Horta koobka bannayso!

 

Saxaabigii Abuu Ayuub al-Ansaari (RC) waxaa laga hayaa in uu oran jirey: “Ruuxii doonaya in cilmigiisu bato, dulqaadkiisuna kordho, ha la fariisto qolo aan beeshiisa (tolkiisa/jifidiisa) ahayn /من أراد أن يكثر علمه، وأن يعظم حلمه، فليجالس غير عشيرته”.

Beeluhu waa noocyo badan yihiin, oo waxaa jirta beel bayoloji ahaan uu qofku uga dhasho, waxaa kaloo jira beelo uu dhaqan iyo maskax ahaan uga tirsan yahay. Tusaale ahaan beesha aad bayoloji ahaan uga dhalatay waa beesha reer Qansax, laakiin maskax ahaan waxaad ka tirsan tahay caqiido, dhaqan iyo hidde gaar ah, diin hebel oo aad ka sii tahay firqo iyo mad-hab heblo, laan ka mid ah laamaha aqoonta, ,,,, iqk.

Si kasta oo macnaha beeshu uu u ballaarto –beesha caqiidada (tusaale diinta aad haysato iyo firqada aad ka tahay), beesha laamaha aqoonta (laamaha aqoontu waa beelo kala duwan, qofkuna hadba midda uu barto ayuu ku abtirsadaa), beesha midabka (caddaan, madow iyo  muqshabeel), beesha qowmiyadda iyo qaranka (Soomaali, Itoobiyaan,,iwm), beesha qabiilka (reer Qansax iyo reer Qurac) -haddana aqoonta beeshu marna kama badna xanta beelaha kale iyo war reer hebel maxay naga damceen? Tusaale ahaan muslimiintu waxay ku mashquulaan waxa Yahuudda iyo Masiixidu ka damacsan yihiin, kuwa kalena waa la mid oo erayga ‘Islaam’ wuxuu u la macne yahay dhib iyo qarax, waxayna ka welwelaan waxa Muslimiintu la magaan yihiin. Si taa la mid ah madowgu waxay ku mashquulaan jillaafooyinka caddaanku u dhigayaan. Qofka barta laan qura oo aqoonta ka mid ahina, aalaaba wuxuu u qaataa in laan-aqooneeddaasi ay tahay tan aqoonta oo idil ugu sidata, saxa iyo khaladkana lagu kala garto, waxaana ku dhaca cuqdad uu laamaha aqoonta ee kale uu u qaado. Tusaale ahaan, wadaaddada diimaha keliya bartaa, waxay u haystaan in xaqa oo dhammi uu ku jiro buugga yar ee macallinkoodu u laqbeeyey. Taasina waxay keentaa in ay dagaaallamaan wadaaddadii buugta kala duwan loo mariyey, dabadeedna waxaa lagu doodaa in diimo kala duwani ay dagaallamayaan. Sida runtu tahayse, waxa dagaallamayaa ma aha diimo iyo ilbaxnimooyin ee waa jahli la diimeeyey (=Clash of ignorance not clash of civilizations).

Markaan beesheenna dhex joogno wax badan isma weydiinno, waayo? Beeshu horay bay  noo rabbaayadaysatay, waxaanna la qabsannay wax walba oo ka jira beesha dhexdeeda, waxayna noogu muuqdaan wanaag aan weydiin laga keeni karin. Laakiin marka aan beesha ka dhex baxno, ee aan degaannada iyo ummadaha kale u tagno ama aqoon nagu cusub aan aragno wax walba waa noo cusub yihiin, kumanyaal su’aalood baana isweydiinnaa. Mararka qaarkoodna waxaan la mid noqonnaa sidii ruux xabsi uu ku garaadsaday laga sii daayey oo wax walba ku diimaya ama ilmo labo jir ah oo hooyadi ku leh: hooyo sidee baad adiga iyo aabbe ii dhasheen? Ilmaha xujo iyo xumaan midna kama aha, balse duni ku cusub buu yimid, wuxuuna rabaa in uu jawaab u helo mid ka mid ah weydiimaha ciiddaa ka badan ee maankiisa wareerinaya, Eebbana waa kan quraanka ku yiri: “Ilaah wuxuu idinka soo saaray caloosha hooyooyinkiin idinka oo aan waxba ogayn, wuxuuna idiin yeelay maqal, arag iyo quluub in aad ku shugridaan darteed /والله أخرجكم من بطون أمهاتكم لا تعلمون شيئا وجعل لكم السمع والأبصار والأفئدة لعلكم تشكرون”.

