Islaamiyiinta Isbeddelka Badan Iyo Calmaaniyadda Qarsoon

Labo toddobaad ka hor, ururka Ikhwaanu Muslimiinku (= Muslim Brotherhood =الإخوان المسلمون) wuxuu u dabbaaldegay xuska 90 guuradii ka soo wareegtay aasaaska ururka. Waana dhacdo ay tahay in aan durduro lagu dhaafin, balse mudan in si fiican la isu dul taago saamaynta weyn ee ururkaani uu ku yeeshay muslimiinta iyo guud ahaan dunida aan ku nool nahay darteed.

Dabshidkii 1924, markii Mustafe Kamaal Ataatorki uu ku dhawaaqay in laga takhalusay Khilaafadii Islaamka ee markii horeba aan cagaha qumman ku taagnayn, waxaa abuurmay doodo kala duwan oo ujeeddo badan ahaa. Hayeeshee, si guud doodahaas waxaa loogu qaybin karaa labo qaybood oo kala ah;

Kow: Dad ku dooday in khilaafadu tahay mas’alo diini ah, islaamka iyo muslimiintuna aysan jiri karin la’aanteed. Dadkii kala duwanaa ee sidaa ku andacooday waxaa ugu cadcaddaa Shiikh Xasan Al-Bannaa (1906 -1949). Xasan Al-Bannaa iyo taageerayaasha afkaartiisu Khilaafada waxay u sawiraan sidii in ay tahay waajib diini ah oo haddii la waayo ay muslimiintu danbaabayaan. Sidaa darteed, la yaab ma leh in majaladda “Cago-baruurrada dacwada / أشبال الدعوة” oo ah majallad dhallaanka loogu talogalay oo ay soo saari jireen ururka Ikhwaanu Muslimiinka Masar ay abaalmarinta tartan maqaaleedka ay u bixiyeen “Aqoonso cadowga diintaada /أعرف أعداء دينك ” ay labo jeer siiyeen maqaal cinwaankiisu ahaa “Ataatoorki waa khaa’in Yahuudi ah /أتاتورك الخائن اليهودي”.

Labo: Dad ku dooday in khilaafadu tahay arrin adduunyo “diintana aysan wax shaqo ah ku lahayn.” Dadkii sidaan ku dooday waxaa ugu cadcaddaa wadaadkii As-harigaa ahaa ee Shiikh Cali Cabdul-Raasiq (1888 -1966). Cali sannadkii 1925, wuxuu daabacay buug tan iyo maanta lagu murmo oo cinwaankiisu yahay “Islaamka iyo Aasaaska Xugunka / Islam and the Foundations of Government /الإسلام وأصول الحكم”, oo uu ku dooday in Islaamku uusan lahayn nidaam go’an oo la isku xukumo, wuxuuna si cad u yiri: “Khilaafadu sal kuma leh Quraanka iyo Xadiiska.” Shiikh Cali wuxuu caddeeyey in Quraanka iyo Xadiiska oo ah aasaaska diinta Islaamku aysan marna ka hadlin arrinka dowladnimada, muslimiintuna aysan ku khasbanayn in ay qaataan nidaam go’an oo dowladnimo, balse ay xaq u leeyihiin in ay ku dhaqmaan hadba nidaamka ay u arkaan in uu ku habboon yahay duruufaha ay ku sugan yihiin.

