Haweenka iyo Hoggaanka (Qaybtii 2-aad)

 

Gogoldhiggii hore ka dib, halkaan waxaan ku soo gudbinaynaa saddexda aragtiyood ee Muslimiintu ka dhiibteen mawduuca dumarka iyo hoggaanka, oo kala ah;

 

  1. Haweenku ma talin karaan:

 

Aragtidan waxa qaba in badan oo ka mid ah wadaaddada muslimiinta iyo bulshoweyntaba, waxaanay u cuskadaan xujooyin badan oo isugu jira nusuus diini ah iyo aragti guud oo bulsho, waxa ay ku doodaan in haweenku abuur ahaan ka shaqo duwan yihiin ragga, shaqooyinkaana waxa ka mid ah xukunka oo dumarku marleyba abuur ahaan ayay u yihiin loo taliye oo iyagu ma talin karaan!

 

Waxana nabiga (NNKH) laga wariyey mar loo sheegay in boqorkii reer Faaris dhintay oo gabadh uu dhalay taladii lagu wareejiyey in uu yidhi: ” Liibaani maayaan qolo haweenay talada u dhiibtay“-waxa wariyey bukhaari oo ku arooriyey saxaabi la yidhaa Abu Bakrah oo ku soo qaatay in uu odhaahdan nabigu yidhi xasuustay markii ay socotay dhacdadii Awrka (=al-Jamal) oo ahaa isku dhac dhex maray saxaabada oo ay dhinac horkacaysay afadii nabiga ee Caa’iisha (Rc). Abu Bakra waxa uu maalintaa ka hadhay colkii Caa’isha isaga oo xasuustay hadalkaa nabiga Cs ee sheegaya in aanay liibaanayn duul dumar horkaceen!

Xadiiskan waxa laga qaatay in hoggaan haween hagardaamo mooyee aan wax kale la iskaga hallayn karin; talo haween waa talo seeg !

Sidoo kale talada qoyska waxa leh ninka oo xukuma xaaskiisa ilaahayna waa ka yidhi : ” Ragga ayaa dumarka u hagarbaxa (qawwaamuun-heegan u ah) ” markaa sidee ayaa qof la xukumo oo isagii xil la iska saaray wax u xukumi karaa? oorida waxa ku waajib ah in ay ninkeeda yeesho (adeecdo) markaa qof amar la siinayaa oo aan madaxbanaani lahayn cid ma xukumi karaa? Waa maya!
Sidoo kale hoggaamiyeha waxa la gudboon arrimo sharci oo door ah sida in uu dadka dhex socdo, dagaallo hoggaamiyo, salaad wadareedyada bulshada tukiyo, halka haweenayda ay ka reebban tahay in ay gurigeeda ka baxdo (iyada oo aan ninku fasixin) , dagaal aanay gali karin, isla markaas ay reebban tahay in ay bulshada tukiso iyo in ay ragga dhex gashaaba!

Waxa jira xadiis isna sheegaya in haweenku “garaadka iyo diintaba ka dhimman yihiin“, markaa qof garaadkiisu kala dhimman yahay sidee talo loogu dhiiban karaa? Saw talo xumo ma aha?! Haweenku dad ay u taliyaan haba joogto’e naftooda kama talin karaan oo marka la guurinayo waxa talada leh waalidkeed ama ciddii ka wakiil ah (marka oggolaansho laga qaado dabcan) marka ay furniin tahayna ninka ayaa leh oo iyadu waxna ma gunuddo waxna ma furto, markaa haddii aanay nafteeda waxna u guntin waxna u furin ma qaran dhan ayay wax u furi waxna u xidhi?! waa maya!

Markhaatiga dumarku waa ninka badhkii taasi oo tusaysa kala dhinnaanteeda aan suuro galinayn in ay hoggaan noqoto !

Haddii ay uuraysato ama ummusho amaba xayddo(dhabarfuranto) ka warran?! sow madaxweyne cillad u joog ah ma aha miyuu kala socod siin karaa talada?!

