Diinta iyo Saamaynta Dhaqanka

 

 

Badiyaa diimaha kala duwan ee u kala danbeeyay dadku waxay lahaayeen goobo iyo dad ay ku xoogganaayeen. Saldhigyadaas ama goobahaas iyo dadkaasi waxay ahaayeen bartii iyo beeshii uu ka dhashay hadba nebiga farriinta sidaa. Sida la suuraysan karo, deegaanka iyo dadka uu nebi kastaa ku soo barbaaray waxay shakhsiyaddiisa ku leedahay saamayn le’eg ta ay ku leeyihiin cid kasta oo halkaa ku kacaanta. Qofkaa nebiga noqon doonaa wuxuu u koraa, oo u hanaqaadaa, si ay qaabeeyeen caadooyinka, dhaqannada, iyo habfekerka deegaankaasi. Maaddaama uu qofku nebinnimadiisa ku dhawaaqi jiray isaga oo weyn (da’aadda 40), waxa la garan karaa in uu soo dhammaystay badanka cimrigiisa intii qorqoriddu ku socotay. Hadda waa qof samaysmay, oo shakhsiyadi u abuurantay.

Qofkii oo shakhsiyaddiisii isku qoofalnayd wata ayaa gudagelaya shaqadiisan cusub ee nebinnimada. Nafsad iyo qofnimo gu’yaashaa soo dhismayay ayuu ku dhaqaajinayaa hawlgalkiisaa cusub. Dhanka kale, farriinta ay ka kooban tahay diinta uu nebiga u yahay waxay ku socotaa dadkii qaadhaanka ku lahaa barbaarintiisa. Luuqaddooda, dhaqankooda, caadooyinkooda, iyo waxyaabaha u gaarka ah ee ku soo ababay ayaa dabadeed saameeya waxa uu u sheegayo iyo sida uu ugu sheegayo. Haddaba saamaynta ay qodobbadaasi ku leeyihiin rasuulnimadiisa iyo nuxurka diinta uu sheegayaa intee bay le’ekaan kartaa? Waa taa wayddiinta uu qoraalkani isku deyayo in uu furdaamiyaa, isaga oo tusaale weyn u soo qaadanaya kobocii iyo dubdhacsigii diinta Islaamka.

 

Saamaynta Dhaqanka

Bulshada meel ku nool waxyaabaha qeexa, ee ka duwa bulshooyinka meel kale ku nool, waxa u muhiimsan dhaqanka. Dhaqanku waa wadarta waxyaabaha ay dadi rumaysan yihiin, siyaabaha ay taa u soo bandhigaan, afka ay taa ku soo bandhigaan, goobaha ay taa ku soo bandhigaan, iyo idil ahaan agabka iyo aragtiyaha kale ee ay gacmahooda iyo garaadkooda ka curiyaan. Waa waaya-aragnimo ururtay oo yeelatay qaabaysan juquraafiyadeed. Qafiskaa ayaa canqariya qof kasta oo ku dhex dhasha.

Ilmaha yar ee koraya waxa korriinkiisa jidheed la socda mid maskaxeed, iyo mid nafsiyadeed oo aan ka liidan. Dadku intii ay soo noolaayeen dhaqankii soo kaydsamayay, ee quruumaha soo taxnaa, ayaa beri hore jeexay jidka ay tahay in uu maro ilmaha hadda ku soo biiray. Dhabbadaa waxa ka buuxa summadaha waddamarista oo qofka u sheegaya waxa ay tahay in uu sameeyo, iyo waxa reebban. Gardaadintiisa ilaa geeridiisa dhaqankaas ayaa qofka gacmaha haya, dabada ka taagan.

Muxuu haddaba dhaqankaasi awoodaa? Wax kasta oo la suuraysan karo, iyo wax ka sii badan oo aan la suuraysan karinba, wuu awoodaa. Qofka wuu “wershadeeyaa” oo wuxuu soo saaraa isaga oo badeeco dhaqankaasi leeyahay ah. Bacdaa uu ku moorgareeyo ayaa dabadeed qof kastaa ku dhex neefsadaa, oo hadhaw ku kacaamaa fekradda ah ‘waxan dhaqan u ma lihin!’ Sababta oo ah dhaqanku waa cidda keli ah ee wax soo gashatay, waana in uu ku taagnaadaa tilmaamihii, ciddii burisana dayriyaa.

