Hindiya iyo saddexda dalqadood!

Labadii toddobaad ee u danbeeyey waxaan joogey dalka Hindiya,  intii aan ku sugnaana waxaa I soo jiitey dood culus oo saxaafadda dalkaani ay si xawli ah u tebinayso oo ku saabsan mawduuca loogu yeeray saddexda dalqadood (= Triple Talaq). Halkaan saddexda dalqadood waxaa laga wadaa falka ragga Muslimka ah qaarkood ay ku kacaan ee ah in ay xaasaskooda si kama dambaysa ah ugu furaan in ay erayga “waad furan tahay/أنت طالق” saddex jeer ku dhawaqaan ama saddex jeer qoraan iyaga oo adeegsanaya aaladaha bulshadu ku xiriirto (=social media) sida Facebook,  Twitter, WhatsApp , SMS iyo Email.

Hindiya waa dalka saddexaad ee Muslimiinta ugu badan dunidu ay ku nool yihiin (172 malyan), dastuurka dalkuna muwaadiniinta Hindida ah ee tiradoodu gaarayso 1.34 bilyan wuxuu fursad u siinayaa in arrimaha ku saabsan xeerka qoyska (=Personal law \قانون الأحوال الشخصية) -sida guurka, furriinka, iyo dhaxalka- ay ku dhaqmaan waxa diinta ay haystaani ay dhigayso. Sidaa awgeed Yahuudda, Masiixida, Muslimiinta iyo Saraadashtida qolo kastaa waxay leedahay qaanuun iyada u gaar ah, halka Hinduusta, Buudida, Siikha iyo Jayntu (=Jains) ay leeyihiin hal qaanuun oo loo yaqaan “Qaanuunka Hinduuda/ Hindu Law”.

Dhab ahaantii, dad badan baa waxay qabaan in Muslimiinta Hindiya aysan lahayn qaanuun midaysan oo uga degsan arrimaha qoyska, balse mar walba ay u hoggaansamaan sida wadaaddadu wax ugu fasiraan, taasina ay keentay in Muslimiintu fikrado kala duwan ka haystaan qawaaniinta la xiriirta arrimaha qoyska oo uu ku jiro furriinka saddexda dalqadood.

Furriinku marna ma aha wax dhib yar oo waa tii Soomaali horay u tiri: “Naag la furay fadhi uma yaal kii furayna fadqalalow!”, hayeeshee furriinka culayskiisa waxaa sii dareema bulshooyinka ku jira marxaladda kala guurka dhaqamada ee bulshadu ka guurayso marxaladda taqliidiga (=Traditional) una guurayso marxaladda casriga cusub (=Modernity). Marxaladdaas oo furriinku bato, isla markaana bulshadu ay dhaleecayso dumarka la furo. Bulshada Hindiya iyo guud ahaan dadyowga dunida saddexaad- oo Muslimiinta oo dhammi ay ka tirsan yihiin-  waxay ka mid yihiin bulshooyinka marxaladdaas hadda maraya.

Hindiya waxay ka mid tahay waddamo weli raggu awood u leeyihiin in ay dumarka ilbiriqsiyo gudahood ku furan, ka dib marka ay saddex goor ku dhawaaqaan ama qoraan weedha ‘waad iga furan tahay’. Daraasad ay samaysay hey’adda magaceeda la yiraahdo “Bharatiya Muslim Mahila Andolan (BMMA) oo ah hey’ad u doodda xuquuqda haweenka, una ol’oleysa joojinta furriinka saddexda dalqadood ee isku marka dhaca, waxaa lagu ogaaday in 59% haweenka Muslimka ah ee Hindiya ee la furo in lagu furo saddex dalqadood oo mar qura lagu dhawaaqay. Dhowr sano ka horna rag iyo haween Muslimiin ah oo tiradoodu 50,000 ka badan tahay ayaa waxay saxiixeen codsi (= petition) lagu dalbanayo in la mamnuuco ku dhaqanka saddexda dalqadood ee sida fudud isku marka loogu rido (toddobaadyadii la soo dhaafayna muwaadiniin tiradoodu malyan kor u dhaaftay baa waxay saxiixeen codsi kan hore la mid ah).