Shiikh Cali isaga oo diidaya in khilaafadu diinta meel ka soo gasho wuxuu yiri: “Runtu waxay tahay in diinta islaamku ay beri ka tahay waxa Muslimiintu khilaafada u yaqaannaan, sidoo kalena ay beri ka tahay waxay u diyaariyeen oo leh damac iyo baqdin, iyo sharaf iyo awood, khilaafadu meelna kama soo gasho arrimaha diinta, haba ka yaabin, waxaana la mid ah garsoorka iyo hawlaha kale ee xukuumadda iyo awoodaha dowladnimada, waxaas oo dhammi waa arrimo siyaasadeed oo soocan, oo diintu aysan  shaqo ku lahayn, diintu ma qeexin mana inkirin, ma farin mana diidin, ee annaga ayay noo daysay si aan ula kaashanno caqliga iyo tajaaribta ummadaha iyo xeerarka siyaasadda  /والحق أن الدين الإسلامي بريء من تلك الخلافة التي يتعارفها المسلمون، وبرئ من كل ما هيأوا حولها من رغبة ورهبة، ومن عزة وقوة، والخلافة ليست في شيء من الخطط الدينية، كلا ولا القضاء ولا غيرهما من وظائف الحكم ومراكز الدولة، وإنما تلك كلها خطط سياسية صرفة، لا شأن للدين بها، فهو لم يعرفها ولم ينكرها، ولا أمر بها ولا نهى عنها، وإنما تركها لنا لنرجع منها إلى أحكام العقل وتجارب الأمم وقواعد السياسة”.

Shiikh Cali wuxuu ku adkaystay in hawsha nebi Muxamed (scw) ay ahayd diin ee uusan u imaan in uu dowlad dhiso oo uu boqor ama madaxweyne noqdo. Shiikha oo arrinkaan qalinka ku adkaynayaana wuxuu yiri: “Yaysan shaki ku gelin arrimaha aad mararka qaarkood ku arkayso siirada nebiga, oo aysan kuugu muuqan hawl xukuumadeed, iyo astaamo boqortooyo iyo dowladnimo, waayo haddii aad si wanaagsan u dhuuxdid waxaad ogaanaysaa in arrinku uusan sidaas ahayn, balse uu yahay oo qura qaab ka mid ah qaababka uu nebigu u adeegsaday si uu dhidibada ugu mudo diinta loona xoojiyo dacwada /لا يريبنك هذا الذي ترى أحيانا في سيرة النبي صلى الله عليه وسلم، فيبدو  لك كأنه عمل حكومي، ومظهر للملك واللدولة، فإنك إذا تأملت لم تجده كذلك، بل هو لم يكن إلا وسيلة من الوسائل التي كان صلى الله عليه وسلم يلجأ إليها تثبيتا للدين وتأييدا للدعوة”.

Sidoo kale, Shiikh Cali wuxuu si deggen u deedifeeyey sheegashada Ibnu Khalduun (1332 -1406) ee ah in Khilaafadu tahay mas’alo muslimiinta oo dhammi isku raaceen oo ijmaac ku dhisan (=Consensus). Cali wuxuu si buuxda u qeexay in jiritaanka khilaafadu aysan ka dhalan in saxaabadii nebigu isku raaceen, balse ay ka dhalatay baahidii muslimiintii xilligaas noolaa oo aan aqoon nidaam kale oo duruufahooda ku habboon. Run ahaantii, Ibnu Khalduun qudhiisu kuma doodin in Khilaafadu tahay qaabka keliya ee muslimiintu isku xukumi karaan, laakiin wuxuu ku andacooday in saxaabadii nebigu ay khilaafada isku raaceen, taana waxaa looga jawaabay in saxaabadu aysan aqoon nidaam kale oo ay isku xukumi karaan, khilaafaduna ahayd nidaamka keliya ee ay fahmi kareen.

Tan iyo waagaas, Shiikh Cali Cabdiraasiq waxaa loo aqoonsaday in uu yahay aabbaha Muslimiinta isbeddeldoonka ah ee calmaaniyada taageera, halka Shiikh Xasan AlBannaa looga aqoonsaday in uu yahay aabbaha afkaarta iyo ururrada xagjirka ah.