Waxyaabaha uu aadka u qeexo dhaqanku waxa ka mid ah aaminaadda qofka. Waa wax loo garaabi karo in qofku ku dhegganaado “ab-ka-soo-gaadhka” uu haysto. Jiilka ku xigana uu u sii gudbiyo. Haddaba, waxyaabahaa ab-ka-sheekeega ahi waxay awoodaan in ay qorqoraan waxyaabaha cusub ee ku soo biiraya aaminaadda dadka. Halbeeg buu u noqdaa rumayntii dhalata ee dib ka soo biirta, sida uu jiheeye ugu noqdo qofkii dhasha ee dib ka soo biira.

Diintu waxay ka mid tahay waxyaabaha uu dhaqanku dadka ku barbaariyo. Baadhitaannada arkiyoolaji ee dunida laga sameeyay, waxay soo waayeen ilaa hadda ummad noolayd oo aan ka tegin raad diimeed. Diinta baahida intaa le’eg ee loo qabaa maxay tahay? Waayo waxay dadka ka furataa feker dheeraad ah, waxaanay si sahlan ugu soo koobtaa asalka waxyaabo badan, oo noloshu ka mid tahay. Waxaanay ka yaraysaa culayska uu dadka ku hayay haddii dhimashada wax ka danbeeyaan, iyo waxa uu yahay. Marka laga yimaaddo shaqadaa falsafiga ah ee diintu qabato, waxay dadka u tahay biririx iyo kaarjebin u dhayda boogaha adduunka ku qabsada ee werwerka iyo walbahaarka ku ridi lahaa, haddii aan la samirsiin, oo aan loo sheegin in cid awood weyn lihi u cawil niqi doonto.

Haddaba, in kasta oo uu dhaqanku diinta fidiyo, haddii diin cusubi timaaddo, aad buu ula dagaalamaa. Haddii dagaalkaa uu ku jabana, dhaqanku waa sida balaastigga oo qaab cusub ayuu yeeshaa, si uu u soo dhaweeyo diinta timi. Laakiin—waana muhiim laakiintani—wuxuu diinta u goglaa ardaa ay ku degto, wuxuuna ku dayaa caadooyinkii iyo dhaqanhoosaadyadii iyada ka horreeyay. Diinta cusubi in aanay la wada wareegin xaaladda ayuu ku dedaalaa. Taa wuxuu ku helaa xaqiiqada ah in uu weligii soo maalgashanayay dadkan diinta cusub wada, iyo kuwa rumeeyaba.

Ardaagaa diinta lagu sooryeeyo waxa ka baxa dhir aad u kala nooc ah, oo dhammaantood hadhiya nuxurkii diinta. Nebiga cusubi wuxuu hadhsadaa dhirtaa, diintana wuxuu u dhigaa qaab ay fahmi karaan dadkiisu, si uu qudhiisu u hanto taageerayaal bilaw ah. isutanaasulkaa ay labada dhinac (diinta iyo dhaqanka) isu sameeyaan ayaa dhasha saamaynta aynu ka hadlayno.

Saamaynta Luuqadda

Haddii rasuulku yahay cidda sidda farriinta diinta, afkuna waa ergayga rasmiga ah ee dhaqanka. Waa luuqadda tan ina barta waxa uu yahay dhaqanku, oo waa habka ugu weyn ee ay xubnaha bulshadaasi isula xidhiidho si ay isugu gudbiso dhaqankeeda. Marka aad aragto mutulle meel ka dhisan, waa afka kan laguugu sheegayo in uu qayb ka ahaa dhaqankaagii. Waa afka kan laguugu sheegayo sida ay tahay in aad dadka waaweyn, iyo kuwa yaryarba, ula dhaqantid. Waa afka kan laguugu sheegayo suugaanta dhaqankaaga u gaarka ah. Waana isla afka kan dadku muraadyadooda maalinlaha ah ku fushadaan, kuna wada macaamilaan.

Mudnaantaa afku leeyahay waxay siisaa awood. Erayada afkaasi ka kooban yahay ma aha uun xarfo la isu geegeeyay e, waa xikmad iyo qaab wax lagu fahmo oo isku tolan. Qofka garaadkiisu si uu mawduuc u shiilana, adeegga uu u baahan yahay waxa ka mid ah luuqad loogu soo gudbiyo waxa mawduucu yahay. Halkan weeye meesha ay diinta iyo afku isku mutaan.