Aadamigu waa noole bulshey ah, bulsheynimaduna waxay keenaysaa in uu si joogto ah u la falgalo aadamiga kale. Haddii ay suurogal tahay in walxaha la la falgalo iyada oo aan lagu saamoobin, xaalku sidaa waa ka duwan yahay marka loo yimaado la dhaqanka dadka iyo afkaarta. Waayo dadku waxay na la wadaagaan wax aan walxuhu na la wadaagin -muuqaal ahaan, nafsad ahaan iyo dhaqan ahaanba. Sida Jean-Paul Sartre (1905 – 1980) uu yiri: dadku waa kan kale, waa anigada aan aniga ahayn, “Cadaabtu waa dadka kale /Hell is other people.”

Maxaa dadka kale cadaab ka dhigay? Haddii cadaabtu ay dadka kale tahayse jannadu waa halkee? Ma isla dadkaa mise meel kale bay jirtaa???

Kolka xiriirka aan dadka kale la wadaagno uu xun yahay, dadka kale waxay noqonayaan naar aan loo dulqaadan karin, laakiin kolka xiriirku uu wacan yahay waxay noqonayaa nimco aan wax lagu doorsadaa jirin. Isweydii inta ruux ee aad wax u dhintay ama iyagu wax kuu dhimay? Sidoo kale isweydii inta wax kuu taray ama aad adigu wax u tartay. Haddaba jannada iyo naartu soo adiga iyo aniga ma ah?

Ummadaha dunida ku nool, qolo kastaa waxay rumaysan tahay in dhaqankoodu yahay kan dhaqamada oo dhan ugu wanaagsan, iyo in diintoodu tahay tan diimaha oo idil ugu saxan, sidaa darteedna waxay u hayaan qaddarin buuxda, waxayna diyaar u yihiin in ay dartood naf iyo maalba u huraan. Karl Marx-na (1818-1883) waa kii nagu baraarujiyey in dadku ay samaystaan sawirradooda iyo afkaartooda.

Filin Hindiga caanka ah ee PK, atooraha Amiir Khan wuxuu jilayaa in uu yahay qof ka yimid duni aan teenna ahayn si uu wax uga ogaado dunida aan ku noolnahay. Ayaan-darro ama ayaan-wanaag kay doonto ha noqotee wuxuu ku degayaa dhulka Hindiya oo ay ka jiraan kumanyaal afaf, dhaqammo, diimo iyo qowmiyado kala duwan ahi. Waana tan la yiraahdo: “Wax walba oo sax ah oo aad Hindiya ka sheegto, lidkooduna sidoo kale waa sax /Whatever you can rightly say about India, the opposite is also true.”

Haddaba, maxay tahay fikradda uu ka qaadanayo ummadahaas aadka u kala geddisan? Sidee buu ku ogaan kara waxa ay ku kala duwan yihiih? Sidee bayse tahay in uu ula dhaqmo???

Kolka loo sheego in Alle yahay kan keliya ee ka caawin kara helidda remote control-kiisii tuuggu ka dafay ee u sahli lahaa in uu xiriir la sameeyo meerihii uu ka yimidna,  waxaa dhib ku noqonaya sidii uu ku ogaan lahaa Ilaaha loo sheegayo iyo meesha loogu hagaago. Ma ilaaha Hinduustaa, mise waa kan Masiixida mise waa kan Muslimiinta, mise, mise, mise?

Alle ma kala duwana, laakiin waxaa kala duwan sawirka dadku ka kala haystaan. Afkaarta iyo sawirrada dadkana waxaa sameeya aqoonta iyo khibradda ay nolosha u leeyihiin. Si wada dhaqanka aadamigu u wanaagsanaado, waxaa loo baahan yahay in qofka iyo bulshadu ay illadaan kabaha dadyowga kale si ay wax uga ogaadaan xaaladdooda, una dareemaan waxa dadka kale ay dareemayaan. Xikmad tan u weyni waa in qofku awood u yeesho in uu naftiisa dhigo booska dadka kale, ummaddiisana uu saaro isla miisaanka uu saaro shucuubta iyo ummadaha kale. Marka sidaa la yeelo, qofku wuxuu ku qancayaa in uu ummadaha kale la jeclaado waxa uu ummaddiisa la jecel yahay, isla markaana uu la naco waxa uu ummaddiisa la neceb yahay.

