Hadimo iyo Haaraan Nololeed.

 

Si buu lugaha dhulka ugu jiidayaa! Miisaan la sheego oo uu leeyahay ma jiro, haddana naf ka culus baa ku dhex wareegaysa. Socodka wuu dhibsadaa; waa wahsi miidhan. Guriga ayuu ka soo baxay si uu bun u doonto. Lama hadlayo labadan wiil ee la socda; iyaga uun ma aha e dhallinyaradu markay isu timaaddo ee sheeko wadaageyso waxba kuma darsado. Wuu iska ag fadhiyaa uun! Kelinnimo ayuu dareemaa badi, haddadanna dareensan yahay iyadoo cidi la socoto. Dhegaha ayay heeso ugu jiraan, gacmahana jeebadaha funaanadda ayuu kula jiraa. Waa kan halkan sii luudaya. Galab kasta guriguu ka soo baxaa si uu suuqa u tago—waqtiyada qaar wuu lugeeyaa in uun bal inuu dareemo taladii dhakhtarkiisa cilmi-nafsigu siiyey. Haa.  “Quruxda dabeecadda soo daawo galabtii oo qolkan madow ee aad ku xidhan tahay ka dhex bax,”ayuu kula taliyey dhakhtarku, se ma aha mid wax qurux la yidhaahdaaba u muuqato. Qaamuuskiisa wayba ka baxday. Dunidan iyo rafaadkeeda wuu lacnadaa oo ma jecla—badi wuxuu ka fikiraa siduu isu dili lahaa una dhaafi lahaa noloshan silica ah.  Maalin uun hadduu arko wax ka farxiya in uu markaas is dilo oo farxad ku sii sagootiyo dunida ayuu talo ka dhigtay! Wuu hiifaa wax kasta, oo wax uu jecel yahay ama se uu xiiseeya ma jirto—imikadan wuu is hiifayaa!

“Khadar!” ayuu cod xabeeb lihi yidhi. Bidixdiisa ayuu jalleecay. Waa gabadh soo dhoolla-cadaynaysa. ‘Malaha ma aha!’ ayuu maskaxda iska su’aalay. Dib ayuu xusuus toban sano ka hor ahayd isu soo hor mariyey; wallaahay waa iyadii. Qadder daqiiqado ah baa la is hortaagnaa iyadoon kelmed la is odhan. Indhihiisii gudhay baa godladay markan; ilmuu isku xajinayaa, wuu se awoodi waayay oo wuu hiqleeyay. Waa Nimco oo dhowr dabshid aanu maqal iyo muuq midna ka helin. Mar wuxuu eegayaa ilmaha ay gacanta ku hayso, marna dhabankeedan godmay intan ay qoslayso oo ay muddo ugu danbaysay inuu arko ayuu daymoonayaa. Wadnahaa bugtaa haya, oo dushaaba laga dareemayaa.

Ma aha doorkan inantuu yaqaanay ee geenyada jidhka cuddoon ahayd. Isba ma aha kii ay taqaanay ee muruqyada kuuskuusnaa. Dabeecaddaa labadoodaba dhirbaaxo kala daashay. Duruufaha korkeeda ka muuqda ayuu ka naxsan yahay. Sawirkeedii toban sano ka hor iyo ka hadda ay yeelatay ayuu is qabadsii, oo qeex,  is leeyahay—way se isu qaban la’yihiin. Dhabanka intuu ilmadii rooraysay ka tirey buu hadal aan haynin isku qasbay: “huunno… walaal… een… Nimco!” “Hee walaal Khadar ?” ayay ugu jawaabtay.

Xaalwaraysi ayay isla galeen. Halka uu midba la daaladhacayay nolosha ayay iska waraysteen. In ay laba ciyaal ah dhashay, laba ninna ay isa soo mareen bay uga warantay, hooyadeedna ay god gashay oo ay haatan la silcayso korinta carruurteeda, kelina ku tahay. In aanu gabadh kale dabadeed la hadlin, oo dumarkaba ka biqi jirey in ay ka tagaan siday uga tagtay buu ku calaacalay. Illin baa ka soo qubatay iyadiina, oo dambiga inay leedahay qiratay.

“Walaal, uma malaynayo in aynu mar dambe kulmi doonno e, noloshu ha ku soo dhawayso” ayuu ku yidhi. “Oo waayo, walaal?” ayay ku tidhi. “I fahmi maysid e se caawa waan kula soo hadli” intuu yidhi ayuu kii yaraa ee ay wadatayna madaxa u sii salaaxay oo socodkiisii sii watay oo gaadhay labadii inan ee la socday oo halkeer ku sugayay.