Maaddaama ay diinta cusubi qaadanayso go’aanno xeeladaysan, oo ay ku kasbanayso dad hor leh, waxay u baahan tahay in ay diyaariso afkii ay isku sharrixi lahayd. Erayada ay isticmaalaysaa waa kuwa luuqaddaa dhaqanku leedahay, qaabka ay u adeegsanayso iyo micnaha ay erayadaa saaraysaana waa isla sida iyo kuwa ay dadkaasi yaqaannaan. Waayo habkani waa midka keli ah ee dadku u dareemi karaan in diinta cusubi ay sokeeye tahay. Oo haddii ay af cusub iyo qaabhadal hor leh la timaaddo, waxa loo arki karaa diin shisheeye ah, oo aan la haysan dhaqanka dadkan ay ka filayso in ay rumeeyaan. Waa awooddii dhaqanka (oo afka adeegsanayaa) uu u lahaa in uu diinta hortiisa rukuuciyo.

Saamaynta Deegaanka

Dhaqanka iyo caadooyinka ummadi leedahay waxay ka fulaan goob juquraafiyadeed oo gaar ah. Goobtaasi waa deegaan. Wuxuuna leeyahay dabeecad iyo cimilo khaas ah. Nooca dhaqasho ee dadkaasi leeyihiinna deegaanka ayaa qeexa. Haddii xeeb la saaran yahay, in kalluunka la dabto; haddii dhul oommane ah lagu nool yahayna, in xoolo adkaysi leh la dhaqdo; haddii dhul roob fiican hela la deggan yahay, in beero la fasho… Sida oo kale, dabeecadda deegaankaa noolaha aan dadka ahayn ee ku nooli waxay qayb ka noqdaan sheekada dadkaa. Bahalaha, dhirta, shinbiraha, iyo xayawaannada dabjoogta ah ee sheekada dhaqan lagu dhex arkaa waxay ku kooban yihiin hadba intii ay yaqaanneen.

Marka si aftahannimo leh loo wada baanayo, waxa la adeegsadaa tusaalayaal iyo maahmaahyo. Inta badan waxa laga soo dheegtaa deegaanka. Waxa laga hadashiiyaa xayawaannada duurjoogta ah, ama waxa la sifeeyaa kuwa dabjoogta ah ee la dhaqdo. Waxa dawooyin laga dayaa dhiraha qaar. Haddii xayawaan aan deegaankooda laga aqoon dadku maqlaan, waxay ciddii soo sheegtay wayddiistaan in ay fahanka soo dhawayso, oo ay ugu masaasho xayawaan ay yaqaannaan oo ay isu eg yihiin ama is le’eg yihiin. Awooddaa weyn ayuu kolkaa leeyahay deegaanku.

Diintu marka ay dadka hogatusaalaynayso u ma baahna uun in ay muujiso aqoonteeda afka iyo dhaqanka e, waxay sida oo kale u baahan tahay in ay deegaankana xigsato, si ay weji sokeeyannimo u yeelato. Midda kale, in xayawaan ama noole cusub dadka diintu u soo qaadataa wuxuu noqonayaa hawl adag, oo faahfaahin iyo in noolahan ay sharraxdo uga baahan doonta. Faahfaahintaa dheeraadka ahina waxay luminaysaa ujeedkii tusaalaha.

Sababtaa ayaad u arkaysaa diinta Islaamka oo dadka u soo qaadanaysa abuurka xayawaan gaar ah, sida geela, si ay u hanato tacajabka dadka, oo dabadeed ugu muuqato diin la wada leeyahay. Geela iyo sida loo abuuray miyaanay arkayn, ayaa lagaga fekersiinayaa. In geela la soo qaataa wuxuu muujinayaa in la garanayay deegaanka iyo dhaqanka Carbeed sida uu u yaqaan una xurmeeyo noolahaa. Dhulku waa saxare, oo waa oommane. La ma haysan tegnaloojiyad sahasha socdaalka, oo waxa loo baahnaa noole la rarto, laguna guuro. Noolahaasi waa in uu u dul yeesho rarka iyo rarankaba. Waa in uu biyaha iyo baadka kaydsan karaa, oo lamadegaanka dhex qaadi karaa isaga oo aan ka cabanayn qorraxda iyo soomalhaadka. Geelu tayadaa oo dhan buu yeeshay. In noolihii caqiibadaa lahaa loo soo qaataana, waxay u muujin kartay qofkan Carabka ah in diintani tahay mid garanaysa.

