Gudniinka Fircooniga iyo Guurinta Gabdhaha Yaryar; Gef iyo Gaboodfal

Wafa, weli umuu buuxsamin sannadkii 16aad, laakiin waxay gacmaha ku sidataa ilmo! Eray kasta oo ay tidhaahdo ka dib, way dhoollacaddaynaysaa, dabadeedna dhulka ayay fiirinaysaa. Sannadihii dhawaa ee u dambeeyey, waxaa Wafa lagula kacay saddex dembi oo foolxun, haddana weli way dhoollacaddaynaysaa. Sidoo kale, waalidkeed way faraxsanyihiin; weli ma dareensana sida ay u dumiyeen (baabbi’iyeen) mustaqbalkii inantooda.
Gabboodfalka iyo gacan ka hadalka loo geysto hablaha, jidh ahaan iyo bulsho ahaanba, waa mid iska caadi ah bulshada ay ka dhalatay Wafa. Gacan ka hadalku wuxuu noqday sida biyaha ama hawada; wuxuu gaadhay heer bulshada badhkeed la yaabto haddii qof weydiiyo waxa laga faa’iidayo dhibaatada!
Wafa si fiican baan u garanayaa. Walaashay baa dhashay. Waxaan joogey dhalashadeedii. Waxaan ahaa qofkii ugu horreeyey ee ku qaada labadiisa gacmood. Waxaa loo bixiyey magaca Wafa. Magacani wuxuu noqday mid aanay mahadin, wuxuuna watey qadder dhib badan oo aanay mutaysan. Waxay ahayd gabadh yar oo bashaashad ah, maskax badan, aadna uu deggen. Waxay ahayd ardayda ugu fiican fasalkeeda. Fursaddeeda ay ku hesho waxbarasho heer sare ah, oo weliba bilaash ah (scholarship), waa ay badanyd. Sababta oo ah, aabbaheed wuxuu ahaa macallin makaanik (mechanic) oo ka tirsan iskuullada farsamada gacanta (technical schools). Hooyadeed waxay ahayd qof wax baratay. Abtigeed Cabdillaahi wuxuu ka shaqayn jirey mid ka mid ah jaamacadaha Jarmalka, wuxuuna ahaa bare-sare (professor).
Cabdillaahi wuxuu Wafa u ballanqaaday inuu ka caawin doono waxbarashada inay Yurub ku dhammaysato, haddii ay dedaalkeeda sii labanlaabto. Wafa waxay jeclayd inay abtigeed, Cabdillaahi, kula hadasho afka Ingiriiska, iyada oo indhaheeda ay ka muuqdaan farxad, markay eray si fiican ugu dhawaaqdo. Waxa aad mooddaaba inay nafteeda u aragto inay joogto hoolasha muxaadarooyinka ee jaamacadaha Yurub. Lakiin qadderku wuxuu go’aamiyey wax taa ka duwan. Maya, ma aha qadderka, ee waa nacasnimada bulshada, kuwaas oo aan noqon kuwo riyadii mustaqbalkeeda u fuliya.
Qisadu waxay bilaabantay sannado ka hor, mar aan ku noqday halkii aan ka soo jeeday―tuulo yar oo ku taal Delta. Waxaan booqday gurigii walaashay, waxaanan arkay Wafa oo sariir dul taal, oo eegaysa saqafka guriga hadalna aanu ka soo baxayn. Way i soo eegtay, eegmo uu niyadjab ka muuqdo, dabadeedna waxay dib ugu noqotay eegmadii saqafka. Qofna muu doonayn inuu iiga sheekeeyo waxa dhacay, waayo waxay garanayeen mowqifkayga ku aaddan gaboodfallada loo bixiyey magaca ‘caadooyin’ ama ‘dariiqooyin’, hadba kii la doono.
Laakiin walaalkay oo iga yar baa iiga warramay in qoysku Wafa ay ‘gudeen’ usbuuc ka hor, illaa haddana ay dareemayso dhibtii soo gaadhay ee ‘dhiigbaxa’ ahayd, illaa iyo maantana aanay wax cunto ah afkeeda saarin, hadalna iskaba daa warkiisa.