***

Fasalkii ayaa la gu jiraa, xiisadda uu ugu neceb yahay Khadar ayaa la dhigayaa: Tarbiyadda. Maalinta uu qaadanayo xiisaddaas welwel buu kala baxaa galaaska. Macallin Muxumed aakhiro iyo cadaabteeda ayuu uga sheekeeyaa, in silsilado dabo ilaa af la ga galin doono qofka ehlu-naarka ah ayuu badi uga warramaa, oo la gu dhex tuuri doono naarta Jahannama. Kaligii uun ma aha e fasalka oo dhan baa macallinkan neceb. Dumarku iyaguna aad bay u neceb yihiin oo naartaad u badan tihiin buu dhagaha ugu ridaa mar walba. Isagoo janno ka sheekeynaya  la ma arag. Muxumed-Jaxiima ayay u taqaan ardaydu. Maanta wuxu uga sheekeynayaa sida jidhku u qayirmi doono oo u solmi doono marka naarta la joogo. In aan wax oontiri doonaa jirin oo dheecaankooda ku harraad-baxa la odhan doono buu carrabka ku adkeeyey. “Yaa Ilaahay yaqaana haddaba, sowkan ina dubayba inagoo ifkii joogna,” Khadar baa Aadan kula xanshaashaqay. “Waar ma isagaa innaga hadhi haddaa, isba gadhkaa dheer baa la jiidi oo inta uu malag harraatiyo naarta ku tuuri doona e, sow ma aha kii mashruucii agoomaha musuqmaasuqay,” ayuu Aadan ugu hadal celiyey.

Maamulihii baa soo galay iyadoo ay inani la socoto. Waa ardayad cusub oo iskuul kale ka soo beddelatay. Mar qudha ayaa la wada eegay. Qofba meel eegmada ku hakiye, macallin Muxumed,  Aadan iyo Khadar baa isku meel ku wada maqnaa: labadeeda naas bay ku dhaygageen ee intaanay iyadu fasalka soo gelin iyagu ka soo horreeyayba. “Waar Khadar, qoftu ma laba dhagax bay laabta ku sidataa, waxani naaso ka waaweyne?” ayuu Aadan saaxiibkii ku yidhi. “Miyaan garan! Laba qof ayaabad mooddaa meesha inay ku soo xabbistaye—madaxa macallin Jaxiima ka waawayn ” ayuu ugu jawaabay. “Se si bay sanka u taagaysaaye maanad arkayn?” ayuu sii raacshay. Saa qosol ayay ku wada dhufteen.

Habluhuna marada ay xidhan tahay bay fallanqaynayeen iyo libista ay afka soo marsatay. “Naa hoogto waa badawad si wacan uun loo koriyey! Balo ha la naaso waynaatee libista afka sidey ku soo tidhi miyay soo cuntay ilaa halka ay marisay maanad arkayn!” ayay Sucaad ku tidhi Bilan oo garabkeeda fadhiday. “Naa haaye naaso ayaa meesha lagu hayaa, ilaa Jaxiimi wuu dhareerinayaaye maanad arkayn!” ayay ugu hadal celisay. Maamulihii ayaa so istaagay safka hore ee galaaska. Ardayadda cusub, oo uu Nimco magaceeda ku sheegay, buu ardayda faray in ay si fiican u soo dhaweeyaan.

Maalintaa wixii ka danbeeyey, Khadar iyo Aadan waxay isku cariyeen kooga hor barta. Nasiib waxa u yeeshay Khadar oo ka yara aftahansanaa saaxiibkiis. Ha iska xishood badnaadee wuu ku dhiirraday in uu la hadlo. Maalin iskuulka fasax la ahaa qaybtii danbe ayuu ka daba tagay iyada oo kaligeed sii socota.

– walaal, waa la gu salaamay.

– waan kaa qaaday, walaal.

– Khadar baa la i yidhaa ee adna magacaa, walaal?

– Nimco, walaal, anna.

– barasho wanaagsan

– hayee sidoo kale.

– dee maanta waaban ka raysannay macalinkii cadaabta—isagaa qaybta danbe inoo lahaaye.

-kee, walaal?

-oo maanad aqoon macallin Jaxiima? Ka Tarbiyadda dhiga.

– may wali ma arag oo labadan cisheen joogay inoomuu soo galin.

– alleba kuma tuso, walaac buu kugu furayaaye (intuu yidhi ayuu qosol ku dhuftay, iyana way dhoolacadaysay).

– oo walaal dadka dhabanku godmaad tahay markay qoslayaan show, waa quruxe (ayuu ku tuurey, sey khajilaad marada afka saartay).