Quraanka kariimka waxaa ku jirta aayad noo sheegaysa in Eebbe uusan beddelin xaaladda dadku ku sugan yihiin jeer ay ka beddelayaan waxa naftooda ku jira (إن الله لا يغير ما بقوم حتى يغيروا ما بأنفسهم).  Sidaa oo ay tahay, haddana dadka badankooda waa ku adagtahay in ay beddelaan afkaartooda iyo caadooyinkooda. Waxaana lagu dooday in dadka badankoodu -xataa marka lagu daro kuwa waddamada horumaray ku nool- ay soddon jir ku dhintaan. Aalaaba dadku marka ay soddon jirka gaaraan waxaa ku adkaata in ay afkaartooda iyo mawaaqiftooda wax ka beddelaan, iyaga oo ka cararaya cadaadiska bulshada darteed. Sidaa awgeedna, inkasta oo ay jir ahaan u nool yihiin oo weli naftu ku jirto, haddana caqli ahaan iyo ruux ahaan midna kama noola. Waa meyd socda iyo nolol aan geeri wax dhaamin. Inta ay ifka saaran yihiinna waxay ku jirayaan nolol aan xiiso lahayn oo ay si tartiib tartiib qabriga ugu sii dhawaanayaan.

Yeelkadeede, aan hoos ugu dego sababta igu dhalisay in qoraalkaan aan qalinka u qaato.

Waxaa jirta aragti sheegaysa in dadka badankoodu aysan wax u maqal, waxna u akhrin si ay wax u ogaadaan, laakiin ay wax u maqlaan, waxna u akhriyaan si ay u helaan wax ay sheegaan. Qof ahaanna waxay ila tahay in aragtidaas ay wax ka jiraan. Muddo toban dabshid kabadan, aalaaba marka aan fikrad bulshada la wadaago waxaan helaa farriimo badan oo la iigu sheegayo in Islaamku yahay diinta keliya ee saxda ah, taana daliisheedu ay tahay aayadda quraanka ah ee Alle ku yiri: “Diintu Eebbe agtiisa waa islaamka /إن الدين عند الله الإسلام” iyo aayadda kale ee isla suuradda Aali-Cimraan ku jirta ee oranaysa: “Ruuxii doona diin aan Islaamka ahayn laga yeeli maayo, aakhirana wuxuu ka mid noqon kuwa khasaaray   /ومن يبتغ غير الإسلام دينا فلن يقبل منه وهو في الآخرة من الخاسرين”.

Aayadahaan iyo nusuusta kale ee u macnaha dhowi ma aha kuwo aan moogahay, waxaana filayaa in akhrintooda aan uga horreeyey in badan oo ka mid ah dadka hadda ii soo qora oo dhalinyaro u badan. Dadkaas iyo anigu waxaan ku kala aragti duwannahay arrimo badan oo ay ka mid yihiin in dadkaani ay moog yihiin ama ismoogaysiinayaan in diimaha faraha badan ee dunida ka jira ay mid walbaa sheegato in ay tahay midda qura ee xaqa ah, aanna la heli karin macaayiir (=criteria) la isla oggol yahay oo lagu kala saari karo diimahaas mid waliba ay dhankeeda ka sheeganayso in ay tahay tan keliya ee runta ah ee Alle raalliga ka yahay. Tusaale ahaan, Masiixida iyo Muslimiinta qolo kastaa waxay ku dooddaa in diintoodu ay tahay midda saxda ah ee Alle raalliga ka yahay, laakiin dhowr kun oo sano ka hor Masiixiyada iyo Islaamka ayaa Masaaridii hore waxay ku doodayeen in diintoodu ay tahay midda qura ee Alle oggol yahay. Masaaridu waxay daliishan jireen in Ilaahoodii Xooras (=Horus) uu yiri: “Aniga ayaa ah waddada, runta iyo nolosha /I am the way, the truth, the life.” Waana isla erayada ay mar danbe Masiixidu sheegeen in Ciise yiri ee ah: “Aniga ayaa ah waddada, iyo runta iyo nolosha. Ma jirto cid Aabbuhu aqbalayo haddii aysan aniga I soo marin /I am the way and the truth and the life. No one comes to the Father except through me.” Sida keliya ee diimahaas kala duwani ku wada noolaan karaan waa in qolo kasta ay diinteeda haysato, laakiin ay ixtiraamto diimaha ummadaha kale.