Waxaad suuraysataa haddii Islaamku ku soo degi lahaa Awstaraaliya. Geelu halkaa waa duurjoog, aan nafci lahayn. In abuurtiisa loo soo qaato weynaanina wax micno ah u ma samaynayso dadka aan dheef ku arag. Laakiin taa beddelkeeda, abuurta Kaanguruuga ayaa laga yaabaa in tusaale loo soo qaato. Noolahan jeebka dabiiciga ah leh, ee ilmihiisa ku qaadanaya. Walow aanay dhaqan, haddana Kaanguruuga, oo aan waxyeello ku sifaysnayni, wuxuu u noqon lahaa albaab laga soo abbaaro. Marka xidhiidh laga dhexaysiiyo abuurtaa layaabka leh, iyo Ilaahay oo diintu rabto in la rumeeyo in uu yahay kan Kaanguruuga sidan u abuuray. Waa tusaale keli ah oo ina dareensiin kara awoodda bii’adu ku leedahay afka ay diintu ku hadlayso.

Deegaanku sida oo kale waa meesha uu ku indhadillaacsado qofku. Marka uu ku korana uu hadhaw ku indhakuusho. Sida aynu soo aragnayna, dhaqanka deegaankaa laga haystaa wuxuu qaabeeyaa qofku wuxuu aaminayo. Waana sababtaa midda loogu doodi karo rumaynta uu qofi haysanayo waxa gebigeedaba ka mas’uul ah guriga lagu ummulay, iyo garaad wadareedka lagu habay. Haddii ilmaha Hargeysa oo Muslim laga wada yahay ku dhashay, uu ku dhalan lahaa Tokyo oo Budiisam laga haysto, waxay u badan tahay in uu noqon lahaa Dalai Lamaha mustaqbalka!

Dhanka kale, deegaanka iyo cimiladiisu waxay qofka ku leedahay raad xooggan. Qofka hawd iyo lamadegaan qallalan ku nooli aad buu u xiiseeyaa sheekooyinka ku saabsan biyaha iyo baadka. Waayo waa hanti uu dareemayo in ay suququl ku tahay, oo uu niyaysanayo in laga haqabbeelo. Soomaalidu, tusaale ahaan, waxay qofka dhinta ugu duceeyaan in Eebbe jannooyinka ka waraabiyo. In uu dhar uga lebbiso, iyo in uu cunto ku siiyo waxa uga daran in uu biyo ku qabto. Waxaana lala xidhiidhin karaa dabeecadda dhulka qofka Soomaaliga ahi ku barbaaray oo ah mid biyuhu gabaabsi ku yihiin, oo wuxuu meydka u rejaynayaa in maaddaama uu adduunkii ku harraaday, uu aakhiro kaga haagi doono biyo.

Diintu aad bay iyaduna u adeegsataa qodobka cimilada, si ay u soo jiidato dad raaca. Waxay ku salaysaa deegaanka. Tusaale ahaan, sawirashada jannada waxa hadheeyay baahiyaha qof ku nool dhul oommane ah, oo kulaylaha ku habaasmay. Waxa la sawirtaa janno webiyaal biyo ahi dhan kasta kaa marayaan, oo cadceed aydaan is arkayn, oonna hadalkiisa daa. Muuqaalkaas baa dadka lagu xodxotaa, oo loo ballanqaadaa in kooda rumeeyaa uu dhex dabbaalan doono.

Maalinta qiyaamaha qudhiisa suuraysigaa reer hawdku wuu hadheeyay. Si dadka loogu sheego hawsha sugaysa maalintaa waxa loogu qeexaa in ay tahay cisho ‘la qatan yahay, oo la qaawan yahay.’ Iyo in ay tahay maalin qorraxda la keeni doono meel madaxa qofka ku beegan, oo ka dibna aad loo dhididi doono. Weliba dhididkaasi wuxuu ku yar yahay dadka rumayntoodu badan tahay. Muuqaalkaasi waa mid naxdin leh, marka loo eego qof ay adduunyadii ku dishoodeen qatanaan iyo qorraxi. Waxaana laga yaabaa in uu diinta qaato, si uu naftiisa uga badbaadiyo labadaa qaxar.

