Fanka Islaamka iyo sawiridda suubbanaha

Ku Allahoode, waxay ku been-hawaaseen in saxaabadii nebiga midkood uu tagey magaalada Istaanbuul oo xilligaas loo yaqiin Konistantinoobal, xarunna u ahayd imbiradooriyaddii Biisantida. Saxaabigu muddadii uu halkaas ku sugnaa wuxuu qasriga madaxtooyada kula kulmay Imbiradoor Heraqal. Imbiradoorkuna wuxuu ka codsaday in uu u kala sheego sawirro santuukh ugu jirey.
Sawirkii koowaad ee uu soo qabtay wuxuu ahaa nin aan suxudsaaxud lagu ogayn, oo sidii hooyadi u dhashay u mutuxan. Saxaabigii wuxuu ku jawaabay: kan warkiisu waa cad yahay oo waa nebi Aadan nabadgelyo korkiisa ha ahaatee. Sawirkii labaad ee la soo qabtay wuxuu ahaa sawir nin timo baabbula leh. Saxaabiguna wuxuu sheegay in uu yahay nebi Nuux nabadi dushiisa ha ahaatee. Sawirkii saddexdaad ee soo baxayna wuxuu ahaa sawir nin gar weyn. Saxaabiguna wuxuu sheegay in uu yahay nebi Ibraahim caleyhi salaam. 
Sidaa ayaa arrinku u socday, jeer laga soo gaaray sawir Imbiradoorka qudhiisu uu garan waayey. Laakiin saxaabigu markii uu sawirka indhaha ku dhuftay jidbo iyo oohin buu isku daray. Kolkii Heraqal weydiiyey sida wax u jiraanna, wuxuu ku jawaabay: kani waa Rasuulka Alle naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee. 
Sida muuqata, sheekadu waa ban ka abuur fannaan allifey, laakiin waxay daaran tahay farriin ah in sawiridda nebigu ay waqti hore bilaabatay. Dhanka kale, dadku marka ay maqlaan sheekadaan iyo kuwa la midka ah, waxay is weydiiyaan su’aal ah: Heraqal haddii uu maanta noolaan lahaa, ma ku dhici kari lahaa in uu sawirka nebiga dad la wadaago???

 

Indhawaale mar kasta oo la maqlo in cidi nebiga sawirtay, waxaa lagu doodaa in falkaasi uu keenayo carada muslimiinta, sababtuna ay tahay in Islaamku xarrimay sawiridda anbiyada iyo saxaabada, muslimiintuna aysan weligood nebiga muuqaal ahaan (=physically) u muujin. Dhanka kale, Muslimiin badani waxay isweydiiyaan: in wax la sawiraa ma caqiido Islaam bay wax u dhintaa? Sawir la sameeyaa sidee buu ku noqon karaa Eebbe oo la isku dhererinayo?

Ugu horrayn, akhristaha sharafta leh aan u caddeeyo in ujeeddada maqaalkaani aysan ahayn in uu ka hadlo taariikh iyo fiqi toona, balse ujeeddadiisu ay ku egtahay in uu jawaab kooban ka bixiyo in Muslimiintu ay anbiyada iyo saxaabadii nebiga sawireen iyo in kale?

Maqaalku -haddii Alle idmo- wuxuu akhristaha sharafta leh soo hordhigi doonaa qayb yar oo ka mid ah sawirrada faraha badan ee fannaaniintii Muslimiintu ay ka sameeyeen anbiyada oo nebi Maxamed (scw) uu ku jiro –(dhalashii rasuulka, la kulankiiisii raahibkii Baxiira, soo degiddii waxyiga, dheelmintii, hijradii Madiino, duullamadii, furashadii Maka, xajkii sagoontinta iyo qaar kale oo badan). Danta nagu bixinaysa in sawirradaan aan akhristaha la wadaagnaa ma aha in dad farxaan ama ay caroodaan, balse waa in toosh yar lagu ifiyo xaqiiqo aad la isaga indho tiro oo keliya, kamana lihin ulajeeddo taa ka baxsan waxay doonto ha ahaatee1.

Waa hubaal in hawsha na hortaali ay aad u culus tahay, maxaa yeelay arrinka aan doonayno in aan ka dabatagnaa waa mid muddo lagu celcelinayey, dadka badankooduna ay u haystaan xaqiiqo biyo kama dhibcaan ah oo aan sina dood loo gelin karin.

Sida la soo tebiyey, waxaa la arkay Juxa2 oo u dabbaaldagaya sannad-guuradii 120-aad ee dhalashadiisa, isaga oo qardhaasi (=xirsi, makaraan) ay luqunta ugu xiran tahay, waxaana lagu yiri: “Juxow ma adiga oo da’daas jira, xikmadna lagu bidayo ayaad khuraafaadkaas rumaysan tahay?” Suu ye: “Maya, arrinku sidaa ma aha, laakiin xaaskayga baa waxay ii sheegtay in xataa haddii aadan rumaysnayn uu falxad keeno, isha iyo xasadkana uu kaa ilaalinayo.”

Maqaalka oo dhamaystiran oo PDF AH hoos ka akhri

 

Fanka Islaamka iyo sawiridda suubbanaha F (1)