Dhanka kale, maxay tahay qeexidda erayga ‘Islaam” ee aayadaha kore ku soo arooray?  Waxaan qabaa in laga fiican yahay in erayga ‘Islaam’ ee aayadahaan ku soo arooray lagu macneeyo diinta nebi Maxamed (scw) uu la yimid oo keliya. Maxaa yeelay? Haddii aayadaha sidaa loo macneeyo, waxaa ka dhalanaya fahan laga wanaagsan yahay oo ah in dadka Alle jecel yahay ee jannadiisa galayaa ay yihiin in yar oo ka mid ah dadka nebi Maxamed rumeeyey. Fahankaas oo caddaaladda Eebbe meel uga dhacaya, Allena u sawiraya sidii in uu yahay Ilaah ay leeyihiin qabiil gaar ahi, oo u taagan in uu ka shaqeeyo wixii iyaga dan u ah oo keliya, uunka intiisa kalena dagaal kala dhexeeyo. Sawirka noocaas ah ee Alle laga bixiyo waxaa wadaaga wadaaddada diimaha badankooda, gaar ahaan kuwa diimaha Ibraahiimiga, laakiin dhab ahaantii waa sawir Alle iyo uunkiisa gef ku ah oo aan u cuntamin.

Erayga ‘Islaam’, sida culumo badani ay hadda qabaan waxaa lagu macnayn karaa ‘Alle qirid’, Muslimkuna waa ruux kasta oo qirsan jiritaanka Alle magaca uu doono ha ugu yeero, sawirka uu doonana ha ka haystee. Alle waa mid laakiin magcaanta Alle loola baxo iyo waddooyinka tagaa waxay tiro le’eg yihiin neefta abuurkiisa. Suufigii Ibnu Carabina waa kii oran jirey: Wax kasta oo la caabudo Alle un baa la caabuday (ما عُبد إلا الله في كل ما عُبد). Eebbana waa kan yiri: “Eebbahaa wuxuu xukumay in aydaan caabudin isaga mooyee /وقضى ربك أن لا تعبدوا إلا إياه”.

Maadaama Alle mooyee uusan Ilaah kale jirin, wixii ka soo haraana ay yihiin wax aan jirin, taa macneheedu waa in wax walba oo aadamigu caabudo –dayax, qorrax, dhagax, geed, bad, webi- uu noqon karo nooc cibaado Alle ah. Dadka walxahaas caabudaana dhab ahaantii uma caabudaan in walxahaas qudhoodu ay ilaahyo yihiin, balse waxay u arkaan in ay yihiin kuwo ku xiraya Ilaaha weyn ee aysan u jeedin, xaalkuna ma dhaafsana in uu yahay noocyo badan oo tawasul ah (Waxaa la yiraahdaa Alle waa fikrad aan la taaban karin, dadkuna si ay cibaadada ugu khushuucaan waxay u baahdaan wax ay u jeedaan –something tangible not an abstract concept). Xadiis Qudsiga caanka ahna waa kan Alle ku yiri: “Waxaan ahaa kansi qarsoon, waxaana jeclaystay in la I aqoonsado markaas ayaan abuurka uumay /كنت كنزا مخفيا فأحببت أن أعرف فخلقت الخلق”. Sidaan og nahayna, waxaa jira madaahib -sida midda loo yaqaan Pantheism- rumaysan in Alle iyo dabeecaddu -marka lagu daro aadamigu- aysan waxba kala ahayn, aanna loo baahnayn in Alle iyo abuurkiisa la kala saaro. Suufigii Xalaajna waa kii yiri : “Xaqu waa aniga /أنا الحق” iyo “Jubadda waxaan Alle ahayni kuma jiraan /ما في الجبة إلا الله” Halka Abuu Yasiid Al-Bastaami laga wariyo in uu yiri: “Nasahnaantaydee maxaa arrinkayga ka weyn /سبحاني ما أعظم شأني “. fikraddaanna caarifiin diimo kala duwan ku kala abtirsada ayaa weligood qabay, mana aha fikrad diin ama deegaan go’an loogu abtirin karo.

