HAWEENKII BURBURKA

 

Dagaalkii 2-aad ee adduunka, markii la jebiyey dawladdi cunsuriga ahayd ee Jarmalka, dalkana la qabsaday, lana kala qaybsaday baa waxa dhacday in raggi Jarmalka ahaa ay noqdeen qaar dhintay, qaar dhaawacmay, kuwo qaxay iyo kuwo badan oo maxaabiis dagaal loo qabtay, waddankiina waxa isugu soo hadhay haween aan rag qummani wehelin. Haweenkii waxay bilaabeen in ay magaalooyinka waaweyn ee dalka ee sida arxan darrada ah loo burburiyey ay ka ururiyaan dhagaxa iyo ciidda. Waana halka ay kula baxeen magaca aan u bixiyey qoraalkan ee ‘Haweenkii Burburka ama Trümmerfrau. Waxay gacmohooda ku gureen dhagxaanti iyo burburkii yaaley magaalooyin dhan oo la dumiyey iyagoo qalab iskadaaye wax faraha la gashto aan haysan.

Haween waynihii Jarmalku halkaasay bay ka bilaabeen halgan ay dib ugu dhisayaan dalkooda burburay, la haysto welibana la kala qaybsaday iyago u babac dhigay una adkaystay hagardaamoyinkay u dhigayeen dawladihii isbahaysigu oo isugu jirey xadhig, aflagado iyo kufsi wadareed aad u fool xun, laakin waxaas oo dhammi ma niyad jebin ee hawshoodii bay wateen, waxayna aad uga gilgisheen burburka, dayaca, darxumada iyo faqriga dalkoodu ku jirey. Muddo gaaban aragtidii dheerayd ee haweenkaasi waxay gebi ahaanba ku faaftay dalwaynihii Jarmalka waxaana dhacday inay intaa uga gudbeen inay dib u habayn ku sameeyaan wershadihii dalka, wadooyinkana nadiifiyaan. Waxay kaloo badbaado u noqdeen in aan la burburin goobihi taariikhiga ahaa ee waddanku lahaa.

Sannado yar oo kooban ayuu Jarmalku kaga kabtay dhibtii naf iyo moodba lahaa ee ka soo gaadhey  dagaalka. qorshaha iyo taladana waxaa laha haweenka Jarmalka. Soo kabashadaas waxaa qiray waddamadii qabsaday Jarmalka oo wax lala yaabo ku tilmaamay.

Haddaba, tan iyo burburki dawladdi dhexe ee Soomaaliya talada dalku waxay gacanta  u gashay rag ma naxayaal ah, waddaniyad iyo arxan toona aan lahayn, oo dal iyo dadba cadawga uga daran,  inay dal dhisaan iska daaye waxay burburiyeen dalkii cashuurta dadweynaha lagu dhisay, waxay xasuuqeen shacabkii Somaaliyeed, haweenkiina dil iyo kufsi baahsan bay isugu dareen. Raggaasi intay qabaa’il isu qaybiyeen ayay qoloba qolo xasuuqday, wax badan oo shirar la isugu yimid ilaa maanta xal lama helin. Talo kasta oo dalka iyo dadka dib la isugu keeneyey haweenka Soomaaliyeed wax talo ah kuma lahayn, innagoo og in waxa lagu baxsaday ay ahaayeen haweenka Soomaaliyeed oo haddii aanay jirin malaayin qoys gaajo iyo darxumo u dhiman lahaayeen.

27 sano ayay raggii talo loo aayo keeni la’yihiin, haddaba saw ma ahan in aan wax ka baranno haweenka Jarmalka oo aan talada dalka gebi ahaanba ku wareejino haweenka Soomaaliyeed oo geesnimo, karti iyo waddaniyadba leh, raggana ka garasho iyo aragti dheer, maadama iyagu yihiin macalimiintii ragga wax baray inkastooy ku qasaareen, Ardayga saw macalinku kama mudna? Hana la ogaado in uusan jirin nin hooyadi ka caqli badan.

Waxaan hubaa haddii talada annaga nalagusoo wareejiyo in aan dalka iyo dadkaba badbaadin lahayn  muddo hore haddiise xaalku sidaan kusii socdo bulshada soomaliyeedna ay 56+%  yihiin haween in ay waajib nagu tahay in aan u tashano sidii aan dalka iyo dadkaba u badbaadin lahayn.

Ragga Soomaaliyeed inay gob yihiin iyo in kale waxa xusi doonta taariikhda. Haweenka Jarmalku inay ka rag wanaagsan yihiin haweenka Soomaaliyeed isla taariikhda ayaa xusi doonta iyadana. Waxaa wanaagsan in haweenka la siiyo fursad ay dalka ku badbaadiyaan inta aan la dabar go’in. Raggow waad fashilanteen, inaad fashilkiina aqbashaanna waa qayb guusha ka mid ah.

Halkaan waxaan haweenka Soomaaliyeed ugu soo jeedinayaa inay sidii Xaawa Taako iyo Arraweelo u istaagan badbaadinta dalka iyo dadka. Waxaan kaloo farriintaas fariin la mid ah u diryaa dhamaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ragga ah aniga oo ugu baaqaya inay talada dalka haweenka u dhiibaan, si aan dhamaanteen u badbaadno.

Maanta dalka Jarmalka oo ah waddamada adduunku ugu dhaqaalo fiican muddo dheer waxa ka talisa haweeney, sidoo kale boqortooyada Ingiriiska iyana haweenay ayaa ka talisa iyado weliba gaal iyo muslim ba lagu hoos noolyahay dalkuna dhan walba waa ka hor maray. Taariikhda Islaamkuna waxay noo sheegaysaa in boqollaal haween ahi ay dhulal islaam ah ka taliyeen. Magcaanta haweenka Muslimka ah ee madaxweynayaasha iyo Ra’isu Wasaarayaasha noqday ee aan weli wada xasuusannana waxaa ka mid ah; Benazir Bhuto, Khalida Zia, Sheikha Hasina, Tansu Ciller, Aminata Toure, Megawati Sukarnoputri, Atifete Jahjaga iyo qaar kale. Lamina sheegin karti xumo lagu dhaliilay haweenkaas. Taas baana marag cad u ah in aysan waxba ka jirin hadalka wadaaddada qaarkood ay ku andacoodaan ee sheegaya: in aysan liibaanin qolo haween madax ka dhigtay.

Haddaba, saw ma ahan in aan adduunka wax ka baranno oo aqoonta iyo garashada taageerno, taladana aan haweenka ku wareejinno??.

HAWEENOW ARRAWEELO IYO XAAWA TAAKO UMA DHIMAN IN AAN DALKA IYO DADKA SIDAAN KU DAAWANNO!!!

W/Q Mulki Hersi

mulki.hersi@gmail.com

 

 

Sawirka 1-aad waa taallo loo dhisay dumarkii Trümmerfrau ee Jarmalka, halka sawirka 2-aad uu yahay taalladi halgamaa Xaawo Taako.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

*

code