Islaamiistihii Dilaaga Ahaa!

Guuleed wuxuu ahaay wiil dhallinyaro ah, oo aad u maskax iyo miyir badnaa. Markii uu yaraa, wuxuu ku soo barbaaray deegaannada Koonfureed ee Soomaaliya. Wuxuu xifdiyey Qur’aanka, markii uu gaaray toban iyo labo sano jir, wuxuu ahaay cunug aamusnaan badan, mar kasta caraysan, mashquulsan, bulshadana ka soocan, una arko wax kasta qalad iyo mugdi. Qoyska uu ka dhashay way u diideen in uu ku biiro iskuullada lagu dhigto maaddooyinka Sayniska ah, iyo cilmiyada kala duwan, waxayna u arkeen wax khaldan oon Eebbe raalli ka ahayn, oo maskaxda wiilkooda burburinaya.
Waxaa la geeyay, lagana soo diiwaan galiyey Kolleejo ey maamusho hey’ad Carbeed, oo ka mid aheyd heyadaha samafalka u joogay waddanka Soomaaliya, sida ay astaanteedu ahayd. Halkaas ayuu waxuu ku bilaabay in uu barto manhajka Salafiga ah, ee ku salaysan aragtida Wahaabiyada, isaga oo aad u xifdiyey buugaagta (dhiganayaasha) ey qoreen ragga faafiya aragtida Wahaabiyada iyo kitaabbada saldhigga u ah, sida; kuwii uu qoray wadaadkii la oran jiray Ibnu Taymiya, iyo qaar ka mid ah ragga ku abtirsada mad’habta Xambaliyada.

Guuleed shan sano ka dib, waxuu iska baddelay magaciisii, waxuuna u baddelay “Asadullaah” oo macnaheedu yahay “Libaaxii Eebbe” (Geesigii Eebe). Caro iyo ciil ayaa ka guuxayey maskaxdiisa, bulshadana waxuu ka qaatay muuqaal aad u qaldan, isaga oo isu haysata in uu ku dhex noolyahay bulsho gaalowday, una baahan in ay dib ugu soo laabato Tawxiidka iyo dhaqanka suubban ee Islaamka, sida ey isaga la tahay, taas oo ay ku sii dhalisay markii uu aqristay buuggii uu qoray wadaadkii Masriga ahaa “Sayid Qudbi” ee la magac baxay “Macaalim Fiddariiq”.

 

Asadullaahi wuxuu billaabay in uu tababbar ku qaato duleedka magaaladii uu dagnaa. Waxuu la kulmay rag Soomaali ah oo sokeeye uu ka dhigtay, iyo kuwa shisheeya ah, oo uu ka jeclaaday markii dambe dadka kuwii u xigay, (Waalid iyo qaraabo). Raggaas oo agtiisa ka ahaa Halyeeyo, waxay tuseen fal iyo farsamo ah sidii uu ugu rogi lahaa aqoontii uu soo bartay iyo buugaagtii uu indhaha ku kala qaaday waxii ku qornaa, waxayna ku abaabbiyeen qaabkii uu ku dhaqan-galin lahaa waxa uu ku taamaayay habeen iyo maaliba.

Subax kasta waxuu tababar u aad jiray bannaanka magaalada, isagoo samayn jiray, bootinta, oradka, fuulidda fardaha, tafidda buuraha, ka boodidda dabka, koridda darbiyada, adeegsiga hubka nuucyadiisa kala duwan iyo furfiriddiisa, adeegsiga bistooladaha nuucyada ugu casrisan, gaar ahaan kuwa aan dhawaqa bixin. Laylin dheer ka dib, markii la hubsaday in uu yahay mahlig weyn, oo aan nixin, jiir damqin, lahayanna dabaci iyo il naxariiseed, ayaa waxaa loo xil-saaray in uu unko dhallinyaro isaga oo kale noqota, hawshooduna tahay fulinta dilalka qaarijinta, toogashada iyo howlgallada abaabulan, ee aadka looga soo shaqeeyay.

Asadullaahi Wuxuu bilaabay in uu toos u qaato amarka Amiirrada ka sarreeya, loona diro qofkii loo baahdo in laga taqalluso. Isagu “Asadullaahi” waa nin dhaga fudud, wax yar hadla, wax badanna qabta. Aad iyo aad ayuu ugu farxay markii loo magacaabay darajadaas weynaanta badan, oo ah waxii uu ku hamminaayay muddo dheer. Wuxuu gudagalay in uu dilo shaqsiyaad muhiim u ah bulshada, macallimiin, takhaatiir, injineerro, waxgarad, aqoonyahanno, maamuleyaal, oday dhaqameed, saraakiil ciidan, iyo kuwa wax galka u ah bulshada, kuwaas oo loo fara fiiqay oo kaliya, isaga oon garanayn waxa uu ku dilayo iyo qofka uu yahay.

