Eebbe kulama dhalan!

Marka laga yimaado diimaha waaweyn sida Masiixiyadda, Islaamka, Hinduusiyadda iyo Buudiyadda, dunida waxaa ka jira kumanyaal kale oo diimood. Diimahaas kala duwan ee dunida ka jira badankoodu waxay u sii kala baxaan madaahib iyo firqooyin kala geddisan oo mid kastaa diimaha iyo firqooyinka kale ay gaalnimo ku xukumayso. Taa waxaa dheer, in ay jiraan dad tiradoodu ay bilyan gaarayso oo aan diin go’an ku abtirsan, kuwaas oo isugu jira mulxidiin, kuwo shakisan (Laa-adriyiin ama agnostic) iyo qaar aan jeclayn in ay diin go’an ku abtirsadaan (=الربوبيين).

 

Su’aalaha ugu waaweyn ee dadka badankoodu – haddiiba aan la oran dadkoo idil- ay isweydiiyaan waxaa ugu horreeya kuwa oranaya: Maxay tahay sababta keentay jiritaanka diimaha badan? Miyaan Eebbe mid qura ahayn? Maxaa dhacay oo Eebbe dadka oo dhan hal wax ugu sheegi waayey? Sidee ku ogaan karaa diinta saxda ah? Iyo weydiimo kale oo kuwaan la halmaala.

 

Alle la ma arko – ama ugu yaraan dadka badankoodu ma arkaan- sidaas oo ay tahayna erayga ‘Alle’ wuxuu ka mid yahay erayada ugu horreeya ee carruurtu bartaan. Maadaama aan Alle isha lagu arag, waxaa laga bixiyaa sawir qof kastaa uu goonnidiisa maskaxda uga sawirto. Sidaa darteed, waxaa lagu doodi karaa in aysan jirin labo ruux oo isku hal sawir Alle ka haysta- labada isdhalay, kuwa wada dhashay iyo kuwa isu dhaxaa Eebbe isku sawir kama haystaan.

Wadaaddada diimaha ee dadka Alle ugu hadal haynta badni, Alle dadka kale uguma aqoon badna, laakiin waxay u badan tahay in ay dadka ka been iyo munaafaqo badan yihiin. Waxaana la sheegaa in wadaaddada diimahu- siiba kuwa caqiidada bartaa- ay ugu horreeyaan dadka neceb waxa ay ku takhasuseen, sababtana waxaa lagu sheegay in ay og yihiin in ay difaacayaan wax aysan hubin. Haddaad aragto wadaad cod dheer oo si aftahannimo ku dheehan tahay Alle ku difaacaya, dadkana ugu yeeraya, ha u qaadan in qalbiga wadaadka iimaan ka buuxo, balse u badi in uu yahay nin biilkiisa dhacsanaya oo sheekada oo dhammi aysan takhasus iyo xirfad dhaafsiisnayn.

 

Buugta suugaanta Islaamku waxay xustaa sheeko sidaan loo tebiyo;

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Imaamkii Fakhrudiin Raasi oo xertiisii iyo dadweyne faro badani ay hareeraha ka socdaan wuxuu soo ag maray islaan meel fadhida, islaantii waxay la yaabtay tirada dadka la socda, waxayna jeclaysatay in ay ogaato qofka uu yahay ninka sidaan gadaal iyo hareeraha looga yaacayaa. Mid ka mid ah xertii Shiikha ayay weydiisay: maandhow ninkaani muxuu yahay? Xerowgii oo la yaabban in xaajiyaddu aysan Imaamka weyn aqoon u lahayn baa si coro leh wuxuu ku yiri: Ma Fakhrudiin Raasi baadan aqoon! Sidee baad u garan wayday caalimka weyn ee kunka daliil u keenay jiritaanka Eebbe! Habartii oo candhuufteeda dib u laqdayna ardaygii waxay ku tiri: “Maandhow wadaadku haddii uusan kumanyaal shaki qabi lahayn kumanyaal marag ah uma uusan baahdeen! /يا بني لو لم يكن عنده الف شك وشك ما إحتاج لألف دليل ودليل”.  Kolkii Imaamka dhacdada loo sheegayna wuxuu yiri: “Eebbow waxaan kaa barinay iimaan la mid ah iimaanka habraha /اللهم ارزقنا إيمانا كإيمان العجائز”. Islaamuhu Alle iyo awliyada kama shakiyaan, laakiin wadaaddadu aad bay u shaki badan yihiin.