Dhaqanka saddex ku furidda haweenku waa dhaqan soo jireen ah oo keena in si fudud dumarka lagu furo, xaqoodana lagu duudsiyo, dhib iyo burbur badanna bulshada u geysta. Tusaale ahaan, dumarka sida sahlan lagu furo badankoodu waxay si fudud ku waayaan wax badan oo ay muddo dheer ku soo tacbayeen sida ubadkooda, gurigooda iyo hanti kale. Haweenka dhibkaas ku dhacaana waxay u badan yihiin kuwa saboolka ah, isla markaana heerkooda waxbarashadu uu hooseeyo. Sidaa darteedna, furriinka saddexda dalqadood waxaa mamnuucay ku dhawaad labaatan dal oo Muslim ah. Waddamada mamnuucayna waxaa ka mid Aljeeriya, Ciraaq, Iiran, Indooniisiya, Turkiga, Tuunis iyo dalalka Bakistaan iyo Bangaladeesh oo ay Hindiya deris iyo isku dadba yihiin.

Mabaadida aasaasiga ah ee nuxurka diintu ka muuqdo waxaa ugu horreeya mabaadida caddaaladda, raxmadda iyo sinnaanta. Quraankuna wuxuu noo sheegayaa in qoyska lagu dhiso jacayl iyo raxmad, oo Alle quraanka wuxuu ku yiri: “Waxaa ka mid ah calaamooyinkiisa (=Ebbe) inuu idiinka abuuray naftiinna aswaaj si aad ugu xasishaan, yeelayna dhexdiinna jacayl iyo naxariis /ومن آياته ان خلق لكم من انفسكم أزواجا لتسكنوا اليها وجعل بينكم مودة ورحمة” (Suurat Ar-Ruum,21). Guurkuna wuxuu keenayaa in lammaanuhu yeeshaan xuquuq iyo waajibaad isu dhigma. Islaamkuna guurka wuxuu u arkaa mid jiraya inta lammaanuhu ifka saaran yihiin, haddii uusan imaan dhib ay adagtahay in loo dulqaato.Nebigana waxaa laga wariyey in uu yiri: “Xalaasha Ilaah ugu neceb yahay waa furriinka\ أبغض الحلال إلى الله الطلاق”.

Marka nusuusta diinta loo noqdana waxaa la ogaanayaa in dhaqanka saddexda dalqadood ee isku marka la rido aan daliil xooggan looga helayn shareecada Islaamka, balse jiritaankiisu uu ku xiran yahay doonidda labka oo saamayn badan ku leh dhaqanka bulshada iyo ragga wadaaddada ah oo aalaaba diinta u macneeya si waafaqsan doonista labka, isla markaana jecel in ay qaataan wixii culumadii hore ay yiraahdeen iyaga oo aan su’aalo badan iska weydiin daliisha doodda culumadaasi ay ku qotonto iyo dhib iyo dheef waxa ay bulshada u leedahay.

Inkasta oo fuqahada Islaamku aad isugu khilaafeen xugunka saddexda dalqadood ee marka qura la israaciyo, badankooduna ay qabaan in haweenaydu si kama dambays ah ugu furmayso, haddana quraanka kariimka waxaa laga fahmayaa si taa ka duwan. Waayo? Aaydaha quraanku waxay muujinayaan nidaamka loo baahan yahay in la raaco marka la doonayo in furriin dhaco. Nidaamkaasina waa mid dhowr marxaladood maraya, oo qaadanaya waqti dheer. Tusaale ahaan, eeg aayadaha 228-232 ee suuradda Al-Baqarah, Suurat An-Nisaa aayadda 35,  iyo Suurat Adhalaaq aayadaha 1-7.

