Eebbe oo Turkiga ku sakaraadaya

 

Hor iyo horraan, aan akhristaha ku baraarujiyo in cinwaanka kor ku xusani uusan ahayn mid aan anigu leeyahay, balse uu yahay magac macallin Turki ahi uu u bixiyey cilmibaarid uu ka diyaariyey sida Turkida iyo diintu ay indhawaalahaan u kala xiriir furanayaan. Macallinkaan oo lagu magacaabo Volkan Ertit, kana tirsan jaamacadda Aksaray ee bartamaha Anatooliya, sannadkii hore ee 2018 wuxuu daabacay cilmibaarid uu cinwaan uga dhigay “Eebbe sidoo kale Turkiga ayuu ku dhimanayaa /God Is Dying in Turkey as Well”. Barafisoor Volkan Ertit baaritaankiisa wuxuu kaga faallooday arrimo badan oo muujinaya in qayb lixaad leh oo ka mid ah bulshada Turkidu ay diinta faraha ka qaadayaan ama ugu yaraan aysan sidii hore ugu dheggenayn.

 

Sanooyinkaan dambe, Soomaalidu dalka Turkiga aad bay ugu badanayaan. In Soomaalidu Turkiga ku badatana sababo dhowr ah baa loo aanayn karaa, laakiin sababta ugu mudan ee kuwa kale oo dhan dhextaalka u ahi waa sabab diini ah. Soomaalidu dalka Turkiga diin bay ugu xishaan. Turkigu ilaa heer waa dal nabad ah oo xasillooni ka jirto, dhinacyada aqoonta, dhaqaalaha iyo bulshadana ilaa heer horumar ka sameeyey. Soomaaliduna arrimaha nabadgelyada, waxbarashada, caafimaadka iyo dhaqaalahaba xisaabta ayay ku darsadaan, laakiin intaas oo dhan ka hor waxay xisaabta ku darsadaan in Turkigu uu yahay dal Islaam ah oo maxasta lagu aammini karo. Laakiin dad badan oo Soomaali ahi marka ay dalkaan yimaadaan waxaa qabsada wahan iyo u qaadan waa. Waxaa jira farqi u dhexeeya sawirka Soomaalida badankeedu ay ka haystaan islaamka Turkiga ka hor inta aysan imaan iyo xaqiiqada indhahoodu qabtaan kolka ay dalka yimaadaan. Qaar badan oo ka mid ahina goorta ay dalkaan yimaadaan waxay isweydiiyaan: Waa yaabe maxaa loo yiraahdaa Turkigu waa dal Islaam ah?!

 

Ruuxu kolka uu su’aashaas isweydiinayo ka uu duuli maayo aqoon gaar ah oo uu Islaamka u leeyahay, balse wuxuu isbarbardhig ku samaynayaa hummaag isagu/iyadu ay Islaamka ka haystaan iyo sida Turkidu ay ugu muuqdaan. Tusaale ahaan, waxay isbardhigayaan Islaamka Soomaalida iyo kan Turkida ama xataa kan Sacuudida iyo kan Turkida. Dadkaani waxa aysan ogayn in aysan jirin labo bulsho ama xataa labo qof oo isku si Islaamka u fahansan. Dabeecadda nusuusta diinta waxaa ka mid ah in siyaalo kala duwan loo macneeyo. Arrinkaasina diinta iin kuma aha ee qiimo iyo waxtar buu u kordhiyaa, waana sababta keenta in diinta cimrigeedu uu raago, oo muddo dheer lagu dhaqmo. Eebbe quraanka wuxuu ku sheegay in maalin kastaa ay si gooni ah tahay (=كل يوم هو في شأن). Soomaaliduna waa tan tiraahda: “Waagii baryaba waayihiisa leh.” Dadkuna casri kasta iyo meel walba oo ay ku nool yihiin, waxay ku garaad yihiin waqtigooda iyo deegaankooda, Eebbana waxay u arkaan, diintana u fasiraan hadba xaaladda ay markaas ku sugan yihiin.

 

Soomaalida qaarkeed si ay naftooda u qanciyaan darteed, waxay isugu sheekeeyaan in sababta xukuumadda Mudane Recep Tayyip Erdoğan ay Soomaalida ugu oggolaato in ay Turkiga degaan ay tahay isaga oo doonaya in haweenka Turkidu ay xijaabka kaga daydaan haweenka Soomaalida. Afartii bilood ee la soo dhaafay labo jeer baan la kulmay Soomaali sidaa isugu sheekaynaya. Soomaalida sidaa ku sheekaynayaa ma oga in bulshada Turkidu ay boqollaal sano xijaabka yaqaanneen, halka Soomaalidu ay xijaabka ka barteen kontankii dabshid ee ugu danbeeyey, gaar ahaan wixii qaranjabka ka danbeeyey. Soomaalidu waxay isku qanciyaan in Turkidu aysan islaamka aqoon u lahayn, iyagoo aan ogayn ama iska indhotiraya in Turkidu ay boqollaal sano Muslimiin ahaayeen, ugu yaraanna shan boqol oo sano ay dunida Islaamka u talinayeen.

