I sixra haddaad run sheegaysaan!

Dadka diimaha haysta qaarkood waxay rumaysan yihiin in sixirku ka bilowday dhulka Baabil, ciddii ugu horraysay ee laga bartayna ay ahaayeen labo malag oo la kala oran jirey Haaruut iyo Maaruut. Halka kuwo kale ay ka rumaysan yihiin in uu ka bilowday Masartii Faraaciinta. Laakiin dhab ahaantii, sixirku waa fikrad fac weyn, oo tan iyo waqti aad u durugsan dunida ka jirtay, sida Bronislaw Malinowski uu ku doodayna “dunida sooma marin ummad aan sixir iyo diin aqoon, si kasta oo ay bilow u tahay”.

Waxaa wax la iska weydiiyaa nooca uu yahay xiriirka ka dhexeeya sixirka iyo diinta, iyo labadooda kan aadamigu hor bartay? Waxaana jira aqoonyahanno rumaysan in diintu ka farcantay sixirka iyo kuwo kale oo qaba in ay kala madax-bannaanyihiin oo mid kastaa uu gaarkiisa u curtay. Matalan, aqoonyahankii James G. Frazer buuggiisa caanka ah ee “Laanta Dahabka Ah/The Golden Bough /الغصن الذهبي” oo muddo boqol sano ka badan aqoonyahannada mawduucaan darsa u ahaa marjac ay u noqdaan, wuxuu ku doodayaa in sixirku u gogol-xaaray curashada diimaha, diimuhuna markooda u gogolxaareen curasha aqoonta iyo sayniska. Frazer sixirka wuxuu ku tilmaamay in uu yahay ‘cilmi been ah/ a false science’, maxaa yeelay sixirka waxaa loo muujiyaa sidii in uu yahay wax ku dhisan xaqiiqo run ah, laakiin dhab ahaantii waa ismoodsiis iyo indhasarcaad masaakiinta lagu harawsado.

Laakiin docda kale, haddii aan sixirku jiri lahayn, cilmiga casriga ahi ma uusan jireen, oo cilmiga casriga ahi wuxuu ka dhashay kacaa-kufkii sixirka iyo diimaha. Waxaana jira aqoonyahanno qaba in wadaaddada diimuhu ay la diriraan sayniska in ka badan inta sixirroolayaashu ay la diriraan, taa awgeedna sixirku uu cilmiga uga roon yahay diimaha.
Waxaa iyaduna xusid mudan, in diimuhu marka ay canbaaraynayaan sixirka aysan u canbaarayn in uu yahay ismoodsiis aan xaqiiqo ku dhisnayn, balse aalaaba sixirka waxay u sawiraan sidii in uu yahay xaqiiqo jirta laakiin doonidda Alle ku lid ah, taasina ay tahay sababta loo xarrimay.
Matalan quraanku wuxuu xusay sixirkii Haaruut iyo Maaruut, Muuse iyo sixirroolayaashii Fircoon, jinnigii Saleebaan iyo arrimo kale oo Muslimiin badan ka qaataan in jinka iyo sixirku ay yihiin xaqiiqo dhab ahaan u jirta oo saamayn ku yeelan kara noolaha iyo dabeecadda kale. Arrinkaas oo isaguna markiisa keenay in culumada Islaamka qaarkood ay culuum badan xarrimeen iyaga oo ka baqaya in sixir ku soo dugaalo. Masalan Ibnu Taymiya wuxuu yiri: “Kimistarigu waa nooc sixirka ka mid ah /والكيمياء من السحر”.

Dadyowgii hore ee aqoontooda iyo farsamadoodu ay bilowga ahayd ma aqoon noolayaasha ili-ma-aragtayda ah ee gadaal danbe looga bixiyey bakteeriyada iyo fayraska, sidoo kalena aqoon uma aysan lahayn wax badan oo ka mid ah ifafaalayaasha dabeecadda sida samaysanka roobka, onkodka, dhul-gariirka, dayax madoobaadka iyo qaar kale oo badan. Waxaa intaa dheer in aqoontooda cilmi-nafsiga iyo ummuuraha bulshadu ay hoosaysay. Sidaa darteedna, waxay la ahayd in cudurrada iyo isbeddellada dabeecaddu ay ka dhashaan il, jin, sixir iyo uuman kale oo qarsoon. Dadyowgaas faaliyaha iyo sixirrowga baa u ahaa aqoonyahanno loogu irkado ummuuro badan oo ay ka mid yihiin kuwa caafimaadka, bulshada, dhaqaalaha, nabadda iyo colaadda.