 

Ururka Ikhwaanu Muslimiinka waxaa dalka Masar lagu aasaasay 22kii Maarso 1928, aragtida lagu aasaasayna waxaa lahaa (AUN) Shiikh Xasan Al-Bannaa. Hase ahaatee, ururku kuma ekaan dalka Masar oo keliya, balse laamihiisa iyo aragtidiisuba waxay ku baaheen dunida islaamka badankeeda, oo waddamo badan –sida Jordan, Falastiin, Kuweyt iyo Soomaaliya- waxaa ka samaysmay laamo si toos ah ururkaan u hoos yimaada, sidoo kalena waxaa abuurmay ururro badan oo inkasta oo ay maamul ahaan ururkaan ka madax bannaan yihiin, haddana qaatay nuxurka fikradda ururka ee ah in muslimiinta ay khasab ku tahay in ay sameeyaan dowlad diin wax ku maamusha. Sidaa awgeedna, ururkaan waxaa loo aqoonsan yahay in uu yahay kan hooyada u ah dhammaan ururrada islaamka siyaasiga ah.

Siday ahaataba, xuska sannad guurada 90-aad ee ururku, intaan cid kale la gaarin waxay khilaaf iyo muran ka dhex dhalisay xubnaha iyo taageerayaasha ururka dhexdooda. Waxaana jira dad badan oo ka tirsan ururka oo aan ku qanacsanayn xuska, iyaga oo ku doodaya in duruufaha qallafsan -ee gudo iyo dibedba leh- ee ururku uu ku sugan yahay darteed aan loo baahnayn xus iyo damaashaad, balse loo baahan yahay in dib-u-eegid buuxda lagu sameeyo khaladaadka faraha badan ee aragti iyo waxqabadba leh ee ururku ku dhacay tan iyo markii la aasaasay. Waxaana jira warar sheegaya in dhallinyaradii ururka xooggoodu ay u kala jabeen labo qaybood oo qaybi ay ku biirayaan ururrada jihaad doonka ah sida Daacish iyo Qaacido, halka qaybta kale ay u xuubsiibanayaan calmaaniyiin rumaysan in diinta iyo dowladda la kala saaro. Ururka oo laga mamnuucay dalka Masar darteedna, xuska xooggiisa waxaa lagu qabtay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Yeelkadeede, xuska iyo dabbaaldegyadu waxay ku soo beegmeen iyada oo shan iyo labaatankii sano ee u danbeeyey laga hadlayey wax loogu yeeray “dhimashada islaamka siyaasiga ah” , “Salafiyada ka dib /ما بعد السلفية”, “Islaamiyiinta Ka Dib /Post-Islamism /ما بعد الإسلاموية” iyo qodobo kale oo la halmaala.

Hor iyo horraan, waa in la kala garto macnaha labada eray ee ‘Muslim’ iyo ‘Islaami”. Muslim waa ruuxa ku abtirsada diinta islaamka, rumaysanna in islaamku yahay diin. Si taa ka duwan, islaamigu waa qofka jecel in uu diinta siyaasadeeyo, oo ku dooda in Islaamku yahay diin iyo dowlad, waddan iyo dhalasho, musxaf iyo seef. Islaamigu quraanka wuxuu ugu jecel yahay aayadda tiraahda: “Ciddaan xukumin wixii Eebbe soo dejiyey kuwaasi waa gaalo uun  /ومن لم يحكم بما أنزل الله فؤلئك هم الكافرون”, waayo? Luqun jibaarka iyo si xun u fasiridda aayaddaani waxay islaamiga fursad u siisaa in uu noqdo keligi muslim, dadka oo dhan diinta wakiil uga ah.

Eraybixinta ‘Islaamiyiinta Ka Dib’ waxaa bixiyey Asef Bayat oo ah bulsho-baare (=sociologist ) Iiraani-Maraykan ah oo aad ugu dhuundaloola dhaqdhaqaayada islaamka siyaasiga ah. Asef eraybixinta wuxuu u isticmaalay si uu u muujiyo isbeddellada waaweyn ee ku dhacaya ururrada Islaamka siyaasiga ah, ka dib markii uu u kuurgalay xaaladda dalka Iiraan ee uu asal ahaan ka soo jeedo.