Midda kale, Soomaali badan bay waxay la tahay in dowladda Turkigu ay Soomaalida si gaar ah ugu sed buriso. Waa dhab in ay jiraan Turki ka damqada dhibaatooyinka Soomaalida haysta. sidoo kale waa run in dowladda Turkigu ay gargaar bani’aadamnimo u fidisay Soomaali tabaalaysnaa iyo in ay isku dayday in mashaariic horumarineed ay waddanka ka fuliso. Iyo weliba in Turki isugu jira dowlad iyo shacab ay arday Soomaaliyeed deeqo waxbarasho ugu deeqaan. Marka intaa laga yimaado, ma jirto wax kale oo siyaado ah oo Turkidu ay Soomaalida u qabtaan. Soomaalida Turkiga yimaadaa iyaga ayaa waddanka dhaqaale soo geliya, oo Soomaalidu waddankaan waxay ku isticmaalaan qayb ka mid ah xoolaha Soomaaliya laga xado, cayrta waddamada galbeedka laga qaato iyo xoogaaga carabta Khaliijka laga xammaalo.

 

Yeelkadeede, in aan Eebbe dhiman waa mas’alo muuminka iyo mulxidka labaduba ay si fudud isugu raaci karaan. Maxaa yeelay muuminku wuxuu aamminsan yahay in Eebbe uusan dhalan ee uu abidki jirey, wixii aan dhalanna aysan dhiman.Si taa la mid ah mulxidku wuxuu rumaysan yahay in Eebbe uusan jirin, oo dhalasho iyo dhimasho toona aan laga filayn. Haddaba waa maxay sakaraadka iyo dhimashada Eebbe laga sheegayaa?

Sakaraadka ama dhimashada Eebbe waa sarbeeb ka tarjumaysa xoogaysiga calmaaniyadda iyo hoos u dhaca ku imaanaya ku dhaqanka diimaha. Waa fikrad biya dhaceedu uu yahay in dunida casriga ah ay doodda waranluhu ka guulaysanayo doodda wadaadka. Hadal haynta dhimashada Eebbe qarnigii 19-aad bay waddamada reer Galbeedka ka bilaabatay, laakiin dunida Islaamka dhowrkii dabshid ee u danbeeyey baa laga maqlay.

Eraybixinta ‘Dhimasha Eebbe’ waxaa loogu abtiriyaa feylasuufkii Jarmalka ahaa ee Friedrich Nietzsche (1844-1900). Nietzsche buuggiisa ‘Sidaas baa Saratustara u Hadlay /Thus Spoke Zarathustra”, isaga oo adeegsanaya carrabka Saraatustara ama Saraadashti ayuu wuxuu noo sheegayaa in Saraatustara markii uu ka soo degay buurtii uu tobanka sano dusheeda ku khalaaweynayey, uu kayn buurta hoosteeda ku tiil kula kulmay wadaad waayeel ah oo u sheegay in uu bani’aadamka neceb yahay, laakiin uu Alle jecel yahay. Saraadashtina kolkii uu maqlay hadalka wadaadka uu ku yiri: “Ii oggolow in aan dhaqso u baxo, anigu waxba kaama sito. Waxay kala tageen iyaga oo labaduba ay qoslayaan, goortii Saraadashti uu keligi noqdayna wuxuu iskula hadlay: Tani ma suurogal baa? Wadaadkaan waayeelka ahi in uusan kaynta ku maqal in Eebbe uu geeriyoodey?!”

 

Sidoo kale, dabshidkii 1882, Nietzsche wuxuu qoray buug uu u bixiyey ‘Cilmiga farxadda leh /The Gay Science or The Joyful Wisdon”, wuxuuna ku xusay sheeko gaaban oo loo yaqaan ‘Qisada ninka waalan’. Qisadaas dhexdeeda ninka waalani wuxuu ku doodayaa in Eebbe uu dhintay dadkuna ay yihiin kuwa dilay. Nietzsche sheekada wuxuu ku bilaabay sidatan;

 

“Miyaadan maqal ninkii waalnaa ee dharaarta cad inta feynuusta shitay suuqa tagay isaga oo ku qaylinaya ‘Ilaah baan baadigoobayaa! Ilaah baan raadinayaa!’

Xilligaas, suuqa waxaa dhoobnaa dad badan oo aan ilaah rumaysnayn oo aad ugu qoslay, mid ka mid ah baana yiri: Oo miyuu lumay? Mid kale ayaa isaguna yiri: Ma sida ilmo carruur ah buu waddada uga ambaday? Mise wuu dhuumanayaa? Miyuu naga cabsanayaa? Ma badduu ku sadcaalay? Ma qaxay? …. Sidaas bay qosol iyo qaylo isugu jiibiyeen.