Deegaanku haddii uu yahay mid kakan, oo aan jaanisba la isu helin, waxa abuurma caadooyin kala ilaaliya labada jinsi. Raggu haddii ay dumarka ku mashquulaan, waxa dayacmaya hawl adduun oo aanay cidina ka furanayn. Dumarku haddii ay ragga ku mashquulaanna, waxa sida oo kale beerdarroobaya hawlo kale oo iyaga ku xidhnaa. Markaa waxa caadooyinkaasi xaqiijiyaan in aad loo kala mashquuliyo ragga iyo dumarka. Ninku maaddaama uu shaqo culus ka hayo kaynta iyo xoolaha raaciddooda, ama garta iyo dagaalka caabbintooda, wuxuu dhimanayaa isaga oo aan jinsi ahaan dhergin. Xaaladdaa iyada oo ku xisaabtamaysa, ayaynu arkaynaa in diintu ragga u ballanqaadday dumar ugub ah oo jannada ugu diyaar ah ninkii dunida rumayn la yimi. Dumarka tiradoodu waxay la badataa hadba hawsha uu ninku adduunka ugu soo qabtay diinta darted. Hadii uu dagaal ka qayb galo, diinta darteed, wuxuu helayaa 72 dumar ah. Taasi waxay u ahayd bushaaro iyo dhaqaajiye uu ku hawlgalo ninka xubintiisa u sitay kaadi keli ah muddada badan! Waxaanay dumarka xuural caynta ahi ku jireen halka maanta ay ku jirto derajada ciidanka lagu tolo.

Xilliyada isbedbeddela ee deegaannadu way kala duwan yihiin. Saacadaha ay qorrax hesho bulsho ku nool dalka Ayslaan way ka duwan yihiin saacadaha cadceeddu ‘soo jeeddo’ dal sida Soomaaliya ah. Dhulka Carbeed, ee diinteennu ka soo fuftay, wuxuu dhankan u soo dhawdhaw yahay dhulalka Soomaalida. Habeenka iyo maalintu aad bay u kala xadaysan yihiin. Maalin waafi ah, iyo habeen wanaagsan ayaa laga helaa. Waana deegaanka.

Qaabkaa uu u samaysan yahay deegaanka Carbeed ayaa qeexay cibaadooyin kala duwan, oo soonku ka mid yahay. Waxa loo sheegay Carabtii la rabay in ay diinta halhaleel u soo galaan, in ay soomaan inta qorraxdu muuqato. Aragti ku sooma, aragtina ku afura, ayaa la yidhi. Waayo juquraafiga Carabta ayaa saamaxayay in taasi micno yeelato. Balse, haddii ay ka soo qaadno in diinteennu ka soo daahiri lahayd qaboobaha Ayslaan, oo bilaha qaarna maalintu dhawr iyo labaatan saacadood tahay (meelaha qaar 23 saacadood oo 24-ta saac ka mid ah ayay cadceeddu xaadir tahay!), bilaha qaarna habeenku dheer yahay, sidee bay uga suuroobaysaa qaacida ah “marka dunta cad iyo ta madaw la kala garto”? Wadaaddada qaar baa taa ku furdaamiya fatwooyin ay dadka dhulkaa deggan u fasaxaya in ay saacadaha Xaramka la soomaan. In kasta oo tani keenayso su’aal ah “miyaanay diintu ku sii xisaabtamin dhulalka ka baxsan Jasiiradda Carbeed?”, haddana waxayna muujinaysaa awoodda deegaanku ku leeyahay diinta (ogsoonow Xaramku waa halkii diintu ka soo bilaabantay, oo in isaga miqyaas laga dhigtaa waxay ka dhigan tahay asalku kaas buu ahaa).