 

Midda kale, aan ka soo qaadno in Alle dadka dunida ku nool oo dhan uu hal farriin oo isku mid ah uu u sheego. Markaana aan isweydiinno su’aasha ah, kolka Alle hadlo dadku maxay maqlaan?

Sida la og yahay, labo ruux ayaa waxay maqlaan hal sheeko oo isku mid ah waxayna kala baxaan labo macne oo aad u kala fog. Waxaan maqalnaa waxa aan doonayno in aan maqalno si aan duruufahayaga ugu salayno. Culumada cilmi-nafsigu (=psychologists) waxay rumaysan yihiin in aadamigu mar walba waxa ay maqlaan ay u fasiraan si waafaqsan khibraddooda nolosha iyo fikradda ay ka haystaan dunida ku hareeraysan. Waxaa kaloo la rumaysan yahay, in dadka badankoodu aysan wax u maqal si ay wax u fahmaan, balse ay wax u maqlaan si ay jawaab u bixiyaan –hana illoobin in labada eray ee ‘maqal’ iyo ‘dhegaysi’ ay leeyihiin labo macne oo kala duwan.

Sidaa darteed, dadka ku kala nool waqtiyada, deegaannada iyo dhaqamada kala geddisani Alle waxay u maqlaan si kala duwan iyada oo qof iyo qolo kastaa ay ka duulayaan dhaqamadooda iyo duruufahooda gaarka ah. Khasab ma aha in Alle kala duwan yahay, laakiin xaqiiqada jirta ayaa waxay tahay in dadku kala duwan yihiin, oo qof qof la mid ahi uusan jirin. Waxaana lagu dooday in qof kastaa uu Alle ka haysto sawir isaga u eg. Suufigii Abu Talib Al-Maki (386H=998C.D) ahaana waxaa laga wariyaa in uu oran jirey: “Kan cid la mid ahi aysan jirin waxaa arki kara oo keliya midka cid la mid ahi aysan jirin /لا يرى من ليس كمثله شيء، إلا من ليس كمثله شيء”.

 

Caadi ahaan, sawirka qofku Alle ka haysto wuxuu ka qaataa waayaha noloshiisha oo ay ugu horreeyaan sida loo ababiyo iyo waxa uu ka fahmo nusuusta buugga dadkiisu ay rumaysan yihiin. Tusaale ahaan, dadka haysta diimaha Ibraahiimigu – Yahuudda, Kirishtanka iyo Muslimiintu- kolka ay maqlaan erayga ‘Alle’ waxay sawirtaan tumaal farsamo-yaqaan ah. Waayo? Dadkaasi buugtooda muqaddaska ah waxay ka fahmeen in Eebbe yahay abuure, Aadan ka uumay dhoobo, Xaawana ka abuuray feercalaanta Aadan. Laakiin si taa ka duwan, dadka Hinduustu kolka ay maqlaan erayga ‘Alle’ waxay sawirtaan fannaan jilaa ah. Waayo? Hinduusta looma sheego in Eebbe abuure yahay, balse waxaa loo sheegaa inuu yahay jilaa cid asaagsan kartaa aysan jirin.

Dhanka kale, qof kasta oo koonka jooga tolkiis waxay u sheegaan in diinta qura ee saxda ah ee Eebbe raalliga ka yahay ay tahay midda ay iyagu haystaan, dhammaan diimaha kalena ay yihiin baadil iyo been la dhoodhoobay. Weydiinta ruuxa garaadka lihi uu isweydiin karaana waxay tahay: haddii diimaha kale oo dhammi aysan sax ahayn oo dad sameeyeen, maxaa diidaya in tan tolkayna ay bug tahay?