Ninkii waalnaa dadkii buu ka dhexbooday, indhaha ayuu la wada raacay, wuxuuna ku baroortay “Meeyey Ilaah? Aniga ayaa idiin sheegaya. Annaga ayaa dilney … Idinka iyo aniga. Annaga oo idil baa ah kuwa dilay. Laakiin sidee baan u dilnay? …”

Intaa ka dib, Nietzsche isaga oo adeegsanaya carrabka ninka waalan ayuu wuxuu isweydiinayaa su’aalo waaweyn oo uu ku muujinaya miraha ka dhalanay dhimashada Eebbe, wuxuuna leeyahay: “Sidee baan badda u fuuqsannay? Yaa na siiyey isbuunyada aan ku angajiney tan iyo ili-kuwareentayda? Maxaan samaynayney markii aan dhulka iyo qorraxda xiriirka u kala jarnay? Xaggee bay hadda u dhaqaaqaysaa? Xaggee baan u dhaqaaqaynaa? …Kor iyo hoos weli ma kala jiraan? … Miyaan waqtigu habeen joogto ah noqonayn? Miyeynaan u baahanayn in barqadii aan feynuus shidanno? Miyeynaa weli maqlayn shanqarta kuwa xabaasha qodaya ee Eebbe aasaya? Miyuusan weli noo urun qurunka meydka Eebbe? Ilaahyadu sidoo kale, waa ay qurmaan. Ilaah waa dhintay. Ilaah waa meyd. Annaga ayaana dilnay. … ”

 

Nietzsche kuma uu faraxsanayn dhimashada Alle, laakiin waxaa ku faraxsanaa dadkii suuqa joogay, oo waa iyaga kuwa geeridiisa ku qoslay. Nietzsche waxaa dhalay aabbe wadaad ahaa oo kaniisad maamuli jirey, isaga qudhiisana yaraantiisii waxaa loo diyaariyey in uu wadaad noqdo, waxaana loogu yeeri jirey naynaasta ‘wadaad yare’, oo uu ku mutaystay sida quruxda badan ee uu Baybalka u akhrin jirey. Nietzsche oo buugtiisa midkood Voltaire u hibeeyeyna, waxaa la hubaa in uu maqlay oraahda Voltaire ee tiraahda: “Eebbe xataa haddii uusan jirin waa in la ikhtiraaco.” Sidaa awgeed, Nietzsche si fiican buu u dareensanaa xanuunka dhanka nafsadda ah ee ka dhalanya geerida Eebbe. Wuxuu ogaa in dadka badankoodu ay Alle iyo diinta ka dhigtaan dhufeys ay waallida uga dhuuntaan.

 

Nietzsche isaga oo ay maskaxdiisa ka guuxayso weydiinta ku saabsan sida dadku ay u noolaanayaan geerida Alle kaddib, welina isticmaalaya carrabka ninka waalan ayuu dadka u soo jeedinayaa fikrad ah: Maadaama annagu aan nahay kuwa Eebbe dilay, waxaa na looga fadhiyaa in aan buuxinno kaalinka Eebbe uu banneeyey, oo aan qabanno hawlihii Eebbe uu qaban jirey intii uu noolaa, sida in nolosha macne loo yeelo iyo in loogu noqda kala garashada samaha iyo xumaha (=akhlaaqda).

Dad badan ayay waxay la tahay in haddii jiritaanka Eebbe uu meesha ka baxo, ay akhlaaqduna meesha ka baxayso. Dadkaan waxay la tahay in Eebbe uu yahay kan saxa iyo khalad noo sheega, isla markaana ka biqidda ushiisa (=cadaabta) iyo jacaylka karootadiisu (=jannada) ay yihiin waxa dadka ku bixiya in ay akhlaaq suubban yeeshaan. Abwaankii Fydor Dostoevsky oo Nietzsche uu ku sheegay in uu yahay nin uu wax ka bartayna waxaa laga hayaa in uu yiri: “Haddii Eebbe dhinto, wax walba waa la fasaxaa /If God is dead, then everything is permitted.”

 

Nietzsche isaga oo dooddaas maanka ku haya ayuu wuxuu xusay sheekada lagu magacaabo ‘Hooskii Buuda”. Nietzsche wuxuu yiri: “Ka dib markii Buuda uu geeriyooday, hooskiisa ayaa weli boqolllaal sano lagu arkayey godka -wuxuu ahaa hoos weyn oo laga argagaxo. Eebbe waa dhintay; laakiin marka loo eego sida dadku wax u arkaan, weli kumanyaalka sano ee soo socda waxa jiri kari doona godad hooskiisa laga arko. -Annaguna weli waxaan u baahannahay in aan godadkaas u duminno -si la mid ah sida aan Alle u dilnay oo kale.” Nietzsche waxay la ahayd in aadamigu uu qaangaari doono, oo uu noqon doono insaan kaamil ah (= dhammaystirin) oo ka xorooba akhlaaqda addoonta ee ku dhisan cabsida iyo damaca (=Übermensch/Overhuman). Wuxuuna ku dooday in ruuxda aadanuhu si ay u xorowdo darteed ay marto saddex marxaladood oo uu u kala bixiyey; marxaladda ratiga, marxaladda libaaxa iyo marxaladda cunugga (=ilmaha). Qofku si uu dhab ahaan ugu dhasho wuxuu u baahan yahay in uu ka gudbo marxaladda ratiga iyo midda libaaxa.

