Falsafadda Soonka

Ummadda Islaamka waxaa u curatay bishii barakaysnayd ee Ramadaanka. Marka xilligaas la joogana waxaa munaasib ah in hadalku u bato isxasuusinta arrimaha la xiriira soonka Ramadaanka. Inta badanna  mawduuca waxaa laga abbaaraa saddex qodob, oo kala ah; Kow: xusidda fadliga soonka, siiba soonka bisha Ramadaan. Labo: in laga hadlo axkaamta soonka ee loo baahan yahay in ruuxa soommani uu ilaaliyo (= waxa loo baahan yahay in uu sameeyo ama uusan samayn). Saddex: in laga faalloodo xikmadda iyo falsafadda soonka loo jideeyey. Qodobkaan danbe ayaana ah midka aan doonayno in aan halkaan wax yar uga taabanno.

Erayga Carabiga ah ee “soom”, oo Soomaalidu ay ugu dhawaaqaan “soon”, af ahaan macnihiisu waa “iska dayn”, waxaana loo adeegsan karaa wax kasta oo la iska daayo. Tusaale ahaan, aayadda 26-aad ee suuradda Maryam, Alle (SWT) wuxuu Maryama ku leeyahay: “ Waxaad dhahdaa anigu Raxmaankaan(= Eebbaan) soon ugu nadray, oo maanta cidna la hadli maayo/ فَقُولِي إِنِّي نَذَرْتُ لِلرَّحْمَٰنِ صَوْمًا فَلَنْ أُكَلِّمَ الْيَوْمَ إِنسِيًّا”. Halkaana waxaa nooga cad in waxa maalintaas Maryam iska daysay ama ka soontay uu ahaa hadalka.

Laakiin dhanka shareecada Islaamka soon waxaa lagu qeexaa “In qof tilmaamo gaar ah lihi, uu iska daayo waxa lagu afuro waqti go’an, iyada oo niyadi jirto/ الصوم هو الإمساك عن المفطرات، في وقت مخصوص، من شخص مخصوص مع النية ”. Waxa lagu afuro ee la iska daynayaana waxay isugu jiraan walxo xisi ah oo la taaban karo sida cuntada, cabidda iyo galmada, iyo walxo macnawi ah sida beenta, cayda, xanta, khayaanada, markhaati-furka beenta ah, …iwm. Arrimaha macnawiga ah ee lagu afuraa ma keenaan in soonkii gebi ahaan buro oo loo baahdo in maalintaas soonkeeda la soo qalleeyo, balse waxay keenaan in ruuxa soommani uu waayo ajarkii uu soonka ka heli lahaa, oo miraha soonkiisu ay noqdaan gaajo iyo harraad keliya, oo nebigu (scw)waa kii yiri: “Ruuxii aan ka tegin hadalka beenta ah iyo ku shaqayntiisa, Alle uma baahna inuu iska daayo cunnadiisa iyo cabbiddiisa/ من لم يدع قول الزور والعمل به فليس لله حاجة في أن يدع طعامه وشرابه”.

Waxaana xusid mudan, in fikradda soonku tahay mid ummadihii dunida soo maray badankoodu –haddiiba aan la oran dhammaantood- ay yaqaannee. Waxa lagu kala duwanaa waa sifada soonka (=qaabka loo soomayo iyo waxa laga soomayo). Alle oo arrinkaas noo tilmaamayaana wuxuu quraanka kariimka ku yiri: “ Kuwa xaqa rumeeyow waxaa laydinku waajibiyey Soonka sidii loogu waajibiyey kuwii idinka horreeyey, si aad u dhawrsataan/ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى الَّذِينَ مِن قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ “. Waxaana jira xaddiis nebigu (scw) uu ku yiri: “Anbiyadu waa walaalo isku aabbe ah, hooyooyinkood waa kala duwan yihiin, diintooduse waa mid /الأنْبياءُ أوْلادُ عَلَّاتٍ Ø› أُمَّهاتُهُمْ شَتَّى ØŒ Ùˆ دِينُهُمْ واحِدٌ .”

Cumar bin Khaddaab (RC) waxaa laga wariyaa inuu yiri: “Carabtu waa maaddada Islaamka/العرب مادة الإسلام “. Oraahdaas oo aqoon-yahannadu ku macneeyeen in Islaamka si wanaagsan loo fahmi karo kaddib marka la fahmo taariikhdii iyo dhaqankii Carabtii Islaamka ka horreeyey iyo kuwii Islaamka qaatay ee sababta u noqday inuu dunida ku faafo. Tusaale ahaan, Carabtii Jaahiliyadda ee Islaamka ka horreeyey, waa yaqaanneen in cuntada iyo cabidda laga soomo. Dhigaalada taariikhduna waxay sheegayaan in Cabdi-Muddalib oo nebiga awoow u ahaa, isla markaana korriinkiisa ka qayb qaatay, uu bisha Ramadaanka weynayn jirey, oo marka bisha la arko uu tegi jirey buurta Qaar Xira, oo inta uu guntiga dhuujisto uu ku cibaadaysan jirey, masaakiintana uu quudin jirey, dadkana uu ku waanin jirey in ay saboolka wax ku sadaqaystaan. Habdhaqankaasina ma ahayn mid Cabdi-Muddalib ku goonni ah, balse waxaa ku weheliyey dad kale oo ku caanbaxay magaca al-Xunafaa, waxaana ka mid ahaa Seyd bin Camar bin Nufeyl oo Cumar bin Khaddaab adeer u ahaa. Waxaa kaloo la wariyaa in Yahuuddii Xijaas iyo Carabta qaarkeed ay soomi jireen maalinta Caashuura, nebiga (scw) iyo saxaabadiisuna ay waajib ahaan u soomi jireen ka hor intii aan soonka Ramadaanka la waajibin, laakiin markii Alle muslimiinta Ramadaanka ku waajibiyey, soonkii Caashuura wuxuu noqday sunno ciddii doontaa ay soonto.