Tusaale ahaan, ummadihii hore qaarkood waxay rumaysnaayeen in haddii qofka lagu wareejiyo xariiq goobo ah uu noqonayo qof la falay oo tabartu ay ka tagayso, oo uusan awoodi karayn in uu nuuxsado, oo uu ka baxo goobada ama uu ka dul boodo, sida qura ee uu goobada uga bixi karaana ay tahay in la helo kaahin falka ka sixirfuryeeya. Si taa la mid ah, ummado kala duwani waxay rumaysnaayeen in calool xanuunku uu ka dhasho guntin noole shar lihi uu ku sameeyo caloosha qofka, si qofku u caafimaadana loo baahan yahay in la helo cid furta gunudda caloosha looga sameeyey. Dad badan oo kalena waxay rumaysnaayeen, welina rumaysan yihiin in qof lagu dhibaatayn karo in sawirkiisa ama mid loola niyooday wax la gaarsiiyo, oo ah waxa loo yaqaan ‘sixirka boonbalada /Poppet or Voodoo doll magic’. Waxaa kaloo la rumaysnaa- welina dad rumaysan yihiin- in guntintu wax dili karto, isla markaana caafimaad keeni karto. Si taa la mid ah, gunuddu labo isjecel kala dili karto, kuwo isnecebna isjeclaysiin karto. Waxaa kale oo qofka saamayn loogu geysan karaa in la adeegsado wax jirkiisa ka mid ah sida tin, ciddi iyo wixii la mid ah ama in la adeegsado walax uu isticmaalay sida dharkiisa iyo walxaha kale ee uu isticmaalo.

Guud ahaan, sixirka, diinta iyo caafimaadku waxay ahaayeen arrimo aadanuhu muddo dheer isku khaldi jireen, oo waxaa dhici jirtey in erayada sixirroole, wadaad iyo dakhtar isku macne loo adeegsado, hal qofna loogu wada yeero. Tusaale ahaan, erayada carabiga ah ee ‘al-tib iyo al-tabiib /الطب والطبيب’ asal ahaan macnahoodu wuxuu ahaa ‘sixir iyo sixirrow’. Maxaa yeelay waaga eraybixintu baxday sixirka iyo sixirrowga ayaa ku jiray kaalinka caafimaadka iyo dhakhaatiirta. Markii Islaamku yimid ee nusuusta diinta qaarkeed ay dhaleecaysay sixirka iyo sixirrowgana, Muslimiinta qaarkood iyaga oo maanka ku haya macnihii hore ee erayadu lahaayeen bay isla nusuusta sixirka iyo sixirroolaha ka hadasha waxay ku dabbaqeen caafimaadka iyo dhakhaatiirta, oo ay canbaarayn u soo jeediyeen. Bilmatal, waxaa la sheegaa in Jaaxid (776-868) oo ahaa Muctasili caqliga qaddariya uu ka mid ahaa dadka dhaleeceeya maadada caafimaadka (=al-tib), arrinkaasina dhakhtar la oran jirey Muxamed bin Sakariyaa al-Raasi (854-925) uu ku bixiyey in uu qoro buug uu cinwaan uga dhigay “Ka jawaabidda diiddada Jaaxid ee caafimaadka /الرد على الجاحط في نقض الطب”-dabcan waa adag tahay in la sawirto in Jaaxid diidday gebi ahaan caafimaad, waxaase la sawiran karaa in uu diiday waxyaabo soo hoos galay caafimaadka.
Kooxdii lagu magacaabi jirey ‘Walaalaha saafida ah /The Brethren of Purity/إخوان الصفا’, iyaguna dhanbaalladooda waxay ku yiraahdeen: waxaa jira duul yiraahda: “caafimaadku waxtar ma leh, jowmitiriguna dhab kuma dhisna, cilmiga mandiqa iyo dabeecadduna waa gaalnimo iyo sandaqo, dadka bartaana waa mulxidiin gaalo ah /إن الطب لا منفعة فيه وإن الهندسة لا حقيقة لها وإن علم المنطق والطبيعيات كفر وزندقة وأهلها ملحدون وكفرة”.