“Hagaag, maxay micne leedahay ‘waxani muxuu hablaha ugu dhacay?’” Waxaa laga yaabaa inay madaxaaga ka guuxayso weedhan hore, akhristoow. Waxaa suurtagal ah inaad la yaabbantahay Masrigan ka soo noqday Yurub ee kala yimid afkaarta cusub ee qariibka ah. Waxaa laga yaabaa inaad leedahay, waxa Wafa ku dhacay waa iska arrin caadi ah, laakiin waa bilowga dhibaatada iyo masiibada oo dhan. Khaladaadkan waynu ku celcelinney illaa aynu moodney inay ka mid yihiin waxa loo baahanyahay!
Wakhtigii aan waxbarashada ka wadey Qaahira, ayaan isku dayey inaan caadadan fooshaxun ka joojiyo dadka deggen tuuladayda, lakiin qoyskeygu dheg jalaq umay siin arrinkaas oo waxay u maleeyeen in Qaahira aan ku soo xumaaday (fasahaadey). Waanigan maantana ka soo noqday Yurub, waana sababta ugu weyn ee keentay in aanan la amuusin ra’yigayga.
Laba sano ka bacdi ayaan haddana ku soo noqday tuuladii. Markan waxaan la kulmay in ‘dhibaatadii’ ay martay inantii weyneyd ee walaalkay dhalay, ayna dhiigbax u dhiman gaadhey wakhtigii la ‘gudey’. Markan waxaan dareemay inaan ahay bilaa xeelad iyo caajis! Cadho badan ayaan dareemay. Waxaan ogaadey inaanay waxtar lahayn arday Jarmal ah oo aan wax uu dhigaa, mar haddii qoyskeygii sidan yahay oo aanan waxba u qaban, haba yaraato e.
Si degdeg ah waxaan isugu dubbarridey inaan qabto kulan lagaga arrinsanayo mawdduuca ‘Gudniinka Tuulada’. Waxaan isugu yeedhay dad diiddan iyo kuwo oggol gudniinka, oo weliba dadka tuuladu garanayaan, ixtiraamna u hayaan. Maan dooneyn inaan ciyaalka tuulada u dhigo cashar, laakiin waxaan doonayey in dood laga furo arrin aan laga wada hadli jirin, qofna aanu ku dhici jirin ka hadalkeeda.
Yeedhmadii waxaa ajiibey Dr Cabdillaahi Samak oo ka socda jaamacadda As-har; Dr Malika Sarar, barafesoor (professor) Sharciga iyo Qanuunka dhiga; dhakhtar ku takhasusay cilmiga hooyada iyo dhalmada (Gynecologist and Obstetrician); iyo Dr Xannaan Yuusuf, weriye ka tirsan telefeeshinka Masar. Waxa kale oo yimi xubin ka mid ah golaha shacabka. Isku day badan ka dib, aabbahay oo imaam ka ah masaajid, waxaan ku qanciyey inuu stage-ka fadhiisto.
Waa la soo buuxiyey meeshii. Dumar aan badnayn baa dhuumasho ku yimi. Dhinac yar bay fadhiisteen! Xaaladdu way kacsanayd bilowgii hore―rag badan oo tuulada dadkeeda ka mid ah ayaa ka soo hor jeestay doodda, asalkeeda bannaanba.
Kulankii ayaa bilowday, dadkuna waxay is weyddiinayeen: “Kulankan yaa soo qabanqaabiyey? Xidhiidh ma la leeyahay Reer Galbeedka?” Shakigu waa mid iska jirey, wax kasta oo cusub waxaa loo tiiriyaa in Galbeed dabada ka riixayo! Waxay isku dayeen inay kulanka fashilyaan intaanu bilaabanba. Waabay adkayd inaan ka dhaadhiciyo inaan kulanka anigu wado keligay. Cidna igama ay caawin dadkii tuulada, aan walaalkaygii yaraa ka ahayn, iyo saaxiib reer Qaahira ah.