Saamaynta Caadooyinka

Dadku marka ay u nool yihiin si habqan ah, waxa ka suurooba in ay caadooyin aan nidaamsanayn yeeshaan. Bulshooyinka sida habqanka ah u nool waxa ka mid ah bulsho kasta oo aan lahayn il dhaqaale oo xasiloon. Balse haddii ay bulshadu nidaamsan tahay, waxay yeelataa caadooyin xooggan, oo gaadhsiisan caado la gooyaa cadho Allay leedahay!

Caadooyinku waa qaab uu isu muujiyo dhaqanku. Sida eraygu tibaaxayana, waa wax la caadaystay. Waxa la caadaystayna waa wax fac-ka-fac sidiisaa la isugu soo tebinayay, ama isbeddelka ku dhacayay uu yaraa. Waxay caadooyinku ku dhex xididaystaan garaadka dadka. Aaminaad iyo falalba way noqdaan.

Caadooyinka Carabta (siiba kuwii uu nebigu ka dhashay) ee diinta ka hor waxay ahaayeen kuwo shaamareer leh. Aad bay u nidaamsanaayeen. Waayo ganacsi geela iyo dhagaxa kacbada adeegsada ayay lahaayeen, oo ay ku saldhigteen. Caadooyinkaasi waxay isaga gooshayeen min sida dhagaxaa loola macaamilayo, fekradaha dumarka laga haysto, caadooyinka diin ahaan loo aqbalsan yahay, ilaa afka garta iyo colaadaha.

Wax badan oo aynu maanta ‘shareeco’ u naqaanno, ama lafdhabar u ah baaqa diintu, wuxuu xidid ku leeyahay caadooyinkaa. Diintuna waxay sidaa u yeeshay, sidii aynu u soo aragnay oo kale, si ay u hanato kalsoonida dadkan ay ku soo degtay oo ah raasamaalka dhaqaajin kara dulucdeeda.

Xajinta kacbada iyo ficilladeeda sida ay u dhan yihiin waxa laga soo qaatay caadadii Carabtu kula macaamili jirtay dhagaxa kacbada Maka (walow ay jireen labaatameeyo kacbo oo qabiillada Carbeed midkoodba mid lahaa, haddana kan Maka gaar baa loo cisayn jiray, oo xarun buu u ahaa, Qurayshina taas bay sarraynta la siiyo ku heshay maaddaama ay haysay muftaaxa kacbada Maka). Keli ah qodobbo shirki loo arkayay ayaa laga reebay, oo ku saabsan weedhaha cibaado ahaan loo akhrisanayo marka la dawaafayo.

Waxba laga ma beddelin xajka iyo cumrada. Waxa la soo raray xataa bilaha ay samayn jireen (xasuusnow in dhammaan bilaha sannadka ee maanta aynu u naqaanno kuwo ‘islaami’ ahi ay yihiin kuwii ay adeegsan jireen Carabtu islaamka ka hor. Waxa xataa si gaar ah loo xurmeeyay bilihii awelba xurmada khaaska ah ku dhex lahaa. Maryaha loo gashanayay. Erayada la akhrisanayay (marka intii shirkiga laga reebo). Eraybixinnada. Wax kasta. Xataa ‘maqaamka Ibraahim’ wuxuu ku yimi soojeedin uu Cumar bin Khaddaab ku taliyay in bartaa laga dhigto maqaam, dabadeed aayad (lagu tiriyo meelaha Qur’aanku ku waafaqay Cumar) ayaa arrintaa ku soo degtay, maaddaama ay Carabta uu Cumar ka mid ahaa xurmo weyn u hayeen cidda uu ahaa nebi Ibraahim iyo meesha uu yahay maqaamkani oo Xaramkii ah.

In caadadaa xajidda loo soo raro sidii ay u ahayd waxay Carabtaa u ahayd guul. Waayo, dhaqaalihii ka soo geli jiray dadka soo siyaarta, ayaa loo jideeyay oo weliba dadka loogu faray in ay booqdaan. Suuq hor leh ayay diintu u furtay ishaa dhaqaale ee Carbeed. Qof kasta oo maanta iska bixiya kharashka xajku, wuxuu kordhiyaa dakhliga dawladda Sacuudiga oo u hadhay dhulkii loo soo xajiyayey. Isha labaad ee dhaqaalaha Sacuudigu maanta waa xajka, marka laga yimaado shiidaalka. Indhaha dadkaa Carbeed ee furaha xajka hayay (ilaa maantana haya) haddii lagu eegana, tallaabada diintu ku xalaalaysay ficilladii iyada ka horreeyay ee xajiddu waxay u ahayd go’aan dalxiisayaal hor leh loogu duway.