Aadamiga badankiisu Alle kuma kala duwana, laakiin waxay ku kala geddisan yihiin sawirka laga bixiyo, oo qoloba si buu ugu muuqdaa. Waxa ahmiyadda iyo waxtarka lihina ma aha in anbiyo iyo awliyo ay Alle arkeen, balse waa in adiga qudhaadu aad Alle aragto. Maxaad macaashtay haddii dadka kale oo dhammi ay Alle arkeen, laakiin adigu aadan arag? Alle waa khibrad ama tajribo qof waliba uu goonnidiisa ugu noolaado ee taada yeelo.

Sidaan marar badan soo xusnay, dadka dunida oo dhan waxaa loo sheegaa in diinta keliya ee xaqa ahi ay tahay midda ay dadkiisu haystaan. Laakiin dhab ahaantii ma jirto diin dadkeedu awood u leeyihiin in ay dadyowga kale ku qanciyaan in diintoodu tahay midda saxda ah ee Alle doonayo. Wadaaddada diimuhuna waxay la mid yihiin ganacsato hal badeeco ama hal adeeg ka ganacsada, suuqana ku tartamaya, mid walibana uu leeyahay badeecadayda ayaa asal ah, dooddooduna waa xarig-jiid natiijada laga dhaxlaa ay tahay gacmo daalis iyo jug jug meeshaada joog.

Fikradaha dib-u-eegidda u baahanna waxaa ka mid ah midda diimaha u qaybisa kuwo xaq ah iyo qaar baadil ah, kuwo samada ka yimid iyo kuwo dhulka lagu sameeyey. Aan isweydiinnee: Yahuuddu ma oggol yihiin in Masiixiyaddu tahay diin samada ka timid? Si taa la mid ah Yahuudda iyo Kirishtanku ma aqbali karaan in Islaamku uu yahay diin samaawi ah? Saddexdaas diimood waxyaabaha badan ee ay wadaagaan waxaa ka mid ah in saddexduba Bariga Dhexe ka soo jeedaan, looguna yeeri karo magaca ‘diimaha Saamiga ah’, laakiin naynaasta ah in ay yihiin saddex diimood oo samaawi ahi ma ah mid la isla oggol yahay. Waxaa taa dheer, waa tee samada laga hadlayaa? Ma samadii dadyowgii hore ay yaqaanneen baa mise waa midda maanta aqoonta casriga ah lagu ogaaday mise waa samo ruuxaaniyad ahaan oo keliya loo sawiran karo? Dunidii hore, wadaaddada diimaha badankoodu marka la weydiiyo in ay Alle meel ku sheegaan waxay farta ku fiiqi jireen cirka waxayna oran jireen: “Eebbe samaduu jiraa /الله في السماء”, dadkuna jawaabtooda waa ku qanci jireen. Laakiin bulshooyinka casriga ah ee cilmiga rumaysan waxay qabaan in aysan jirin wax samo ama cir la yiraahdaa, taa darteedna waa adagtahay in ay ku qancaan fartii samada lagu fiiqi jirey.

Waxaa si weyn loo rumaysan yahay in aysan jirin diin keligeed meel cidlo ah ka abuuranta, balse diimuhu ay isi saameeyaan, oo midiba tan ka danbaysa ay saamayso, diimaha lagu tilmaamo in ay yihiin kuwo dhulka lagu sameeyeyna ay u gogol xaareen kuwa samada loo tiiriyo.