Si taa la mid ah nebigu (scw) waa dhaleeceeyey saddexda dalqadood ee haweenka mar qur ah lagu furo. Tusaale ahaanna, waxaa la wariyey in nebiga loo sheegay nin xaaskiisii mar qura saddex dalqadood ku furay, markaana nebiga aad u carooday, isaga oo caraysanna uu yiri: “Ma kitaabka Ilaahay baa lagu ciyaarayaa aniga oo idinla jooga?”. Waxaa kaloo la wariyey in nin la oran jirey ‘Rakaana’ uu afadiisii fadhi keliya saddex ku furay, dabadeedna uu falkaas aad uga shallaayey, nebiguna (scw) uu weydiiyey: sidee ku furtay? Ma hal fadhi? Wuxuu yiri: Haa, nebiguna markaas wuxuu ku yiri: taasi waa hal furriin ee ku noqo, wuuna ku noqday.

Culumada qaba in saddexda dalqadood ee marka qura la rido laga soo qaadayo dalqad keli ahi nusuusta kale ee ay daliishadaan waxaa ka mid ah xadiis uu Muslim wariyey oo oranaya: “Xilligii nebiga (scw) iyo Abuu Bakar iyo labo dabshid oo ka mid ah khilaafadii Cumar furriinka saddexda dalqadood wuxuu ahaa dalqad keli ah, dabadeed Cumar bin Khadaab ayaa wuxuu yiri: dadku waxay ku degdegeen arrin ay kasho u haysteen ee ka warrama haddii aan uga dhabayno, wuuna uga dhabeeyey (= saddexda dalqadood ee la is raaciyo ayuu wuxuu ka dhigay sidii saddex marar kala duwan dhacay)”.

In saddexda dalqadood ee marka qura la rido laga soo qaado hal dalqad waxaa qaba culumo ay ka mid yihiin Ibnu Taymiyah, Ibnu Qayim iyo in badan oo ka mid ah fuqahada Shiicada. Imaam Showkaanina (1759-1834) buuggiisa “Fatxi al-Qadiir” isaga oo arrinkaan ka faalloonaya wuxuu ku yiri: “Culumadu waa isku khilaafeen saddexda dalqadood ee isku marka la rido, ma saddex baa laga soo qaadayaa mise mid qura? Tan hore waxaa ku tagey culumada badankooda, tan labaadna kuwaa qaatay, waana xaq, … arrinkaasna dhigaalladayda ayaan si xoog leh ugu caddeeyey, dhanbaal u gaar ahna waa ku caddeeyey /وقد اختلف أهل العلم في إرسال الثلاث دفعة واحدة ، هل يقع ثلاثا ، أو واحدة فقط ؟ فذهب إلى الأول الجمهور ، وذهب إلى الثاني من عداهم ، وهو الحق ، قال : وقد قررته في مؤلفاتي تقريرا بالغا ، وأقررته برسالة مستقلة 

Aqoonyahanno uu ka mid yahay Prof. Furqaan Axmed waxay qabaan in dhaqanka saddexda dalqadood uu faafay qarnigii 2-aad ee Hijrada, ka dib markii madaxdii iyo maalqabeennadii Ummawidu ay ogaadeen in nusuusta diintu ay caqabad ku tahay in ay naftooda u fasaxaan waxay doonayso, ugana baxsadaan axkaamta shareecadu ku hareeraysay. Barafisoor Furqan oo arrinkaan ka hadlayaana wuxuu yiri: “Waa muhiim in la ogaado in uusan Islaamka ahayn, laakiin uu yahay habdhaqankii Ummawida midka sharciyadda siiyey furriinkaani /It must be noted that it was not Islam, but Omayyad practices that gave validity to these divorces” (baaritaanka Furqan Ahmed ee cinwaankiisu yahay “Understanding the Islamic Law of Divorce” halkaan ka akhri: http://14.139.60.114:8080/jspui/bitstream/123456789/12599/1/020_Understanding%20the%20Islamic%20Law%20of%20Divorce%20(484-508).pdf ).

