Eebbe Muslim Ma Aha!

 

Ku Allahoode, waxay soo tebiyeen in nin sarkhaansani uu waddo gooyey, dabadeedna uu qof waddada marayey weydiiyey su’aal ahayd: ” Waddada dhankeeda kale waa halkee?”, Qofkiina wuxuu ugu jawaabey: ” Dabcan waa dhankaas kale”. Markaana ninkii sarkhaansanaa wuxuu yiri: “Waa yaab, markaan dhanka kale ee waddada joogey waxaa la ii sheegay in dhankaani uu yahay dhanka kale!!!”.

Halka waddada dhankeeda kale ahi waxay ku xiran tahay hadba dhanka aan joogno. Si taa la mid ah diinta aan rumaysannahay waxaa u sabab ah meesha aan dunida uga dhalannay iyo wixii waaridkeen iyo bulshada aan la noolnahay ay nagu ababiyeen. Waxayna u badan tahay in haddii ruuxu ku dhalan lahaa meel aan ahayn halka maqaadiirtu ku beertay, uu colaadin lahaa dhaqanka iyo diinta uu hadda ku abtirsado, sida weynna u difaaco. Taasina waa macnaha dhabta ah ee xadiiska nebiga ee yiraahda: “Ubad kastaa wuxuu ku dhashaa dabeecadda (=isaga oo xaaran oo aan diimaha dadka haysan), dabadeed labadiisa waalid baa Yahuudi ama Masiixi ama Majuusi ka dhiga” (Dabcan sidoo kale ka dhiga Muslim ama Buudi ama Hinduusi ama Mulxid ama…, ama …, ama …).

Culumada islaamka badankoodu marka ay xadiiskaan sharraxayaan waxay ku macneeyaan in ilmo kastaa uu Islaamnimo ku dhasho. Runtii haddii Islaamnimada lagu macneeyo diimaha oo dhan, macnuhu sax buu noqon karaa, laakiin haddii lagu koobo diinta nebi Muxamed ku soo degtay oo keliya- sida dad badani ay jecel yihiin- waxaa ka dhalanaya macne khaldan oo caqliga iyo diinta labaduba ay diidayaan. Caqliga iyo waayo-aragnimada waxaan ku ogaanay in ilmuhu dhasho isaga oo aqoon, dhaqan iyo diinba ka xalan, oo la mid ah sidii xaashi cad oo wixii la doono lagu qori karo, waalidka iyo bulshada ilmuhu ku dhex koraana ay yihiin kuwa wax u laqina. Imaam Nawawi oo xadiiska sidaas u fahmeyna wuxuu yiri: “Ilmo kastaa wuxuu dhashaa isaga oo u diyaarsan in uu Islaamka qaato.” Ma aha isaga oo Muslim ah. Eebbana aayadda 78-aad ee Suuradda an-Naxal wuxuu ku yiri: “Alle wuxuu caloosha hooyooyinkiin idinka soo saaray idinka oo aan waxba ogayn/والله أخرجكم من بُطُون أمهاتكم لا تعلمون شئا “.

Diintu waa nooc carbin ah, qofkuna wuxuu diin ku abtirsadaa Kadib marka bulshadu ay aragtideeda u carbiso ( Ahristow bal adiga oo aan arrinka cid kale wax ka weydiin waxaad isku daydaa in aad la kaashato caqligaaga iyo qalbigaaga, jawaabta ay ku siiyaanna wax ku qaybso).

Afar sano ka hor baan galab maktabad ku tiil magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysiya waxaan ka iibsadey buug yar oo uu qoray wadaadka caanka ah ee Desmond Tutu oo cinwaankiisu yahay “Alle Kirishtan Ma Aha/ God Is Not A Christian: And Other Provocations” (Buugga waxaa ku jira qoraallo laga xulay khudbado iyo wacdi uu Mudane Tutu jeedinayey muddo afartan dabshid ka badan). Sida la wada ogsoon yahay Mudane Desmond Tutu sannadkii 1984 wuxuu ku guulaystey abaalmarinta Nobelka, taasoo uu ku mutaystay dadaalkii uu ku bixiyey la dagaallankii nidaamkii midabtakoorka ee ka jirey dalkiisa Koonfur Afrika.  Wuxuu kaloo guddoomiye u ahaa Guddigii Runta iyo Dib-u-heshiinta (Truth and Reconciliation Committee) ee la sameeyey ka dib baabi’intii nidaamkii midabtakoorka.