Haweenaydu asal ahaan waa guri joog haddii ay ka fursan waydo in ay dibad shaqo ugu baxdo waa in ay ku koobnaataa intii baahidu ku kalliftay sida in ay quudkeeda soo xoogsato iyada oo aan rag dhex galin talo guudna isku taarin.!

Haweenku si la mid ah siyaasadda ma noqon karaan garsooreyaal, oo haddii aanay markhaatigaba ka adkayn ma gar bay naqi karaan? waa maya. !

Haween iyo hogaamin kala caaggan !

Qaarkood waxaaba u wehelisa in dumarku aanay xitaa waxba baran karin (Abu Isxaaq Alxuweyni ayaa tusaale u ah aragtidan) xitaa aanay baabuur(gaadhi) in lagu wado mooyee aanay wadan karin (sida Sucuudiga ka jirta) iyo in ay cawro tahay araggeeda iyo maqalkeeduba markaa sidee ayay u tagi meel rag ku arkayo oo codkeedana ku maqlayo ?!

 

2) Haweenku madaxweyne ka sokow waa ka talin karaan :

 

Aragtidan waxa qaba wadaaddo tira badan oo hadda iyo horeba u noolaa , waxa ay ku doodaan in talada bulsho leedahay heerar badan oo marka laga yimaaddo heerka madaxweyne/hoggaamiyaha guud ay qaban karaan xilalka ka hooseeya sida wasiir, agaasime iwm. Xadiiska sheegaya in duul dumar u taliyeen aanay liibaanin waxa uu ka hadlayaa talada guud oo ah talinta dhabta ah, sideedabana xilalka ka hooseeya madaxweyne waxa ay ku shaqeeyaan talada madaxweynaha waxaanay fuliyaan amarradiisa ee iyagu dhab ahaan uma taliyaan markaa laguma dabaqi karo xadiiskaa ka dayrinaya in dumar loo dhiibto talada. Sidoo kale isku talinta ninka iyo ooridiisu ma aha carqalad oo marka horeba inta aanay haweenaydu xil guud qaban waxa ay isla soo af garteen qoyskeeda/ninkeeda iyaga oo isla oggol haddii ay xilkaa qabatana xaq uma laha in uu carqaladeeyo shaqada guud ee ay hayso. Sidoo kale xilku qasab ma aha ee qofku marka uu doono waa uu iskaga tagi (wareejin) karaa taasi oo u furan haweenayda in ay marka ay doonto raaci karto sida u danta ah qoyskeeda ee ay ninkeeda isla gartaan. Taasi waxa barbar socoto dumarka oo dhan miyaa la qabaa?! waa maya, oo kuwo aan la qabin iyo kuwo waayeel ah oo aan baylah u oollin guriga ayaa jira, una fudud tahay in ay xil qaadi karaan. Uurka iyo ummusha iyo dhabarfuranku ma aha wax joogto ah hadday tahayna saamayn badan ma leh, oo shaqooyin badan oo aan dhib ku ahayn ayaa jira, kaba hawl yar kuwa ay guriga ku qabato, oo ma guriga ayay ku nastaan? sidoo kale qofku in uu marmar yar xanuunsan karo ma aha teed/gidaar shaqada kaga gudban, ku darso oo dumarka oo dhan uurrey ma wada aha markaa xukun haween oo dhan guudka laga saarro looma cuskan karo waxan oo kale !

 

Is dhex galka ragga iyo dumarka ee xaaraanta ahi qasab ma aha in uu ka dhaco xarumaha dawladda, in masuuliyiin rag iyo dumar ah meel wada fadhiistaan oo shir wadaagaanna kama duwana xidhiidhka bulsho ee caadiga ah ee suuq iyo dugsi iyo maxkamad iyo meel kasta bulshadu rag iyo dumarba wadaagaan – ma shirka golaha wasiirrada ama wasiirka iyo hawlwadeennadiisa ayaa far lagu godi oo la odhan ‘halkan waxbaa iskula jira’ ?! waa wax lagu qoslo !