Mid ka mid ah dhallinyaradii ayaa yidhi, “Tuulada miyaa la waayey mushkilad kale oo lagaga hadlo, oo aan ka ahayn gudniinka?!”
Aabbahay baa kulankii furay, dadkii buu salaamay, wuxuuna yidhi “maanta anigu ma ciyaari doono doorkii shiikhnimo, ee waxaan fatwada uu deyn doonaa Sh. Cabdillaahi Samak.” Laakiin ra’yigiisi shakhsinnimo wuxuu ku sheegay inuu gudniinku yahay “dulmi loo geysanayo dumarka, waana caado ee ma aha cibaado!” Dhakhtarkii baa hadlay kana sheekeeyey dhibaatada uu leeyahay gudniinku: caafimaad, nafsi iyo bulsho ahaanba. Wuxuuna ku daray inuu dumarka ku keeno arrimo dhaawaca doonista iyo raaxada galmada, “waana dhibtaa ta ugu weyn ee soo waajahda nolosha lammaanayaasha, waana sababta ugu badan ee keenta furniinka faraha badan.”
Waxa la soo gaadhay xilligii shiikha As-hariga ah, wuxuu yidhi “Rasuulku wuu ayidey gudniinka hablaha waana arrin wanagsan, haddiiba aanu ahayn farad, laakiin ma oggola in la jarjaro ama la xumeeyo xubnaha taranka ee dumarka, Islaamkuna ma oggola. Shiikha hadalkiisu wuxuu masaxay dhammaan hadalladii ka horreeyey: kii aabbe, kii dhakhtarka iyo kii labada dumar ah. Meeshii waxa isla oogsatay foodhida iyo sacabka, waxaanay u muuqatay in dadkii meesha isugu yimi ay guulayteen iyagu.
Anigu waxaan isku dayayey inaan kulanka dhexdhexaadiyo oo aanan kelmadna ku darsan arrinka, laakiin markii aan maqlay hadalkii shiikha iyo rayraynta dadka, waxa aad ii haleeshay cadho, waan istaagay, waxaanan weyddiiyey su’aashan dadkii meesha yimi: “Haddii mid idinka mid ah ay inantiisu dhiigbaxdo xilliga lagu gudo jiro gudniinka, ma dhakhtarka ayaad aadaysaan mise shiikhan As-hariga ah? Haddii dhakhtar idiin yimaaddo oo arrimo salaadda la xidhiidha uu ka fatwoodo, ama caqiidada, dadku wax bay ka sheegayaan isaga, lakiin muxuu midkiinna uga gedoodi waayey marka nin diimeed (shiikh) uu ka hadlo (fatwoodo) arrimo ku sabsaan caafimaad, ganacsi iyo beero?! Maxay dumarku uga cadhoon waayeen ninka ka fatwoonaya jidhkooda (xubnaha tarankooda), isaga oo aan waxba ka garanayn?!”
Eray qudha oo uu yidhi nin diimeedkii ka socday As-har, waxay baabbi’isay dhammaan xujooyinkii caqligalka ahaa iyo ra’yiyadii khubarada meesha timi. Cidna kuma ay qancin in gudniinku yahay caado Afrikaan Masar uga timi Soomaaliya, wakhtigii Faraacinada ee ganacsigu dhex mari jiray! Haddii ay tahay arrin Islaami ah ama sal ku leh, waxaa samayn lahaa Sacuudiga, weliba ka kowaad buu noqon lahaa. Laakiin mar kasta oo aan ka fogaanno Soomaaliya wuu sii yaraanayaa gudniinku. Marooko, Indoneesiya iyo Iiraan, qofna ma yaqaanno wax ku saabsan gudniinka iyo arrimihiisa. Laakiin tariikhdu waxay werisay in caado kasta oo dumarka waxyeello loogu geysanayo la kala qaato―si fudud oo weliba xawaare sare ku soconaysa. Xilli ay wakhti badan―sannado ama qarniyo―u baahantahay fikrad kasta oo lagu xoraynayo dumarka.