Asef Bayat dabshidkii 1996 wuxuu soo saaray maqaal uu cinwaan uga dhigay ‘Curashada bulshadii Islaamiyiinta ka Dib /The coming of a Post-Islamism society’. Sannadkii 2013kiina waxaa la daabacay buug Asef uu isku-dubaride ka yahay oo lagu magacaabo “Islaamiyiinta Ka Dib: Wejiyada Isbeddelaya Ee Islaamka Siyaasiga Ah /Post-Islamism: The Changing Faces of Political Islam”. Buuggaan waxaa lagu soo bandhigay tajribada ururrada islaamka siyaasiga ah ee toban dal oo kala ah Iiraan, Turkiga, Marooko, Indooniisiya, Masar, Sacuudiga, Suuriya, Suudaan, Bakistaan iyo Lubnaan. Dalalkaas oo idilna waxaa lagu arkay ifafaale muujinaya in islaamiyiintu wax badan ka baddaleen afkaartoodii hore, waxaana lagu qancay in laga gudbay marxaladdii islaamiyiinta oo loo gudbay marxad cusub oo loo bixiyey ‘Islaamiyiinta Ka Dib’. Wixii intaa ka danbeeyana eraybixinta aad baa loo adeegsaday. Tusaale ahaan, aqoonyahannada kale ee sida weyn eraybixinta u adeegsaday waxaa ka mid ah Olivier Roy iyo Gilles Kepel oo labaduba u dhashay dalka Faransiiska, muddana ku mashquulsanaa ummuuraha islaamka siyaasiga ah.

Dad badan oo qaarkood ay wadaaddo yihiin waxay qabaan in islaamka siyaasiga ahi uu u qaybsamay mid dhintay, mid dhimanaya iyo mid isdhiibay. Marka laga gudbo kuwa dhintay iyo kuwa dhimanaya ee loo yimaado kuwa isdhiibay waxaa la ogaanayaa in ay jiraan islaamiyiin badan oo shakhsiyaad iyo xisbiyaba leh oo afkoortoodii iyo mawaaqiftoodii wax weyn ka beddelay. Tusaale ahaan, ururrada islaamka siyaasiga ah ee ay ka midka yihiin Ikhwaanu Muslimiinka Masar iyo Nahdada Tuunis maanta laguma tilmaami karo in ay yihiin ururro islaami ah, balse waxaa la oran karaa waa ururro muxaafid ah oo la mid ah xisbiyada sita magaca Masiixiyadda ee ka jira waddamada reer Galbeedka qaarkood. Waa ururro bilowgoodii hore sheegan jirey in ay u taagan yihiin difaaca diinta islaamka, ujeeddada loo sameeyeyna ay tahay in la dhaqan geliyo shareecada Islaamka, aragtidooda iyo waxqabadkooda oo dhammina ay ku salaysan yihiin diinta islaamka, laakiin gadaal danbe aayar-aayar mawqifkoodii uga digo rogtey. Sida la wada og yahay ururka Al-Nahada wuxuu si cad ugu dhawaaqay in uu ka haray islaamkii siyaasiga ahaa, uuna si buuxda u noqday xisbi siyaasi ah oo caadi ah. Horayna waxaa loo yiri: “Wadaaddada muslimku calmaaniyadda waa caayaan, laakiin waxay jecel yihiin in ay ku noolaadaan dowlad calmaani ah.”

Dhawaan waxaan dhegaystay waraysi la la yeeshay hoggaamiyaha ururka Al-Nahda Shiikh Raashid Ganuushi oo uu ku yiri: Shiikh ma ahi ee waxaan ahay siyaasi wax ku qaata xaqiiqada dhulka ka jirta, isla markaana uu carrabka ku adkaynayo in shaqada ururkoodu aysan ahayn hirgelinta shareeco iyo fulinta xuduud, laakiin ay ka shaqaynayaa danta iyo doonista shacabkooda iyo xoojinta dimoqoraadiyadda. Waxaana xusid mudan, in ururrada islaamka siyaasigu aysan maanta jeclayn in magacooda lagu daro erayga ‘Islaam’, taa beddelkeedana ay jecel yihiin adeegsiga magcaan ka tarjunta baahida dadka ee adduunyada, sida: “Caddaalad iyo horumar”, “Xorriyad iyo caddaalad” iyo qaar kale oo la mid ah. Waana xaaladahaan oo kale waxa loogu yeeray “Islaamiyiinta ka dib”.