Galabtaas aan buugga gadanayo waxaan niyadda ka jeclaysanayey in Muslimiintu ay yeelan lahaayeen wadaaddo dareenka Mudane Tutu oo kale leh, oo kolkooda Muslimiinta u sheega in “Alle uusan Muslim ahayn”. Waxaana ii qorshaysnayd in fikradda buuggaas aan akhristayaasha Soomaalida la wadaago, balse ayaandarro taasi ma dhicin, oo in aan buuggaas wax ka iraahdo ha joogtee xataa kuma guulaysan in aan akhriskiisa si wanaagsan uga bogto, oo wahsi iyo hawlo adduunyo ayaan kaga mashquulay.

Xiisaha aan buugga u hayey waxaa u sabab ahaa in Mudane Desmond Tutu uu yahay wadaad Kirishtan ah, isla markaana uu si cad u leeyahay Alle Kirishtan ma aha. Dad badanna waxay is weydiin karaan su’aasha ah “Kirishtaannimo noocee ah buu rumaysan yahay?”. Qof ahaan, waxay ila tahay in Tutu uu yahay Kirishtan wanaagsan, dooddiisuna ay ka tarjumayso nuxurka diimaha- marka lagu daro diinta uu ku abtirsado ee Masiixiyadda- oo ah raxmad iyo caddaalad. Uma uu muuqdo ruux diintiisa ka shakisan, laakiin wuxuu ku qanacsan yahay in xaqu ka badan yahay wax hal qolo lagu koobo, Allena uu ka weyn yahay in uu qolo gaar ah Ilaah u noqdo, ama uu si goonni ah u la jirsado/safto, raxmadda iyo caddaaladda eebbana uunka oo dhammi ay u siman yihiin. Tutu wuxuu qalinka ku adkeeyey: “In lagu doodo in Alle ay Kirishtanka oo keli ahi ay gaar u leeyihiin, waxay Alle ka dhigaysaa mid aad u yar, macnaha dhabta ah ee weedhu xanbaarsan tahayna waa Alle cay. Alle Kirishtanka waa ka weyn yahay, wuxuuna daryeelaa uun Kirishtaanka ka badan.” Dadka Masiixiyiinta ah ee ka carooda dooddiisa ah in Alle uusan Kirishtan ahaynna wuxuu weydiiyaa su’aasha ah: “Ma noo sheegi kartaan waxa Alle ahaa ka hor inta uusan Kirishtanka noqon (= Ka hor inta aan diinta Kirishtanku imaan).

Diimuhu waxa ay wadaagaan baa ka badan waxa ay ku kala geddisan yihiin, waxa ay wadaagaanna waxa ugu horreeya jiritaanka Alle iyo qiimaha qofka bani’aadamka ah. Eebbana mar walba Eebbe ayuu ahaanayaa, haddii la caabudo iyo haddii aan la caabudin labadaba. Dhab ahaantii ma jirto cid taqaan xaqiiqada iyo diin keligeed sax ah, qof walibana wuxuu xaqiiqo iyo diin sax ah u yaqaan wixii dadkiisu u sheegaan. Tutu wuxuu si qeexan u yiri: “Qodobka iigu horreeyaa waa mid aad u fudud: meesha aan sida lama filaanka ah ugu dhalannay iyo joqoraafiga ayaa go’aamiya diinta iyo caqiidada aan qaadanayno“. Waxaana hubaa in uusan jirin qof garasho yar leh oo Tutu arrinkaas ku beenin kara. Isaga oo nagu baraarujinaya in Alle uusan aadanaha kala jeclayn, wuxuu yiri: Waa hubaal in Alle uusan Kirishtan ahayn. Isku si buu u daneeyaa uunkiisa oo dhan. Waxaa jirta sheeko Yahuudi ah oo sheegaysa in kadib dhacdadii Masaarida lagu qarqiyey Badda Cas ay Yahuuddu durba farxad la damaashaadeen, Eebbana uu ku canaantay ” Sidee bay ku dhacday in aad faraxdaan iyada oo ubadkaygii ay qarqoomeen?”.

Tutu wuxuu ku doodayaa in ahmiyadda iyo nuxurka diimuhu aysan marna abidkood is beddelin, laakiin si taa lid ku ah fahanka iyo tafsiirka dadku diimaha siiyaan ay si joogto ah isu beddelaan, maantana loo baahan yahay in wadaaddada diimaha kala duwani ay xoogga saaraan qiimaha nafta aadamigu ay leedahay iyo dhawridda dhulkaan aan ku wada dhaqannahay. Waxayna la tahay in colaadaha iyo nacaybka dunida ka jira la yarayn karo ka dib marka bulshada laga dhaadhiciyo murtida tiraahda: “Dadka u la dhaqan sida aad jeceshahay in ay kuula dhaqmaan.”