Shirkii muu guuleysan guul la sheegi karo. Guusha qudha ee aan gaadhey waxay ahayd inuu aabbahay ii ballanqaaday inaanu oggolaan doonin in la gudo gabadh dambe oo qoyskayaga ah maanta ka dib.
***
Aynu u soo noqonno sheekadii Wafa, ee meelaha badan inala dhex dabbaalatay. Wafa iskuulkii dhexe waxay heshay dhibco badan, dabadeedna waxay ku biirtay dugsi sare. Wax kastaaba waxay tilmaamayeen inay leedahay mustqabal ifaya. Laakiin maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa arkay nin da’diisu tahay 32 jir iyada oo sii socota dariiqii iskuulkeeda. Wuu jeclaaday. Aabbaheed buu weyddiistey inuu guursado iyada oo afar iyo tobon sano jirta! Aabbaheed wuu oggolaaday, si degdeg ah. Gurigiisa waxaa ka buuxay carruur, afadiisuna uur bay lahayd mar kale.
“Waa arrin caadiya… xaggee eedi uga imanaysaa arrinkaan?” Su’aashaa ayaad is weyddiisay akhriste, waayo arrinkan waad la kulantaa mar kastaba ama waad maqashaa; ama adiga ayaa sameeyey oo u guuriyey inantaadii oo yar nin adiga ku le’eg; ama adiga ayaa guursadey oo waad ku qanacsantahay in xilli hore hablaha la guursado iyaga oo bikro (virgin), ah wax khibrad ahna aan lahayn, si aad sida qooshka ugu garaacdid, hawadaada aawadeed! Maxaa ku jaban haddii aad is weyddiiso maalin uun in gabadhu u noolaato ikhtiyaarkeeda, ee aanay u noolaan ikhtiyaarkaaga? Miyaanay wanaagsanayn in hawadeeda iyo hawaadaadu is wafaaqan, fikirkaaga iyo fikirkeeduna is waafaqaan, intii aad haysan lahayd iyada oo la moodo maxbuusad ama qof aad rahan ahaan u haysato? Musiibadu waxa weeye in arrinkani agteenna ka noqday mid iska caadi ah oo aan inaba dhibayn, oo aynnaan ka cadhoonayn. Iyada oo arrinkaasi jiro, ayaynu haddana is weydiinayna: Xaggee dhibta waddammadeenna haystaa ay inaga haleeshay? Miyaanu khalkhalku imanayn marka aynu ku ciyaarno jidh inan yar oo aynu ka jarno xubintii dareenka (kintirka), ka bacdina aan ka joojinno inay waxbarato, dabeedna aynu jidhkeeda u tuurno mid gaajaysan oo aan garanayn sida loo xannaaneeyo caruurta?! Halkaas miyaan dhibtu ka bilaabmayn?!
Aammusku waa calaamad raalli ahaansho muujinaysa. Wafa waxay fulisey wixii aabbaheed uu u gartay, mana ay diidin. Iskuulkii way ka tagtay, waxayna noqotay ‘xaas’, iyada oo aan weli dhammaysan caruurnimadii, diyaarna aan uu ahayn guur, galmo iyo uur. Waxaa la guursadey iyada oo aan la haysan sharcigii guurka, maddaama oo aanay gaadhin xilligii guurka ee qanuunka waddanku jideeyey. Laakiin sunnada rasuulka iyo ta Ilaahay baa isku fuuqsaday waxaas oo dhan iyo qanuunkiiba!
Wafa waxay u dulqaadan kari weydey gabboodfalka jidheed iyo ka galmo ee soo gaadhaya maalin/habeen kastaba, ee kaga imanaya kii iibsaday. Waxay ka soo carartay markay bil la joogtay, waxayna timi gurigii aabbaheed. Waxay codsatay in iskuulkii lagu celiyo, laakiin qadderku wax kale ayuu meesha ka waday, waxay lahayd ‘uur’. Inantii yarayd waxay dhashay wiil, waxayna doontay inay geyso xafiiska caafimaadka, laakiin shaqaalihii baa diiday in ay diiwaangeliyaan maddaama aanu jirin guur sharci ah oo u diiwangashani. Qaanuunku waa qanuun uun! Wafa kama ay faa’iidin sharciga oo kama uu joojin inuu ka bedbaadiyo gudniinkii foosha xumaa; kamana ay faa’iidin oo kama uu hor istaagin guurkii carruurnimo loogu guuriyey nin ka weyn. Labadaba sharcigu ma oggola! Lakiin markan sharciga ayaa qabtay oo lagu dabbaqay, maaddaama ay dhibaataysantahay! Shaqaalihii wuxuu ku yidhi ninkii ilmahan dhalay doon, si loo sugo aabbannimadiisa, si markaa wixii kale go’aan looga gaadho.