Waxaan filayaa in akhristayaasha badankoodu ay maqleen sheekadii dhexmartay raha iyo hanqaraaraca. Waxaa la yiri: maalin maalmaha ka mid ah ayaa rah wuxuu arkay hanqaraarac xarrago la tiicaya, dabadeedna isaga oo yaabban ayuu wuxuu isweydiiyey: War afar lugood baan maarayn la’ahay, oo middii aan horqaadi lahaa aan ku wareeraa ee sidee bay hanqaraaraca ugu suurogashaa inuu boqol lugood maareeyo, isaga oo aan ka fekerin lugta uu hor qaadayana uu sidaan quruxda badan ee halaasiga ah uu ugu laafyoodaa! Sidaa awgeed, rahii wuxuu istaajiyey hanqaraaricii, wuxuuna weydiiyey: War ninyahow waa kugu wareeray ee sidee baad u socotaa? Sidee u maaraysaa waxaan oo lugo ah?

Hanqaraaricii wuxuu yiri: noloshayda oo idil waan socday, laakiin arrinkaan kama aanan fekerin. Haddase maadaama aad I weydiisay, waa in aan ka fekeraa oo wixii jawaab ah oo aan helo aan kuu sheegaa. Dabadeed, weydiintii baa maanka hanqaraaraca xoogaa ku rafatay. War horta raha waa runtiise, lugtee baa la hor qaadaa? Tee baase la dib dhigaa? Arrinkii buu cabbaar rogrogey, ka dibna wuu kacay si uu u dhaqaaqo, laakiin ha sheegin, wuu dirgan waayey, markuu socod u holladaba waa gariiraa, oo durba kufaa. Intaa ka dib wuxuu ku soo jeestay rahii, wuxuuna ku yiri: Fadlan hanqaraarac kale su’aashaan ha weydiin. Noloshayda oo dhan waa socday weligayna dhib kuma qabin, laakiin hadda markaad I weydiisay waa anigaas dhaqaaqi la’, oo waxaan garan la’ahay boqolka lugood middii aan hor qaadi lahaa iyo sidii aan u kala maamuli lahaa!

Dhab ahaantii, si la mid ah sida hanqaraarucu uusan lugihiisa wax isaga weydiin ayaa  dadka badankooduna aysan wax isaga weydiin diinta iyo dhaqanka ay waalidkood ka dhaxlaan. Haddii dadku wax iska weydiin lahaayeen sababta dhabta ah ee keentay kala duwanaanta diimaha dadku haystaan, waxay ogaan lahaayeen in ay tahay sabab u noqonaysaa taariikhda iyo joqoraafiga. Caadi ahaan, dadku diinta ay ku abtirsadaan si xor ah oo aqoon iyo istikhyaar ku dheehan yihiin kuma doortaan, laakiin taariikhda iyo joqoraafiga ayay ka dhaxlaan. Diinta qofku haysto waxaa u sabab ah inuu waqti go’an meel go’an ku dhashay. Tusaale ahaan, in akhristaha dhigaalkaani uu Muslim yahay waxaa ka masuul ah in aabbe iyo hooyo Soomaali ahi ay ku dhaleen wixii ka danbeeyey intii Soomaalidu diinta islaamka qaateen. Haddii aabbe iyo hooyo diin kale haystaa ay ku dhali lahaayeen waxay u badan tahay in aad diin kale haysan lahayd. Si taa la mid ah, haddii aad Soomaaliya ku dhalan lahayd ka hor intii aan diinta islaamku geyiga Soomaalida imaan waxay u badan tahay in aad diin kale haysan lahayd. Arrinkaasi ma aha mid adiga kugu gaar ah ee aadamiga badankiisa ayaa kula wadaaga. Marka fadlan, iimaan taariikh iyo joqoraafi lagu mutay dadka ha ugu faanin, hana oggolaan in adiga cidi kuugu faanto.