Nuxurka eraybixintu xanbaarsan tahay waa in riyadii khilaafada iyo dowladda islaamku ay dhinteen, laakiin taa beddelkeeda muslimiinta ay ku soo fool leedahay calmaaniyad muuqaal islaam wadata oo musxaf iyo tusbax ka muuqdaan, laakiin cimaamaddii, garkii iyo xijaabkiiba ay qarsoomeen. Sida Olivier Roy uu ku dooday: “Caqliga siyaasadda ayaa ka guulaysanaya caqliga diinta.”

Xaqiiqada jirtaana waxay tahay in wadaaddada muslimka ah badankoodu ay caayaan calmaaniyadda, laakiin isla markaa ay jecel yihiin in ay ku noolaadaan dalalka reer Galbeedka ee calmaaniga ah. Waana halkii Soomaalidu ka tiri: “magaalo qayrkaana u cay adiguna ha deynin.” Sababta wadaaddada ku bixinaysa in ay sidaa yeelaanna waa arrin fudud oo cid walbaa fahmi karto, waana in ay aamminsan yihiin in calmaaniyadda reer Galbeedku ay fursad u siinayso in ay helaan caddaalad iyo xorriyad.

Marxaladda islaamiyiinta ka dib macneheedu ma aha Islaam ka tagid, balse waxaa isbeddel ku dhacayaa fahanka islaamka laga haysto, oo waxaa lagu qancayaa in Islaamku yahay diin ee uusan ahayn dowlad. Sida Asef Bayat uu ku dooday ‘Islaamiyiinta ka dib’ waa “Dhaqdhaqaaq higsanaya in la helo bulsho Alle ka baqda oo ku nool dowlad dimoqoraadi ah.” Islaamnimada iyo dimoqoraadiyadduna isma diidayaan.

Sidoo kale, in lagu jiro marxaddii ‘Islaamiyiinta ka dib” macneheedu ma aha in wadaaddadu meesha ka baxayaan, laakiin macneheedu waa in wadaaddadu ay shaatiga beddelanayaan, oo ay la soo shir tagayaan dood toodii hore nuxur ahaan aad uga geddisan, balse weli muuqaal diini ah wadata oo aayado quraan ah iyo axaadiis xawaaji looga dhigay, halkii hubka ay adeegsadaan uu ka ahaa gaalayn iyo qarxinna ay timaaddada adeegsan doonaan doorasho iyo dimoqraadiyad shuuro loogu soo gabbado. Iyada oo dhab ahaantii shuurada iyo dimoqoraadiyaddu ay aad u kala duwan yihiin, oo shuuradu aysan buuxin karin kaalinka dimoqoraadiyadda.

Haddii aan hadalka sii dooxno, ururrada islaamka siyaasigu waxay ku doodi jireen in islaamku yahay nidaam dhamaystiran oo laamaha nolosha oo dhan – dhaqaale, dhaqan, saynis, siyaasad, waxbarasho, caafimaad – buuxin kara, isla markaana ku habboon seben kasta iyo meel walba oo la joogo. Waxayna adeegsadeen halkudhegyo badan oo uu ka mid yahay halkudhegga caanka ah ee yiraahda: “Islaamkaa xal ah /الإسلام هو الحل”.

Hayeeshee, markii muddo qarni ku dhow la rumaysnaa in xalku ku jiro islaamka siyaasiga ah iyo fulinta shareecada ayaa maanta dad badani waxay ku baraarugeen in islaamka siyaasigu uusan xal ahayn, balse uu caqabad ku yahay dimoqoraadiyadda iyo horumarka. Fashilka ku dhacay islaamka siyaasigu ma aha fashil siyaasadeed oo keliya, laakiin waa fashil akhlaaqda iyo ruuxda ku dhacay. Waa eed laga galay diinta iyo damiirka dadka Muslimka ah ee muddada dheer meesha hungada ah loogu gacan haatinayey.