Qodobbada lagu ixtiraamay Quraysh ee sideedii loo soo qaatay waxa ka mid ah weynaynta bisha Ramadaan. Kooxdii uu ka tirsanaa nebiga awoowgii, Cabdimudallib (oo ka mid ahaa odayada urur diin lagu sheegi karo oo la odhan jiray Xaniifiyah, oo ah diinta ay midda Islaamku waxyaabaha badan ka soo qaadatay si u qanciso Carabta taqaannay Xaniifiyada iyo dhaqankeedii hagaagsanaa), waxay aad u ixtiraami jireen bisha soon, waxaanay samayn jireen ficillo aynu maanta diin ahaan u wada yeelno: in ay afxidhaan, masaakiinta quudiyaan, wanaagga iyo islaaxinta ka shaqeeyaan… Si loogu muujiyo in diintu wanaag u taqaan intoodaa oo la naashnaashay uun (xasuusnow in nebigu ugu bushaareeyay reer tolkii in uu u taagan yahay QABYATIRKA akhlaaqdooda wanaagsan), waxa aad loo weyneeyay bishii Ramadaan. Waxa la gaadhsiiyay in habeen halxidhaale ah oo ku jiraa uu la khayr yahay kun bilood camalka la samayn lahaa! Hiil badan oo Carabtu diinta u hurtay iska muu iman e, waa laga kasbaday![1]

Tusaalayaasha kale, ee muhiimka ah waxa ka mid ah magta iyo meherka.

Magta

Magta waxa ay Carabtaasi ku bixin jirtay geel, xaqiraaddii ay dumarka ku hayeen darteedna gabadha nuska ninka ayay ka bixin jireen. Horta geelii sidiisii baa loo qaatay. Ta gabadhana, muran aan badnayn baa ka taagan in ay ninka la mag tahay, balse wadaaddo badan oo sheegta in ay diinta fasireen waxay u bateen sidii Carabta. In sidaa la yeelo waxa lagu sidki karaa halganka farriinta diintu ugu jirtay in ay hesho cid taabacsan. Waayo, sida cad, magtu waa arrin dhaqan oo dhaqaale. Haddii wax laga beddelo, oo halkaa geela adhi laga dhigo, ama qaddaadiic, waxa dadku u arki kareen kacdoon ka dhan ah caadadoodii soojireenka ahayd. Haddii qiimaha magta wax laga beddeli lahaa, oo tusaale ahaan la kordhin lahaa, waxay ku ahayd culays dhaqaale oo soo biiray. Dhiillo dhaqan oo weyn ayayna ku ahaan lahayd haddii labada jinsi si cad loo simi lahaana (wadaadda sima iyo kuwa kala badiyaaba ma haystaan daliil aad u cad oo ay tixraaca diinta ka soo saaraan e, qiyaas ayay ku wadaan).

In lagu xisaabtamayay caadada Carabta ee geela u adeegsata magtu waxay soo bixi kartaa marka aynu sideennii suuraysanno diinta oo dhul kale (dheh Awstaraaliya) ku soo degta. Magta ninka la dilaa waa 100 halaad marna loola ma yimaaddeen dadka halkaa ku dhaqan, ee geelu dugaagga ula mid yahay. Laakiin waxa loo xukumi lahaa wax kale oo agtooda qiimo le’eg kaa Carabtu geela u haysay. Tusaale ahaan, qaddaadiicda sunuudda ah. Maantadaa lafteeda, ninka Awstaraaliyaanka ah ee labo qolo oo Islaamka u hoggaansami iska disho, ma waxay ku qasban yihiin in ay eegaan sayladaha dadka geela dhaqda, oo boqol halaad iska bixiyaan ama lacageeyaan? Wadaaddada diintu haa bay u hayaan, waayo, diintu waa caalami!