 

Ninka waalani wuxuu ku baraarugayaa in aan cidna soo dhaweyn soo jeedintiisa, balse lagu wada eegayo indho ay didmo ka muuqato. Markaasna inta feynuusta iska xooro ayuu wuxuu isugu jawaabayaa: Sida muuqata “waan soo degdegay, weli waqtigaygii lama gaarin.” Hadalkaas oo macnihiisu yahay in uu dadka ku leeyahay: Hadda ma aad fahmaysaan waxa aan idin leeyahay, laakiin waxaa imaan doona waqti aad garan doontaan waxa aan maanta idiin sheegayo.

 

Nietzsche oo la sheego in labada walxaad ee uu dunida ugu necbaa ay ahaayeen kaniisadda iyo khamrada, lagana hayo in uu yiri: “Kama helo cabbidda khamrada. Hal galaas oo khamro ama biir ah baa maalintii iigu filan in uu noloshayda u rogo tog illin ah.” Si kaftan dhable ah ayuu dadka Jarmalka wuxuu ugu oran jirey: Waxaad i fahmi doontaan kolka aad cabidda biirta iska yaraysaan (Falaasifo badani waxa ay qabaan in Nietzsche uusan necbayn Ciise Masiix, laakiin uu necbaa kaniisadda iyo wadaaddada ku adeegta).

Sida la wariyey ninka waalani isla maalinkii wuxuu ku wareegay kaniisadaha isaga oo geerida Alle ka tacsiyeynaya, kolkii kaniisadaha laga wada cayriyeyna wuxuu ku qayliyey: “Maxay yihiin kaniisadaha hadda jiraa haddii aysan ahayn qubuuraha iyo xabaasha Alle?”

Waxaa muhiim ah in maanka lagu hayo, in dadka Nietzsche uu sida tooska ah u la hadlayey ay ahaayeen bulshada Jarmalka iyo guud ahaan dadka diinta Kirishtaanka haysta. Dadka diintaan haystaa waxay rumaysan yihiin in Nebi Ciise uu ahaa ina Ilaah ama Ilaah la diley, laakiin dib ka soo noolaaday, ifkana uu dib ugu soo laaban doono si uu aadanaha u badbaadiyo, qiyaamuhuna ay dhici doonto soo noqoshadiisa ka dib. Nietzsche isaga oo fikradahaas ka duulaya ayuu wuxuu dadka u sheegayaa in Ilaah uu dhintay, dadkuna ay yihiin kuwa dilay, soo noqosho iyo qiyaame la sugayaana aysan jirin.

 

Nietzsche dhimashada Eebbe wuxuu u adeegsaday si uu tusiyo calmaaniyaddii qarnigii 19-aad Yurub ku xoogaysanaysay ee keentay in dadku aysan diinta dan iyo heello ka gelin, ayna ku mashquulaan danahooda adduunyada -cilmi, dhaqaale, bulsho iyo siyaasad- iyaga oo naftooda ku tashanaya, Alle iyo anbiyana aan wax ka sugayn. Nietzsche wuxuu kaloo cabbirayaa dareenka argagaxa iyo baqdinta leh ee dad badani ay dareemaan marka ay maqlaan doodda sheegaysa in ilaah uu dhintay ama markii horeba uusan dhalan/jirin.

Dadka qaarkoodna waxay ku doodaan in labada weerood ee maaddada falsafadda loogu hadal haynta badan yahay ay kala yihiin; weedha Kant ee tiraahda: “Waan fekeraa, sidaa darteed waan jiraa /I think, therefore I am” iyo tan Nietzsche ee saadaalinaysa in Eebbe uu xijaabtay.

 

Sida dhabta ah, Nietzsche wuxuu ka qaybqaatay faafidda fikradda, laakiin eraybixinta iyo fikradda midna isagu ma leh oo dad badan baa uga horreeyey. Tusaale ahaan, reer Galbeedka qaarkood waxay rumaysan yihiin in qofkii ugu horreeyey ee laga maqlo in Eebbe uu dhintay ay ahayd afadii wadaadkii Jarmalka ahaa ee Martin Luther (1483-1546). Sida la sheego, xilli wadaadku uu aad uga niyad jabsanaa waxqabadkiisa, ayuu maalin wuxuu arkay xaaskiisa oo xiran maryo madow oo u eg kuwa ay xirtaan dumarka asayda sidaa. Goortii uu weydiiyey sababta ay maryaha madow u xiran tahayna, waxay ugu jawaabtay: “Markaan arkay sida aad u tiiraanyaysan tahay baan waxaan u qaatay in Eebbe uu dhintay.” Luther oo fahmay ulajeeddada xaaskiisuna wuxuu go’aansaday in uusan quusan inta uu rumaysan yahay in Eebbe uu noolyahay, durbana wuxuu dib u bilaabay halgankiisii ku aaddanaa dib-u-habaynta diinta Masiixiga.