Yeelkadeede, waayo danbe aadanuhu waxay isku dayeen, ilaa heerna ku guulaysteen in la kala saaro saddexdaas maaddo ee sixirka, diinta iyo caafimaadka, xudduudna loo kala sameeyo. Aqoonyahankii Michael White-na wuxuu qoray buug uu u bixiyey “Isxaaq Newton: Sixirroolihii u danbeeyey /Isaac Newton: The Last Sorcerer”. Sababta Newton tilmaantaas ku mutayna waa isaga oo danayn jirey maaddada kimistariga iyo isaga oo ku beegmay xilligii kala guurka cilmiga casriga ah iy cilmigii dunidii hore ee sayniska iyo khuraafaadku ay isku barxanaayeen.

Dhanka kale, dunida Islaamka muddo dheer sixirku wuxuu ahaa mawduuc lagu kala aragti duwanaa. oo inkasta oo muslimiin badan oo culumo iyo caamaba lihi ay rumaystaan saamaynta sixirka, haddana mar walba waxaa jirey culumo badan oo aan oggolayn saamaynta sixirka iyo jinka.
Tusaale ahaan, Dr. Marsuuq bin Tunbaak waa macallin Sacuudi ah oo intii muddo ah u ol’oleeya in caqliga bulshadu ka koro rumaynta saamaynta sixirka iyo jinka. Tunbaak wuxuu ku doodaa in saamaynta jinka iyo sixirku ay yihiin ismoodsiis dadku u qaataan, laakiin dhab ahaantii aysan jirin raad il, jin iyo sixir ay dad ku yaalan karaan, caqliga iyo cilmiguna ay taa diidayaan. Aayadaha quraanka ah iyo axaadiista sixirka lagu xusayna marka dhab macnahooda loo dhuuxo, laga ogaanayo in aysan sheegayn saamayn sixir leeyahay, balse ay tilmaamayaan sida dadku wax u qaataan oo keli ah. Wuxuu kaloo sheegaa in sababta dadka badankoodu ay sixirka u rumaystaan ay tahay mid u noqonaysa diimeynta sixirka, oo dad badan baa waxay u haystaan in sixirku yahay xaqiiqo diintu caddaysay, oo haddii la beeniyo lagu gaaloobayo. Waxaa taa weheliya in nebiga iyo saxaabadu ay ku hadli jireen afkii dadkooda iyaga oo ka duulaya garashadii sabankooda iyo degaankooda laga yaqiin. Qofkana si kasta oo garaadkiisu u sarreeyo waa gardarro in laga fisho wax dhaafsiisan aqoontii iyo dhaqammadii jirey waagii uu noolaa.
Dr. Tunbaak isaga oo caraynaya dadka taageera fikradda saamaynta jinka iyo sixirka ayuu marar badan wuxuu ku celceliyaa in uu yiraahdo: Aniga I sixra haddii ay runtiin tahay oo sixir saamayn leeyahay!!!

Doodda hoos ku lifaaqan, Dr. Tunbaak wuxuu kaga hadlayaa sababta markii hore ku dhalisay in uu dadka ka wacyi geliyo arrimaha sixirka iyo jinka, wuxuuna xusayaa qiso yaab leh oo uu sheegay in ay ka dhacday magaalada ‘Xootat banii Tamiim’ ee dalka Sacuudiga, wuxuuna u dhigay sidaan soo socota:

Qaalli madax ka ahaa maxkamad ku taal magaalada ‘Xootat bani Tamim’ ayaa waxaa loo keenay dacwad ka dhan ah nin madow oo siddeetan jir kor u dhaafay oo lagu eedaynayo in uu dad sixray. Qaalligu ninkii madoobaa ee eedaysanaha ahaa wuxuu ku xukumay dil, wuxuuna ku dooday in ninkaas denbigu ku caddaaday ka dib markii labo iyo toban jinni oo Muslim ahi ay ka marag kaceen in uu sixirrow yahay. Labo iyo tobanka jin magcaantoodana waxaa lagu qoray faylasha dacwada ee maxkamadda. Ninkii waa la dilay, gurigiisiina waa la gubay. Maalintii la dilay maalintii ku xigtayna wariyeyaal ka socda saxaafadda ayaa waxay u tageen carruur yaryar oo uu ka tagay ninkii madoobaa ee la dilay, waxayn weydiiyeen su’aalo ay ka mid ahayd: sida uu yahay dareenkooda ka dib marka la dilay sixirroolihii aabbahood ahaa?
Dr. Tunbaak wuxuu sheegay in maalintii uu dhacdadaas ogaaday uu ku qancay in arrinku alamtar soo dhaafay, oo uu joogo in dad masaakiin ah oo aan denbi lahayn loo dilo, hantina loo baabi’iyo, sidaa darteedna aysan suurogal ahayn in laga aammusaa.

Dhulmareenkii Ibn Batuuta (1304-1377) dhacdooyinkii fajaca iyo la yaabka ku riday ee uu Hindiya ku arkay waxa ka mid ahaa dhacdo uu sidaan hoose u tebiyey:
Aniga oo la jooga mid ka mid ah amiirrada Hindiya ayaa waxaa u yimid falanfallow, amiirkuna wuxuu ku yiri: bal cajaa’ibtaada wax naga tusi, markaas buu hawada u tuuray xarig dhaafay daruuraha, dabadeed kuray buu amray in uu tafo xarigga.. Kuraygii isaga oo aan labalabayn buu fuliyey amarkii falanfallowga oo wuxuu tafay xariggii jeer ay indhuhu qaban waayeen.. markii uu ka dib dhacay in uu ku soo dego waqtigii loogu la filayeyna falanfallowgii saddex goor buu u dhawaaqay, markii uu jawaab ka waayeyna inta mindi weyn qaatay buu ka daba fuulay xariggii jeer isagiina la arki waayey. Dadkii soo degiddooda dhawrayeyna waxaa ku soo dhex dhacday gacantii wiilka, dabadeedna lugtiisii, dabadeedna madaxiisii, ilaa xubnihii kurayga oo dhammi ay soo daateen, markaana waxaa soo degay falanfallowgii oo middidiisa dhiig ka tifqayo.
Ibnu Batuuta oo hadalka sii watay wuxuu sheegay in dhacdadaas oo kale uu labo jeer la kulmay, wuxuuna yiri: “Wadnaha ayaa wuxuu ii garaacay sidii uu ii garaacay markii aniga oo la jooga boqorka Hindiya aan tan oo kale arkay, kolkaasna la I siiyey daawo iga baabi’isay wixii aan arkay, waxaana I ag fadhiyey Qaalligii Fakhrudiin oo igu yiri: Ilaah baan ku dhaartaye korid, soo degid iyo xubno la jarjaray midkoodna ma dhicin, waxa oo dhammina waa indhasarcaad!! /فأصابني خفقان قلب مثل الذي اصابني عند ملك الهند حين رأيت مثل ذلك، فسقوني دواء اذهب عني ما رأيت وكان بجانبي القاضي فخر الدين فقال لي: والله ما كان من صعود ولا نزول ولا قطع عضو إنما كل ذلك شعوذة!!”

Sixirka Ibnu Batuuta ka hadlayo waa indhasarcaad Hindudu tan iyo waa fog caan ku ahaayeen oo lagu magacaabo ‘Khatasha Xarigga Hindiya /Indian Rope Trick’. Dhab ahaantiina, sixirka oo dhammi waa indhasarcaad iyo ismoodsiis aan xaqiiqo dhab ah ku dhisnayn. Ikhyaarta rumaysan jinka iyo sixirkuna haddii ay run sheegayaan waxaan ka codsanaynaa in ay naga qataaraan Dr. Marsuuq Tunbaak iyo inta la fekerka ah.

 

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil

sismail42@gmail.com