Ku Allahoode, waxay sheegaan in macallin jaamacadeed oo u dhashay dalka Jabbaan, noolaana sebenkii Meiji (1868 -1912), uu jeclaystay in uu wax ka ogaado mad-hab ruuxaaniyeetka degaannadaas laga haysto ee loo yaqaan ‘Zen Buddhism’. Macallinkii wuxuu u tagay macallin caan ahaa oo loogu xeraysan jirey barashada mad-habtaas, wuxuuna ka codsaday in uu u sharraxo waxa Zen tahay. Hayeeshee, kuma uusan ekaan codsigiisii ahaa in wax la baro, balse wuxuu bilaabay in uu si joogto ah macallinka ugu sheego xog ku saabsan ‘Zen’, isaga oo muujinaya in uu aqoon wanaagsan u leeyahay mad-habtaas. Dhan wuxuu ka lahaa wax ha la I baro, dhanka kalena wuxuu ku faanayey aqoonta uu u leeyahay waxa uu doonayo in la baro.

Iyada oo xaalku sidaa yahay, ayaa macallinkii martida loo ahaa wuxuu codsaday in shaah lagu dhufto. Markii shaahii la keenay, macallinkii wuxuu bilaabay in uu ku shubo koobka ninkii martida u ahaa, laakiin markii koobku buuxsamay kama uusan joojin ee waa ku sii shubay, ilaa shaahii koobkii iyo seesarkiiba buux dhaafiyey oo uu sigay in uu maryahooda gaaro. Macallinkii martida ahaa oo isha ku hayey sida wax u dhacayaan ayaa markaa is hayn waayey, oo ku qayliyey: “Aad buu u buux-dhaafay, wax kalena ma uu qaadi karo /It is overfull. No more will go in!” markaana macallin Nan-in wuxuu ku jawaabay: “Sida koobkaan oo kale, ayaad waxaad ka buuxdaa aragtiyahaaga iyo fikradahaaga, sidee baan Zen kuu tusi karaa, haddii aadan marka hore koobkaaga faaruqin? / Like this cup, you are full of your own opinions and speculations. How can I show you Zen unless you first empty your cup?”.

Dhammaantayo sida macallinkaas baan u dhaansan nahay, oo waxaa naga buuxa afkaartii aan ka dhaxalnay dhaqamadii iyo duruustii tan iyo markaan dhalannay na loo laqimayey (=Culturely conditioned). Wixii waalidkayo noo sheegeen, waxaan deriska ka bowsanay, wixii macallimiintu na bareen, wixii aan buugta ka akhrinay, wixii qalabka warbaahinta aan ka maqalnay ama ka aragnay. Waxaas aan ka dhaansannahayna waxay isugu jiraan run iyo been, sax iyo khalad, samaan iyo xumaan, dhib iyo dheef. Si aan naftayada iyo dunidaba u fahannana waxaa khasab ah in aan iska fududeyno culayska waxa aan ka dhaansannahay, iskana daaweyno waxyeellada ay noo geystaan in badan oo ka mid ah caadooyinka iyo dhaqamada na lagu ababiyo.

Waxaa iyaduna jirta sheeko Hindi sidaan hoose loo tebiyo:

Shiva oo ah ilaaha sharka burburiya[i], wuxuu aad u jeclaa afadiisa Parvati. Sidaa awgeed, markii ay xanuusatay, durbana geeriyootey, wuxuu rumaysan waayey in dunida oo idil aan laga helayn dhakhtar awooda in uu nafta ku celiyo. Ehelo iyo asxaabba waa la isku dayey in lagu qanciyo in geeridu xaq tahay, daawana aysan lahayn, cid kastaa waxay ku lahayd: “War waad waalan tahay, war jacaylkeedaa arag iyo aragtiba ku tiray, war way dhimatay dhakhtar waxtari karaana ma jiro, war … war… war……”.

Hase ahaatee, Shiva warkooda dheg jalaq uma uusan siin. Xaaskiisii buu dusha u ritay, wuxuuna bilaabay in uu kula wareego dunida, isaga oo baadi-goobaya dhakhtarkii daaweyn lahaa. Muddo ka dib, meydkii wuxuu bilaabay in uu qurmo, xubin xubinna u kala daato. Markii hore gacan baa jabtay, haddana gacantii kale, waqti ka dib lug baa dhacday, haddana lugtii kalaa raacday. Tan iyo maantana Hindiya waxaa ku yaal labo iyo toban mawlac oo lagu siyaarto oo mid walba la sheego in laga dhisay meel xubin jirkeeda ka mid ahi ay ku dhacday.