Dhab ahaantii, hardanka la xiriira xeerka qoyska oo mawduuca furriinku uu soo hoos galayo, dalka Hindiya wuxuu ka taagnaa tan iyo dabshidkii 1937, hayeeshee wuxuu dardar cusub helay ka dib markii labo toddobaad ka hor ay maxkamadda sare bilowday in ay muddo lix maalmood ah (May 11-18, 2017) dhegaysato xaalado iyo doodo ku aaddan furriinka saddexda dalqadood. Hase ahaatee maxkamaddu ku dhawaaqidda go’aankeeda ku aaddan arrinkaan –oo lagu tilmaamay in dhan kasta oo uu dhacaba uu noqon doono go’aan taariikhi ah – waxay dib ugu dhigtay bisha Juulaay ee nagu soo aaddan (waxaa xusid mudan in shanta garsoore ee maxkamadda sare ee go’aanka gaarayaa ay ka kala tirsan yihiin diimaha Hinduuga, Islaamka, Kirishtanka, Siikha iyo Saraadashti ama Parsi).

Furriinka saddexda dalqadood muddo dheer wuxuu ahaa arrin ay go’aan ka gaariddiisa isku tuurtuurayeen labada laamood ee sharci-dejinta iyo garsoorku, oo qolo kastaa ay tan kale ku riixaysey. Maxkamadduna sida ay sheegtay waxay ka baaraandegaysaa in ay go’aan ka gaarto in furriinka saddexda dalqadood ee la is raaciyaa uu diinta Islaamka asal ku leeyahay iyo in kale.

Bulshada Hindiya oo idilna si buuxda bay ula socdeen dhegaysiga maxkamadda. Maalmihii dhegaysigu socdayna dumar badan ayaa caradooda ku aaddan saddexda dalqadood qaabab kala duwan ku muujiyey. Tusaale ahaan, haweenay la yiraahdo Shamim Jahan oo 12 sano oo ay reer lahayd ka dib saddexdii dalqadood lagu siiyey xarun boolis dhexdeed, waxay sheegtay in haddii dowladda iyo maxkamaddu aysan wax ka qaban dhibka saddexda dalqadood ay Islaamka ka baxayso oo ay qaadanayso diinta Hinduusiga, waxayna tiri: “Waxaan la kulmay darteed, waxaan u malaynayaa in ay ii wanaagsan tahay in aan noqdo Hinduusi, waayo waxaan oo kale Hinduusiyadda kama dhacaan. Xalka kale ee aan haystaa waa in aan isdeldelo. Wax badan baan dhibtooday” (Halkaan ka eeg: http://www.siasat.com/news/muslim-woman-threatens-convert-hinduism-justice-denied-1186779/ ).

Bishii Diseembar ee 2016, maxkamadda sare ee magaalada Allahabad furriinka saddexda dalqadood waxay ugu yeertay in uu yahay mid aan dastuurka dalka waafaqsanayn, eraygaas oo muran abuuray. Maxkamaddu waxay ku doodday in aan qofna, marka lagu daro haweenka Muslimka ah, aan xuquuqdiisa la duudsin karin iyada oo la cuskanayo xeerka qoyska. Xukuumadda Itixaadiguna (=The Union government) waxay sheegtay in ay doonayso in ay dejiso xeer madani ah oo si midaysan loogu dhaqo dhammaan dadka kala haysta diimaha kala duwan ee dalka ka jira. Hase ahaatee, soo jeedintaas waxaa ka biyo-diiday wadaaddada Muslimka ah oo ku dooday in xeerka noocaas ahi uu liddi ku yahay diintooda, waxayna ku andacoodeen in furriinka saddexdu uu yahay mas’alo diini ah aanna loo baahnayn in maxkamaddu faraha la gasho. Waxayna yiraahdeen: “Saddexda dalqadood waxay jireen 1400 oo sano, sidee lagu dhihi karaa dastuurka ma waafaqsana?”.

