Hab-fikirkeenna iyo waayaha cusub

Soomaalidu weligeed wax ay ahayd ummad isku wada diin ah. Taariikhdu ma sheegin Islaamka ka hor diimo ka la duwan oo ay haysteen soomaalida iyo dadyowga la isirka ah ee Geeska Afrika, keliya waxaa la yaqaannay Waaq iyo malagyada isaga iyo dadka u dhexeeya ee Ayaan, iyo meesha la gu caabudo oo loo yaqaannay Taallo, iyo Wadaad oo ah qofka hawlaha Waaq la gu la xidhiidho maamula. Kolkii Islaamku yimidana, sida nolosha iyo hiddaha ka muuqata, isku xilli ama xilliyo isu dhow ayay soomaalidu wada muslintay. Sidaa darteed weligees la ma sheegin ka la duwanaan diineed oo soomaalida ka dhaxaysa. Wax ayna ahayd ummad ilaa heer sare soohdimo adag leh oo faragelinta tooska ah ee dhaqamada kale ku yarayd.

Haddaba maanta dunidu tii hore ma aha oo dadyowga iyo dhaqamadu ma ka la xadaysna. Dadkuna kii hore ma aha oo soohdimaha iyo seetooyinkaba wuu goostay. Fursadaha aqoonta iyo fikirku sidii hore ma aha oo haddii la ahaa ummad fikirka, aqoonta iyo waayaha oo dhami ka dhexeeyaan oo isku mid ahaayeen, maanta afarta jiho ayaa loo ka la dhaqaaqay, jidh ahaan iyo ruux ahaanba. Juqraafi ahaan dunida oo dhan iyo waxa ka jira ayaa la gu wada milmay, xog ahaanna qofku isaga oo tuuladii uu ku dhashay jooga ayuu cidhifyada dunida oo dhan ku xidhan yahay. Halkaa waxaa ka soo baxday bulsho baahsan, filiqsan, jaadad badan, ka la aragti, aqoon iyo waayo duwan, oo si walba u ga beddalan tii hore ee urursanayd. Waa xaalad aynnu bulshooyinka kale oo dhan la qabno.

Haddaba maanta waxaa jirta soomaali badan oo inna la wadaagta dalka iyo xuquuqdiisa muwaaddinnimo, laakiin qaadatay diimo aan ahayn Islaamkii la gu midaysnaa ee aqoonsiga qofka soomaaliga ah ka midka ahaa. Dadkaa cusub haddaba sidee loo la dhaqmayaa? Sida imika wax la gu wadaa suuragal ma tahay? Haddii aynnu tusaale ka dhiganno ninkii reer Hargeysa ee isaga oo Masiixiyoobay beri dhowayd Hargeysa ku dhintay sidii yaabka badnayd ee karaamada maydkiisa loo la dhaqmay, isaga oo weliba ka mid ahaa dadka ay Isaaqu weyneeyaan ee SNM, ma suuroobaysaa in qof dalka ku la leh xuquuqdiisa loo duudsiyo in uu diin kale qaatay?

Hadalkan wax aan ku keenay, dad soomaaliyeed oo Masiixiyoobay doodo ay baraha bulshada ku hayaan. Qolooyinka allakoodka ah oo aan Masiixiga ka tiro yarayn ayaa iyaguna halkeer ka soo qaylinaya. Shiicaduna waa la mid.

Run ahaantii imtixaan aad iyo aad u weyn ayay waayuhu maanta dhaqankeenna iyo fikirkeenna soo hor dhigeen.

Ibraahin-Hawd Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published.

*

code