Aabbihii wuu diiday, shardi buuna ku xidhay ah in gurigii loogu soo celiyo si uu u oggolaado inuu dhalay ilmaha! Arrinkii wuu sii cuslaaday.
Waxaas oo dhammi waxay dhaceen aniga oo jooga Jarmalka, cidina waxba iima ay sheegin―xitaa guurkeeda iyo wixii ku dhacay intaas ka dib. Laakiin markuu walaalkay dareemay in arrinku murugsanyahay ayuu ila soo hadlay, wuxuuna iiga warramay waxa dhacay iyo in Wafi ay doonayso inay iskuulkii ku noqoto, lakiin aabbaheed diiddanyahay, sababta oo ah “wuxuu ka baqayaa hadalka dadka!”
Waan waalan gaadhey, waxaan is weydiiyey immisa dembi oo kale ayey doonayaan qoyskani inay Wafa ka galaan, ma hadhsana inaan u hanjabo waalidkeed haddii aanu ku celin iskuulka inaan dowladda gaadhsiin doono inuu inan yar guuriyey sharcigana baalmaray.
Markaa ka bacdi ayaan la hadlay maamulihii dugsiga, waxaanan ka codsaday inuu aqbalo warqadaheeda mar labaad, kana ilaaliyo cayda xun ee kaga imanaysa hablaha kale. Iyadii baan la hadlay, waxaanan isku dayey inaan dhiirrigeliyo. Waxaan ku idhi ceeb ma aha in guurku fashilmo, ceebna ma aha in ‘hooyadu’ ku noqoto iskuul mar kale, bal se waaba arrin mudan oo tusaale fiican u ah gabadh kasta oo uu ka fashilmo guur. Wafi waxay ku noqotay iskuulkii iyada oo faraxsan.
Markii u dambeysey ee aan tuuladii tagay, Wafi waxay igu soo booqatay guriga iyada oo sidata ilmaheedii. Sidii cadaada ahayd bay u dhoolacaddayneysey, dhulkana u eegaysay. Waxaan Ingiriis ku weydiiyey xaaladdeeda (How are you?) Weji kuduudan intay igu soo eegtay bay tidhi, “Abti waan illaabey Ingiriiskii.” Xoogaa bay ka xumaatay, hooyadeed bayna eegtay. Dabadeedna hooyadeed ayaa dhirbaaxday iyadoo leh, “Immisaanu ku lahayn dhammayso iskuulka, iyadaa iskeed uga tagtay!”
Xaqiiqadu waxay ahayd in Wafa waalidkeed ku khasbay inay iskuulka ka tagto, kuna noqoto ninkii, si uu ilmaha u sheegto.
Waxaan eegay walaashay iyo inanteeda, dabadeedna waxaan arkay laba hablood oo sita laba carruur ah. Wafi waxay hooyo noqotay iyadoo 15 jir ah, halka hooyadeedna noqotay ayeeyo iyada oo 34 jir ah! Labadooduba waxay ahaayeen laba arday oo wanaagsan, laakiin qoyska ayaa qurbaan uga dhigay nidaamka iyo dhaqanka. Nidaamka iyo dhaqanku waxay ka qaadeen hankii iyo kartidii ay kaga fikiri lahayeen xornimadooda!

— W/q: Xaamid Cabdisamad,
Hoos-u-dhaca ilbaxnimada islaamka
― W/t: Maxamed Yuusuf (Dhegjar)

Ibnudhagjar@gmail.com