Doodduna waxay sii kululaatay ka dib markii uu soo galay Ra’iisu Wasaaraha dalka Mudane Narendra Modi oo sheegay in caadada ah in haweenaydu saygeeda si buuxda uga furanto ka dib marka ninku saddex jeer  yiraahdo: “waad furantahay, waad furantahay, waad furan tahay”, ay ragga fursad u siinayso in sida ay doonaan ay ugu ciyaaraan xiriirkii guurka, taasina ay tahay faquuq dhanka diinta ah oo dumarka lagula kacayo. Modi oo hadalkiisa sii watey wuxuu yiri: “Waxaa jira kuwo u oggolaanaya in saygu xaaskiisa ku furo saddex eray oo uu saddex jeer ku dhawaaqay, dadka qaarkoodna waxay qabaan in habdhaqankaasi uu khilaafsan yahay ruuxda diinta”, wuxuuna isweydiiyey: “Muxuu yahay denbiga ay gashay walaashayda muslimadda ahi si nolosheeda oo dhan loogu dumiyo in taleefan lagu maqashiiyo erayga ‘waad furan tahay’ saddex jeer. Waa in aynaan marna oggolaan in hooyooyinkeen iyo walaalaheen dulmi loogu geysto magac diimeed ama mid kooxeed.”

Hadalkaas Modi waxaa ka carooday wadaaddada Muslimka ah – siiba Golaha Qaanuunka Ee Dhammaan Muslimiinta Hindiya (All India Muslim Personal Law Board)- oo hadalka Ra’iisu Wasaaraha ku tilmaamay in uu yahay faragelin toos ah oo lagu samaynayo diintooda.

Maalmo ka horna doodda waxaa ku soo biirtay afada Madaxweyne ku-xigeenka Murwo Salma Ansari oo dumarka Muslimka ah ee Hindiya ku guubaabisey in ay iskood quraanka u akhristaan. Murwo Salma waxay ku doodday in furriinka saddexda dalqadood ee isku marka ah aan lagu xusin quraanka, laakiin wadaaddadu ay had iyo goor diinta u macneeyeen si waafaqsana danaha ragga. Sidaa darteedna haweenku ay ku khasban yihiin in ay quraanka bartaan si ay uga xoroobaan tafsiirka wadaaddada ee labka u hiilliya.

Dadka u ol’oleeya joojinta furriinka saddexda eray waxay ku doodaan in uu lid ku yahay dastuurka dalka Hindiya, xeerarka caalamiga ah ee xuquuqu insaanka, isla markaana aan daliil xooggan looga hayn diinta Islaamka. Ayaandarrose, in badan oo ka mid ah wadaaddadu waxay ku doodaan in xeerka qoysku uu yahay aqoonsi lagu garto Muslimiinta Hindiya, sidaa awgeedna aan loo baahnayn in wax faragelin ah lagu sameeyo.

Waxaa intaa dheer, in bulshooyinka Islaamka qaarkood maanta aad looga doodo in gebi ahaanba la mamnuuco furriinka haweenka lagu furo eray afka laga yiri (= Oral divorce/الطلاق الشفوي). Maxaa yeelay, furriinka afka ahi waa mid fudud oo marar badan horseeda in raggu si sahlan ku burburiyaan qoysas muddo dheer dhisnaa. Furriinkaasina aalaaba wuxuu dhacaa iyada oo lammaanaha ama midkood uu ku sugan yahay xaalad caro oo aad u daran.

Waddamo badan oo Muslim ah oo ay ka mid yihiin Tuunis iyo Marooko furriinka waxay ku xireen shuruudo adag oo ay ka mid yihiin in furriinku dhigaal yahay, isla markaana uu ka dhaco maxkamad gudaheed ka dib marka maxkamaddu ku qanacdo doodda sayga wax furaya iyo in ay adagtahay in lammaanahaasi ay nolol sii wadaagaan. Culumada Islaamka qaarkood oo uu ugu caansan yahay Shiikh Naasiru-diin Albaanina (1914-1999) waxay qabaan in furriinka loo shardhiyo markhaati, waxaana la rumaysan yahay in shardinta markhaatigu ay keenayso in heerka furriinku uu yaraado.

Bilihii la soo dhaafayna dalka Masar waxaa ka socday doodo ku saabsan furniinka afka ah. Doodahaasnina waxay bilowdeen ka dib markii Madaxweyne Cabdifataax Siisi uu meel fagaare ah Shiikha As-har ku weydiiyey su’aal oranaysa: “ Shiikhayagow ma u baahannahay in aan helno qaanuun nidaamiya furriinka oo aan ahayn furriinka afka ah?”.