Aayadda ka sheekaynaysa in raggu dumarka heegan u yihiin “Ar-rijaalu qawaamuun calaa an-nisaa” kama hadlayso in raggu guud ahaan u taliyaan haweenka, oo matalan anigu gabadh meel iska joogta kaliya in ay gabadh tahay anna aan nin ahay uguma taliyo ee waxa ay aayaddu si gooni ah ugu saabsan tahay qoyska ama labada qof ee is qaba (qoysnimadooda) ! aayadduna toos ugama hadlayso xukun ee waxa ay ka hadlaysaa ‘xil iska saar’ haddiiba uu u taliyana waxa uu ugu taliyaa arrimaha qoysnimo ee uguma taliyo wixii qoysnimo ka baxsan! Tusaale ahaan hantideeda miyuu ka talin karaa?! waa mayaWaayo arrin qoys ma aha ee waa mid shakhsi. In ay shaqo tagto ma ka talin karaa?! maya e waa uu ka taban karaa ee kama talin karo, oo haddii shaqadeedu in ay qoyska dhib ku tahay uu u arko waa ay ka wada tashan karaan, iyada oo haddii ay isla fahmi waayaan lagu xalin karo qaababka khilaafyada kaleba lagu furdaamiyo oo dhexdhexaadin iyo gardhagaysi ama naqid leh, xilkeeda siyaasadeed oo ay isku khilaafaanna kama duwana wax kasta oo kale oo ay isku khilaafaan iyo sida lagu xalliyo waana xaalad marmardhacdo ah (istithnaa’iyah) ee ma aha wax xukun guud oo dumarka oo dhan la saaro laga bixiyo !

 

Xilligii Nabiga dumarkiisu talada guud waxbay ku lahaayeen (la talin la iskumana haysto) , dagaalladii uu galay waa ay ka barbar dagaallameen kuna dhaawacmeen, qaar waxa ay dhakhtarin jireen dhaawaca ragga ah, nabiga dabadiina Cumar (RC) haweenay ayuu kormeere uga dhigay suuqa ganacsiga (waa xil uu u magacaabay madaxweynaha mu’miniintu), waagii muslimiintu ku kala jabeen iskuna dagaaleen dilkii Cusmaan Bin Cafaan (RC) garab ka mid ah waxa hoggaamisay Caa’isha oo ahayd xaaskii nabiga iyo hooyadii mu’miniinta, waana halka uu ku qotomo xadiiska aan kor ku xusnay oo uu Abu Bakrah yidhi waan xasuustay markaas ayaan ka hadhay colkii Caa’isha, waxaanad mooddaa in Caa’iisha RC aanay xadiiskaa ka war haynin iyada oo Abu Bakrah nabiga (NNKH) ka xigta amaba ay ogayd se ay u fahantay si ka gaddisan sida uu isagu mooday. Yeelkeeda’e Caa’iisha haweenay hooyo ugu toosan muslimiinta oo col hor kacday dhe. !

Aragtidan duuduubkeedu waa in diinta islaamku aanay waxba ka qabin (oggoshahay) in dumarku qabtaan xilkasta oo ka hooseeya madaxweyne sida ay u noqon karta dhakhtar, injineer iyo farsamo kasta oo kale !

Sheekha la yidhaa Yuusuf Alqardaawi oo aqoonta diineed ee islaamka ku xeel dheer waxa uu qabaa in haweenay ay madaxweyne ka noqon karto dalalka Islaamka ee hadda isaga oo u cuskaday in hoggaanka weyn (imaamnimada weyn) ee loo diiddan yahay tahay ta muslimiinta oo dhan midaysa sidaa awgeed dalalka immika jiraa waxa ay la xukun yihiin gobollo/maamul goboleedyo dumarkuna waa ay xukumi karaan. Sidoo kale dumarka talo badan iyo hawl badan ayaa kaga aaddan qoyskooda haddii bulshadu ay tahay qoys weyn, dumarkuna kala badh ka badan yihiin suurogal ma aha in aanay talada wax ku yeelan !