 

Waxaa intaa dheer, in dadka yar ee faro ku tiriska ah ee diin diin kala ku beddeshaa- sida muslimiinta masiixiga noqda ama masiixiyiinta muslima- aysan dhab ahaantii xaqiiqo xaqiiqo kale ku doorsan, balse ay astaamo iyo dhaqan mid kale ku beddashaan –sida in ay Jimce iyo Axad kala doortaan, ama tusbax iyo macatab kala jeclaadaan, ama buug mid kale ka doortaan, ama digri mid kale ka xiiseeyaan,…iwm. Dadka diinta beddeshaa kama duwana ruux waalidkiis iyo tolkiis nacay, oo doonayo in uu waalid iyo abtirsi cusub samaysto. Marna xaqiiqo isbeddeshay meesha ma taal.

 

Diimaha caqli laguma rumeeyo, balse dareenka qalbiga ayaa lagu raacaa, oo in la rumeeyo diin iyo kitaab muqaddas ah waxaa u sabab ah in la jeclaado. Iimaanka caqli laguma gaaro balse jacayl qalbiga ah ayaa lagu hantaa. Xaqiiqada biyo kama dhibcaanka ahina waxay tahay in aysan jirin diin la fahmi karo jeer laga rumeeyo, oo diinta fahankeeda iyo rumaynteeda waxaa horreeya rumaynteeda. Kaftan dhablaha waayeelkuna waa kan yiraahda: “Waa rumaynayaa maxaa yeelay waa waalli cas /I believe because it is Absurd.” Iyo midka kale ee yiraahda: “Waa  rumaynayaa bal in aan fahmo /I believe so that I may understand.” Waxaa Kaloo la yiri: “In aad muumin tahay macnaheedu waa in aad runta xasaasiyad ka qabto / To be believer is to be sensitive to reality.” Bilmatel, haddii wiil gabar jeclaado ama gabari wiil jeclaato, waa adagtahay in wiilka iyo gabadha wax jeclaaday laga dhaadhiciyo in ruuxa ay jeclaadeen uu foolxun yahay ama iin kale uu leeyahay. Waayo? Waa tii Soomaalidu horay u tiri: “laabi labo u la'”.

Sidaas oo ay tahay, haddana ma jirto cid diyaar u ah in ay Alle wax ka bixiso oo la la wadaago, oo qolo kastaa waxay ku andacoonaysaa in diintooda oo keli ahi ay tahay midda saxda ah, iyaguna ay yihiin qolada qura ee Eebbe doortay ee jannadiisa galaya, xaaladduna waa “Qalanjo qaybsami waydey”, oo qof iyo qolo kastaa Alle iyaga uun baa isu raba.

 

Haddaba maxaa xal? Sidee dunidaan tuulada yar noqotay loogu wada noolaanayaan?

Waxaa la rumaysan yahay in dadka badankoodu aysan diin la’aan nolol wanaagsan ku noolaan karin –waayo dadka badankoodu janno ayay hunguriyeeyaan, cadaabna waa ka cabsadaan. Sidoo kale waxaa la rumaysan yahay in Alle uusan aadami la’aan jiri karin, oo aadamigu ay yihiin kuwa Alle abuura. Haddaba Alle iyo aadamigu waa isu baahan yihiin ee sidee baa dadku Alle ku heli karaa, Allena aadami ku heli karaa iyada oo aan la is nicin, seefahana la iska aslin???

 

Nebiga (scw) waxaa laga wariyaa in uu yiri: “Jannada ma galo qofka qalbigiisa wax yar oo kibir ahi uu ku jiro /لا يدخل الجنة من كان في قلبة مثقال ذرة من كبر”, waxayna ila tahay in uusan jirin kibir ka weyn in qof iyo qolo isu haystaan in Eebbe iyaga oo keli ah uu la hadlo, iyaga oo keli ahina ay jannadiisa galayaan. Waa yaabe Eebbe ma hanta gaar loo leeyahay baa???

