Fiqiga iyo Dhaqanka

Fiqigu waa laan ka mid ah aqoonta diinta islaamka oo ku xidhiidha ku dhaqanka diinta ; waa fahanka qof nusuusta yaqaanaa ugu fasiro habka ugu habboon ama mudan ee loogu dhaqmi karo ! halka ay sartu ka qudhuntaa hadaba waa weedha ah ”habboonida” oo ah dareen nafsadeed oo fiqiyahanku ka dhaxlo deegaankiisa iyo dadkiisa ka hor inta aanu diintaba aqoon u yeelan !

Tusaale ahaan gabadh fuushan mooto waa arrin aanay aqoon soomaalidu dhaqan ahaan qofka soomaaliga ahna , rag iyo dumarba , la foolxun oo xishood yari ah ; dhaqan ahaan ayay sidaa ku noqonaysaa inta aan diin la gaadhin ! waxii dhaqan xumo ahina diinta waa ku xaaraan sida qof kasta maankiisa ku jirta ! Waxa iyana la mid ah gabadh surwaal xidhan oo kubbad ciyaaraysa ! waa wax aanu niyadda hore ugu sii dayn karin qofka soomaaliga ah oo wadaad iyo wabiinba hadii aanu dhaqamo kale ku soo noolaan oo aan la badhxin ! dhaqanka bulsho iyo sawirashada guud ayaa wax kasta siinaysa muuqaalka xun ama san , ka dib wax kasta oo bulshada dhaqan ahaan la xun hadii qawl diini ah oo xumeynaya loo helo waa ‘meel aan rabay roob igu eri’ hadii loo waayana qiil daciif ah xataa waa loo raadiyaa ! hadii ay dhacdo in nas diini ahi amaano wax bulshada la xun dhaqan ahaan mararka qaar naskaa waa la duduwaa (ta’wiil) ama dirqi ayaa lagu liqaa ilaa arrintii dhaqan ahaan xumeyd noqoto mar dambe wax caadi ah oo caado ah !

Madaarista fiqiga ee muslimiinta ahlu sannaha ah ee aan ku kala gedisnayn caqiidada waxa ugu weyn ee ay ku kala gedisan yihiin waa dhaqanka iyo deegaanka oo keenay in ay ku kala baydhaan macneyaasha ku habboon naska iyaga oo ka duulaya muuqaalka ay asal ahaan la leedahay arrinta uu nasku ka hadlayaa , waa sababta wadaadka masaariga ah uga duwan yahay midka khaliijiga ah ee midka turkiga ah uga duwan yahay midka soomaaliga ah marka la joogo fahanka diinta ee arrimaha nolosha oo matalan ikhwaaniga soomaaliga ah iyo ikhwaaniga masriga ah iyo ikhwaaniga tuunisiga ah midna la fahan ma aha mid kale oo halka Raashid AlQanuushi u haysto calmaaniyadda wax iska caadi ah , Maxamed Badiic ma qaadan karo , wadaadkeena la xarakada ahna waxabu u haystaa gaalnimo ! sababtuna nusuusta iyo manhajka ma aha e waa deegaanka iyo wacyiga guud ee bulshadiisa oo mid kasta si u qaabeeyay aragtidiisa ! qofka isagu dhaqan rogma waa mawduuc kale .

Waxa aan shalay dhegeystay Sh. Umal oo ka sheekeynayaa olole uu wado oo laga ga wacyi galinayo dumarka soomaalida ah ee reer Nayroobi oo bilaabay in ay raacaan mootooyinka , dhaqan xumo iyo iimaan xumo ayaa uu ku sheegay ! dalkan Suudaan oo ah dal muslim ah kana taliyaan koox islaami ah oo ilaa heer ku maamusha dalka sharciga islaamka (sida ay la tahay) dumarku waa ay raacaan mootooyinka waana iska caadi iyaga oo badanka jirjir ugu fadhiista maadaama oo ay xidhan yihiin maro dheer ama ku giijisan , dalal kale oo muslimiin ah dumarku sida ragga ayay u raacaan waana wax aad u caadi ah ! hadaba ma jiro nas odhanaya “dumarku mooto ma raaci karaan” iyo “gaadiid cagaha laga kala ridayo ma fuuli karaan ” e maxaa agteenana (soomaalida) iimaan xumo ka dhigay soodaantana caadi uga dhigay ?! waa dhaqanka iyo la qabsiga oo in badan , wadaad iyo wabiinba , waxa aan wax ku qiimeynaa dareenkeena nafsiga ah (mood) oo dhaqanku qaabeeyay oo waxii aanu hore u aqoonin ka dida kana diiqadooda ! waxa ka dagi la’ sheekha iyo in badan oo inaga mid ah ‘ gabadh soomaaliyad ah oo mooto fuushan ! ma aha in aanay asturnayn , ma aha in aanay wadi karin , ma aha in diintu toos u diidday arrintan … kaliya waa in aynaan hore u arag muuqaal noocan ah (gabadh mooto ama baaskiil dusha ka saaran) ! waa muuqaal aan habboonayn marka caqliga soomaaliga ah lagu eego !
Waxa iyana meesha ku jirta oo dhaqanka ka mid ah hinaasaha bulsho ; hinaasuhu ma aha arrin fardi ama qof ku kooban ee mid bulsho ayaa jira oo matalan gabadh soomaaliyad ah oo uu guursanayo nin aan soomaali ahayn waxa ay qof kasta oo soomaali ah u leedahay dareen taban oo aanu jeclaysan !

Beri ayaa wiil soomaali ah i soo gaadhsiiyay cabasho ah ” gabadh soomaaliyad ah ayaa la haasowda nin soodaani ah ” ! aniguna cabashadaa waan ka la garaabay waxaananu isla garannay in ay waajib tahay in inantaa aanu arrinteeda wax ka qabanno annaga oo xalka ku darnay in lagu xidho wiil soomaali ah oo la haasaawa si ay soodaaniga u illowdo ! aniga iyo inankaa oo deegaan ahaan kala fog waxa na kulmiyey ma ahayn hinaase qofeed oo midkaayana inanta gaar uma daneynayn ee waxa na waday hinaase soomaaliyeed ; waa hinaase bulsho ! waana isla sababta ay Sh. Umal ugu kala duwan yihiin gabadha soomaaliyadda ah iyo gabadha kukuuyada ah ee labaduba Nayroobi mootoda ku dhex fuushan iyada oo laga yaabo in labada dumar ahba muslim yihiin !

Waxa dareenkaa dhaqan ku qotoma ciyaaraha , siyaasadda , shaqada iyo arrimo badan oo lagu murmo marka ay dumarka la xidhiidhaan .

 

Dr. Maxamed Cabdilaahi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code