Farqiga u dhexeeya quraanka iyo xadiiska

 

Si aan u ogaanno farqiga u dhexeeya quraanka iyo xadiiska waa inaan fahanno ilaha cilmiga (مصادر المعرفة). Il waa meeshii wax laga qaato sida isha biyaha, sidoo kale ilaha cilmigu waa meelaha wax laga ogaado, maadaama aan dadku ogayn waxa loo yaqaan cilmi-qaybkana wuxu dadku ogaan karaa wixi uu ku ogaado xubnaha dareenka qaabilsan sida aragga, maqalka iwm. Ilaha cilmiga diintuna waa wixi laga ogaado kutubaha nebiyada lagu soo dejiyey sida quraanka ama wixi shay ah ee Alle abuuray sida samooyinka, dhulalka, qorraxda, xiddigaha, dadka iwm.

Sidaa darteed waa 2 cilmi oo isku mida oo aan iska hor imanayn, maxaa yeelay haddi la tiriyo inta bil ee dumarku ku dhalaan waa 10bil ugu dhowaan, waana inta quraanka lagu sheegay. Sidoo kale in shimbiruhu 2baal ku duulaan waa wax indhaha lagu arko qunaankuna sheegay.

Cilmiguna wuxu u kala baxaa mid leh shuruud cad ama nadaam xisaabeed oo loo maro ama labadaba sida quraanka, xisaabta, qayba ka mida sayniska iyo naxwaha (cilmiga luqadaha) iwm, iyo mid isugu jira wax cad iyo wax aan caddayn sida taaarikhda, dhaqanka, falsafadda iwm.

Quraankuna wuxu dadka siiyaa tusaale kooban sida qaalibka ah marki laga hadlayo dhulalka, xiddigaha, macdanta iwm, taasoo ka dhigan in dadka la ogaysiinayo inay jiraan dhulal kale oo lagu noolaan karo, dadka ayayna u taallaa inay raadsadaan iyo in kale.

Laakiin markii laga hadlayo qaybaha qaanuunka sida dhaxalka, guurka, xeerarka ciqaabta, siyaasadda iwm, wuxu quraanku uga hadlay si dhammaystiran oo leh shuruud cad, sidaa darteed haddi xadiisku quraanka waafaqo waxba ku kordhin maayo, haddi uu khilaafana waxba kama beddeli karo maxaa yeelay lama sinna quraanka sida Alle yiri; “waxaad ku tiraahdaa haddii ay isu yimaadaan jinni iyo insi … lama iman karaan wax la mida quraanka/قل لئٍن اجتمعت الإنس والجن … لا يأتون بمثله” (al-Israa:88).

Xataa masaa’ilka loo malayn karo inaan lagu sheegin quraanka sida salaadaha shanta ah waa lagu sheegay sida Alle yiri; “ilaaliya salaadaha iyo salaadda dhexe/حافظوا على الصلوات والصلاة الوسطى” (al-Baqra: 238).

Maxaa yeelay in salaaduhu leeyihin mid dhexe waxay ishaaraysaa inay yihiin tiro kisi ah (tiro is dheer sida 1,3,5,7…), in salaadaha hore yihiin ugu yaraan labana waxay ishaaraysaa in kuwa ka danbeeya salaadda dhexena ay yihiin ugu yaraan labo, taasoo dhigan in salaadda ugu yar ee la iska rabo inay tahsay 5salaat.

Salaadda ugu yar inay tahay 2ragcana waxaa laga fahmayaa aayadda 102 ee suradda al-Nisaa, in qaar ka mida laga dhigi karo sadex ama afar ragcana waxaa laga qaadanayaa in wixi khayr ah oo dhan ay fiican tahay in laga dhigo laba iyo wixi ka badan sida in la dhalo laba ilaa 4cunug ama in malaa’ikta loo yeelo 2baal ilaa baal (garab).

Sidoo kale in nebigu csw tukadey 5salaad oo ka kooban laba ilaa 4ragco waa daliil sunnada ah oo waafaqaya quraanka, kaasoo isaguna xaddidaya tirada salaadaha waajibka ah iyo inta ragco ee laga rabo mid kasta.

Qof kastana wuu fahmi karaa quraanka maxaa yeelay waa kitaab is fasiraya sida Alle yiri; “korkayaga ayay ahaatay caddayntiisu/ثمّ إن علينا بيانه” (al-Qiyaama: 19).

Sidaa darteed in qofka quraanka loo fasiro iyo inuu isagu fekero waa 2hab oo quraanka lagu fahmi karo sida Alle yiri; “waxaan kugu soo dejiney digriga (quraanka) si aad dadka ugu caddaysid waxa loo soo dejiyey, iyaguna waxay mudan yihiin inay fekeraan/وأنزلنا إليك الذكر لتبين للناس ما نزل إليهم، ولعلّهم يتغكرون” (al-Naxli: 44). In kasta oo labada jeerba la iska rabo in wax la hubsado.

Wixi xadiisa ee ku saabsan dhacdo taariikha oo cad waa muhiim in laga qaato kutubaha xadiiska sida inta sano ee quraanku soo degayey, inta suurad ee ku soo degtey Maka ama Madiina, tirada dumarka nebigu csw guursadey iwm.