Waxaa la wariyey in dabshidkii 2006dii, ay Mudane Barack Obama iyo siyaasiga Sam Brownback oo tartan ka dhexeeyey ay munaasabad ka wada qayb-galeen. Intii munaasabaddu socotay Brownback wuxuu dareemay in laga eexday oo Obama si gaar ah loo soo dhaweeyey, looguna sacbiyey. Sidaa awgeed, wuxuu goostay in uu mar uun ka aarsado. Maalin danbe, ayaa Sam Brownback oo lagu tiriyo siyaasi kaniisadda iyo wadaaddada ka ag dhow iyo Obama oo lagu muran san yihiin diinta uu aamminsan yahay- haddiiba ay jirto mid uu aamminsan yahay- waxaa lagu martiqaaday munaasabad Kaniisad gudaheed ka dhacaysey oo looga hadlayey cudurka HIV-Aids. Sam wuxuu is tusay in uu haysto fursad qaali ah oo uu Obama uga aargoosan karo. Kolkii makarafoonka lagu soo dhaweeyeyna isaga oo Obama la hadlaya ayuu wuxuu hadalkiisii ku daray in uu yiri: halkaani waa meel ka duwan meelaha kale “Ku soo dhawow gurigayga /Welcome to my house.” Obama oo lagu tilmaamo in uu yahay nin garasho leh oo aan si fudud hadal loogu duurxulin, durba wuxuu ugu jawaabay: “Sam, kani sidoo kale waa gurigayga. Kani waa guriga Alle /Sam, this is my house too. This is God’s house.” Alle iyo guryihiisana lama kala xigo, oo kulligood nuxnuxda Alle ayaa lagu hayaa sida Monika Bulaj ay ku caddaysay buuggeeda ‘Where Gods whisper’.

Monika Bulaj waa saxafiyad carruurnimadeedii ku taami jirtey in ay noqoto shiikhad Kaatolig ah, laakiin markii ay garaadsatay ay waayuhu bareen in diimuhu waxa ay wadaagaani ay ka badan yihiin waxa ay ku kala geddisan yihiin, kuna qanacday in: “waxa muhiimka u ahi uusan ahayn Alle, balse Alle oo aadami weheliyo /With time, I understood that what is interesting to me is not God- but God in people.”

 

Oraah caan ah oo ay yaqaannaa dadka daneeya mawduucyada falsafadda diinta iyo isbarbardhigga diimaha ayaa waxay tiraahdaa: “Haddii aad Budda waddada kula kulanto, ka takhalus /If you meet the Buddha on the road, kill him”. Sida la dareemi karo oraahdu in cid la dilo fari mayso, balse waxay na baraysaa in aynaan isku dayin in aan noqonno cid iyo wax aynaan ahayn, balse aan isku dayno in aan wax isweydiinno, iskuna hawlno in arrimaha runtooda aan ka sal gaarno.

 

Caqli ma aha in la rumeeyo sawir maanka laga sawirtay, dabadeedna uunka Alle lagu khasbo in ay kula rumeeyaan sawirka aad maankaaga ka sawiratay ee cid dhab ahaan kula wadaagtaa aysan jirin. Dunida waxaa soo maray hal Buuda, hal Muuse, hal Ciise iyo hal Maxamed. Suurogalna ma ah in qof iyo qolo kale ay noqdaan Buuda, ama Muuse, ama Ciise ama Maxamed, laakiin waxaa la awoodaa in dhammaantood wax laga barto, oo mid walba wax laga qaato waxna lagu diido. Markaana la helo Buuda, Muuse, Ciise, Maxamed iyo ikhyaar kale oo badan oo wax wadaagaya. Waxtarka huurigu waa in biyaha looga gudbo, kolka biyaha laga gudbana waa in laga dhaqaaqo huuriga. Kaalinka anbiyada iyo awliyaduna wax badan kama duwana kaalinka huuriga.

 

Isku soo duuboo, ruux walbaa waa in uu ogaado in Eebbe uusan isaga la dhalan, taasina ay ku bixiso in uusan Eebbe aadanaha kale ka xigsan ee uu wax uga oggolaado. Alle sida aad jeceshahay u sawiro una caabud, laakiin dadka kalena u oggolow in Allahood sida ay la noqoto ay u sawirtaan una caabudaan. Eebbe ka badan wax qolo gaar ahi ay qandaraas ku qaadato.

 

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil

sismail42@gmail.com

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

*

code