 

#Xusuuso : Dumarku in ayna cawro ahayn isla markaasna caqligoodu ku filan yahay ma aha wax uu qof fayoobi dood galiyo, qof walba, rag iyo dumar, jidhkiisa cawro waa uu ku leeyahay se qofna cawro ma wada aha, caqliguna waa midka rag iyo dumar lagu yahay xilkaska (masuul) xitaa haddii la yidhaa haweenka laablakaca (caadifadda) ayaa ku badan noqon mayso oo ma aha mid wax u dhinta caqligooda iyo garashadooda, taasi waa midda aan hadh iyo habeen ujeedno ee aan og nahay hadaynaan isyeelyeelin !

Dumarku in ay guriga uun ku jireen waajib ma aha ee danahooda iyo danaha guudba waa ay u bixi karaan waxa se ka reebban in ay Tabarruj-baxaan sida dumarka dharka xayeysiiya ( wa qarna fii buyuutikunna) – yoolku waa – (walaa tabarajna tabaruj aljaahiliyatil uulaa) ! oo dee dumarkii nabiga ayaa dantooda iyo danta guudba u bixi jiray iyaga oo u hogaansan aayaddan oo aan tabaruj-baxayn !

 
3)Dumarku waa ay hanan karaan xil heer kastaba:

 

Aragtidan waxa ay ku qotontaa sinnaanta garasho, garaad iyo karti ee rag iyo dumar, waxaanay siyaabo badan u furdaaminaysaa fahamka diiniga ah ee ay cuskadeen aragtiyihii aan hore u soo sheegnay isla markaasna waaqica jira ayay sina u cuskanaysaa sina u macneynaysaa .

Xadiiska sheegaya in ‘qolo dumar u taliyeen aanay liibaanayn’ dhawr iimood ama daldaloolo ayuu leeyahay, waxaana ka mid ah in uu yahay xadiis nin kaliya uu nabiga ka keenay oo ah Abu Bakrah isaga oo aanay xadiiskan maqal ooridii nabiga ee Caa’isha Rc oo qisada warintiisu iyada ku saabsan tahay (saxaabigu iyaduu ugu soo hal qabsaday) iyo waliba saxaabadii ay isku safka ahaayeen ee aan kaga hadhin cilladda uu Abu Bakra kaga baydhay oo ah xadiiskan uu nabiga NNKH ka maqlay, waxa kale oo uu leeyahay iin ah in Abu Bakra qudhiisu yahay nin mar lagu oogay xadka aflagaadada (qadafka) isla markaasna maraggiisu qooman yahay, waxa kale oo uu leeyahay in uu baal marsan yahay runta aan si aan madow ku jirin u aragno oo ah in ay jiraan dadyow dumar u taliyeen oo aan ugu yaraan ku luggo’in ee ay qaarkood ku liibaaneenba. Xadiis nabiga laga sheegayaana waa in uu runta waafaqo. Dumar badan ayaa dunida meelo badan iyo marar badanba soo xukumay maantadan la joogana qaar ayaa xukuma: Jarmal, Baraasiil, Arjantiin, Ingiriis, Hindiya, Baakistaan, Bangaladheesh, Indoniisiya, Laybeeriya, Israaiil iyo dalal kaleba tobanaankii sano ee ugu dambeeyay dumar ayaa xukumay, qaarkoodna hadda ayay xukumaan. Waxay isugu jiraan talisyadaa dumarku hoggaamiyeen kuwo kali talis macangag ah iyo qaar dimuqraaddi ah se laguma sheegin iin ama qoon dumarnimo oo ay talada u geysteen, eed iyo ammaan waxa ay leeyihiin waa mid ragguba leeyahay, horeyna waa ay u jirtay boqortooyooyin dumar soo haggaamiyeen isla muslimiinta ayay soo martay haweenay la odhan jiray ‘Shajaratu Durr’ oo in muddo ah xukumaysay Masar (1250) ka dib Suldaankii Saalix Najmudiin Ayuub oo ninkeeda ahaa, waxaanay guul darro weyn gaadhsiisay Saliibiyiinta (crusades) oo faro ba’an ku hayey Masar iyo deegaanka muslimiinta ee Bariga Dhexe. Sidoo kale quraanka waxa uu ilaahay korreeye ku soo wariyey haweenay boqorad ahayd oo lagu sheegay Balqiis, waxa ay lahayd awood badan waxa se quraanku sheegay in ay ahayd haweenay dimuqraaddi ah oo talada daadajisa, isla markaasi danta guud cod galisa, waanan wada og nahay sheekadeeda iyo taladii ay bixisay, yeelkeed e quraanka waxa ku xusan dhaliil iimaan iyo garasho oo bulshadeedii lahayd sida shirkiga se lagu ma xusin in boqornimada haweenaydu tahay dhaliil !