Taariikhyahannada qaarkoodna waxay ku doodaan in Saabi’adii reer Xarraan (=Suuriya) ay ahaayeen kuwa fikradda soonka gaarsiiyey Jasiiradda Carabta. Abuu al-Fadaa (=Ismaaciil bin Cali “1273-1331”) oo ahaa aqoon-yahan muslimiinta dhexdooda laga qaddariyo wuxuu xusay in Saabi’adu ay soomi jireen 30 casho ama 29 casho, ayna ku soomi jireen aragtida bisha qamariga (=dayaxa), ayna soomi jireen inta u dhaxaysa saacadaha danbe ee habeenka iyo gabbal dhaca. Erayadiisiina waxay ahaayeen:

 “الصائبة لهم الصلاة على الميت بلا ركوع ولا سجود، ويصومون ثلاثين يوماً وإن نقص الشهر الهلالي صاموا تسعاً وعشرين يوماً، وكانوا يراعون في صومهم الفطر والهلال بحيث يكون الفطر وقد دخلت الشمس الحمل، ويصومون من ربع الليل الأخير إِلى غروب قرص” { ابي الفداء ØŒ المختصر في تاريخ البشر ØŒ الجزء الاول ØŒ صفحة 65}.

Doodda Abii Fadaana waxaa taageeray aqoon-yahanno kale oo ay ka mid yihiin Ibnu Nadiim, Ibnu Xasmi al-Andalusi, Ibnu Jawsi iyo kuwo kale. Guud ahaan, fikradda soonka waxaa yaqiin ummado badan, oo ay ka mid ahaayeen Masaaridii hore, Baabiliyiintii, Hindidii, Giriiggii,…..iwm.

Waxba yaan hadalku nala durkine, aan u noqonno qodobka aan jeclayn in aan halkaan uga hadalno oo ah xikmadda iyo falsafadda soonka ka danbaysa ee Alle u waajibiyey. Muslimiintu waxay aad isugu hawlaan in ay fahmaan xikmadda soonka, waxayna xusaan arrimo badan oo la oran karo waa xikmadda iyo waxtarka soonka loo jideeyey. Tusaale ahaan, xikmadaha aalaaba la xuso waxaa ka mid ah in ruuxa soommani uu dareemo gaajo iyo oon, dareenkaasina uu ku bixiyo inuu u naxariisto bulshada inteeda saboolka ah. Sidoo kale, xikmadaha la sheego waxaa ka mid ah in soonku caafimaad leeyahay, dooddaasna waxaa lagu xoojiyaa xaddiis nebiga loo tiiriyo, oo oranaya: “sooma aad caafimaddaane /صوموا تصحوا”. Inkasta oo culumada Islaamka qaarkood ay diidaan in oraahdaan nebiga loogu abtiriyo, iyaga oo sheega in ay daciif tahay, oo aysan nebiga ka sugnaan.

Yeelkadeede, aayadaha quraanka ah ee ka hadla waajibnimada soonka, waxaa si cad loogu xusay xikmadda Alle soonka muuminiinta ugu waajibiyey. Xikmaddaasi waa in ruuxu soonka ka helo taqwo ama dhawrsi. Eebbe aayadda 183-aad ee suuradda al-Baqarah- oo ah aayadda lagu caddeeyey waajibnimada soonka Ramadaanka- wuxuu ku yiri: ““ Kuwa xaqa rumeeyow waxaa laydinku waajibiyey Soonka sidii loogu waajibiyey kuwii idinka horreeyey, si aad u dhawrsataan.” Nebigana (NNKH) waxaa laga wariyey inuu yiri: “Soonku waa gaashaan /  الصيام جنة” . Waxaana lagu macneeyey in soonku xumaha adduunyada iyo cadaabta aakhiro labadaba uu gaashaan ka yahay, oo uu ruuxa sooma ka badbaadiyo.