Meherka

Dadku waxay u mehersadaan si ay rukhsad uga helaan bulshada. Waa sidii dirawal baabuur oo si kasta oo uu xariif ugu yahay wadidda, aan laga siisanayn ama la ganaaxayo jeer oo uu shati wadis soo qaato. Nidaam midkaa taraafigga u dhigma ayay dhaqannadu u dhigaan dadka raba in ay isu galmoodaan. Meherku markhaati ka ma noqon karo in qofku galmoon karo, sida aanay rukhsadda wadistuba marag uga ahayn in qofkani dirawal yahay, balse wuxuu muujiyaa in uu yahay qof u galmoodo sifo la oggol yahay, sida shatiga baabuurwadistuba u tilmaamo in qofkan sitaa uu yahay dirawal sharciyaysan.

Caadada Carbeed, oo dabcan dadyaw kalana kala sinnaan karaan, waxa ka mid ahayd in ninku soo doono geyaankiisa, oo dabadeed xaddi adduun ka bixiyo si uu ula wareego. Hantidaa waxa lagu samirsiin jiray qoyska inantoodii nin kale isu qaawin doono! Diintu markii ay timi, sideedii ayay caadadaa u qaramaysay.

Buugta fiqigu maanta waxay guurka ku qeexaan in uu yahay xaddi lacag ah oo la siisto xubinta gabadha! Weliba waxay adeegsadaan erayga “alaabta (بضاعة)”. Haddaba, bal inoo suuree diinta oo ka bixi lahayd ummad haysata dhaqanka Hunuudda. Caadada soojireenka ka ah Hindiya, waxa lacagtan bixiya gabadha iyo qoyskeeda, waxaana meherka qaata ninka!

Gebagebo

Waa dabci dhidibbo adag ku taagan, oo aanay dhaqannadu iska dayn doonin, in ay saameeyaan waxa dadku rumaynayaan, iyo qaabka waxaasi u oollayo. Qofka Carabka ahi in uu kaadida geela dabiib u doonto, iyo in qofka Hindiga ahi kaadida lo’da dabiib u doonto, waxa ay ka siman yihiin in ay yihiin caadooyin lagu garaadsaday iyaga oo sidaa loo sameeyo. Balse waxa xiise leh in caadooyinkaas ay diimaysteen, si ay u ansaxaan, oo qofka kaadida cabbayaa uu qadhmuunkeeda ugu illaawo in diintiisu dawo ku sheegtay!

Kaaral Maarkis, oo ahaa faylasuuf reer Jarmal ahi, wuxuu diimaha ku tusaaleeyay in ay dadka u boogadhayaan, oo xanuun-illawsiiyaan, sida afyuunku, oo maandooriye ahi, qofka ka yeelo. Diintu waa xanuunbi’iso weyn ayay ahayd dooddiisu. Balse waxaynu weedhaa Maarkis ku dari karnaa, in dhaqanka dadku diinta u qaabeeyo noocaa ay tahay. Dabadeed isaga uu yahay kan dhab ahaan leh sifada uu Maarkis diinta siiyay. Diintu waa adeegto u jajaban hadba sida uu dhaqanku rabo, ama ku qaalibka ah. Diintuna waxay soo kordhisaa uun shaanbad iyadana dan fidineed u ah, dhaqankana dan fulineed u ah. Taasi waxay innagu qaadaysaa in aynu garwaaqsanno in diinta iyo dhaqanka ay ku soo degtay ay isku yihiin cajiin ay adag tahay in la kala saaro, iyada oo gacanta uu leeyahay dhaqanku.

Waxa la rejaynayaa in qoraalkani si uun akhristaha ugu baraarujiyo miisaanka aan la dhayalsan karin ee dhaqanku leeyahay. Iyo sida uu u saameeyo diinta. Cilmibulsho ahaan, diintu waa qayb ka mid ah dhaqanka. Waxaana sidaa loo yidhi, markii la dersay, sida aynu qoraalkeennan ku soo ifinnay, raadka lexaadka leh ee dhaqanku ku leeyahay waxa qofku aaminayo—sida uu ugu leeyahay waxa qofku gashanayo.

[1] Mawduucan iyo kuwa la xidhiidha waxa si qurux badan loogu dersay buugga uu qoray Khaliil Cabdikariim ee “Jirridaha Taariikheed ee Shareecada – الجذور التاريخية للشريعة الاسلامية). Waa buug akhristaha maqaalkan aad loogu la talinayo—haddii uu rabo in uu wax badan ka sii ogaado arrinta.