Xadiisku haddii uu sax yahay waxa uu ku dareerayaa waayo dad iyo duruuf waqti oo bulshooyin dhaqan ahaan dumarka liida ama aan tixgalin taladooda, in ay haweenay maamushaa ma aha mid fudud badanka,  waxaana ay ku dambayn kartaa talo xumaata. Tusaale ahaan bulshooyinka Jasiiradda Carabta iyo kuwii la jaarka ahaaba dumarku waxa ay ka ahaayeen dad aan la talo galin oo la yaso, sidaa awgeed ayuu nabigu yidhi xadiiskan isaga oo ku dhisaya waayo aragnimada nolosha bulsho ee gayigaa taalay, dhibtuna waa dhaqanka bulsho ee ma aha dhalanka dumarka oo waxa la mid ah dadka adoommada ah ee ragga ah iyaguba ma lahayn talin iyo talo dhiibasho midna, sababta oo ah bulshada ayaa liidi jirtay oo ay u liidmeen, sidaa awgeed ayay fuqahadii muslimiinta ee xilligii adoonsiga noolaa waxa ay isku raaciyeen dumarka iyo addoomaha ka caagganaanta xukunka iyaga oo labadooduba aan ehel u ahayn talin sida ay sheegeen. Runtu se waa in dhibtu ahayd dhaqanka bulsho oo dadkan liidasho ku barbaariyey haddii se dhaqankaasi laga baxo oo qof walba dadnimadiisu muuqan karto cilladii waa ay suulaysaa.!

 

Dumarku in ayna talin karin heerka qoys waa hadal aan la hubsan oo xaqiiqadu waxa weeye in talada qoyska dumarku wax ku leeyihiin inta badan, in badanna lagu dhismo taladooda; waa mid uu garanayo qof kasta oo waaqica jira ka qaata xaqiiqada ee aan maanka uun ku haysan hadal la yidhi! Qawaamada ninkuna ma aha u talin ee waa kaalin buuxin oo in aad qoyskaaga u soo shaqaysaa kama dhigna in aad kaligaa taliso, kaalin ‘u heellanaan‘ ah ayaad kaga jirtaa halka iyaduna ku jirto kaalin ‘u hagarbax’ ah; waa aad isku heellan tihiin oo aad isku hagar baxdaan, taladiinnuna waa ‘wadaag’, qawaamaduna talo uun ma aha ee waa eray ah ‘xilkasnimo’, ‘hagrasho la’aan’ iyo ‘hiil nololeed’,.  In ninku dhaqaale sameeyaana waa sida badan hab bulsho ahaan se ma aha xeer nololeed oo in badan ayay dumarku noqon karaan isha dhaqaale, duuduubkuna waa in talada qoysku tahay mid aan jinsi (lab/dhedig) ku xidhnayn, sidaa si la mid ah talada bulsho waxa ay ku xidhan tahay tayada qofka talinaya ee kuma xidhna jinsigiisa !