Ugu danbayntii, markii madaxii dhacay buu qumaati u eegay madaxii, mise wejigu ma aha wejigii uu yaqiin, kolkaas ayuu iskula hadlay: War xataa haddii aad hesho dhakhtar daaweeya, waxa haray waa madax qura, oo xataa wejigu uusan ahayn midkii aad taqiin. Saacaddaas buu miyirsaday, kana garaabay hadalkii iyo wax sheeggii horay loogala quustay. Sida la sheegay labo iyo toban sano ka dib buu ogaaday in meyd qurmay uu dusha ku sitay.

Siday ahaataba, afkaarta iyo dhaqamada aan waxtarka lahayn ee aadamiga badankiisu ay sitaan kama duwana meyd aan sidanno. Dhibkooda iyo qurmoonkooduna waa ka daran yahay kan hal meyd. Waayo? Waa meydad badan oo kumanyaal iyo xataa malaayiin dabshid la is dul rasaynayey.

Aadamigu waa beelo iyo shucuub kala duwan, danta ceynba ceynka looga dhigayna waa ha is ictiraafeen oo ha kala faa’iideysteen, laakiin halkii ay isbaran lahaayeen oo nabad iyo iskaashi ku wada noolaan lahaayeen, waxay doorbideen in ay dhaqammo, diimo iyo aqoonsiyo kale dartood ku dagaallamaan, qolo walbana kuwa kale ay cay iyo nacayb u dhaadhaamiso.

Haddaba, ilaa goorma ayaa qolo kastaa isu haysanaysaa in ay tahay midda Alle doortay? Ilaa goorma ayaa wadaaddadu cay iyo nacayb dadka diin uga dhigayaan? Goorma ayaa la fahmi doonaa ulajeeddada weyn ee diimuhu u yimaadeen ee ah in la helo akhlaaq wanaagsan, caddaalad, sinnaan, xorriyad, nabad iyo jacayl?

Gabadha Nayjeeriyadda ah ee sheekooyinka qorta ee Chimamanda Adichie, waxay jeedisay hadal qiimo badan oo ay cinwaan uga dhigtay “Khatarta sheekada halka dhan laga tebiyo /The danger of the single story.” Chimamanda hadalkeeda waxay ku soo gunaanadday in ay tiri: “ Marka aan joojinno sheekada halka dhan laga tebiyo, marka aan ku qanacno in weligeed aysan jirin meel sheeko qura leh, markaas baan nooc janno ah dib u helaynaa.” (halkaan ka daawo hadalka Chimamanda Adichie:

https://www.ted.com/talks/chimamanda_adichie_the_danger_of_a_single_story ).

Sheekadu waxay hal dhan noqotaa marka runta keliya ee aan naqaan ay tahay waxa aan ka dhaxalnay dhaqankayaga, diintayada, qabiilkayaga, qarankayaga iyo qowmiyaddayada. Ceebta sheekada halka dhan laga wariyaa ma aha in ay been tahay, balse waa in aysan dhammaystirnayn, oo dhankii kale uu maqan yahay. Sheekada halka dhan laga wariyaa aadamiga ayay qaybisaa, karaamadana ka qaaddaa. Sheekada halka dhan laga wariyaa waxay xoogga saartaa waxa aan ku kala duwannahay, iyada oo iska indho tiraysa waxa aan wadaagno.

Isku soo duuboo, haddaad doonayso in aad wax badan ogaatid waa in aad marka hore meydka iska dhigtaa, beelahaaguna bataan. Si beelahaagu u bataaanna waa in aad sidato weel weyn- maan furan- oo wax kuu qaadi kara.

 

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil

sismail42@gmail.com

[i] Hindida waxaa lagu eedeeyaa in ay ilaahyo iyo anbiyo badan leeyihiin, oo ay si joogto ah ilaahyo iyo anbiyo cusub u abuuraan, iyaguna eeddaas waxay uga jawaabeen in ay yiraahdeen: Ilaah wuxuu jecel yahay in uu mar mar dhulka u soo degto oo dadka la dhaanteeyo, caadi ahaanna wuxuu ku soo degaa Hindiya, hal mar buuse khaldamay oo Bariga Dhexe ku degay isaga oo sita magaca Ciise Masiix, markiina waa la deldelay. Waagaas buuna go’aansaday in uusan mar dambe khatar u bareerin oo uu Hindidiisa iska iimaansado, dhaantadana la dheelo.