Socodkoodii ayay sii wateen iyo haasawohoodii ilaa uu arkay in uu xaafadda inanta uba raacay. Maalinkaa wixii ka xigayba wuu sii dhawayn jirey marka ay fasalka ka soo baxaan. Xidhiidhoodi wuu sii wanaagsanaaday heer ay dareen jacayl ah isu qaadeen. Iyada oo sidaa ay tahay bay iskuulkii dhammeeyeen. Jaamacad dibadda ah baa u soo baxday. Way ka naxday ka dheeraanshaha uu ka dheeraanayo, se ballan bay meel sii wada dhigteen—in uu ka war hayn doono oonu dayici doonin buu wacad ugu maray, in ay sii sugto oonay ballanka kaga bixin buu ka codsaday. Waayahay ku tidhi.

Waa meel saxare ah oo kulul meesha uu jaamacadda u doontay. Nolol tii dalka uu ku jirey ka duwan ayuu galay. Dad ka duwan dhaqan ahaan iyo diin ahaanba wuu la kulmay. Aragti ahaan wuu is beddelay: Shuuci shaarbo waaweyn ayuu noqday, su’aalo jiritaanka ku saabsan ayuu ku mashquulay oo kaga mashquulay jacaylkii uu Nimco u qabay. Halkeen ka imi, halkeense ku socdaa ayaa maskaxdiisa ka guuxi jirtay. Wuu is nacay markuu micne u waayay noloshiisaba, sidaa soo ay tahay haddana, xidhiidh-ka isaga iyo nimco, waxa uu ahaa waxa ugu mugga iyo baaxadda wayn ee ka dhigi jiray sababta qudha ee uu jiritaankiisa ugu sii dhagganaan karo. Isbadalkaa ku yimid qaab fikirkiisa waxa uu saamayn ku yeeshay isaga iyo Nimco. xidhiidkoodiina wuu xumaaday, walow jacaylka uu hayay wali laabta kaga dhignaa. Nimco dareenkaa niyad jabka leh, cadhada iyo ciil kaambiga la kowsaday waxay ku dhaqaaqday go’aan inta uu yahay dareen kalgacal, uga dhaw mid daldalaad jacaylkaa ka dhaxeeyay iyada iyo khadar. Waxay iska raacday nin kale, huqdii uu nolosha kala kulmay iyo waayaheeda waxa ugu darsantay tan qofkii ugu dhawaa kaga timi, ee aanu kaba filanayn. Dhowr jeer ayuu ka fikiray in uu soo af meero noloshiisa, mase isku dayin. Waxa uu ka nasan waayay oo hadba soo hor mari jirey hadalladii ay isku haasaawin jireen iyo waraaqdii ay soo siisay maalinkii uu dalka ka soo baxayay: “Noloshaydu waa adi, amar alle mooyee qalbigayguna waa adi,” ayaa ugu danbeeyey xarfihii ku xardhanaa warqadday soo guddoonsiisay.

Iyaba dareenkii ay u haysay Khadar wuxu ka galaaftay nolol danbe oo ay islahayd unko, ku na ilow xidhiidhkeedi hore, waxay muddo yar ku guursatay laba nin ase aanay isku raagin.

Wuxu dul taagan yahay dabaq dheer oo laami ay hor marto. Waa afar saacadood ka dib kulankii uu Nimco la yeeshay. Wuxuu talo celceliyaba wuxuu go’aan ku gaadhay in caawa uu dabaqa iska tuuro, mar haddii wax uu ku farxay uu maanta soo arkay. Teleefankeedi ayuu garaacay. Way ka qabatay. “Walaal waa sidaan kuu sheegayee dib isu arki maynno e mar kale waxaan ku leeyahay noloshu ha ku soo dhawayso; farxad waynna way ii ahayd in aan maanta ku arko muddo ka dibna codkaagii wacnaa dhegahaygu maqlaan.” “Oo walaal halkeed iga tagaysaa waad og tahay inaan ku jecelahaye,” ayay ku tidhi. “Cid aan kalsooni ka haysto kuna qabaa oo danbe ma jirto, walaal,” intuu ku yidhi ayuu jaray telefoonkii. Waxa ku soo dhacday heestii uu maanta dhegaysanayey midhaheedii qayb ka mid ah: “Dhoolla-ka-qosolkaa wax ii dhimayoo; ku dheleleladay dhaawacaagii.” Dabadeed fooqii uu saarnaa ayuu iska tuuray! waxa is xigay jugta jidhkiisa muuqa xumi dirrida kaga yeedhsiiyay, iyo moobilkiisii oo intuu hawada ku soo jiray Nimco soo wacaysey oo ka daba yimi. Lama kala aqoon karo isaga iyo moobilkiisa sonkorta noqday!

Cabdifataax Carab Maxamuud.

Abdifatah933@gmail.com

Hargaisa, Somaliland.