 

Hab nololeedka bulsho iyo duruufaha waqti waxa ku arooraya aayadaha ka hadlaya in ‘markhaatiga gabadhu yahay ninka badhkii’  Waxaana taasi caddaynaysa in isla fiqiga muslimiinta jiraan xaalado ay meelmar tahay markhaatiga haweenay kali ah taasi oo caddaynaysa in markhaatiga gabadhu ku xidhan yahay duruufta ay bulsho ahaan ku nooshahay iyo waxa ay ka marag kacayso, oo sideedaba marag furku waxa uu rabaa dhiirranaan iyo hal adayg, taasina badanka uma fududa qof bulsho ahaan la liiday oo dabeed liidmay oo waa qof mar walba habranaya se haddii aanay jirin liidmo bulsho iyo yasitaan qofnimo waxa meesha ka baxaysa cilladda lagu dhisay badhnimada maragga haweenka oo ah ‘marag haboowga- أن تضل احداهما’ ka suurooba waxaana jirta qaacido fiqi ah oo muslimiintu dhigeen oo odhanaysa ‘xukunku waxa uu ku lammaan yahay cilada(sababta)- الحكم يدور مع العلة‘ taasi oo ah haddii sababta xukunka keentay la waayo xukunkuna waa uu laalmayaa !

 

muhiimadda maraggu waa kalsoonida lagu qabo qofka markhaatiga ah ee ma aha jinsigiisa iyo qoladiisa midna, tusaale ahaan maragga hal gabadh oo dhawrsasho iyo dadnimo leh kuna dhex nool bulsho aan is liidin waxa uu ka wanaagsan yahay kana kalsooni badan yahay maragga shan nin oo caadeqaateyaal aan dhawrsan ah !

Arrimaha la xidhiidha cibaado wadareedyada sida salaadaha ee loo cuskaday si hoggaamiyaha labnimo loogu shardiyo ma aha kuwo meel mar ah oo ugu horreyn hoggaamiyuhu in uu dadka tukiyo waajib kuma ah, sidaa awgeed haddii haweenay madaxweyne noqoto dadkana aanay salaadda tukin waxba tabi maayaan, oo sideedaba waa wax aan markii horeba hoggaamiyeha gooni u saarnayn, immikaba madaxdeena ragga ahi salaado inama tukiyaan, mana tabno oo xilka hoggaamiyeha loogu talo galay ama uu u idman yahay maba aha in uu ina tukiyo, waxaa la mid ah hoggaaminta guluf dagaal oo badanka hoggaamiyeyaasha maantu talada uun bay bixiyaan ee  jidh ahaan ugama qayb gallaan; waaba haddii dumarka dagaalku ka reeban yahay sida ay ku doodaan qaar iyaga oo iska indha tira in nabiga NNKH dumar ka barbar dagaalameen.!

 

Doodda ah dumarka codkooda ayaa cawro ah oo dadweynaha lama hadli karaan iyo ragga ma dhex gali karaan amaba amar la’aanta ninkeeda gabadhi ma bixi karto waa kuwo ku qotomo dhaqan bulsho, oo raba in uu bulshooyin kale ku faafo ee ma aha arrin diin ku sal leh. Haddii islaamka laga hadlayana dumarku dad badan waa ay la hadli jireen xilligii nabiga oo codkooda cid walba waa ay maqli jirtay, nolosha caadiga ahna rag iyo dumar waa ay kulmi jireen, dumarkuna danahooda waa ay u bixi jireen ah iyada oo bulshadu ahayd Carab leh dhaqan deegaan se ma jirin xeerar cusub oo karantiimo ah oo nabi maxamed NNKH ku soo rogay dumarka .

In dumarku aanay muxrim la’aan bixi karin (nin ehel ah oo weheliya marka ay safrayso) carqalad kuma noqon karto haweenay madaxweyne ah oo madaxweyneyaasha dunidu sida ay dumarkooda u kaxaystaan ayay gabadhuna ninkeeda u kaxaysan kartaa waaba se haddii arrinta muxrimku tahay mid eegga suuro gal ka ah nolosha casriga ah oo safarkii noqday wax aan halis lahayn, halka waayihii nabiga ee wehelinta gabadhu waajibka ahaa ay jirtay halis badan oo dad iyo dugaagba ka iman karta oo ragguba marar badan wehel u baahnaa, maanta se safarku ma aha wax aad uga duwan nolosha haddiiba hoggaamiye laga hadlayana hadalkeedaba daa !