Si soonka taqwo iyo dhawrsi looga helana, waxaa lamahuraan ah in soonku noqdo go’aan si daacad ah uga soo fula qalbiga qofka soomaya, una dhexeeya isaga iyo Allaha ku waajibiyey oo keliya, aysanna jirin cid kale oo saamayn ku yeelata. Culumada Islaamkuna waxay marar badan sheegaan in soonku yahay xiriir gaar ah oo u dhexeeya Alle iyo addoonkiisa, waxayna taa u daliishadaan Xaddiis qudsi nebiga laga weriyo oo yiraahda: “Dhammaan shaqada ibnu aadamku isagay u sugnaatay marka laga reebo soonka, oo isagu aniga ii ahaaday, aniguna aan ka abaalmarinayo/كل عمل ابن آدم له إلا الصوم فإنه لي وأنا أجزي به  “.

Hase ahaatee, nasiib-darro waxaa dhacda in Muslimiin badan aysan maanta heli karin in cibaadadaas khaaska ah ay la wadaagaan Allahood. Waxaana jira dowlado badan oo kelitalis ah oo doonaya in ay ka dhex shaqeeyaan addoonka iyo Eebbihiis. Waxaa jira dowlado ku khasbaya in uusan soomin iyo kuwo kale oo ku khasbaya in uu soomo.

Tusaale ahaan, dowladda Shiinuhu muslimiinta loo yaqaan Iwogorida (= Uighurs) ee ku dhaqan gobolka Galbeedka dalka ku yaal ee Shiinjiyaang (Xinjiang) waxay u diiddaa soonka iyo salaadda taraawiixda, waxayna ku khasabtaa in ay makhaayadahooda macaamiisha u furaan maalmaha Ramadaanka. Waalidiintana waxaa la faraa in ay carruurtooda ka dhaadhiciyaan in aysan soomin. Dowladdu waxay marmarsiiyo ka dhigataa sababo la xiriira argagixiso la dirir iyo sababo caafimaad. Laakiin waxaa la rumaysan yahay in cadaadiska dowladdu ku hayso muslimiinta uu qudhiisu muslimiinta ku bixin karo nacayb iyo xagjirnimo.

Dhanka kale, waxaa jira waddamo badan oo dadka ku khasba in ay soomaan. Tusaale ahaan xeerka ciqaabta ee waddamo badan oo Muslim ahi wuxuu dhigayaa in ruuxa lagu arko isaga oo maalin Ramadaan ah meel loo jeedo wax ku cunaya ama ku cabbaya in lagu qaado ciqaabo ay ka mid yihiin xarig, jeedal lala dhaco, ganaax maaliyeed,  ama arrimahaas qaarkood oo la isku daray, iyo in qofkaasi haddii uu ajannabi yahay laga musaafuriyo waddanka. Tusaale ahaan, dalka Kuweyt qaanuunka tirsigiisu yahay (44) ee soo baxay sannadkii 1968, wuxuu dhigayaa in qofkii maalin Ramadaan ah, meel loo jeedo ku afura (= wax ku cuna ama ku cabba), lagu ciqaabo 100 diinnaar (= USD 330) iyo bil xarig ah, ama labadaas oo la isku daray.

Sidoo kale, waxaa jira waalidiin iyo macallimiin isku daya in ay ilmaha cabsi gelin ku soomiyaan. Arrinkaas oo caadi ahaan miraha ka dhashaa uu noqdo in ubadku cuqdad ka qaadaan cibaadada halkii ay ahayd in ay muxubbo iyo qanaaco ku gutaan.

Xaqiiqadu waxay tahay, in dowlad iyo qeyrkeed toona aysan xaq u lahayn in ay dadka ku khasbaan arrin cibaado ah. Marka qura ee soonku uu macne yeelan karaana ay tahay marka loola yimaado in Alle loogu dhawaado iyada oo aan laga fekerayn go’aan dowladeed iyo indho bulsho toona. Waana middaas sababta Alle u yiri: “Diintu khasab ma aha/لا إِكْرَاهَ فِي الدِّينِ”, oo soon iyo salaad la iskuma jajuubi karo. Kaalinka samo faridda iyo xumaan reebidduna wuxuu ku kooban yahay waano iyo waxsheeg, mana gaari karo jajuub iyo ciqaab.

Isku soo hooriyoo, xikmadda loo jideeyey soonku waa in ruuxa soomayaa uu ka helo iimaan iyo dhawrsi, si taasi ugu suurogashana waa in aysan jirin cid dhexgasha isaga iyo Allaha uu u soomayo, oo qofku uu istikhyaarki ku soomaa ama ku afuraa. Marka middaa la helo ayaa si dhab ah loo guran karaa miraha soonka.

Waxaan Alle ka baryaynaa inuu bishaan barakaysan nooga dhigo mid aan ku mudanno raxmad, denbi dhaaf iyo cadaab nalaga xoreeyo. Aamiin!

One thought on “Falsafadda Soonka

  • October 9, 2016 at 12:10 am
    Permalink

    ASW walalayaal. Waxaan ahay qof indhawayd akhriska wabsite kina kusoo biirtay. Qoraalkiina sida ardayad fiican u akhrisata amaba u dhegeesada macalinkayguna waa Macalin cali RAAGE. Waxaan idinleyey dadaalka aad wadiin halkaas kasii wada JZK . Waa walaashiin oo idinleh ASW WR WB.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code