Marka uu qof soo dilo, waxay ahayd marka qura ee farxad iyo guul wajigiisa laga garto, lagana aqrin karo dareenkiisa. Inta kale, wuxuu ahaa waji-macbuus xirxiran, waliba inta uusan falka gaysan iyo ka dibba. Markii uu ku guulaysto hawlgalka qaarijinta ah ee loo xilsaaray, wuxuu ku ducaysan jiray erayo dhaadheer oo af Carabi ah, macnahoodana uusan si qumman u aqoon, marka laga reebo inuu korka ka xifdisan yahay iyo in lagu yiri xilligaa ayaa la aqristaa. Dilalka nucaan ah waxuu fulin jiray xilliga Salaadda la aado, maalinta Jumcaha ah, habeenkii iyo xilliyada shaqada laga soo laabto, ama laga soo kala dareero goobaha waxbarashada. Qof kasta oo uu dilaayana wuu hubsan jiray in uu dhintay, naftuna ka baxday, haba ku qasabto taasi in uu qofka dhaawacma, tiro ama xabbado inta la dul yimaad uu ku faaruqiyo qasnaddiisa.

Dilal fara badan ka bacdi, Asadullaah waxa uu noqday dilaa xirfad yaqaan ah, aadna loogu aamino hawlaha sirta ah ee laga fuliyo dhammaan Soomaaliya, Waqooyi iyo Koonfurba. Waxuu gudagalay in uu xirfaddaan baro dhallinyaro sidiisa oo kale harraad u qabta shaqadaan. Wuxuu heli jiray wax kasta oo uu u baahdo hiil iyo hooba, meeshuu tagaba si sahlan oo aan dhib lahayn ayaa loogu soo dhaweyn jiray, taas oo isaga qudhiisu uusan ogayn cidda isku sii dubbaridaysa, mana ahan in uu ogaado muhiim.

Wiilkaan oo noqday Islaamiiste dilaa ah, oo si hagar bax leh u fuliya awaamirta muqaddaska u ah ee madaxdiisa sare, heer wuxuu gaaray uu codsaday dhawr mar in uu noqdo ismiidaamiye, naftiisa u hura sara u qaadidda oraahda Eebbe, balse, laga diiday codsigiisa. Wuxuu habeen kasta ku riyoon jiray isaga oo shahiiday oo dhiig ku dhexjira, shirifka dhiigaasuna uu miskiga ka caraf badanyahay, dhax muquuranayana Jannatul Fardawsa, iyo gabdhihii Xuurul Caynta ahaa, wabiyaal qamri iyo caano ah, taas oo markii waagu u baryo uu maalin kasta ka sheekayn jiray isaga oo ilmaynaya, kana ciil qaba sida loogu diiddan yahay isqarxinta, looguna soo koobay shaqadiisa dilalka abbaabbulan oo kaliyah.

Asadullaah wuxuu indhaguduudin iyo salaan qasab ah ku soo gali jiray mar marka qaar guriga qoyskiisu ku noolyihiin, cidda oo dhanna way ka cabsan jireen, ugu dambaytiina wuxuu helay fursad qaali ah oo loogu soo bandhigay in uu noqdo Shahiidka toddobaadkaan. Wuxuu ku qayla dhaamiyey erayga Allaahu Akbar, taas oo uga dhigan inuu helay mirihii guusha. Maalin taas oo dhan waxuu u taagnaay salaad iyo sagootinta asxaabtiisa, isdiyaarinta iyo qaabkii uu u waji lahaa gabagabada nolashaan adduunyo ee liidata, una aadi lahaa meeshii loo yaboohay ragga nuuciisa oo kala ah (Al-jannah), waa sida ka dhaadhacsaneed isagee, lagana dhaadhiciyey in badan oo isaga la mid ah.

Saaxiibbadiis qaarkood way ka xumaayeen meesha cidlada ah ee uu uga tagay saxiibkoodii qaaliga ahaa, wuxuuna is ku qarxiyay goob dad iyo duunyaba joogeen, isaga oo salfaday masuuliyiin kooban, dad rayad ah, iyo duunyo kalaba, jirkiisuna cad cad u googgo’ay, dardaarankiisu waxuu ahaa inta uusan dhiman ka hor “Ka soo taga dunidaan dulliga ah, ha na ka soo taginnina idinkoon wax uun ka nusqaamin gaalada iyo murtaddiinta” iyo erayo badan oo uu ka dhaxlay raggii uu tubtooda qaaday sida maalqabeenkii Sacuudiyaanka ahaa “Usama Bin Laadin” iyo dagaal yahankii reer Falastiin “Cabdalla Casaam”.

Dil qiil leh, qarax Aayad ku daabban, qaarijin Xadiis huwan iyo cabburin qofka ay dhaqan iyo u tahay caado, haddana, diin iyo sheeganaya shareeco, marka laga yimaad in uu dantiisa gaarka ah huwinayo wax muqaddas ah, waxay shaki la’aan muujinaysaa, sida dad badan ugu qatalmeen ama ugu qaldameen sheeko nacaseedka ubadka, dhallaanka, da’yarta iyo dhallinyarada lagu dabargoynayo, ee loogu halligayo tuba an toosnayn.

 

W/Q: Qoraa Cabdicasiis Maxamad Shidane.
Shidane05@hotmail.com.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code