Islaamka siyaasiga ahi fikradda uu dowladnimada ka haysto wuxuu ku saleeyaa nusuus iyo fasiraad jirey ka hor inta aan labaran fikradda dowladnimada maanta dunida laga yaqaan ee dowlad qaran (=Nation-state). Dowladaha casriga ahi waxay ku salaysan yihiin tiirarka gobol iyo shacab oo dhala waddan iyo muwaadin. Si taa ka duwan, islaamka siyaasiga ahi dowladnimada wuxuu tiirar uga dhigaa ummad iyo caqiido isu geyntoodu ay keenaan raciyo isku diin ah oo hoos yimaada taliye ama xaakim  muslim ah.

Islaamku markuu curtay dunida waxaa laga yaqiin fikradda imbiraadooriyadda, Muslimiintuna waxay dhidibada u taageen imbiraadooriyad weyn oo muddo kun sano ka badan siyaabo kala duwan dunida uga jirtey. Hayeeshee, kolkii dunidu ka gudubtay marxaddii imbiraadooriyadda ee loo gudbay marxaladda dowladnimada ayaa muslimiinta qaarkood waxay janteen in dib loogu noqdo marxaladdii imbiraadooriyadda, taas oo ah riyo maalmeed aan suurogalayn.

Fiqiga islaamku weligiis sabool buu ku ahaa dhanka dowladnimada iyo maamul wanaagga. Tusaale ahaan, fuqahada islaamku wax badan bay ka yiraahdeen dahaarada, nijaasada, caadada dumarka iyo sida suuliga loo galo, laakiin wax la sheego kama aysan oran sida talada dowladda loola kala wareego iyada oo la nabdoon yahay iyo sida madaxda dowladda loo casilo kolka la dhaliilo kartidooda iyo waxqabadkooda. Arrinkaasina waa midka horseeday in muslimiintu taariikhdooda inteeda badan ay ku hoos jireen boqorro wada keli talis ah, waana isla arrinkaas midka keenay in la dilo saddex ka mid ah afartii khulafaa’u raashidiinta ahaa ee nebiga ugu dhawaa (=Cumar bin Khadaab, Cusmaan bin Cafaan iyo Cali bin Abii Daalib).

Dowladnimadu ma ah fikrad samada ka timid, mana ah arrin Alle loogu adeego, balse waa fikrad dhulka ka curatay aadamigana loogu daneeyo. Muslimiintu waxay u baahan yihiin iimaan qofka khuseeya ee uma baahna iimaan bulshada oo dhan khuseeya. Haddii si kale loo dhigo, Muslimiintu ma doonayaan bulsho wax walba -siyaasad, dhaqan, dhaqaale-Islaam yahay, balse waxay raadinayaan iimaan shakhsi ah oo ay ka helaan ruuxaaniyad ay ku xasilaan. Shaqada dowladda loo igmadaana ma aha in ay ku mashquusho caqiidada dadku rumaysan yihiin iyo waxa ay qabriga iyo aakhiro kala kulmi doonaan, balse waa in ay bulshada u qabato adeegyada kala duwan ee ay u baahan yihiin iyo in ay hirgeliso mashaariic horumarineed oo keena in la gaaro bulsho nabad, barwaaqo iyo baraare adduun ku naalloota.

 

Wadaaddada islaamka siyaasigu wax walba oo ay doonayaan iyo khalad kasta oo ay galaan waxay qiil uga dhigaan oraahda ay ugu yeeraan “Fiqiga baahida lama huraanka ah /فقه الضرورة”. Figiga baahidu waa oraah wadaaddadu wax walba oo xaaraan ah ay ku xalaashadaan. Waana tii horay loo yiri: “Qiil uu ku bannaysto iyo qandi uu ku rito labadaba wadaad baa leh”. Su’aasha ay tahay in wadaaddada la weydiiyaana waxa weeye: Haddii aad ‘fiqiga baahida’ wax walba ku bannaysateen, sidee baad u macnaynaysaan aayadda quraanka ah ee oranaysa: “Waxba kagama aannan tagin buugga (=kitaabka quraanka) /ما فرطنا في الكتاب من شئ”.