Sidoo kale wixi xadiisa ee ku saabsan wax khayra sida salaadda, soonka, sadaqada, akhlaaqda iwm., waa wax asal ahaan la garanayo inay bannaan yihiin, haddi ayna ka hor iman quraanka.

Laakiin wixi xadiisa ee ku saabsan xuquuqda sida dhaxalka, guurka ama ciqaabta sida sinada, tuugada iwm., waa xadiisyo u baahan cilmi fasira sidaa darteed waxaa shardiya in loo celiyo quraanka ama wixi kale ee cilmi ah ee caddayn kara.

Shuruudda ay culimadu xadiisyada u shardiyeenna aad bay u wanaagsan tahay, laakiin waxaa jira qaar aan si buuxda u dhaqan gelin, sida shardiga oranaya waa inaan xadiisku khilaafin nas (daliil) ka xoog badan, naskuna wuxu noqon karaa aayad ama xadiis, iyo shardiga oranaya waa inaan xadiisku lahayn cillad xun, culimaduna sida qaalibka ah wixi xadiisa ee khilaafay xadiis ka xoog badan way ka saareen kutubaha xadiiska.

Laakiin wixi khiilaafay quraanka lagama saarin kutubaha xadiiska sida qaalibka ah, maxaa yeelay in la fahmo xadiisyada quraanka ka hor imanaya waxaa ka horraysa in quraanka si fiican loo fahmo, qaabka kutubaha tafsiirku u qoran yihiinna waa qaab ku salaysan in dadka loo jilciyo quraanka luqad ahaan ee maaha in quraanka lagu sameeyey baaris cilmi ah oo xeel dheer, taasoo keentay inaan la dareemin xadiisyo badan oo quraanka khilaafsan.

Waxaana ka mida xadiisyada quraanka khilaafaya isla markaana leh cillad xagga macnaha ah kuwa oranaya haweenaydu dal ma xukumi karto, ismana meherin karto, mana safri karto maxram la’aan (nin qaraabo ahi la socon), maxaa yeelay xadiisyadani waxay ka siman yihiin in cillada loogu diiday ay tahay in qofku dumar yahay, in qofku dhedig yahayna waa arrin ku kooban dhasha oo ah awood ay dumarku dheer yihiin ragga. Sidaa darteed wixi qofku ku kasbado afkiisa ama gacantiisa ama loo garto sida in shaqo loo dhiibo waa arrin laga siman yahay, kuna salaysan qof walba wixi uu kasbado sida laga fahmayo aayadda 32: al-nisaa.

Sidoo kale xadiisyada la xiriira baabka ciqaabta sida xugunka rajmida (in qof dhagax lagu dilo) waa xadiisyo u baahan shuruud dheeraada sida inay jirto cid dacwo u qabta qofka la ciqaabayo, inaan la ciqaabin wax ka badan inta uu gaystey iyo kuwa kale sida Alle yiri; “xumaanta waxaa lagu gudaa mid la mida, qofkii iska cafiya wanaagna ku dara Alle ayaa siinaya ajarkiisa /وجزاء سيئة سيئة مثلها فمن عفا وأصلح فأجره على الله”. (al-Shuuraa: 40).

Sidoo kale nabiyadu way ijtihaadaan sida culimadu u ijtihaaddo, ijtihaadka nebiyadana waa la khilaafi karaa haddi uu waxyiga khilaafo, waana midda keentay in nebi sulaymaan khilaafo xugun uu ridey nebi daa’uud sida Alle yiri; “waxaan fahansiinney sulaymaan/ففهمناها سليمان” (al-Anbiyaa:79). Ijtihaad waxaa loo yaqaan xugun la qiyaaso oo noqon kara qalad ama sax.

Sidaa darteed wixi xuguna ee nebiga csw loo tiiriyey waxaa laga qaadanayaa wixi quraanka waafaqa oo keliya maxaa yeelay nebiga csw waxaa la amray inuu raaco quraanka sida Alle yiri; “raac wixi xagga rabbigaa lagaaga waxyoodey /واتبع ما يوحى إليك من ربك”. (al-Ancaam:106).

Taasoo ka dhigan inaan xadiisku khilaafi Karin quraanka, sidaa darteed wixi xuguna ee aan quraanka waafaqin sida rajmiga wuxu noqon ijtihaad ama wax aan dhicin oo uuna nebigu csw samaynin.

Maxaa yeelay in culimadu yiraahdaan xadiisku waa saxiix waa rajaxaad ay rajaxayaan in ficilkaasi dhacay ee maaha yaqiin mar haddi ayna jirin dad markhaati ah oo la qoray waqtigii xugunka la fulinayey, maadaama xugunka sinadu quraanka ku cad yahayna ma jirto wax baahi ah oo loo qabo in la ogaado in dad la rajmiyey waqtigii nebiga csw iyo in kale, sidaa darteed masaa’ilka quraanka khilaafaya sida rajmiga xugunkoodu waa inaan lagu camal falin, sidoo kale waan inaan la qirin in xugankaasi dhacay iyo in kale, maadaama ayna jirin wax markhaati ah oo la qoray.

 

Cabdullaahi Aw Xasan

Anwar535@hotmail.com