Weydiinta madaxweynuhuna waxay timid ka dib markii la soo bandhigay baaritaanno muujinaya in dalka Masar lammaanaha isguursada 40% ay isfuraan- waxaana jira baaritaanno badan oo sheegaya in dalalka Carabta siiba kuwa Gacanka heerka furriinku uu u dhigmo kan Masar amaba uu ka sarreeyo. Mudane Siisi oo qeexaya sababta weydiinta ku bixisayna wuxuu yiri: “Waxaan u baahannahay in dadku dib isugu noqdaan, si aan bulshada uga badbaadinno carruurta waddooyinka (= street children) ee ka dhasha furriinka ka yimaada habdhaqanka aan wax xeerin.”

Dowladda Hindiya bishii May ee dabshidkii 2013, waxay samaysay guddi heer sare ah oo u kuurgala duruufaha haweenka. Guddigaasina warbixin uu soo saaray bishii Juun ee dabshidkii 2015, wuxuu talo ku soo jeediyey in gebi ahaanba la mamnuuco furriinka afka ah, kan lammaanaha midkood ku keliyeysto iyo kan saddexda dalqaqood isku marka la is raaciyo. Warbixintoodana waxay ku yiraahdeen: “furriinka qaababkaas u dhacaa dumarka waxay ka dhigaan kuwo aad u nugul oo aan kalsooni ku qabin xaaladdooda guurka.”

 

Dhanka kale, waddamada qaarkood –oo uu ka mid yahay dalka Hindiya-  waxaa ka jira dhaqdhaqaayo iyo ururro u ol’oleeya la dagaalanka dhaqanka loo yaqaan ‘muxalilka’, oo ah in haweenayda saddexda lagu furo ay waqti kooban guursato ama loo guuriyo nin kale iyada oo ujeeddadu tahay in la helo xeelad uu saygeedii saddexda ku furay dib mar kale ugu laaban karo. Dhaqanka muxalilkana waxaa ka dhasha dhaqammo xun oo faro badan sida in laga ganacsado, dhilaysi iyo addoonsi. Bilmatal, ragga muxalil ahaanta dumarka ku guursadaa marar badan waxay gadaal kala yimaadaan in ay dumarkaas waydiistaan hanti badan si ay u furaan, xaalado kale oo aan yarayna waxaa dhacda in ninka muxalil ahaanta u guursadaa uu ka helo haweenayda amaba uu ku xumayn darteed u diido in uu furo (hakaan ka dhegayso barnaamij idaacadda BBC-da ee ‘Heart and soul’ uu ka diyaariyey dhaqanka muxalilka ee ka jira Ingiriiska: http://www.bbc.co.uk/programmes/p051zl5k ). Dhaqanka muxalilkuna waa caado Carabtu ku dhaqmi jirtey Islaamka ka hor. Carabtii jaahiliyadda oo dhaqankaan dhibsan jirteyna ninka muxalil ahaan haweenay u guursada waxay ugu yeeri jireen magaca “orgi la ammaahday/التيس المستعار”.

Guud ahaan, Muslimiintu maanta waxay u baahan yihiin in ay dib-u-eegid buuxda ku sameeyaan dhammaan qodobadda la xiriira qaanuunka qoyska ee ay ka midka yihiin guurka, furriinka, dhaxalka iyo kuwo kaleba. Waana in lagu baraarugsanaado in fiqiga Islaamka ay ka buuxaan afkaartii wadaaddada Islaamka oo ah dad sax iyo khalad labadaba yeelan kara.  Ujeeddada fiqiga dib-u-eegidda loogu samaynayaana ma ah in axkaamta diinta la diidayo, balse si taa ka duwan waa sidee la isu waafajin karaa diinta iyo baahida bulshada, oo arrinku waa “Sidee xeego loo xagtaa ilkana ku nabad galaan?”.

 

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil

sismail42@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code