Dooddii labada qoraa

 

Sida la wada ogsoon yahay, dhowrka beri ee hore baa xigaalada iyo saaxiibbadu isaga hambalyeeyaan dabshidka cusub. Haddii la haleelo, aalaaba waxaa lagu ducaystaa “Eebbow ka tegey haraatidiisa iyo ka yimid hardidiisa” gees naga mari.

Yeelkadeede, Xuuraan waxa uu telefoon laacay Jannaayo (1aad) 12, 2018. Xalane oo ay jaal yihiin oo dabshid ku-dhawaad aysan wada hadlin buu galalow! Galalow! galalow ku siiyeey. Xalane oo gartay qofka soo wacay baa kolkaas yiri, “Xuuraan, saaxiib waa ku salaamay ee sidee tahay?”

“Xalane,saaxiib Eebbe waa noo jeer dhaafay. Beryo badan baynaan wada hadlin ee saaka baan ku tallamay bal Xalane ka war doon, ee dunidaada ka warran?”

“Walaal dhankayga waa lagu ladan yahay ee reerka iyo adigu sidee tihiin?”Xuuraan, goortii uu nabdaadintiiceliyey buu haddana raaciyey, “Beryohan, maxaad ka waddaa dhanka qoraalka, Xalane?”

“Runtii, maalmahan, wax cusub shanta kula ma jiro ee kolba joojin meyside maxaa ka cusub dhankaaga?”

“Saaxiib, mid baa hadda la daabacay; in aadamazon ka arki kartid baan filayaa.”

Xuuraan waxa uu kistoo dusha ka sii maray dhiganahaas soo baxay oo uu kal horeXalane talo ka warsaday.Xalane waxa uu xoogaa cududaar ka sameeyey sababta uu ayaamahan uga gaabsaday qoritaan buug cusub. Waxa uu saaxiibkiis u sheegay in dhallinta gudaha dalka ku dhaqan weli aad ugu fooggan yihiin dhiganeyaashii uu hor u qoray oo 10 kor u dhaafaya. Labada ugu weyn waa 500 bog oo hal-abuur ah iyo ka kale oo mudan in loogu yeero “Gacanqabsiga sooyaal-baaraha”. Dhallintu aad bay uga heshaa dhiganeyaashaas.Dhallinta badankeed ma gadan karaan buugtaas,amaba si baahsan loogama heloSoomaaliya. Marar badan bay codsadeen in Internet-ka “Mareeg gaar ah” loo gesho, si ay halkaas uga dheegtaan.

Si kastaba ha ahaatee, Xalane waxa uu yare soo qaaday dhallin deegaannada qaarkood ka soo jeeda oo qoraallada buugaagta ku tartama, guud ahaan deegaanka uu ka soo jeedo. Xuuraan oo arrintaas wax kala socday baa kolkaas yiri, “Saaxiib, in fiican baan kala socdaa waana arrin yididiilo leh”.

Xalane baa isna kolkaas ku laabtay sheekada qoraallada ee dhallintu ku tartamaan. Waxa uu yiri, “Xuuraan, tayada waxa ay qorayaan baa aad u liidata”. Xuuraan oo masayr taabtay aadna ugu riyaaqsan dhaqanka dhallinta qoraallada ku dhadhabtay baa yare aammusay. Hinnaaso iyo riyaaq labadaba waa la aammusay. Haddana, saaxiibkiis kama qarin in hinnaaso ku dhashay, ee waxa uu yiri:

Saaxiib, arrintaas aad yare dhanka tayada ka saluugayso, dhankayga waa ka bogaadin. Gobolka anigu aan ka soo jeedo sida aad og tahay, dhallinta badankeed waxa ay ku hawllan yihiin arrimo taas ka duwaan. In kasta oo ay jiraankuwo waxbarasho u heellan kuna jira, haddana qaarbadan baa u kooxaysan dilalka qorshaysan iyo in hadba iyaga oo beelo u kala safan la iska hor keeno. Qaarna waxa ay ku jeedaan dhulka oo ay ku habsadaan cid kasta ha lahaatee. “Ku qabso ku qadi meyside” waa murti caan ka ah gobolka aan Soomaali ahaan ka soo jeedo. Soomaalinimada guud ka sokow, dhanka gobolaysiga, sheekadeennu waa daanyeerkii dabada casaa/guduudnaa oo waraabuhu mooday hilbo dabada ugu hilan.

Xuuraan, isaga oo sii wada aragtidiisa uu ku kala cabbirayayey falalka dhallinta Soomaaliyeed ee gudaha ku dhaqan ku kala hawllan yihiin, buu xusay sooyaal jira. Sidatan buu u tilmaamay.

Berigii xornimada la qaatay, 1960, maammulkii hagayey dalka waxa uu dhaqangeliyey waxbarashada in lagu socodsiiyo afka Ingiriisiga. Dhallintii gobollada waqooyi ka soo jeedday baa loo baxsaday.

Haddaba, in kasta oo tayada qoraallada dhallintu dhaliil mudan tahay qudhayduna kula qabo, haddana, dhallintaas aan tayada qoraalladooda saluugaynno baa Soomaalidu u baxsan doontaa. Waa kufayaan waana kacayaan, haddana kufayaan waana kacayaan. Muddo kaddib, qayb fiican oo ka mid ah baa qoraal yahanno wanaagsan noqon doona.Iyaga baa soo qufi doona sooyaallada Soomaalida oo in yar afaf qalaad ku qoran tahay—halka inta badan uruurin iyo baaritaan hor leh sugayso.

Nolosha iyo dhacdooyinka oo si dhab ahloogafalanqoodo waxa ay soo kordhinayaan, garnaqsi, kalsooni iyo doodo aan ahayn “Hebel iska celi”.

Kolkii la arkay in qaska iyo qalalaasaha Soomaalidu ay gacmaheeda ku keensatay soo kufin weyday, indheergarad badan baa walaac ka muujiyey in afka Soomaaligu dhumi doono. Cabdullaahi Janno oo reer Minneapolis ahoowaagaas (2006-2007) qoray “Af hiil waayey”—kaas oo mareego badan lagu baahiyey baa ka mid ah. Cabbaar haddii uu murugo ka muujiyey dhaawaca gaaray afka Soomaaliga, waxa uu bidhaanshay yididiilo uga muuqatay dhallinta gobollada waqooyi—oo maanta la dhaliilayo tayada qoraalladooda.

Dhaliishu waa muraayadda aad isku eegto. Labada qoraaba waxa ayleeyihiin, hanjab iyo quusasho baa laga soo kabtay waxayna maraysaa heer laga hadlo tirada badan ee qoraallada iyo tayadooda liidata. Hambalyo, balse dhanka hal-abuurka u leexda.

 

Fiiro gaar ah: Xuuraan iyo Xalane ma aha magacyada qoreyaasha. Labada qoraa waxa ay ku nool yihiin qurbaha, balse isku dal ma deggena. Gobolaysigawanaagsan ceeb ma aha—halka run ahaantii,beelaysiga lagu tilmaamikaro diinta Soomaalida.Haddii aan ku-dhaqankiisa la deyn karin, marka ha lagu tukado hana lagu dhaarto.

Cali Maxamed Cabdigiir (Caliganay)

Caliganay54@hotmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

*

code