ummulaan, waa loo diidaa in ay taabtaan Musxafka quraanka, iyada oo qiil laga dhiganayo aayadda quraanka ah ee tiraahda: “mana taabato cid aan la daahirin/ لا يمسه إلا المطهَّرون “. Waxaana xusid mudan, in qaar badan oo ka mid ah culumada Islaamka –sida Ibnu Cuteymiin iyo Maxamed Naasiru-diin al-Baani- ay qabaan in erayga “al-Muddaharuun/ المطهَّرون” ee aayadda ku soo arooray loola jeedo Malaa’igta Alle daahiriyey, ee aan loola jeedin dadka dunida ku nool, waxayna yiraahdeen macnaha aayaddu waa: “Quraanka Looxu-maxfuudka ku qoran malaa’igta Alle daahiriyey un baa taabata”.

Si taa la mid ah, wadaaddada Yahuuddu waxay jideeyeen in haweenaydu xilliga ummusha ay najaaso tahay, muddada najaasadeeduna ay sii kordhayso haddii ilmaha ay dhashay uu gabar yahay, waayo wiilku waa ka daahirsan yahay gabadha ( Akhristow fuqahada Islaamka qaarkood waxay kala duwaan qaabka loo daahirinayo kaadida wiilka yar iyo tan gabadha yar, waxayna ku tageen in kaadida wiilku ay ku daahirsamayso in biyo yar lagu firdhiyo, halka kaadida gabadha yar ay khasab tahay in si buuxda loo mayro. Farqiga noocaas ahna waxay ku macneeyeen in wiilka la jecel yahay oo aad loo koolkooliyo, mar walbana la qaado, sidaa darteedna dadku ku dhibtoonayaan haddii lagu adkeeyo iska daahirinta kaadidiisa, laakiin si taa ka duwan gabdhaha aad looma koolkooliyo, sidaa awgeedna iska daahirinta kaadidooda lagu dhibtoon mayo!).

Si taa la mid ah, wadaaddada Hinduusta qaarkood waxay rumaysan yihiin in dhiigga caadada iyo kan dhalmadu ay yihiin najaas, haweenka ka dhiga faddaro ay tahay in laga dheereeyo xarumaha cibaadada iyo walxaha muqaddaska ah ee la barakaysto. Sida akhristayaasha badankoodu ay la socdaanna, bilihii ugu danbeeyey Hindiya waxaa ka taagnaa kacdoon dumarka Hindiya ay kaga cabanayaan faquuqa wadaaddada qaarkood ay haweenka ugu diidaan in ay ka qaybqaataan salaadaha iyo cibaadooyinka kale xilliga ay dhiigga caadada iyo kan dhalmada qabaan, ama xataa muddada ay suurogalka tahay in ay dhiig helaan – inta u dhaxaysa 10 jir iyo 50 jir.

Maantay oo taariikhdu tahay 02-01-2019, qodobbada wararka adduunka ugu waaweyn waxaa ka mid ah in labo haween ah oo u dhashay dalka Hindiya ay galeen macbad la yiraahdo Sabarimala oo ku yaal gobolka Koonfurta Hindiya ee Kerala. Macbadkaan oo ka mid ah macaabidda caanka ah ee dadka Hunduustu ay wax ku caabudaan, muddo dheer baa loo diidi jirey in ay galaan haweenka ku jira da’da dhiigga caadadu uu ku dhici karo (10-50 jir). Haweenkuna dhankooda waxay halgan ugu jireen in loo oggolaado in ay booqdaan, si ay fursad ugu helaan in ay ka barakaystaan.

