Haweenka iyo Hoggaanka (Qaybtii 1-aad)

Mar aan filayo in hadda laga joogo ku dhawaad toban sano ayaa waxa ka dhacay Hargeysa shir ay ila tahay in ay soo abaabuleen urur haween ujeedkiisuna ahaa ‘kaalinta siyaasadeed ee dumarka Somaliland’. Waxaana shirkaa lagu martiqaaday wadaaddo aan filayo in haweenku bideen qiil raadis dhinaca diinta ah mar haddii qawlka ugu dheer looguna dhego dawan yahay ahaa midka dumarka ka karantiimeynaya siyaasadda (xaaraan).
Dumarkii shirkaa qaban-qaabiyey qaarkood ayaa sheegay in shirka lagaga dooday xuquuqda siyaasadeed ee haweenka iyo heerka ay gaadhi karaan la islana qaatay in waxa madaxweyne ka hooseeya haweenay ka qaban karto xilalka siyaasadda. Waxaanay middood raacisay “intaa ay wadaadadu naga oggolaadeen ayuun baanu annaguba shirka u qabannay oo madaxweynenimo marnaba ma aannu rabin annaga oo iska og in diintu naga xarrimtay!”
Sheekha la yidhaa Ismaaciil Dheeg oo ka mid ah dadka aqoonta wanaagsan u leh diinta islaamka oo aan belef ku maqlay in shirkaa looga yeedhay waxa uu ka sheegay BBC-da in aanu ku dhiirrineyn haweenka soomaaliyeed in ay maanta galaan siyaasadda, xitaa baarlamaanka, oo uu ka dayriyey dhaqanka dadka xilalkaa haya. Sheekh Ismaaciil Dheeg waa sheekh aqoon door ah u leh islaamka isla markaasna dabacsan marka loo eego badanka wadaadada soomaalida.
Wadaadada kale ee soomaalida gaar ahaan garabka Salafiga ah oo aad u saameeya bulshada (waliba inta waxbarashadeedu hooseyso) waxa ay qabaan in haweenaydu cad iyo codba tahay cawro u baahan asturaad/qarin, isla markaas meesha loo og yahay tahay gurigeeda, shaqadeeduna tahay kobcinta ubadka iyo koolkoolinta ninkeeda! shaqo kale ma ku dari kartaa? waa maya! marka laga reebo shaqadii ay ku keentay dan daran sida in aanay haysan cid quudisa ka dibna ay suuqa u xoogsi tagto!
Aragtidan diimeysan oo dool kaga timid Sucuudiga waxa ay carro san ka heshay dhulkeena soomaalida oo ay isla aragtidan oo aan diimeysnayn se dhaqameysan uun taallay.
Mid ka mid ah gabdhaha halkan jaarka igula ah ayaa maalin dhawayd igu tidhi ” anigu haddii aan sidaada nin ahaan lahaa sidaa iyo sidaas ayaan yeeli lahaa oo inta aan madaxweyne isku sharraxo ayaan waxaa iyo waxaas wax ka qaban lahaa”! aniga oo la kaftamaya ayaan ku idhi: “oo imika maxaa kaa maqan? adiga oo aan nin noqon miyaanad intaaba fali karin?!” waxa ay iigu halcelisay “waan karaa se diinta ayaan ii ogoleyn” ! Maxay kuugu diidday? haddii aan weydiiyeyna waxa ay ii sheegtay , wareeg badan ka dib , in diintu qabto ‘haweenka caqligu kuma filna’ ! oo adigu miyaad la qabtaa in aanu caqligu kugu filnayn ? ayaan si indho adayg ah u weydiiyey ! waxaanay si cagojiid ah iigu jawaabtay ” maya e lama qabo in aanu caqligaygu igu filnayn” waxa ay se sii raacisay dood dheer oo ku arooraysa in aanay hawaysan xilkaas iyada oo u cuskatay in guurkaba ninku leeyahay furitaanka iyo mehersigaba! Waa aragtida ugu baahsan bulshadeena iyada oo xididdo dhaqan oo gadaal si kacdoon ah looga diimeeyay leh, waxaana jira dumar badan oo ku nool is diidooyinka han sare oo ay leeyihiin iyo diinta oo ay u hoggaansamaan (sida ay la tahay)! haweenay siyaasiyad ah oo maalin u baanaysay mid kale oo ku dhaliishay in ay dhawaan siyaasadda soo gashay ayaa isku difaacday “In ay berigii hore ahayd marwo gurigeeda joogta oo aan ragga dhex ordin” ! Si ka dahsoon ayay isugu eedaysay in ay hadda marwo dhacday oo ay muunad baxday!
Inta aan la gaadhin fiqiga diinta islaamka, dhaqanka soomaaliga ah ayaan haweenka u oggoleyn in ay ragga kala shaqeeyaan danta guud amaba ay talo qabiil bixiyaan (qaran dhe immika) ! sheekooyin badan iyo maahmaahyo ayaa laga abuuray taloxumada haweenka iyo sida aanay u gayin ama u kasin xil guud, waxaana ka mid ah in haweenay beri odaygeedii ka dalbatay in uu talada qoyska ku wareejiyo! Odaygaa oo tijaabiye waxgarad ah lagu sheegay markii uu ka kari waayey ayuu ku wareejiyey , taladii ugu horreysay ee ay hogaankeeda ku ibofurtay waxa ay noqotay in “reerka loo qalo awrka gurgur qaad ee shilis si ay jiilaalka ugaga baxaan oo waliba si aanay jaarka iyo socotadu u arkin aan awrka laga saarin haragga ee meel laga dalooliyo oo habeenba waslad laga goosto” la yeel awrkiina habeenkii xigayba waa uu qudhmay oo urtiisii guriga qabsatay iyadii ayaana odaygii weydiisey “ee maxaa uraya ?” isna waxa uu ugu jawaabay “taladaadii ayaa uraysa!” Sheekadan oo u eg hogatusaaleysta bulsho ee macnaha ay xambaarsan tahay ka mudan yihiin dhicitaankeeda ama xaqiiqadeeda ayaa soo koobaysa aragti dhaqameedka Soomaalida e haweenka iyo hogaanka siyaasadeed, immikana soddonkii sano ee ugu dambeeyay waaba tii oo neef qalatay !
…… intaasi waa gogoldhig ee qaybo ayaa inoo dhiman waxaanan isku dayi doonnaa in aan si garsoor ah u soo wada gudbinno saddex aragtiyood oo kala ah : (1) Dumarku gabi ahaanba siyaasad ma gali karaan , (2) Dumarku xilal siyaasadeedka hoose oo kaliya waa ay qaban karaan iyo (3) Dumarku xil walba waa ay qaban karaan . .

 

La soco qaybta danbe

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code