 

Sida loo badinayo, Nietzsche fikradda dhimashada Eebbe wuxuu kala baxay dhigaallada saddex nin oo kala ah; Charles Darwin (1809-1882), feylasuufkii Jarmalka ahaa ee Hegel (1770-1831) iyo abwaankii Ruushka ahaa ee Fydor Dostoevsky (1821-1881) oo Nietzsche uu ku tilmaamay in uu yahay saykolojiistaha qura ee wax laga baran karo. Tusaale ahaan, Dostoevsky buuggiisa ‘Shayaadiinta /Demons” wuxuu ku leeyahay: “Ilaah waa xanuunka geerida laga baqo. Cid kasta oo ka adkaata xanuunka iyo cabsidu iyada ayaa Ilaah noqota.” Wadaaddada diimaha oo dhan -siiba kuwa Yahuudiyadda, Masiixiyadda iyo Islaamkuna- waxay og yihiin in damaca iyo baqdintu ay yihiin tiirarka diimuhu ay ku taagan yihiin, haddii labadaas qodob la waayana ay meesh ka baxayso danaynta dadku ay diinta daneeyaan. Baqdinta iyo damaca ayaa ah kuwa qofka Alle iyo aadmiba u addoomiya.

 

8dii bishii Abril 1966, majallada caanka ah ee ‘Time’ waxay daabacday maqaal lagu tilmaamo in uu yahay kan ugu caansan dhammaan maqaallada ay daabacday. Wuxuu ahaa maqaal cinwaankiisa qaab su’aal ah loo dhigay, oo akhristayaasha lagu weydiiyey su’aal oranaysa: “Eebbe ma dhintay?” Maqaalkaas oo dhaliyey dood muddo dheer socotay, welina aan dhammaan, waxaa lagu yiri: “Eebe ma dhintay? Su’aashaan saddexda eray ka koobani waa mid isku si u mihinaysa labo qolo, muuminiinta oo malaha si hoose uga baqaya in jawaabtu ay ‘haa’ tahay, iyo mulxidiinta oo tuhunsan in jawaabtu ay ‘maya’ noqon karto.”

Farriimaha waaweyn ee maqaalku siday waxaa ka mid ahaa baahida loo qabo in dib loo qeexo macnaha la siinayo ‘Alle’ iyo saamaynta cilmiga iyo calmaaniyaddu ay ku yeelan karaan diimaha. John T. Elson oo ahaa saxafigii maqaalka tafatirayna waxaa laga sheegay in uu yiri: “Calmaaniyadda, sayniska, iyo ku noolaanta magaalooyinka waaweyni, dhammaantood qofka casrigaan waxay u sahleen in uu isweydiiyo meesha Eebbe uu jiro, waana su’aal wadaaddadu aysan u hayn jawaab xataa naftooda ay ku qanci karto.”

 

Siday ahaataba, waxaa loo badinayaa in aan weli lahayn jawaab dhab ah oo laga bixiyey weydiinta maqaalka. Waxaana lagu dooday in jawaabta ugu wanaagsan ee laga bixin karaa ay tahay in la yiraahdo: Arrinku wuxuu ku xiran yahay waxa laga wado “Eebbe” iyo “Dhimasho.” Suufigii gabyaaga ahaa ee Maxamed Iqbal (1877-1938), oo lagu tilmaamo aabbaha ruuxiga ah ee dalka Bakistaan, kana mid ahaa aqoonyahannada dunida Islaamka ee aadka u akhriyey dhigaallada Nietzsche, isaga oo aad mooddo in uu horay uga jawaabay su’aasha majalladda, ayuu wuxuu yiri: “In badan asxaabtaydu waxay i weydiiyaan ‘Ma aamminsan tahay jiritaanka Eebbe?’ Waxaan u malaynayaa in aan xaq u leeyahay in aan ogaado macnaha erayada loo adeegsaday su’aasha ka hor inta aannan ka jawaabin. Saaxiibbaday waa in ay ii macneeyaan waxa ay ula jeedaan “rumayn”, “jiritaan” iyo “Eebbe”, gaar ahaan labada dambe, waa haddii ay doonayaan in looga jawaabo weydiintooda. Waxaan qirayaa in aannan fahmin erayadaas; mar kasta oo aan hubso is iraahdaana, waxaan ogaadaa in iyaguna aysan fahamsanayn erayadaas.” Boqollaal sano Iqbaal ka horna, wadaadkii St. Thomas Aquinas baa wuxuu yiri: “Ma ogaan karno waxa Eebbe uu yahay, laakiin waxaan ogaan karnaa waxa uusan ahayn /We cannot know what God is, but rather what he is not.”

 

Sida aqoonyahannada qaarkood ay qabaan, Maxamed Iqbaal wuxuu ka welwelsanaa in warka dhiillada leh ee Nietzsche uu ka keenay diinta Masiixiga ee sheegaya in Eebbe uu dhintay oo kale uu ku yimaado diinta Islaamka. Si taa looga gaashaantana, Iqbaal wuxuu xal u arkay in diinta dib-u-habayn lagu sameeyo. Waana arrinkaas midka uu dadaalka ugu badan ku bixiyey, kana qoray buugga lagu tilmaamay in uu yahay kan buugtiisa oo dhan ugu culus. Waa buugga uu u bixiyey “Dib-u-qaabaynta Afkaarta Diinta Islaamka /The Reconstruction of ReligiousThought in Islam.” Iqbaal mar uu ka jawaabayey sababta ku bixisay in uu mawduucaan ka hadlo, wuxuu yiri: Islaamka waxaa dusha ka fuulay qalfoof khuraafaad ah, waxaana doonayaa in aan qalfoofkaas ka sifeeyo.