Bishii Siteembar ee la soo dhaafay maxkamadda sare ayaa waxay sharci darro ka dhigtay in haweenka loo diido in ay booqdaan macbadkaan, laakiin haweenkii isku dayey in ay booqdaan waxaa dagaal kala horyimid dad jidbaysan oo aamminsan in haweenku macbadka ay najaasaynayaan. Hase ahaatee, aroornimadii hore ee saakay ayaa labo haween ah oo lagu kala magaacaabo Bindu Ammina (44 jir) iyo Kanaka Durga (42 jir) waxay ku guulaysteen in ay macbadka gudaha u galaan. Bindu Ammina oo muujinaysaa dareenkeeda ku aaddan falkaasina waxay tiri: “Arooryo hore baan tagnay, waxaanna fursad u helnay in daqiiqado kooban aan aragno weliga / We arrived early in the morning and we had a darshan [saw the idol], for a few minutes.” Wadaaddada macbadka maamulaana dhankooda waxay sheegeen in haweenku ay macbadka najaaseeyeen. Sidaa awgeedna, macbadku wuxuu xirnaa qaddar saacad ah oo la sheegay in laga daahirinayey najaasada haweenka.

Waa dhacdo Hindi badani ay ku tilmaameen in ay taariikhi tahay, laakiin waxaa la saadaalinayaan in ay abuuri doonto xiiso hor leh oo u dhexeeya wadaaddada xagjirka ah iyo dadka xuquuqu insaanka u ol’oleeya. Shalay oo sannadka cusubi uu bilow ahaana haween ka cabanaya macbadka loo diiday ayaa waxay sameeyeen silsilad dad ah oo dhererkeedu uu gaarayo 620km ama 385ml. Manithi Selvi oo ah gabar bishii hore isku dayday in ay macbadkaan gasho, laakiin dad macbadka difaacayey ay ka hor istaageen ayaa markay maanta maqashay in labo haween ahi ay galeen macbadka, waxay tiri:

“Waa hawl geesinimo .. waana guul weyn oo u soo hoyatey dumarka Hindiya. Labadaan haweenka ahi waxay difaaceen xuquuqda dastuurka dalka Hindiya uu na siinayo, waxay derbiga ku masaxeen dhaqanka abawiga ah. Laakiin tani waa tillaabadii ugu horraysay, waxaan u baahannahay in aan ilaalinno xuquuqdayada la xiriirta qoyska, guriga, iyo meelaha shaqada.. kuwa isku dayey in ay daahiriyaan macbadka marka dumarku galeen ka dib, waxay liddi ku yihiin dastuurka dalkaan. Waa in aan diidnaa afkaartaas.”

Dhab ahaantii, dhaqanka ah in wiilasha laga jeclaado gabdhaha, ma aha dhaqan diin gaar ah iyo bulsho goonni ah loogu abtirin karo, balse waa dhaqan muddo dheer bulshooyin badan ka jirey, goor danbana raggu diimaha kala duwan ku barxeen. Sidaa awgeedna, deegaanno iyo diimo badan oo kala duwan laga helo. Dhiigga caadada iyo dhiigga dhalmadana diimaha dunida badankoodu waa liidaan. Sida qura ee looga hortagi karo najaasaynta dhiigga dumarka ku dhaca iyo guud ahaan liididda wadaaddada diimuhu ay dumarka kula kacaan, waa in dumarku diinta bartaan oo la helaa gabdho mutfiyaal ah oo ummuuraha diinta saamayn ku leh. Inta taa ka horraysa dumarku meel ay dunida ka joogaanba waxay ahaanayaan kuwo magaca diinta lagu dulmiyo.

https://www.youtube.com/watch?v=DP9PDZKSTbU

https://edition.cnn.com/2019/01/01/asia/india-kerala-chain-intl/index.htm

 

 

 

[1] Waxaa xusid mudan, in dadyowgii hore dhiigga u arki jireen in uu yahay dareere barakaysan, sidaa darteedna xuska waa in dhiig lagu daadiyo, sidoo kalena si loo looga hortago ruuxaha wax dhiba (=isha, sixirka,….iwm) waxaa loo baahdaa in dhiig la daadiyo. Tusaale ahaan, tan iyo maanta ummado badan marka ay helaan walax qaali ah, sida guri ama gaari cusub, waxaa dhaqan u ah in ka hor inta aan la isticmaalin walaxdaas dhiig la daadiyo, oo xoolo la qalo.