Sheekhii dhawaan dhintay ee Xasan At-turaabi waxaabu qabay in hoggaaminta dumarku heer walba leedahay oo xitaa ay salaadaha horkici karaan isaga oo u cuskaday nusuus sugan oo dumar rag tukiyeen xilligii nabiga NNKH.

 

Waxyaabaha hoos loogu dhigo hoggaaminta dumarka waxa ka mid ah, sida aan qaybtii hore ku aragnay, in ayna naftoodaba u talin karin sida marka la guursanayo ama la furayo ee sidee ayay ummad ugu talin karaan?! Dadka sidan leh waxa ay marka hore illaaween ama is illawsiiyeen in guurku yahay heshiis labo qof (nin iyo gabadh) oo maraya xeerarka heshiisyada ee leh oggolaanshaha labada dhinac, markhaatiyo iyo wax lagu heshiiyey, waa intaa ubucda waxa kalena waa qurqurxin dhaqan iyo muunadayn diineed oo haddii waalidka inantu yahay kan bixiya ama heshiiska u gala runtii waa kaalin maamuus uun ee asal ma aha, waxaana kuu qeexaya in haddii ay inantu diiddo aanu qasbi karin, haddii ay doonayso oo isagu diidana teedu soconayso oo tiisa laga dulguurayo (marka laga reebo fuqahada oo qaar yidhaa waa in la eego sababta uu ugu diidayo)! Sidaa awgeed doodda ah gabadhu nin ma guursan karto iskamana furi karto waa hadal aan taag iyo tamar badan lahayn se bulshooyinka dumarka liida ee ay maanka kaga gufeysantay in aanay dumarku ahayn noole xilkas ah ay soo dhaweeyaan kuna dhex faafa .

Xilligan lagu jiro badanka dawladuhuu waa goleyaal (mu’asasaat) ee ma aha xukun qof kaliya maroorsado, waxaana badanka lagu maamulaa xeerar qoran iyo dastuurro, sidaa awgeed qiimo badan ma leh qofka madaxa ka ah dabiicaddiisa abuureed iyo awooddiisa jidheed (wixii aan cudur ahayn) marka laga reebo dalalka kalitiska ah oo qof ama dhawr qof rabitaankooda ku maamulaan.  Yeelkeed’e middan lafteedu ma aha qoon-dumar oo waa ay jiraan dalal ay xukumaan dumar kalitalis ah sida Bangaladheesh oo ay xukunto haweenay xukun qallafsan (Sheekh Xasiina) iyo dumar karaan adkaa sida haweenaydii Taarjar ee Ingiriiska soo xukuntay oo lagu naanaysay ‘haweenaydii birta ahayd’ .

Aragtidan aan soo faaqidnay waxa ay ku arooraysaa in kala duwanaanshaha garasho iyo dadnimo ay tahay mid badanka ka dhalata dhaqanka bulsho ee aanay qofka dhalankiisa (abuurtiisa) ahayn! Tusaale ahaan, Soomaalida waa ay yar tahay in haweenay ay si dhab ah u hawaysato hoggaankeenna waxaana sidaa ah dadka la haybsooco oo aan iyana u hanqaltaagin hoggaanka! Mana aha in dumarka iyo qaybta bulshada la haybsoocaa aanay abuur ahaan u diyaarsanayn hoggaaminta ee waa in ay dhaqan ahaan u soo liidnaayeen muddo dheer jeer uu hankooda ka baxay hamigaa sare, suuraysanna karayn iyaga oo halkaa gaadhay. Haddii se dhaqanka bulsho ka baxo gunnimada haybsooca dad badan oo la haybsooci jiray ayaa yeelan doona han sare, muujinna doona kartidooda isla sidaas ayay dumarkuna yeelayaan haddii ay masaxanto xusuusta bulsho ee dumarka yasta !

 

 

Dhammaad .

Ilaahay ayaa mahad leh, idinkuna waad ku mahadsan tihiin akhriska .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code