Diinta islaamkuna calaamadaha iimaanka qofka lagu garto waxay ku dartay in qofku dadka wanaagga la jeclaado, xumaha iyo dhibkana la necbaado, oo nebiga (SCW) waxaa laga wariyaa in saxaabigii Macaad bin Jabal (RC) oo weydiiyey in uu u sheego iimaanka ugu wanaagsan uu ku yiri: “… In aad dadka la jeclaato waxa aad naftaada la jeceshahay, lana necbaato waxa aad naftaada la neceb tahay/وأن تحب للناس ما تحب لنفسك وتكره لهم ما تكره لنفسك”

Qodobbada muhiimka ah ee Tutu uu buugga kaga hadlay waxaa ka mid ah; isu-dulqaadashada diimaha kala duwan, caddaaladda bulshada, is cafinta, dhawridda xuquuqda aadanaha, qaddarinta kala duwanaanta, u hiillinta kuwa itaalka daran, diididda gacan-ka-hadalka, dimoqoraadiyadda Afrika, loollanka Israaiil iyo Falastiin, iyo qaar kale oo badan.

Qoraallada noocaan ahina waxay ka qayb-qaadanayaan hoos u dhigga qabka beenta ah ee ay faafiyaan wadaaddada madax-falluuqa qaba ee har iyo habeen dhaleeceeya diimaha iyo dhaqamada ummadaha kale iyaga oo qiil ka dhiganaya in diintooda iyo dhaqankoodu ay yihiin kuwa keliya ee saxda ah. Dooddaas wadaadda ee yasidda, dulqaad la’aanta, nacaybka, umalka iyo gacan-ka-hadalka xanbaarsani waa midda keentay isqarxinta dhallinyarada jidbeysan iyo dagaallada jihaadka lagu sheegay ee maanta dunida aafeeyey, isla markaana galaaftay noloshii tobonnaanka kun oo dhallinyaro Muslim ah, ka dib markii laga dhaadhiciyey in ay la colloobaan diimaha iyo dhaqamada ummadaha kale.

Iyaga iyo Allahoode, waxay wariyeen in Nebi Muuse (CS) markii uu Alle la kulmay, uu ka baryey in uu ka badbaadiyo carrabka dadka oo uu sheegay in ay ku been-abuurtaan, oo wax uusan weligi oran ay ku nabaan. Markaana uu Eebbe ugu jawaabey: Muusow aad badbaaddide, horta anigu ma badbaadey?!.

Adiga dhowr sano bay kugu been abuurteen, anigase kumanyaal sano bay igu been abuuranayeen. Badanaa inta ay magacayga denbi ku galeen, oo wax aanan diin ka dhigin ay magacayga diin uga dhigeen!!!

Tutu isaga oo ka duulaya xikmadda tiraahda: “Aadanuhu waa la col wixii aysa aqoon/الانسان عدو ما جهل“, ayuu wuxuu ku baaqaa in isfahan iyo wadaxaajood la dhex dhigo dhaqammada iyo diimaha kala duwan: “Qaanso-roobaad waa qaanso-roobaad- waayo sida muuqata midabyadu waa kala duwan yihiin. Midabyada kala geddisan baa isu yimaada – dabadeed waxaad helaysaaqaansoroobaad.”

Hadal iyo dhammaantii, Alle Muslim ma aha, Masiixi ma aha, Yahuudi ma aha, Buudi ma aha, intaas iyo in ka badanba ma aha. Alle waa Alle, cidina goonni uma sheegan karto, taasina waa macnaha kelinimadiisa. Qof waliba wuxuu xaq u leeyahay in uu Alle Eebbihi u aqoonsado, laakiin qofna xaq uma laha in uu keligii Alle isku koobo, oo adaanaha kale uu ka xigsado. In aad iimaan la’aan noqoto waxaa ka xun in iimaankaagu uu xumaado, in aad dhagax caabuddana waxaa ka liita in aad uunka Alle dhagaxayso. Maxaa ka fudud in cid gaalo lagu tilmaamo, maxaase ka adag in muumin la noqdo. Nebigana (NNKH) waxaa laga wariyaa in uu yiri: “Midkiin ma rumayn jeer uu walaalkii la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay.”

Yaa walaalkaa ah? Marka aad cunsuriyadda, cuqdadda iyo nafjeclaysiga ka xorowdo ayaad garan kartaa cidda walaalkaa ah!!!

Halkaan kala socon qormo kale oo maqaalkaan xiriir la leh.

Cabdisaciid Cabdi ismaaciil

sismail42@gmail.com

 

One thought on “Eebbe Muslim Ma Aha!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code