Hadalkaan waa in aan loo qaadan in Iqbaal uu ka duulayey doodda Nietzsche oo qura, maxaa yeelay Iqbaal aad buu intaas uga mug weynaa, wuxuuna ahaa nin bari iyo galbeed labadaba u arooray, oo waro badan ka waraabay. Wuxuu ahaa nin si wanaagsan u fahmay falsafadda Galbeedka, laakiin intaa ka hor wuxuu si fiican u dhuuxay aqoonta Islaamka iyo tan reer Bariga. Sida la caddeeyey, Iqbaal Quraanka ayuu aad u akhrin jirey, wuxuuna lahaa labo halyey oo ku weynaa oo kala ahaa nebi Maxamed iyo suufigii Beershiyaanka ahaa ee Mowlaanaa Jalaaludiin Ruumi (1207-1273).

 

Nebi Muxamed (scw) wuxuu ahaa nebiga qura ee samada tagay isaga oo weli nool, kana soo noqday. Anbiyada kale oo dhammi samada waxay tageen markii ay dhinteen ka dib. Waxaa taa dheer, in nebigu safarka uusan keli ku ahayn ee uu weheliyey faraskiisii baalasha lahaa. Sidaa awgeed, nebi Maxamed wuxuu ahaa nin samada iyo dhulka labadaba ka war haya, islaamkuna ilaa heer wuxuu isku dayey in Muslimku uusan adduun iyo aakhiro midna ku qadin. Iqbaal oo xaqiiqadaas ku baraarugsanaa wuxuu yiri: Masiixiyaddu Alle waxay ku qeexday in uu yahay ‘jacayl’, islaamkuse Eebbe wuxuu ku qeexay ‘awood’.

 

Maxamed Iqbaal mar uu tilmaan ka bixiyey Nietzsche wuxuu yiri: “Maankiisu ma rumayn, laakiin waxaa rumeeyey qalbigiisa /His brain (or mind) is unbelieving, but his heart is believing.” Waxaana xusid mudan, in Nietzsche uu fikrad wanaagsan ka haystay Islaamka. Nietzsche waxay la ahayd in Islaamku uu ku guulaystay dhinacyada ay Masiixiyaddu ku fashilantay. Tusaale ahaan, wuxuu qabay in islaamku uu yahay diin maaddada iyo nolosha adduunka aad u danaysa. Nietzsche si uu nooga dhaadhiciyo sida diinta Islaamku ay daacadda ugu tahay adduun jacaylka, ayuu wuxuu sawirtay kulan qarnigii 18-aad dhulka carabta ku dhexmaray nin Ingiriis ahaa iyo oday Wahaabi ahaa.

 

Ingiriisiga Kirishtaanka ahi wuxuu aad u fajacay markii uu ogaaday in odayga Wahaabiga ahi uu labo walxaad oo keliya uu denbi u yaqaan: In la caabudo Ilaah aan Alle ka ahayn iyo in sigaar la nuugo. Ninkii Ingiriiska ahaa isaga oo yaabban buu odayga wuxuu weydiiyey: “Ka warran dilka iyo dhillaysiga?” Odaygiina wuxuu ugu jawaabay: “Eebbe waa naxariis badne denbi dhaaf badan.” Nietzsche waxyaabaha uu diinta Masiixiga ku maagay waxaa ka mid ahaa sida ay adduunyada u liiddo, waayo wuxuu ogaa in aadamiga oo idil ay u riyaqaan marka ay maqlaan Cumar Dhuule (AUN) oo ku heesaya;

 

Waa adi daraaddaa

Waxa lay ambinayaa

Aan adduunka joogee

Ha i geynin aakhiro! … Ha i geynin aakhiro!

 

Waa kee ruuxa istikhyaarkiisa -isaga oo aan maanka laga xalin- aakhiro ifka ka door bidayaa?!

 

Waa dambe, isla cillada Nietzsche uu ku dhaliilay Masiixiyadda ayaa Maxamed IQbal wuxuu ku eedeeyey Muslimiinta oo uu sheegay in ay u dhaqmaan sida idaha. Maxamed Iqbal gumeystayaashii reer Yurub -ama Muslimiintii hore- ayuu wuxuu ku metalay in ay yihiin shabeel, muslimiintii xilligiisii joogeyna wuxuu ku metalay lax. Shabeelku wuxuu qabanayaa laxda, laxduna halkii ay isku dayi lahayd in ay is badbaadiso, waxay ku mashquulaysaa in ay shabeelka ku wacdido nimcooyinka faraha badan ee aakhiro jannada laga helayo. Laxdu waxay ku doodaysaa in jannadu ay u sugnaatay masaakiinta, tabarta yar ee xataa haddii afka gacanta loo geliyo aan qaniin. Wacdigaas bay wadaysaa illaa shabeelku uu ku sigto in uu rumaysto warkeeda (=Waa sheeko ku lid ah middii Carays Ciise Kaarshe (AUN) uu ka xalladeeyey ee wanka iyo waraabaha). IQbaal wuxuu ku baraarugsanaa in aadanuhu uusan rooti la’aantiis noolaan karin, laakiin aysan habboonayn in rooti darti loo noolaado. IQbaal Muslimiinta iyo guud ahaan aadanaha wuxuu u sheegay in ruuxda iyo maaddada labadaba loo baahan yahay, iyo in horumarka iyo ilbaxnimadu ay ka curtaan isdhexgalka iyo wax kala ammaahashada ummadaha kala duwan.

