Dumarku danahooda ha garteen!

Sannad walba maanta oo kale siddeedda bisha Maaris dunida oo dhan waxaa laga xusaa maalinta haweenka adduunka. Waa maalin la is xasuusiyo xaaladda dumarka adduunka- dal, gobol, qaarad iyo dunida oo dhan- oo la falaanqeeyo horumarka haweenku sameeyeen iyo caqabadaha weli hortaagan. Qof ahaan waxay ila tahay in caqabadaha waaweyn ee hortaagan horumarka haweenka Soomaaliyeed ay ka mid tahay afkaarta Wahaabiyaga ee afartankii sano ee la soo dhaafay dumarka Soomaaliyeed maanka looga addoonsaday.

Taariikhda Wahaabiyada waxaa lagu yaqaan in dumarku yihiin aalad ama shey la leeyahay. Waxaa aalaaba dhacda in kolka wadaad wahaabi ahi uu doonayo inuu muxaadareeyo ama uu doonayo inuu dhaqaale ka qaado koox dad ah, inuu markiiba doorto dhageystayaashiisa iney noqdaan dumar. Waxaa boorarka ay ku sheegayaan iney muxaadaro qabanayaan inta badan lagu arkaa iyagoo leh “Muxaadaradaan waxay gaar u tahay dumarka.” Maxay tahay sababta haweenka oo keliya loogu sheego diinta? Miyeysan diintu u soo dagin noolaha oo idil?

 

Waxaa wax lala yaabo ah in dumarku yihiin kuwa bixiya dhaqaalaha ugu badan ee ay wadaaddada Wahaabigu heystaan. Haddana cayda iyo yasmada ay haweenka u hayaan laga dheehan karo goobaha ay ka hadlaan. Taariikhda wadaaddada wahaabiyada Soomaaliyana weli laguma hayo gabar ka aflaxday oo noqotay shiikhad diin loo doonto. Maxay tahay sababta ay ku dhacday in afartan sano oo duruus iyo wacdi ah aan weli geyiga Soomaaliyeed lagu hayn hal gabar oo wadaad ah oo la yaqaan?

 

Mar aan booqdey Nairobi waxaan ku arkey ganacsiyo badan oo waaweyn oo dhaqaale badan ka soo xaroodo oo wadaaddo bulshadu aad u aamminsan yihiin ay leeyihiin- Nairobi waa tusaale  laakiin arrinku iyada oo keliya kuma koobna. Waxaana in la is weydiiyo mudan sida ay ku dhici karto in rag badan oo aan shaqo subaxna u kallihin ay ku samayn karaan dhaqaale boqolaal kun oo dollar gaaraya? Jawaabtu waa caddahay oo dumarka Somaliyeed ayaa intii cadaab lagu cabsi galiyey looga qaadey in masjidyo iyo goobo cibaado lagu dhisi doono, ka dibna dhaqaalihii loo weeciyey in loo yeesho si gaar ah.

 

Raggu waa kuwa inta badan dhibaatooyinka bulshadeena la harey sameeyey, sida dagaallada qabaa’ilka dhexmara, dhaca, kufsiga sababeyna in aan qaxno, badaha iyo saxarahana ku le’ano.

Waligaa wadaad xume ka maqli meysid isagoo ka digaya dhibkaas, waxaaba inta badan dhacda in uu yiraahdo “Halaagga ummadda ku dhacay waxaa u sabab ah gabar heestey ama timaheeda qaawisey”, waxaad mooddaa iney dhowrayaan dhaqaale yar oo dumarka dhankooda ka yimaada si ay u joojiyaan waxaad arkeysaa kii oo qeylo iyo oohin iska soo gooyey, kana dhigaya in qiyaamihii soo dhowaadey. Waxay ku celceliyaan in dumarku naarta u badan yihiin. Sidee taa ku dhici kartaa? Miyeysan Eebbe magacyadiisa quruxda badan ka mid aheyn Caadil? Sidee iyadoo dhibka ugu badan rag ka dambeeyaan uu Alle cadaabta ugu badiyey haweenka?

 

Haddii shaley aan idinka dhageysan jirney wax walba oo aad noo sheegtaan idinkoo cabsi iyo cadaab nooga qaadaya xitaa dahabka aan xiran nahay, maanta waan ku baraarugney dibindaabyadiina, waxaana dumarka Somaliyeed u soo baxay dad wax bartey. Waan ogahay oo waxaad jeclaan leheydeen inaan waligeed xeyndaabkiina laga bixin, balse sida aad u bahdisheen hablaha oo iyagoo yaryar aad carmal uga dhigteen idinkoo xagga caqliga ka adoonsanaya waa laga xoroobi doonaa, wadaad xumana intii aan aaqiro la gaarin waa lala xisaabtami doonaa. Taariikhduna wey qori doontaa si aan mugdigaa mardambe inoogu soo noqon.

 

Waan garanayaa oo dumar badan ayaa qeylin doona iyagoo aaminsan inaan raggii ambiyad  Alle dhaxlay aan meel uga dhacay, balse waxaa xaqiiqo ah in maalin uun ay fahmi doonaan godka lagu ridey iyo sida loogu diidey iney yihiin qeyb bulshada ka mid ah, iyagoo loogu andacoonayo iney yihiin “daciif caqli naaqus ah”, ayna tahay ineysan qolka hurdada iyo madbaqa “jikada” dhanna u dhaafin.

 

Guushu wey dhow dahay haddii Eebbe idmo.

 

Suubban Saxardiid

suubbansaxardiid@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

*

code