Waxaa jira kaftan dhable yiraahda: islaamiyiintu waxay qaateen tilmaan Eebbe keligii isku tilmaamay oo ah in uu goor walba sha’ni gooni ah ku sugan yahay (كل يوم هو في شان ). Inta islaamiyiintu tilmaantaas ilaahnimo sitaanna lagama yaabo in cidi ka gar hesho- calmaaniyiin iyo qeyrkood. Xaaladda wadaaddada siyaasiyiinta u xuubsiibteyna waxaa ku rumoobaysa oraadii horay wadaadka Soomaaliyeed looga guntay ee ahayd: “La joojiyaa bannaan, la jiifiyaana bannaan.”

Iyaga iyo ku Allahoode, waxay sheegeen in wax yar ka dib dagaalkii Safeyn ee Cali bin Abi Daalib iyo Mucaawiye dhexmaray, uu nin reer Kuufa ahaa oo rati wataa uu tagay magaalada Dimishiq oo Mucaawiye xarun u ahayd. Ninkii markuu magaalada galay waxaa ratigii kula dhegay nin reer Dimishiq ah oo ku dacwinaya in ninku wato hashiisii kaga dhuntay dagaalkii Safeyn. Ninkii oo wata konton nin oo markhaati ah iyo ninkii reer Kuufa ayaa waxaa loo geeyey Mucaawiye, Mucaawiyana neefkii geela ahaa wuxuu u xukumay ninkii reer Dimishiq. Markaana ninkii Ciraaqaga ahaa oo Mucaawiye la hadlaya ayaa wuxuu yiri: Ilaah ha ku dhawree neefka aan wataa hal ma ah ee waa rati? Mucaawiyana wuxuu ugu jawaabay: go’aanku waa sida uu u dhacay ee ninka neefka ku wareeji.
Kolkii meeshii lagu kala tagay ayaa Mucaawiye askartiisii wuxuu ku amray in
ay u raadiyaan ninkii Ciraaqiga ahaa ee uu neefka ka xukumay. Markii loo keenayna wuxuu ka raalligeliyey khaladka laga galay, wuxuuna siiyey lacag toban rati goysa, wuxuuna ku yiri: “Cali waxaad iga gaarsiisaa in aan kula dagaallamayo boqol kun oo uusan ku jirin mid qura oo kala saari kara hal iyo rati /أبلغ عليا إني أقاتله بمائة ألف ما فيهم من يفرق بين الناقة والجمل”. Rag aan waxba isweydiin ee amarka la siiyo oo keliya ku shaqeeya.
Tabtaa maanta waxaa ka dhigan xaaladda wadaaddada hor booda islaamka siyaasiga ah iyo caamada muslimiinta oo ku jira kaalinkii askartii Mucaawiye ee hasha iyo ratiga aan kala aqoon.

Isku soo xooriyoo, si la mid ah sida maaddadu aysan u dhiman ee ay isu dhalan-rogto ayaan afkaartuna u dhiman ee isu dhalan rogtaa. Ururrada islaamka siyaasigu dhakhso ku dhiman maayaan, laakiin si aayar ayaar ah bay qaabab kale ugu xuubsiiban doonaan, weydiinta meesha ku jirtaase waxay tahay taklifo intee le’eg bay tahay in Muslimiintu bixiyaan ka hor inta isdhalan roggu uusan si buuxda u hirgelin???

Islaamiyiintu waa in ay ka tanaasulaan halkudhegga ay muddada dheer ku caano maaleen ee “Islaamkaa xal ah /الإسلام هو الحل”, ka dib marka taariikhda iyo tajaaribtu ay si buuxda u caddeeyeen in uu yahay halkudheg aan xaqiiqo ka tarjumeyn ee dareenka dadka oo keliya lagu kiciyo. Islaamku waa diin qofka samada ku xirta, laakiin ma aha nidaam loo adeegsado baahida dowladnimo ee bulsho u baahan tahay.

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil

sismail42@gmail.com