Guud ahaan, haddii Nietzsche uu baahiyey baroordiiqda dhimashada Eebbe, Iqbaal wuxuu isku taxalujiyey baahinta baaqa in Eebbe dib loo abuuro. Haddii Nietzsche uu reer Galbeedka u sheegay in uu soo degdegay, Iqbaalna Bariga wuxuu ku yiri: “Uma baahni dhegaha maanta, waxaan ahayd codka gabayaaga berri.”

 

Haddaan halkaa ku dhaafno doodaha galbeedka iyo dhimasha Alle, oo aan dib ugu laabanno baaritaanka Dr. Volkan Ertit iyo sakaraadka uu Eebbe ka sheegayo. Waxaa jirta fikrad aad u baahsan oo gudo iyo dibedba Turkiga laga aamminsan yahay, oo sheegaysa in shan iyo tobankii sano ee u danbeeyey (2002-2017) ee dalka ay xukumeen Mudane Ordagan iyo xisbigiisu ay diintu dalka ku xoogaysatay.

Muddada xisbiga AKP ee diiniga ahi uu talada waddanka hayey waxaa la adeegsaday halkudhegyo ay ka mid yihiin ‘Islaaminta Turkiya’ iyo ‘Abuuridda bulsho taqwo leh’. Hase ahaatee, Dr. Volkan Ertit iyo dad kaleba waxay ka dayrinayaan miraha ka dhashay hawlgalkaas oo ay leeyihiin dhanka kale buu u shaqeeyey, oo halkii laga filayey in dadku ay diinta jeclaadaan, waxaa la arkay dadkii oo diinta ka didaya. Haddii si kale loo dhigo halkii diintu ka xoogaysan lahayd, waxaa xoogaystay calmaaniyadda iyo weliba ilxaadka.

Sida runta ah, arrinka baaritaanku uu ka hadlayaa ma aha mid Turkiga ku kooban, balse waa ifafaale ka jira dunida Islaamka badankeeda. Waxaa dhici karta in heerku uu kala sarreeyo, laakiin ifafaaluhu waddan kasta waa ka jiraa. Maxaa yeelay waxaan ku noolnahay duni tuulo yar noqotay, oo si sahlan dareenka iyo afkaartu ay isugu gudbaan.

 

Volkan Ertit baaritaankiisa wuxuu ku falaanqeeyey qodobbo badan oo isu geyntoodu ay ku bixisay in uu ku doodo in Eebbe uu dalkaan ku sakaraadayo. Qodobada uu xusayna waxaa ka mid ah;

 

  1. Heerka tukashada salaaduhu hoos bay u dhacday marka laga reebo salaadda Jimcada. Dadka shan jeer maalintii tukada heerkoodu sannadkii 2012kii wuxuu hoos ugu dhacday 28.2%, halkii uu sannadkii 2006 ka ahaa 33.5%.
  2. Heerka dadka bisha Ramadaanka sooma hoos buu u dhacay. Sannadkii 2006, heerka dadka bisha Ramadaanka sooma waxaa lagu qiyaasay 60.4%, halka sannadkii 2012 lagu qiyaasay 53.1%. Sannadkii 2012, dadka sheegay in aysan abidkood soomin tiradoodu waxay noqotay 12.3%, halka ay sannadkii 2006 ka ahayd 6.4% oo keliya.
  3. Tirada masaajiddu marka loo eego wadarta guud ah ee dadka hoos bay u dhacday.
  4. Galmada guurka ka baxsan waxay noqotay arrin caadi ah. Waxaa xusid mudan, in waqti aan fogayn Turkida dhexdooda uu ku xoogganaa dhaqanka ah in la dilo dumarka lagu eedeeyo in ay sameeyeen galmo guurka ka baxsan.
  5. Da’da galmada ugu horraysa uu ruuxu sameeyaa waxay hoos ugu dhacday da’da dugsiga sare. Ardayda jaamacaduhuna qiyaastii 70% waxay leeyihiin khibrad galmo.
  6. Furriinku hadda ma aha wax xun oo la iskula yaabo.
  7. Dhibsashada dadka kuwa ku jinsiga ah galmada la wadaaga (=homosexuality) waa yaraatay.
  8. Dad yar baa sharaf u arka bikranimada gabdhaha (=guurka ka hor). Qoraagu wuxuu ku doodayaa in caadadii ahayd in subaxa ka danbeeya habeenka aqal-galka la sugo maryo dhiig leh oo laga keeno guriga reerka arooska ah ay meesha ka baxday.
  9. Tirada dadka rumaysan in quraanku uu yahay hadalkii Alle hoos bay u dhacday.
  10. Sunni iyo Calawi (=Shiico) midka uu yahay qofku saamayn kuma laha nolol maalmeedkiisa.
  11. Qoyskii soo jireenka ahaa ee saddexda fac iyo xubnaha badan ka koobnaa waa burburay. Bilmatal, celcelis ahaan hooyada Turkiga ahi hadda waxay dhashaan 2 ilmood, halka 1960-aadkii ay 6 ilmood ka dhali jirtey.
  12. Dadku marka ay u baahdaan in talo laga siiyo wax noloshood la xiriira, caadi ahaan waxay aadaan dadka takhasuska u leh arrinka ay doonayaan in lagala taliyo, halkii ay waagii hore ka aadi jireen wadaaddada.
  13. Waxaa hoos u dhac ku yimid dumarka xijaabka iyo malqabadaha xirta. Guud ahaanna waxaa isbeddelay qaababka xarragada iyo dhar xirashada, waxaana soo baxay qaabab dumarku u labistaan oo loogu yeero “Waa i kan /I am here”. Barbaartu meel ay joogaanba waxay doonayaan in ay yeeshaan muruqyo kuuskuusan iyo calool 6-pack ah.
  14. Waxaa is beddeshay luqaddii diinta, oo wadaaddada iyo muxaafidiintu marka ay doonayaan in ay mas’alo diidaan ama ay wax difaacaan ma adeegsadaan dood diin ah oo ku salaysan Eebbaa yiri ama nebiga ayaa yiri, balse waxay adeegsadaan dood calmaani ah oo maslaxo ka duulaysa. Tusaale ahaan marka laga hadlayo mawduucyada ay ka midka yihiin; soonka, salaadda, xirashada malqabadda, furriinka, dumarka ilmaha iska soo rida, cabidda khamrada, cunidda hilibka doofaarka,…iqk.

 

Waxaa kaloo jira warbixino sheegaya in tiro xoog leh oo ka mid ah dhallinyarada Turkida, siiba kuwa dhigta macaahidda diiniga sida dugsiga caanka ah ee ‘Imam Hatip’ ay sheegaan in ay Alle rumaysan yihiin, laakiin anbiyo iyo kutub muqaddas ah aysan rumaysnayn, taas oo ah mabda’a loo yaqaan ‘Rububiyadda (=Deism/الربوبية), oo dadka qaarkood ay ku tilmaamaan in uu yahay ilxaad hal tillaabo dhimman. Dadka fikraddaan qabaa waxay aamminsan yihiin in Eebbe uu koonka abuuray, laakiin uusan ku darsan wax abuuriddii hore dhaafsiisan. Taas oo macnaheedu yahay in uusan wax saamayn ah ku lahayn nolosha adduunyada.

Bulshada Turkidu waxay ku jirtaa marxalad kala guur oo dad dhallinyaro u badan ay tuulooyinka ka tagayaan oo magaalooyinka waaweyn u guurayaan. Kolka magaalooyinka ay dhallinyaradu ku badatana waxaa kordha heerka xorriyadda iyo danayn la’aanta diinta. Magaalooyinka Istanbuul, Ankara, Izmiir iyo Eskisehir baa ah magaalooyinka dalka kuwa ugu waaweyn, isla iyaga ayaana ah kuwa lagu sheego in ay ku noolyihiin dadka ugu badan ee aan diinta ku dhaqmin.

Si kastaba ha ahaate, daraasado badan oo Islaamka Turkida ka hadlay waxay gaareen natiijo ah in taqwada iyo siyaasadaynta diintu aysan dalkaan isku dhinac u socon. Daraasadahaani waxay qirayaan in waagii calmaaniyadda laga hirgeliyey dalkaan ay dadku diinta jeclaadeen, hadda oo la isku dayo in diinta la jeclaysiiyana ay calmaaniyadda calmadeen.

Dhab ahaantii, muslimiinta kale -sida Bakistaanida, Iiraanida, Masaarida, Sacuudida iyo Soomaalidu- Turkida kama diin badna, kamana diin jecla. Farqiga ugu weyn ee Turkida iyo muslimiinta kale u dhexeeyaa waa meesha joqoraafi ahaan Turkigu uu khariiddada dunida kaga yaal. Waa dal u dhexeeya Bari iyo Galbeed, qofka Turkiga ahina labadiisa indhood mid Bari iyo dunida Islasmka ayuu ku eegaa midda kalena Galbeedka ayuu ku fiiriyaa. Waxaana xusid mudan in qofka Turkiga ahi, xataa haddii uu mulxid yahay uu Islaamka u arko dhaqan uu leeyahay, uuna ku faano. Muddo qarniyaal ah Turkiga waxaa ku hardamaya Bari iyo Galbeed, ilaa iyo haddana Turkidu waxay isku dayayaan in ay labadaba wax la wadaagaan, waana arrin ay ammaan iyo bogaadin ku mudan yihiin.

 

Baaritaanka Dr. Volkan Ertit ee cinwaankeedu yahay ‘Eebbe sidoo kale Turkiguu ku sakaraadayaa’, iyada oo dhammaystiran halkaan kala deg:

Qore Cabdisaciid Cabdi Ismaciil